Sign in to follow this  
Land_Soldier

Riyaale is a citizen again

Recommended Posts

Madaxweynihii Hore ee Somaliland Daahir Rayaale Oo Dalka Ka Dhoofay

 

 

Hargeysa (HWN)- Madaxweynihii hore ee Somaliland ee lagaga guulaystay tartankii doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii bishii la soo dhaafay ee June Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta ka ambo baxay dalka waxaanu u kicitimay dalka isku taga Imaaraadka Carabta.

 

Madaxweynihii hore oo maanta ka dhoofay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport Hargeysa, waxa si weyn u sii sagootiyay illaa tobaneeye Xubnood oo ka mid ahaa Golihiisii Wasiirada, kuwaasi oo ay Hoggaaminayeen Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo Wasiirkii hore ee Maaliyada Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil).

Md. Daahir Rayaale Kaahin, waxa socdaalkiisan ku weheliyay Wasiirkiisii hore ee Macdanta iyo Biyaha Md. Cismaan Sh. Cabdi Maxamed, oo ay qaraabo dhow yihiin xaaskiisa Marwo Hudda Barkhad Aadan.

 

Madaxweynihii hore kama uu hadlin socdaalkiisan oo ah kii ugu horreeyay ee dalka dibada uga baxo tan iyo markii uu xilka wareejiyay 27-kii bishii hore ee July, hase yeeshee waxa la sheegay in dalka Imaaraadka Carabta ay ku sugan yihiin qeyb ka mid ah qoyskiisii oo ay ka mid tahay Marwadiisii Marwo Hudda Barkhad Aadan.

 

Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo qadar ku yara nastay qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa waxa uu sii gacan qaaday oo uu u mahad celiyay xubnihii Wasiiradii xukuumadiisii hore ee sii sagootiyay.

 

Madaxweyne Rayaale ayaa xukuumada cusub ee Madaxweyne Siilaanyo ku wareejiyay dayn aad u badan oo ay ka dayriyeen xukuumada cusubi kaasi oo dhan Balaayiin shilin.

 

Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo ahaa Madaxweynihii u horreeyay ee shacbigu soo doortaan tan iyo markii Somaliland ay ka hirgashay hanaanka dimuqraadiyada iyo axsaabta badan.

 

Waxa kale oo uu lagu uu magac iyo sumcad weyn ku kasbaday sidii milgaha iyo nabad gelyada lahayd ee uu xilka u wareejiyay una aqbalay natiijadii doorashada ka soo baxday.

 

Waxaanu tilmaamay inuu garab taagan yahay oo uu la shaqayn doono Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Share this post


Link to post
Share on other sites

What is so fuzzy him having tea at mansoor hotel after hiding 2 weeks plus in his house since handed over power.

 

in contray, Adde Musse was in the FADHI KUDIRIR at Garowe in the afternoon of same day he handed over power. Daringly saying waraa ani cidmaan danbi ka gallay nooh!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jacaylbaro:

The former vice president is also roaming in the city without any security escort. A friend of mine met him in one of the restaurants in the down town and had tea with him.

 

They were even discussing politics ,,,
:D

that was shame on that post

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

45337764694559171769540.jpg

 

The only Soomaali madaxweyne xilkiisa si nabad iyo daacad ah ku wareejiye and still lived in his country for decades in peace and no disturbance. And he was finally buried in his honourable soil.

 

Inta kale waa qashin.

Who is this?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this