Sign in to follow this  
Land_Soldier

Riyaale is a citizen again

Recommended Posts

Daahir Rayaale Oo Markii U Horeysay Soo Dhex Galay Goobaha Dadweynuhu Ku Kulmaan, Isagoo Aan Wadan Ciidamadiisii Ku Gaashaanaan Jiray Qoryaha Silsiladaha Leh. Rayaale Wuxuu Soo Galay Hotel Maansoor Isaga iyo Dirawlakiisii Oo Kaliya, Waxaanay Dalbadeen Shaah

 

Hargeysa, August 6, 2010 (Haatuf)-Madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale kaahin ayaa markii ugu horeysay shalay lagu arkay meel ka baxsan gurigiisa isaga oo aanay la socon askar ama ilaaladii lagu yaqaanay markii uu xilka hayay

 

Shalay abaaro 11:00 barqanimo markay saacaddu ahayd ayuu Daahir Rayaale Kaahin soo galay Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, isagoo aanay cidina la socon si caadi ahna isaga xaragoonaya.

 

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin markii uu soo galayey Hotelka Maansor waxaa la socday dirawalkiisa oo keli ah.

 

Waa markii ugu horesay ee indhaha dadweynuhu qabtaan Daahir Rayaale oo si caadi ah u dhex maraya bulshadiisa isaga oo aan ahayn Madaxweyne.

 

Madaxweynihii hore waxa uu sidoo kale shalay booqday Madaxtooyada waxaana la sheegay inuu kulan gaaban halkaasi kula yeeshay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

 

Dhanka kale waxa shalay galinkii hore iyaguna ku sugnaa Hotel Maansoor, koox ka mid ah wasiiro ka tirsanaa xukuumaddii Rayaale, kuwaas oo qaar ka mid ah halkaasi u tageen ka qayb galka xaflad meher oo Hotelka ka dhacaysay. Waxaana kamid ahaa wasiiradaasi, wasiirkii hore ee warfaafinta Axmed Xaaji Daahir Cilmi, wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, Cabdullaahi Maxamed Ducaale,wasiirkii hore ee Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdirisaaq Waaberi,Madaxa Hayd’adda la dagaalanka cudurka AIDS-ka Maxamed Xuseen Cismaan [muaddinka] iyo xubno kale oo ka mida taageerayashii xisbiga UDUB.

 

Si kastaba ha ahaatee booqashada uu madaxweynihii hore ku tagay hoteelada la isugu yimaado ayaa la odhan karaa waxay ka dhalatay siddii sharafta lahayd ee doorashadii lagaga adkaaday uu u aqbalay, taasoo kor u qaaday sumcadii uu bulshada iyo caalamkaba ku lahaa Daahir Rayaale Kaahin.

 

Dhanka kale, madaxweynaha Somaliland,Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isaguna maalintii doraad waxa uu ku sugnaa hotel Maansoor, isagoo ka qayb galayay munaasibadii uu guddoomiyenimada xisbiga Kulmiye ugu wareejinayay Muuse Biixi Cabdi, waxaana xiligaasi madaxweyne Siilaanyo hor socday ciidan ilaalo ah oo aad u fara badan kuwaas oo taxnaa ilaa hoteelka dibadiisa, arrintaas oo ka duwanayd bil ka hor habkii uu u iman jiray hoteelada iyadoo aanay wax ilaalo ah la socon marka laga reebo askari keli ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

lol, Riyaale doesn't need security at Mansoor Hotel, the security is already tight there, and as the article mentioned many of his former ministers are there who had security personnal and escorts with them.

 

 

PS: What is the meaning of this article!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

^^^The meaning is that unlike the norm for Somali politicians, he is NOT seeking refugee elsewhere as soon as he left the white house (what colour is the president house JB?)Nor has he run to his family in Boorame, Instead Hargisa ayu dhex xaragoonya. THAT is the meaning I think. icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ loool@Waxaanay Dalbadeen Shaah

 

 

shaah at 11AM, in Mansoo waliba, waxaa dhaantey Sharaab bey dalbadeen iney dhahaan.

 

 

Ibti, you are right. the man is roaming in Hargeisa, yaa ogaado he had with him minimum 10 cars guiding him.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The former vice president is also roaming in the city without any security escort. A friend of mine met him in one of the restaurants in the down town and had tea with him.

 

They were even discussing politics ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

I don't understand why people find this newsworth or suprising. IT IS THEIR COUNTRY, they identified with it enough to rule it, why should they now not walk around their home town? and why does the media keep following them? Cadubililah, even telling us they drink tea, really? you mean after all wa human. I am waiting for the next article; Riyaal goes to local mosque for CIID.

 

Nuune why does he need guards? Fuulanimo atheerika ha ku cay yeah. Wa geesi (ahem although I am waiting for him to come to Burco and walk around, order tea at City Plaza.) icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ibti, you grew up in the UK but the world (i mean the other world) is different specially in Africa. Most of the former leaders leave the country and reside in another continent. This is coz of the corruption the committed or the people they had a problem with plus some crimes they probably committed.

 

That is the point that the article is trying to make.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Well JB, iidinku you claim iinnad ka hooresan Africa, wax kasta indinka aya first nation aha, ruunta sheek, the next article will be "Somaliland; The first African nation where the former president resides in his home country"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by *Ibtisam:

Well JB, iidinku you claim iinnad ka hooresan Africa, wax kasta indinka aya first nation aha, ruunta sheek, the next article will be
"Somaliland; The first African nation where the former president resides in his home country"

Ibti, I thaught you were a lady from the Land? Are you telling me you are Hunno or Abaayo?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this