Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Puntland religious leaders (Ulumaa) speak out about the violence/war in the south

Recommended Posts

Baaq ka soo baxay culimada gobollada W/bari Soomaaliya (Puntland)

By Somalimirror on 8 Jun, 2009 7:09 PM in Baaqyada, Main, Wararka

 

Shabakadda warbaahinta ee Somalimirror waxaa soo gaaray nuqul kamid ah bayaan ay soo saareen culimaa’uddiinka gobollada waqooyi bari ee Soomaaliya. Bayaankan oo ku saabsan dagaallada ka holcaya gobollada koofureed ee dalka iyo heshiiska badda ee dhexmaray dowaladda Kenya iyo DFKMG wuxuu u qornaa sidan:-

 

Shir dhowr casho socday oo ka dhacay magaalada Garoowe arrimo door ahna looga wadahadlay, ayna isku arkeen culimo ka kala timid magaalooyinka Boosaaso, Garoowe, & Laascaanood, oo wadatashiyadiisii maanta soo gabagaboobeen 08/06/2009, loogana arrinsaday xaaladda qallafsan ee dalku marayo, ayaa falanqeyn ku saabsan marxallada lagu jiro & saadaalin ku aaddan khataraha waaweyn ee dalka ku soo fool leh kadib, waxaa ka soo baxay bayaankan:-

 

1) Dagaalka ka socda gobollada koofureed ee sababay dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur dhaqaale, sumcad xumana usoo hoyiyay dadka Muslimiinta ah, waxaan garabyada isaga soo horjeeda dirirtaas ugu baaqeynaa in ay is-maan-dhaafkooda ku xalliyaan wada hadal & in ay si deg-deg ah u joojiyaan dhiigga xurmada leh ee ay daadinayaan, annagoo Alle ku dhaarineyna xasuusineyna mas’uuliyadda adduun iyo tan aakhiro, waana in la ogaadaa mas’uuliyadda dhibaatada arrintaa ka dhalata inay ku gaar tahay dadka faraha kula jira oo kali ah. Mar kale waxaan si adag ugu baaqaynaa in la joojiyo dirirta lana wada hadlo si dagaalkan uusan sabab ugu noqon in ciidamada shisheeye ee dalka jooga ay marmarsiinyo ugu helaan joogitaankooda ciidda soomaaliyeed iyo in lagu soo kordhiyo kuwo hor leh oo lagu xoojiyo kuwa jooga iyo tiyaaraad munxarif ah inay soo noolaadaan.

 

2) Dagaalkaas ka socda gobollada koofureed waa dagaal u dhexeeya dad muslimiin ah, sheegashooyinka & waxyaabaha la isku hayana is dhex galeen, dagaalka noocan ah ee dhex mara dadka muslimiinta ah, waxa ka dhalan karana la saadaalin karo, xagna ujeedadiisunaysan caddeyn waa dagaal fitno ah, taageeriddiisa iyo ka qeybgalkiisuna ay xaaraam tahay.

 

3) Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeynaa meel kasta oo ay joogaan iyo guud ahaan ummadda Islaamka in ay si hagar la’aan ah ugu gurmadaan dhaawaca walaalahooda Soomaaliyeed ee isbitaallada buux-dhaafiyay iyo kuwa ka barakacay dagaallada ka socda gobollada koofureed ee dibad-yaalka u noqday roobka, milicda iyo dhaxanta, iyadoo ay u weheliyaan gaajo, harraad iyo cudurro ka dhashay duruufta adag ee ay ku jiraan.

 

4) Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG wuxuu abuuray jahawareer, shaki iyo kalsooni darro, iyadoo dad bandanna ay tibaaxayaan heshiiskaasi uu yahay mid khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed; waxaan ku baaqeynaa in heshiiskaas loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG, haddii laga maarmi waayana la soo hordhigo shacbiga Soomaaliyeed si go’aan mideysan oo calool fiyoobi iyo hufnaan leh looga qaato. Waxaanan ku baaqeynaa in xilligan uu dalku ku jiro xaaladaha aan caadiga aheyn ee aysan dowladdu laheyn awood fulineed in DFKMG ay ka baaqsato inay gasho heshiis saameyn ku yeelanaya masiirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

 

Saxiixayaasha bayaanka

 

1) Sh. C/Qaadir Nuur Faarax

 

2) Dr. Axmed X. C/Raxmaan Maxamed

 

3) Sh. Daahir Aw-Cabdi

 

4) Sh. Axmed-Daahir Xasan Xuseen

 

5) Sh. C/Naasir Xaaji Axmed

 

6) Dr. C/Qaadir Maxamed Cabdalla

 

7) Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf

 

Sh. Axmed C/Samad Cabdille

 

9) Sh. Xasan Maxamed Ibraahim (Abu Xassaan)

 

10) Sh. C/Qani Qorane Maxamed

 

11) Sh. Yaasiin C/laahi Cali

Share this post


Link to post
Share on other sites
According to the Ulama of Puntland who had a meeting the last couple of days, they vehemently made it clear, that the violence happening in the south in general and Mogadishu in particular are of a mischiefious nature and hence any participation of it to be outlawed and religiously not permissabe including but not limited to the siding with one party over the other, contributing financially and participating in any other way.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Very clear massege from our Ulamaa in Puntland, the southern ulamaa should speak with same clear message not mix signaled confusing massege "Calina gar leh Caydiidna Jid leh."

Share this post


Link to post
Share on other sites
osman_nz   

Yes i respect our moderate ulama who respect the law of the land and administration of puntland. However their is shabab sympathisers among them who will be weeded out slowly from society or rehabilitated to learn to respect the administration of puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Aw-Muuse/Yoonis/Sakh ar(aan):

 

Abti feeri, the Esteemed Holy Culumaa who specialise in lecturing about xayd, nifaas, and aadaab laylatul al-nikaax, horta salaan iga gaarsi.

 

Intaa kadib, I hope they will muster up enough Alle-ka-cabsi(laa yakhaafoona fillahi lowmata laa'im) to answer these 14 questions for me and the audience.

 

I hope the Puntland Holy Culumaa speak the Xaq without regard to the wishes and desires of Ameer-ul-Mu'mineen Faroole and the Xabashi religous liason(Garowe office) as this KN article makes clear.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Where were this Ulamaa when Itoobiyaanka ay dagaalka ka wadeen Koofurta Soomaaliya? I guess they were all away or they couldn't speak against that?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Why are you not demonstrating now against the killings in Mogadishu? Adeer dont open your mouth against the religious leaders they knew it was what it is today. Fitna started by your likes. The difference is today they are pretending to fight for Islam. The Ulema have said no its not.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

This war between the two killers (so called Mullahs) has done nothing but to kill more innocent and the led to the destruction of already suffering and destroyed city with little hope in the way, so I wholeheartedly agree with call of the Uluma from the state of Puntland, it is highly important to stop this madness and massacre of the innocents urgently...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by General Duke:

^^^Why are you not demonstrating now against the killings in Mogadishu? Adeer dont open your mouth against the religious leaders they knew it was what it is today. Fitna started by your likes. The difference is today they are pretending to fight for Islam. The Ulema have said no its not.

You only count Ulima those you think are from your tuulo aad is leedahay awoowgaa baa degganaa...Sad!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^The list of the individuals above is clear, you seem to have a problem with them adeer you are indeed sad and confused. Puntland and its people will strive to move foreword, nothing a former Aydeed gunner can do.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Kashafa very funny brother! Ninka aan Fiqu xeyd aan kajawaabi karin laakiin cilmigiisu uu gaarsiyey inuu fatwo ka bixiyo whole fighting against muslims soo arin aan caadi aheyn maha! By the way, mararka qaarkood wey banaan tahay in dad muslim ah lala diriro laakiin Culimadaa arinkaas fatwadooda looga fadhiyaa!.

 

 

Abwaan, How are you brother. Please refer to the below article! Most of the names you see the below list will also be found the above fatwa.

 

Fatwa Culimada Somaliyeed

Jun 02, 2007

Markii ugu horeysa taariikhda casriga ee Soomaaliya ayaa culumaa’udiinka Soomaaliyeed waxa ay mowqif mideysan ka qaateen xaalada dalka Soomaaliya iyagoo ku baaqay in ciidamada Itoobiya inay ka baxaan dalka Soomaaliya haddii kale ay waajib diini tahay in qof walba oo muslin ah ay waajib diini ku tahay inuu la dagaalamo ciidamadaas si looga xoreeyo dalka Soomaaliya.

Culimadaas ayaa shaaca ka qaaday in wax shaki aysan ku jirin in qofkii naftiisa waaya isagoo la dagaalamaya ciidamda Itoobiya ee jooga dalka Soomaaliya uu galayo janada.

 

Waxaa kale oo ay culimada Soomaalida ay sheegeen in qofkii dhinta isaga oo ku jira safka ciidanka Itoobiya aysan wax shaki ku jirin inuu naarta galayo sida diinta islaamka ay noo sheegtay.

 

Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa uga digay dadka Soomaalida inaan lagu beer laxawsan magac qabiil si loo taageero gaalo isla markaana loola dagaalamo dad muslimiin ah isla markaana waxaa ay sheegeen inaan loo baahneen inuu salaad iyo soon isku daaliyo oo muslinimo been ah uu afka ka sheegto qof ka baxay diinta islaamka oo la saf noqdey gaalo ku kufrisay ilaah S.W. iyo nabigiisii maxamed ahaa N.N.N.K.H.A.

 

Culumadu waxa ay aad uga digeen taageerada la siiyo gaalada in diinta looga baxo ha yaraato ama ha badnaatee isla markaana islaanimadu aysan aheen in qofku magac muslin leeyahay ama in aabihiis iyo hooyadii ay muslimiin yihiin oo lagu dhalay diinta islaamka.

 

Bayaankaa ayaa waxa ku muujiyay dhamaan mowqif mideysan dhamaan kooxaha kala duwan ee leh aragtiyada kala duwan ee ah qaabka dowlad islaam ay ku imaan karta iyadoo bayaanka ay ka dhex muuqdaan kooxaha wadamada reer galbeedka ay ku tiriyaan qunyar socodka iyo kuwa ay ku sheegaan seef laboodka taasoo runtii ah miisaan culus oo u baahan in maamulka dalka Itoobiya u dib u gurto ciidamadiisa jooga dalka Soomaaliya maadaama hadda arintu ay u muuqan karto inay yeelato waji kale oo halgan wadaniyeed oo mideeya dhamaan kooxaha kala aragtida duwan ee ka jira dalka Soomaaliya kuwaas oo in badan oo ka mid ah ay ku baaqi jireen in la joojiyo dagaalada hubeysan ee laga dhex wado gudaha dalka Itoobiya maadaama aanan wax natiijo oo aan aheyn burbur iyo barakicis aynaan keeneen.

 

QORAALKII CULUMAA’UDIINKA WAXAA U QORNAA SIDATAN:-

 

Ilaahay waxa uu ku waajibiyay culimada in ay dadka xaqa u caddeeyaan. Allaah wuxuu yiri: (( Kuwa qarinaya aayadaha iyo hanuunka cad cad ee aan soo dajinay, ka dib markaan dadka ugu caddaynay kitaabka, kuwaas Allaah ayaa lacnadaya, kuwa wax lacanadana way lacnadayaan)).

 

Cidna kama qarsoona gumaysiga Xabashida ee Maraykanku kaalmaynayo ee Soomaaliya qabsaday iyo khasaarooyinka ka dhashay ee naf, maal iyo kuwa kaleba leh oo aan la soo koobi karin. Duullaankaan wuxuu ka mid yahay ololaha caalamiga ah ee Maraykanku hoggaaminayo ee lagula dagaallamayo ummadda muslinka ah iyada oo loogu soo gabbanayo waxa loogu yeero: la dagaallanka argagixisada. Haddaba waxaan soo jeedinaynaa baaqaan waqti bulshada reer Muqdisho uu ku soo wajahan yahay dagaal ciribtir ah oo cusub kaas oo abbaaraya dadka rayidka ah oo leh carruur iyo haweenba. Duullaanka Xabshidu waxa uu xoog saarayaa xaafadaha dadweynuhu daggan yihiin. Waxaas oo dhani waxay dhacayaan iyada oo caalamku arkayo, uun maqlayo wax tillaabo ahna aan laga qaadayn.

 

Bayaankii

 

Waxaan ugu baaqaynaa shacabkayaga in uu kaga hortago gumaysiga wax kasta oo uu awoodo ilaa cadawgu dib uga gurto dalkuna xoroobo. Waxaa ka xaaraan ah qof kasta oo ka mid ah shacbiga Soomaaliyeed in uu gaalada uga hiilliyo muslimiinta; si ay u gaaraan ujeedooyinkooda gumaysi. Qofkii la soo safta gaalada waxa uu kala xukun yahay axkaamta oo dhan, wuxuuna noqonayaa taargad muqaawamada u calaamaysan. Waxaan uga digaynaa kuwa u hiillinaya gaalada in ay ku sii socdaan u adeegista gaalada.

 

Waxaa socda xilligaan diyaargaraynta duullaan weyn oo cusub oo looga jeedo in lagu gumaado dadweynaha reer Muqdisho, laguna burburiyo hantidooda, sidaa aawadeed waxaa ugu baaqaynaa bulshaweynta Soomaaliyeed in ay u kacaan sidii looga hortagi lahaa duullaankaas soo fool leh iayaga oo adeegsanaya wax kasta oo ay heli karaan. Caalamka intiisa kalena waxaan ugu baaqaynaa in uu u hawlgalo sidii looga hortagi lahaa masiibada weyn eel ala damacsan yahay dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Waxa xilligaan ka socda Muqdisho ma aha dagaal u dhexeeya laba qoys oo Soomaali ah ee waa dagaal u dhexeeya Xabashida oo ay dabada ka waddo Ameerika, ayna hor socdaan daba******yo Soomaali ah oo qabiilooyinka oo dhan ka dhashay. In dagaalka socda loo badalo dagaal sokeeyena waa waxa ay doonayaan cadawgeennu; sidaa darted waa in aynu ka digtoonaano in aynu ku dhacno shirqoolka cadawgu inoo maleegayo.

 

Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan Soomaalida kala qaybqaadanaysa Xabashida dagaalka ay ku soo qaadday shacbiga Soomaaliyeed in ay Rabbi u toobad keenaan oo ay ka waantoobaan xasuuqa ay ku hayaan dadkooda, ayna faraha kala baxaan fal dambiyeedka foosha xun ee ay ku dheceen.

 

Waxaan ugu baaqaynaa shacbiga Soomaaliyeed, qabaa'ilkiisa iyo kooxihiisaba in ay ku dhaqaaqaan heshiis dhab ah, ayna mashaakilkooda iyagu xallistaan iyada oo aanay cid kale soo faragalin.

Ugu dambayntii waxaan uga tacsiyaynaynaa dhammaan dadkayaga, gaar ahaan kuwa dhibaatooyinku ka soo gaareen xasuuqa gaaladu ku hayso dadkeenna, waxaana xasuusinaynaa in ay leeyihiin Rabbi u hiillinaya oo cid kasta ka awood badan, waxaan kale oo ku boorrinaynaa dadkayaga in ay noqdaan kuwa mutaysta hiilka Alle, ayna ku kalsoonaadaan Rabbigood, isla markaana ay badiyaan baryadiisa.

 

Gabagabadii Waxaan ka baryaynaa Allaha sare ee awoodda leh in uu ka dul qaado ummaddayada dhibaatooyinka iyo shiddada, isaga ayaa sidaas u ahal ah oo kara'e. Alle ha u naxariisto, hana nabadgaliyo Nabigeenna Muxammad ah, aalkiisa iyo asxaabtiisaba.

 

Muqdisho 26/03/1428 - 14/04/2007

 

Culimada Saxiixday:

 

Sh. Shariif C/nuur Shariif Xasan

Sh. Max'ed Nuur Qawi

Sh. Cali Warsame Xasan

Sh. Cumar Iimaan Abuubakar

Sh. C/laahi Cali Xaashi

Sh. Max'ud Ciise Max'ud

Sh. Nuur Baaruud Gurxan

Sh. Nuur Macallin C/raxmaan

Sh. Jaamac C/salaam Warsame

Sh. C/risaaq Aadan Macallin

Sh. Xasan Xuseen Axmed

Sh. Cilmi Dhuxulow Gacal

Sh. Max'ud Macallin Nuur

Sh. C/laahi Max'ud Ciie

Sh. C/laahi Daahir Jaamac

Sh. Muuse M. Daahir Aweys

Sh. Xasan Max'ud Takar

Sh. Yuusuf Cabdi Cawad

Sh. Cismaan Ibraahin Faarax

Sh. Bashiir Caddow Calasow

Sh. Max'ed Shukri Xasan

Sh. C/laahi Cali Afrax

Sh. Jaamac Cismaan Axmed

Sh. C/laahi Sh. Nuur

Sh. Axmed Bile Xasan

Sh. Max'ed Barow Max'ud

Sh. Basiir Axmed Salaad

Sh. Yuusuf Cali Caynte

Sh. Max'ed Bashaar C/kariim

Sh. Nuur Cali Jaamac

Sh. Max'ud Cabdi Ibraahim

Sh. Xasan Axmed Max'ud (Xasan dheere)

Sh. C/raxmaan Axmed Cilmi ( Abyad )

Sh. Yuusuf Tuurxume Jumcaale

Sh. Max'ed Ibraahim Xayle

Sh. Max'ed C/laahi (Casoowe)

Sh. Axmed Cabdi Dhicisow

Sh. C/laahi Axmed Cali

Sh. Jibriil Ibraahim Cali

Sh. Max'ud Ibraahim Suuley

Sh. C/qani Qorane Max'ed

Sh. Axmed Max'ed Suleymaan

Sh. Axmed C/laahi Carab

Sh. Xasan Max'ed Ibraahim

Sh. C/qaadir Sh. Max'ud Sh. Nuur

Sh. Faarax Cali Xuseen

Sh. Max'ed Aadam Buraale

Sh. Max'ed Muuse Cabdulle

Sh. C/casiis Xasan Faarax

Sh. Xuseen Buulle Axmed

Sh. Axmed Cabdi Aadam

Sh. Cali Max'ed Cumar (Suule)

Sh. Cumar Max'ud Cabdi

Sh. Cali-nuur Axmed Max'ed (xogsade)

Dr. Cali Saalix

Sh. C/raxmaan Max'ud Faarax

Sh. Axmed C/samad

Sh. Max'ud Sh. Axmed Xasan

Sh. Cumar Daahir

Sh. Max'ed Tahliil Warsame

Sh. C/qaadir Xasan Warsame

Sh. C/samad C/laahi Cabdi

Sh. Xuseen C/laahi Barre

Sh. C/fataax Xasan Axmed

Sh. Faysal jaamac

Sh. Muuse Cabdi Caraale

Sh. Xuseen Sh. Cali Fiidow

Sh. Xasan Sh. Max'ud

Sh. Kamaal Xasan Cawl

Sh.C/nuur Xirsi (dhoolweyn)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by General Duke:

^^^ nothing a former Aydeed gunner can do.

lol... I thought in gurigiinna shaadali loogu karin jirey...need I say more?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

I am doing gr8 Sophist Alxamdulillah, how are you? Thanks bro, this is what a real man does...come forward with the truth...thanks for article bro. I haven't seen it before and I take my question back now.

 

I have only seen Sh. C/Qani in the new list!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool. You rushed in and opened your mouth as usual, anyhow nothing less from a graduate of Aydeed Sr High School. Are you still making those famous 360 degree turns again :D ..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this