Sign in to follow this  
baalcade

Safaarada Ingiriiska ee Adis-ababa oo Riyaale u Diiday Fiisihii uu ku iman lahaa

Recommended Posts

baalcade   

Safaarada Ingiriiska ee Adis-ababa oo Riyaale u Diiday Fiisihii uu ku iman lahaa

 

iyaga oo amar ku siiyay inuu soo qaato Passportka cusub ee Somalia oo ah kay aqoonsanyihiin Dawladaha caalamka oo dhan.

 

Adis-ababa 05-01-08

 

Waxaa manta soo shaac baxday inuu hakad galay safarkii uu Madaxwaynaha Maamulka la magic baxay Somaliland uu ku iman lahaa dalka ingiriiska isaga oo usii gudbi lahaa wadanka maraykanka.

 

Hakadka ku yimi Safarka Madaxwaynaha Maamulka Somaliland ayaan ayaan wax ka waydiinay xubno ka tirsan wafdigiisa oo codsaday inaan magacooda la shaacin, waxayna Xubnahaasi noo Xaqiijiyeen in Safaarada Ingiriiska ee ku taala Magaalada Addis-ababa ay u diiday Riyaale & wafdigiisaba fiisayaashay ku tagi lahaayeen dalka Ingiriiska. Iyaga oo ku war geliyay in Xukuumada Ingiriisku ay Aqoonsantahay Passportka Cusub ee Dawlada Faderaalka Soomaaliya ayna fiise siin karaa Dublamaasiyiinta sita passportka Diplomaasiga ah ee Dawlada Federaalka Soomaaliya,

 

iyaga oo intaas raaciyay in hadii ay u ogolaadaan Riyaale inay Passport Somaliland leedahay ay Fiise ku siiyaan inay la macno tahay inay Xukuumadoodu Aqoonsantahay Maamulka Somaliland.

 

Sidoo kale ayaa waxaa jira warar sheegaya in Safaarada Maraykankuna ay Taagantahay Mawqifkaas mid la mida ayna Riyaale ugu baaqeen habka kaliya ee uu safarkiisa ku sii wadan karaa inay tahay isaga oo soo qaata Passportka cusub ee Diplomaasiga ah ee ay dhawaan Dawlada Fedaraalku soo saartay.

 

Dad badan oo Sharci yaqaano ah ayaa arrintan soo dhaweeyay kuna tilmaamay inay tahay Tilaabo fiican oo cashar u noqonaysa Maamulka Soomaalidiidka ah ee Riyaale madaxda ka yahay.

 

Xukuumada Maraykanka & tan Ingiriiska ayaa labadooduba iska fogeeyay Wararka sheegaya inay Wadankooda ku casuumeen maamulka Riyaale wafdi ka socda waxayna yiraahdeen ilaa & hada waanu maqlaynaa casuumaada Maamulka Somaliland sheegayaan inay ka heleen maamulkayaga balse anagu waxaanu aragnay oo Wafdiga Riyaale uu noo keenay Casuumaad uga Timi nin Shacaba oo reer Maraykan ah kana mid ah Ururada u Dooda Xuquuqda Khaniisiinta waa sida uu hadalka u dhigeen Saraakiil u hadashay Labada Safaaradood.

 

Arrintan ayaa waxay Meesha ka saartay Wararkii Maalmahan la isla dhex marayay oo sheegayay in Riyaale & Maamulkiisu ay Casuumaad ka heleen Xukuumada Maraykanka isla markaasna ay ka wada hadli doonaan Sidii Somaliland ay u Noqon lahayd Maamul ka madax banaana Soomaaliya Inteeda kale, looguna Aqoonsan lahaa Dawlad gooniya.

 

Wixii kasoo kordha Arrinkan & Waraaqdii casuumaada ee uu Wafdiga Riyaale ka helay Nin Ka mida Urur u Dooda Xuquuqda Khaniisiintaba waxaan idinkugusoo gudbin doonaa wararkayaga danbe.

 

Source: WidhWidh Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Suldaanka:

The President and his entourage have arrived in London on
Somaliland Diplomatic Passports
.

Indeed, he did arrive in London true though I doubt whether he arrived with that passport. The other twist in the story is that he was on the same plane as President Yusuf :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

It is not rumour sxb, it is true. As your S/land ambasaador to Ireland ( the mini cab driver) he will tell you. The same person also confirmed that President Yeey embarked from the plane unassisted and to him looked like a normaly healthy person.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this