Sign in to follow this  
Xudeedi

President Faroole and Interior Minister Ilka Jiir Arrive in Nairobi

Recommended Posts

Xudeedi   

Madaxweynaha Puntland Dr.Faroole iyo wafdi la socda oo u dhoofay dalka Kenya

Posted to the Web Nov 08, 14:13

 

Garoowe:-Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole iyo wafdi uu hor kacayo ayaa dhawaan ka dhoofay Garoonka diyaaradaha ee Conoco Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha Gen.C/llaahi Axmed Jaamac (Ilka Jiir) iyo xubno ka tirsan Golaha wasiirada

 

Madaxweynaha Puntlland Dr.Faroole oo saxaafada la hadlay inta uusan dhoofin ayaa waxaa uu sheegay in safarkiisa uu qaadan doono mudo usbuuc ah,intii uu ka dhoofayey madaxweynaha garoonka diyaaradaha ee Conoco ayaa ilaalada madaxtooyada waxaa ay aad u adkeeyeen amaanka garoonka iyo wadooyinka soo gala.

 

Madaxweynaha Puntlland Dr.Faroole ayaa sheegay in magaalada Nairobi uu kula kulmi doono xubno ka tirsan beesha caalamka waxaan uu xusaby in uu kala soo hadli doono arimo uu xubnahaas kala hadalay mar uu safar ku kala bixiyey dalalka Ingriiska iyo Maraykanka

 

Masuuliyiin iskugu jirta 2 Gole ayaa waxaa ay wafdiga Madaxweynaha Puntlland ku sii sagootiyeen Garoonka Conoco , dadweyne iyo qaar ka mid ah ururada bulshada ayaa ka qaybqaatay siisagootinka wafdiga madaxweynaha DGPL Dr Faroole.

 

M_M_Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Faroole iyo General Ilka Jiir ayaa Nairobi Soo Gaadhay.

 

Madaxwaynaha Puntland oo ay weheliyaan Wasiirka Ariaha Gudaha C/laahi Axmed Jaamac ayaa soo Gaadhay Goordhawayd Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, warar Faah Faahsan Lama Hayo Safarka Masuuliyiinta Pl ee Kenya

 

Hase Yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in Faroole u soo gaadhay Kenya sidii uu wada Hadal ula Yeelan lahaa Kenya iyo waliba Isimada Ugu sareerya Beesha ******** ka dib Xadhigii iyo dhimashii Loo Gaystay Reer ********iya.

 

Hase Yeeshee Ilo wareed kale oo ayaa iyana sheegaya inay Macquul tahay inay Faroole is arkaan Hay”adda Gaar ahaan UN-ka si ay isula meel dhigaan Arimaha Mashaariicda Pl.

 

Safarka Faroole ayaa waxa ku weheliyay Wasiirka Arimaha Gudaha C/laahi Axmed Jaamac Ilka Jiir oo ay aad Isugu dhawyihiin dhanka Siyaasada Marka Laga Hadlayo.

 

Safarkooda, Faah Faahin Dheeraad ah Naga Suga

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Axad, Nomber 8, 2009(HOL): Waxaa maanta ka duulay Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee KANOCA Airport Madaxweyanaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Wiisrkiisa Arrimaha gudaha C/laahi Axmed Jaamac (lka Jiir) iyaga oo ku sii jeeda dalka Kenya magaadiisa Nariboi.

 

Waxaana lagu macneeyay ujeedada safarkooda ee ay ku tagaayaan dalkaasi in ay kulamo kula soo qataan qaar ka mid ah Saraakiisha dalkaasi iyo Haya'adaha taageera Puntland ee caalamka.

.

Madaxweyanaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaan wax tafaasiil ah ka bixin safarka uu maanta ugu kucitimay dalka Kenya, laakiin warar hoose ayaa tibaaxaya in ay ugu wayn tahay sidii uu ugala hadli lahaa haya'adaha mashaariicada ka fuliya Puntland in ay kala shaqeeyaan qaabkii lagu soo afjari lahaa arrinta daba dheeratay ee Burcad badeeda Soomaaliya oo fara ba'an ku haysa deeganada Puntland.

 

Waxa kaloo la filayaa in uu arrintaasi madaxweynuhu kala hadalo Saraagiisha ay gaarka u tahay ee ku sugan dalka Kenya oo iyagu iminka aad u doonaya qaabkii ay meesha uga bixi lahaayeen caqnadaha hortaagan in laga taqluso burcad badeeda oo sii lavba jibaaraysa weerarada ay ku hayso maraakiibta goosha bilayaha caalamiga ah ee Bad weynta Hindiya oo ay iminka ku sugan yihiin Maraakiib dagaal oo ka kala socda Caalamka, kuwaas oo sheegaya in ay halkaasi u joogaan ka hortagida weerarada burcad badeeda.

 

Safarka uu madaxweyanaha Puntland C/raxmaan Faroole maanta uga dhoofay Garoonka Magaalada Garowe oo aan hore loo shaacin ayaa waxa uu imaanayaa xili ay magaalooyinka Puntland ku soo badanayaan weerarro banbaano iyo dilal ay fulinayaan rag afka soo duubtay, waxaana ka mid ah dilalkaasi, dilkii xalay loogu gaystay magaalada Qardho Haykal Cali Hiirad oo ka mid ahaa Saraakiisha ciidamada Daraawiishta Puntland oo ay rag hubaysan ku dileen halkaasi.

 

Maxamed Cali Royter, Hiiraan Online

maxamedroyter@hiiraan.com

Garoowe, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Nayroobi unbaa lagu sii qulqulayaa, maa wadanka rabshooyinka iyo khilaafaadka ka jiro la xalliyo, diyaarad unbaa la sii saaranyahay markaad aragto!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Mafaxweynaha-Faroole-oo-hadlaaya.jpg

 

^ Kaleexo Odayaasha are campaigning for an international relationship. Nairobi wayna ka yara qabowdahay Garoowe ee Dictoorka iyo Generaalka ha hawa gadistaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by nuune:

Nayroobi unbaa lagu sii qulqulayaa, maa wadanka rabshooyinka iyo khilaafaadka ka jiro la xalliyo, diyaarad unbaa la sii saaranyahay markaad aragto!

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Originally posted by ThankfulSP:

Mafaxweynaha-Faroole-oo-hadlaaya.jpg

 

Just a random comment but...

 

The man in the background with the black baseball cap, is PIS Head Osman Abdullahi.

SO that is the head of Ashaadu La dirir?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xaq   

Nairobi is the ceremonial capital of Somalia - A place for Somali leaders meet and greet other world leaders and representatives.

 

Jabuuti is the diplomatic capital - A place to hold negotiations, conferences and seminars.

 

Adis ababa is the real capital - the place where the decisions are made

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Originally posted by Dabshid:

quote:

Originally posted by ThankfulSP:

Mafaxweynaha-Faroole-oo-hadlaaya.jpg

 

Just a random comment but...

 

The man in the background with the black baseball cap, is PIS Head Osman Abdullahi.

SO that is the head of Ashaadu La dirir? [/QB]
That's just an infamous nick coined by the anarchists in control of the main Somali media. The man keeps Bosaaso safe and secure. You can only learn from the recent explosions targeted at the Puntland's factors of production and installations.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Originally posted by Xaq:

Nairobi is the ceremonial capital of Somalia - A place for Somali leaders meet and greet other world leaders and representatives.

 

Jabuuti is the diplomatic capital - A place to hold negotiations, conferences and seminars.

 

Adis ababa is the real capital - the place where the decisions are made [/QB]

Xaq, it's better to make statements you can back up with facts in case you are asked to illustrate. Your audiences are not always Somali.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mafaxweynaha-Faroole-oo-hadlaaya.jpg

 

 

osman.jpg

 

diyaano.jpg

 

Yes, that looks like Cismaay Diyaano, the head of PIS, in the background. He looks slightly rested in the new picture when compared to the other picture which was taken right after his rebel militia arrived from Ceel-Afweyn, Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Originally posted by Mr.Paragon:

What's the connection with Ceel-Afweyn.

 

PS: I cant see photos of Cowke. Why?
:D

Originally posted by Mr.Paragon:

What's the connection with Ceel-Afweyn.

 

PS: I cant see photos of Cowke. Why?
:D

Eelafwayn was the former base of Ade's ousted militia at the time of his conflict with Abdillahi Yousuf. Mr. Diyaano was one of the commanders with Ade in that town. From a part-time rebel commander to a full serviceman. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this