Sign in to follow this  
Che -Guevara

We hereby sentence you to Death

Recommended Posts

Maxkamada Gobolka Saaxil Oo Dil Ku Xukuntay 3-Nin Oo Uu Ku Jiro Taliyihii Sirdoonka Gobolka Sool Ee Somaliland Iyo Dareenka Dadweynaha.

 

(Hadhwanaagnews) Wednesday, April 14, 2010

 

Hargeysa(HWN):-Maxkamadda Gobolka Saaxil, ayaa maanta xukun dil iyo xadhig isugu jira ku ku riday lix eedaysane oo la sheegay in lagu helay inay gacan geysteen dilkii qorsheysnaa ee lagu khaarajiyey Taliyihii qaybta 12-aad ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Marxuum Cismaan Yuusuf Nuur, kaas oo bishii November 2009 lagu dilay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

 

web page

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mandheera:Taliyihii Sirdoonka Soomaaliland ee Sool oo Dil toogasho ah lagu xukumay.

14. april 2010

 

 

Mandheere:(Allpuntland)-Waxaa Maanta soo gabagabowday Maxkamadeyntii kasocotay Xabsiga Mandheere ee Maamulka Soomaaliland uu ku leeyahay Gobolka Togdheer ee Maamulkaas,waxaana ay Maxkamadani xukuntay Xukuno Dilal,Xabsi & Musaafurin isugu jira oo ay ku xukuntay 9-eedaysane oo ay Maxkamadaeyntoodu kasocotay,waxaana dadka kamid ahaa Saraakiil ka tirsan Maamulka Soomaaliland ee Gobolka Sool.

 

Cabdifitaax Muuse Yuusuf oo ahaa Taliyihii Sirdoonka Maamulka Soomaaliland ee Gobolka Sool ayaa ay Maxakamadu maanta ku riday Xukun dil ah,waxaana Taliyaha lagu eedeeyey in uu ku luglahaa Dilal & Qaraxyo ka dhacay Magaalada Laascaanood Dhamaadkii Sanadkii hore & Bilowgii Sanadkan,sidoo kale Taliyaha ayaa si gaar ah ugu eedaysanaa inuu qorsheeyey Dilkii Taliyaha Ciidamada Soomaaliland ee Gobolka Sool Col,Cismaan Nuur oo Dhamaadkii Sanadkii hore lagu dilay Qarax Bam oo Laascaanood ka dhacay.

 

Xeer ilaaliyaha Maxkamada ayaa sheegey in uu Taliyuhu Qirtay inuu kadanbeeyey Dilkan,waxaana uu Sheegey Xeer ilaaliyuhu in Taliyaha Sirdoonka Soomaaliland ee Gobolka Sool lagu helay Cadaymo dhab ah isla markaasna ay Maxkamadu Go'aan satay in Dil toogasho ah lagu xukumo Cabdifitaax Muuse Yuusuf Taliyihii Sirdoonka ee Maamulka Soomaaliland u qabilsanaa Gobolka Sool & Maxamed Axmed ******ow,wuxuuna noqonayaa Mas'uulkani Masuulkii ugu horeeyey oo isagoo xil haya ay Soomaaliland toogasho ku xukunto.

 

Sidoo kale Ganacsade Reer Sool ah oo ay Soomaaliland Xabsiyadeeda ku haysa Mudo Bilo ah oo magaciisa lagu sheegey Cabdirashiid Axmed Warsame,waxaana Ganacsadahani lagu waayey eedayntii lagu haystay oo ahayd inuu wax ka ogaa Dilkii Qorsheysnaa ee lagu dilay Taliyihii Ciidanka Soomaaliland ee Gobolka Sool,balse waa lagu waayey Denbigaas,waxaase lagu eedeeyey in laga helay Waraaqo uu leeyahay Urur Sharci Daro ah oo ay Maxakamdu sheegtay in uu Ururkaas Soomaaliland dhibaatooyin ku hayo isla markaasna waxaa lagu xukumay Ganacsadahan Mudo Hal Sano ah oo Xarig ah.

 

Maxakamada Xabsiga Mandheera oo Mudo halkaas ka soconaysay ayaa sidoo kale waxay Danbi ku weyday 4-Ruux oo Ajaanib ah oo kasoo jeeda Wadamada Deriska la'ah Soomaaliya,balse waxay Maxakamadu Ajaanibtan ku xukuntay in laga Masaafuriyo Deegaanada ay Soomaaliland Maamusho oo ay sheegtay in ay rabeen inay Khalkhal ka abuuraan.

 

Xukunadan oo lagu riday ugu yaraan 9-Ruux waxaa ku jiray dad Shacab ah oo ay Maxakamadu ku xukuntay Xukuno ay kamid yihiin 8-Sano & 15-Sano,waxaana ay Dadkani u badnaayeen Dad kasoo jeeda Gobolka ay Soomaaliland Puntland ka haysato ee Sool,iyagoo Dadkan Dhamaantood lagu eedeeyey inaysan Taageerin Maamulka Hargaysa,isla markaasna ay ka danbeeyeen Dilal & Qaxayo in mudo ah Halakeeyey Magaalada Laascaanood kuwaas oo Mas'uuliyiin Soomaaliland katirsan lagu khaarajiyey qaarkale uu uu kamid yahay Gudoomiyihii Goblka Sool ee Soomaaliland-na ay Dhaawacyo Halis ah kasoo gaaareen.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

1271250193_0000basaas.jpg

 

Maxaabiistii ku xidhxidhnayd xabsiga mandheera ayey maanta maxkamad maamulka Hargeysa xukun dil ah ku riday Cabdifataax Muuse Yuusuf iyo Maxamed Axmed ******oow iyagoo sheegay in maxkamada la horkeenay cadayno iyo qiraalo.

 

Waxaa kaloo ay dil ku riday nin isna aan goobta maxkamad maamulka Hargeysa joogin oo magaciisa la yidhaahdo Buraale Yuusuf Weris, waxaanay u cuskadeen isagoo ku dhawaaqay urur qarsoodi ah oo ka dhan ah maamulka Hargeysa.

 

web page

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Gheelle.T:

^Waa Xaabsade ina adeerkii. Why do you ask though?

Ma la hubaa inuu Xaabsade ina adeerki yahay? :D

 

Waa sidaan islahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

Where the hell is Saaxil? Aduunyow xaalka ba'

 

It seems that while the south has been characterised by anarchy, north of Beerlula, people have been busy with name invention; the other day I met someone who claimed that he is from "Galmudug" and another one claiming to be from Maakhir.

 

Are names like Sool, Awdal, Baki, Sanaag, Mudug gone?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

well properly those sentenced men allahu aclam, they must have taken part in the bombings to be found guilty.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

The motivation was to kill high level officer Yusuf cismaan nuur AUN, as for those involved in the state military in sool they wanted to incite clan violence but i am glad the courts bought back the calm we don't want to be in a cycle of clan revenge crisis like pubtland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

and other rumors say this is a type scapegoat and giving the wrong impression about tha puplic view for they are insisting that the high rank state running officials like riyaale and so on are behind the murder case of late col.Cismaan yusuf Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this