Sign in to follow this  
Showqi

Madaxweyne Shariif Wasiirka Maaliyada oo Ganacsato noqday?

Recommended Posts

Showqi   

Sheekh_Shariif-iyo-wafdigisa.jpg

 

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan Wasiirka Maaliyada ayaa xiligan waxaa dakada Muqdisho ugu xeran Laba Markab oo Sokor iyo Bagaash wada.

 

Sida Bartamaha.Com uu u sheegay mid ka mida Xoghaynada Maareeyaha Dakada Muqdisho waxaa Dakadaasi ku xeran Laba Markab oo wada sida Bagaash iyo Sokor oo ay kala leeyihiin Lada Shariif.

 

Labada Shariif oo ah ragga isugu dhow Siyaasad ahaan Dowlada KMG ah ayaa waxa ay xiligan isku badaleen Ganacsato iyagoo soo rartay Maraakiib aad u waaweyn oo haatan Dakeda Muqdisho ku xeran.

 

Labada Markab oo haatan dajin ay ku socoto ayaa la xaqiijiyay in midka ugu weyn islamarkaana wada Bagaash iyo Sokor badan uu leeyahay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Wasiirka Maaliyada ahna Ganacsade haatan si weyn u soo muuqday.

 

Markabka kale oo Wada Gabaash badan oo u badan nuucyada Cabitaanka iyo Sokon aad u badan ayaa waxaa la sheegay in uu u raranyahay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo wakiishay nin ganacsade ah.

 

Labada Masuul oo xiligan ganacsigooda la ogaaday ayaa waxa ay yihiin ragga gacanta ku haya Dowlada KMG ah islamarkaana aad moodo in ay yihiin labada masuul ee isugu dhow siyaasad ahaan.

 

Labada Shariif oo xiligan Ganacsato isku sii badalaya ayaa waxa ay Sokorta iyo Bagaashka kula heshiiyeen ganacsato reer Muqdisho ah si ay u Iibiyaan iyadoo si toos ah Bakhaarada dakada loogu shubay ka dibna ay sii iibsanayaan ganacsatada Bakaaraha Gagaashka geysta.

 

Waa arin aad ay ula yaabeen dad badan oo Muqdisho ku sugan markii ay maqleen Madaxweyne Shariif iyo Wasiirka Maaliyada Shariif Xasan in ay noqdeen rag Ganacsato ah oo Xiligan Laba Markab ay Dekada ugu xeranyihiin.

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

War nimanka soowtii lagu dhaariyey: in aanay dantooda khaaska ah ka hormarinin danta bulshada. Waa maxay iyada oo wali aan madaxnimadii laga qaadin ayayba ganacsato noqdeen :mad: :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Bayac-Mushtar ku lahaa :D:D ,,,, Buddy you are allowing greedy men to lead the country with corruption.

 

Maaddeey, What do you mean by that?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Maaddeey, Maqaalkan aad ayuu iiga yaabiyey saaxiib. Cinwaankana xitaa waxaan ku daray Calaamad su'aal :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this