Sign in to follow this  
ANWAR

Telcom Somalia in Boorama

Recommended Posts

ANWAR   

Khamiis, May 17, 2007(HOL): Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Telcom Somalia ee Magaalada Borama, waxaa markii u horeysay irdaha loo furay 12kii February 2000, xiligaasi oo ay magaalada ka shaqeyn jirtay shirkaddii Aerolite Somaliland Telecomunication oo la furey 1996.

 

Mudadii ka horeysay furitaanka shirkadda Telcom–Borama qiimaha gelinta Line-ka iyo iibka dirashada telefoonnada dibadda waxay ahaayeen kuwo aad u sareeya oo gaarayay $300(Saddex boqol oo dollars), sidoo kale qiima dirashada telephone-nnada dibadda wuxuu ahaa 2.5 $/min (Laba dollar iyo bar halkii minute).

 

Shacabka reer Awdal ayaa mar qura waxaa soo gaartay layr qabaw , kadib markii ay soo degtey shirkadda Telcom oo gebi ahaanba ka jabisay qiimayaashii aadka u sareeyey ee lagu gelin jirey Line-ka Telephone-nada iyadoo ka dhintey 80%(boqolkiiba siddeetan qiimihii hore loogu gelin jirey) , iyadoo ka dhigtey $60 (Lixdan dollars) sidoo kale qiimaha dirasha telephone-da dibadda wuxuu noqday $1(hal dollar), iyada oo hadda uu yahay 0.50 cents.

 

Shirkadda Telcom Company waa shirkaddii ugu horeysay ee ka hirgelisay adeegyada GSM ( Mobile) iyo Internet-ka dhammaan gobollada Somaliland, isla markaana muddo kooban ku gaarsiisay adeegyadaas macaamiisheeda ku nool dhammaan gobollada dalka.

 

Shirkadda Telcom ayaa mar walba waxay ku dadaalaysaa raaligelinta macaamiisheeda, iyadoo dhawaan shirkaddu hirgelisay adeegyada kala ah: SMS International: (short message services) waa adeeg ay dadku u diri karaan fariimahooda oo qoraal ah asxaabtooda iyo qaraabadooda deggan dalka dibaddiisa, Call Back Services: wa adeeg jaban oo loogu talagalay macaamiisha shirkadda ee deggan dalka dibadiisa , si ay uga faa’iidaystaan qiimaha telephone-nada.

 

Google Via Mobile: wa adeega baaraha Google oo aad ka gali karto mobile-kaaga. News: waa adeeg kuu sahlaya inaad wararka caalamka aad kala socon karto Mobile-kaaga.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, shirkadda Isgaarsiinta Telcom waxay adeeggeeda ku baahisay dhamaan gobollada dalka, waxayna dadka heysta taleefoonadeeda ay u sahashay in meel kasta oo ay joogaan toos loo wici karo, iyadoo aan wax nambar ah laga hormarin sida shirkadaha ah ee dalka ka jira, waxaana adeeggaas si weyn u soo dhaweeyay macaamiisheeda.

 

good news :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Good news! it seems the telecom companies are getting ahead in Somalia! I was speaking to a relative in another city and they had this offer on their part of contract with their mobile provider.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good news! dagaalka & wareerka siyaasada haddii laga bixi lahaa malaha Somalia waxay noqon lahayd Dubai-da Afrika. This will happen soon, and of course within our lifetime Insha'Allah.

 

A higly competetive telecommunication market, where one got to really push itself if one wants to succeed and that is what Africa On Line is currently doing. Best of luck to all of them!

 

Shirkadda Africa On Line
waxaa la aasaasay 2003, Xarunta Shirkaddu waa Hargeysa waxayna Furuuc ku yeelan doontaa dhammaan Somaliland , ugu horayntiina waxay shirkaddu daraasad ku samaysay suuqa Isgaadhsiinta ee dalka, taas oo ay wakhtigaa ku jireen Shan Shirkadood oo Isgaadhsiineed Shirkadda
STC
oo la aasaasay 1993,
Soltelco
oo la aasaasay 1995,
Somtel
oo la aasaasay 1997,
Telecom (Ex Aerolite)
oo la aasaasay 1997, iyo
Telsom
oo la aasaasay 1998. waxa iyana suuqa ku jirtey oo si dhkhso ah markiiba uga baxday Shirkaddii
SITCO
.

 

Iydoo intaasi ku jiraan suuqa Isgaadhsiinta ayaa hadana waxa daraasadii uga soo baxday ** **** suuqa uu ka jiro ****** **************, taasoo Shirkadda ku dhiiri gelisey inay *** ************* *********. Sikastaba arintu ha ahaatee shirkadani waxay ugu horayn adeega Isgaadhsiineed (Telecom Service) ka bilawday adeega Internetka kaasoo ahaa mid banaan oo aanay buuxin Shirkadihii suuqa ku jirey, waxa ILAAHAY loogu mahadiyaa inay
Africa On-line
noqotay muddo gaaban lafdhabarka Internet-ka Somaliland, ilaa hadana ay ku hogaamiso Shirkadaha kale xagga Internet-ka.

 

Waxa bilawday tartan adag oo is reeb ah taasoo markii ugu horayseyba Shirkadda
Soltelco
sii wadi kari weydey tartankaas ugu dambayntiina la iibiyey, sidoo kalena
S.T.C
iyana taaba qaad noqon weydey iyana sidaa lagu iibsadey. Waxa hadda ku jira suuqa Shirkadihii la gatay,
Telecom iyo Telesom iyo Somtel
.

BTW, isn't this topic belongs to SOL's Generål section.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Prices for internet connectivity are still too high to be picked up by the market in Somaliland. I wonder how big the demand is though. If anyone is involved in the telco business in Somaliland or have connections, send me a PM. I got some interesting info.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this