Sign in to follow this  
Kamaavi

“Waan naqaanaa kuwii geystey xasuuqii Wagala, mana ahan Kiplagat”

Recommended Posts

Kamaavi   

214qudi.jpg

 

Ku xigeenka afayeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin Dawaaraa ayaa yiri “waan naqaanaa kuwii geystey xasuuqii Waagala, mana ahan Kiplagat, inaga ayaa hortagayna gudiga, kana sheegeyna waxa aan ognahay”, wuxuu difaacayay eedeymo loo jeediyey Danjire Bathwal Giplagat oo madax ka ah gudiga Runta iyo dib uheshiisinta oo baaraya gaboodfalo horey u dhacay.

 

Giplagat oo ahaa gudoomiyihii shirkii kooxaha Soomaalida ee lagu soo dhisey DKMG ah ayaa waxa uu madax ka yahay gudi heersare ah oo dowlada u saartey in uu baaro gaboodfaladii dalka ka dhacay si dadkii geystey loogu soo oogo maxkamad.

 

Hase yeeshee markii ugu horey Faarax Macalin oo shir jaraa’id qabtey ayaa siweyn u difaacay Giplagat, isagoo kuwa heysta ku eedeeyey in ay leeyihiin qorshayaal qarsoon “maxay wax u sheegan waayeen markii aan magacaabeyney, haddii ay cadaymo u hayaan hasoo gudbiyeen” ayuu yiri isagoo intaasi ku daray in wixii cadaymo ah loo gudbiyo xeer ilaaliyaha guud iyo wasaarada garsoorka oo uu tibaaxay in illaa hada aysan helin wax cadaymo ka dhan ah danjiraha.

 

Kiplagat waxaa lagu heystaa in isagoo xil sare ka hayay dowladii Moi ee gaboodfalada geysatay in uusan madax ka noqon karin gudiga ay tahay in uu baaro, isagana ka midyahay dadka ay tahay in la baaro ee lagu tuhmayo xasuuqii Waagala, iyo dilkii wasiirkii arrimaha dibada Robert Ouko.

 

Laakiin Dawaaraa ayaa sheegey in Kiplagat xiligii Waagala uu ahaa xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arrimaha dibada, isagana uu garanayo kuwii xasuuqa geystey, sidaasi darteed la’iska dhaafo in waqtiga laga lumiyo gudiga, maadaamaa dadka Kenya ay doonayaan in ay dacwooyinkooda soo bandhigaan oo la dhagaysto

 

Xasuuqii Waagala waxa uu dhacay 14/02/1982 dii waxaana lagu laayay kumanaan Soomaali ah meel kaliya, Waagala waa gago dayuuradeed oo macmal ah oo ku taala magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari, ciidamada Kenya ayaa 7 maalmood ku hayay 5 kun oo rag Soomaaliyeed ah kuwaasoo inta dharka laga bixiyey, biyo iyo baadba laga soomiyey, cadceedana la jiifiyey, kadibna isweer laga qabtey, markii ay u adkeeysan waayeen oo ay damceen in ay ooda jabsadaan ayaa rasaas si safmar ah ooda looga qaaday, halkaasina lagu diley wax ka badan 2 kun oo ruux, illaa maanta cidna looma xirin arrintaasi, Soomaalida ayaa ka rajoqabta in gudigani uu maxkamad soo saaro kuwii ka dambeeyey oo u badan saraakiil ciidan oo illaa maanta xilal haya.

 

Isla xiligaasi shacabkii magaalada Gaarisa oo dhan ayaa xero la galiyey, waxaana dab lagu qabtey guryo badan, balse ka hor intii aanan shacabkaasi la xasuuqin ayaa waxay fariin ka timid madaxweynihii Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre oo Madaxweynihii Kenya u sheegey in haddii hal qof oo dadkaasi kamid ah la dilo in uu Kenya soo weerarayo, Nairobina maalmo gudahood ku qabsanayo, taasi waxay keentey in dadkaasi la siidaayo.

 

Sanadihii lixdameeyadii iyo sedeetameeyadii waxay ciidamada Kenya geysteen gabood falo ka dhan ah Soomaalida oo dil iyo dhibaateyn kale isugu jira, tani waxay ka dambeysey markii gobolkaasi NFD uu ingiriiska ku daray Kenya, iyaguna ay sameeyeen kacdoon markii dambe iska qaboobey oo ay arrintaasi kaga soo horjeedaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Ma waxaad rabtaa inuu dhaho waa low profile ninkan :D:D

 

 

waxay fariin ka timid madaxweynihii Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre oo Madaxweynihii Kenya u sheegey in haddii hal qof oo dadkaasi kamid ah la dilo in uu Kenya soo weerarayo, Nairobina maalmo gudahood ku qabsanayo, taasi waxay keentey in dadkaasi la siidaayo.

Allow kuu naxariiso, aamiin,

 

 

I think that incident is called Gaaris Gubaay, as it was nicknamed, not sure if it was the same years though, and Siyaad was the all powerfull guy in Africa at the time, he was very series when he said he will invade Kenya and capture nairobi within hours, this took place in a telephone conversation directly to Moi, with close sources, Siyaad had to hang up the phone, and Moi called back within seconds but was told to free the people otherwise face consequence.

 

 

Hadda se cidna uma maqna ceelna uma qodna!

 

but thnings aren't as bad as they used to be, though the people need to wake up.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faarax macallin waa siyaasi dhiirran ostensibly,although his ocassinal political maneuver slips he never abandoned his somali interest aspirations.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Ferguson, dee ninka wax cadayma ah muunan arag :D

 

Isla xiligaasi shacabkii magaalada Gaarisa oo dhan ayaa xero la galiyey, waxaana dab lagu qabtey guryo badan, balse ka hor intii aanan shacabkaasi la xasuuqin ayaa waxay fariin ka timid madaxweynihii Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre oo Madaxweynihii Kenya u sheegey in haddii hal qof oo dadkaasi kamid ah la dilo in uu Kenya soo weerarayo, Nairobina maalmo gudahood ku qabsanayo, taasi waxay keentey in dadkaasi la siidaayo.

Alla Siyaad Barrow alla ha kuu naxariisto. From what I have been told, wuxuu ku iri, "haddiinan dadkaas siideyn, ragga iska daa, hablaha ayaan idiin soo diri doonaa". Allahu aclam. But at least he stood up for us.

 

But what about when Garissa was attacked in the 60s and the Kenyans burnt down houses? Is nobody going to investigate that?

 

Ps: they are all wrong if they think they can get any justice from the very same Kenyans who butchered them.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Is that the same siad bare which carpet bombed entire cities and who made that phone call properly wanted to seem he cared about somali people? unless it was tribal affiliation which makes sense otherwise.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^You are being emotional. Easy there my boy. smile.gif

 

 

Originally posted by Haatu:

Ferguson, dee ninka wax cadayma ah muunan arag

Heh@hatu. War adaa lagaa rabaa sow ma aha? Nuune raadkiisa uun baad raacday. Wax quman keen. Macalinkana garab istaag sxb. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Raad beelee maxaa PMkaaga ka dhigey full, ma wuxuu kuu noqdey ONLF archive :D

 

 

PS: maxay tahay magacyadan badan, miyaadan ku kalsooneeyn hal magac oo qura, ha nagu soo celin un magacii aad isku register-gareesay SOL :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

:D:D @ma wuxuu kuu noqdey ONLF archive. Sir, waa nadiife soo daa warka kiisa miida leh.

 

magacyada ha u bixin, waa afaf kalee. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Originally posted by Ferguson:

]Heh@hatu. War adaa lagaa rabaa sow ma aha? Nuune raadkiisa uun baad raacday. Wax quman keen. Macalinkana garab istaag sxb.
:D

Oo maxaan fali lahaa? Waad iska ogtahey in ninka aan hiil iyo hoo la garabtaagan yahey :D

 

Laakiin runta haddii runta la'isku sheego, Kiplagat waa in guddiga laga saaraa. Nin laftigiisu laga shakisan yahey, sidee buu dadka caddaalad u siin?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^hiilo tabcaan ah lama rabo. :D

 

Kiplagat hadduu badbaado kuwa kale ayaa dabinka ku jira. Far aya ku mduan. Xogta soo dhago dhagee saxib.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Kenya bas ah ma ahan. Sudan, Somalia, Ethiopia, Maraykan iyo China waxaa ka socda dacwado isku sar ah. Gaar ahaan kuwii xasuuqa Garissa gaystay waa la yaqaana farna way ku godantahay.

 

Maxkamda dad badan mardhow waa la keeni. Soo dhago dhagee, saxiib.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this