Sign in to follow this  
BN

Interview with Puntland VP: Mohamed A. Haashi

Recommended Posts

BN   

Interview with Puntland State’s Vice President, and acting President H E Mohamed A Hashi

 

While speaking with a reporter for the Las Anod-based radio station, Mr Hashi spoke about the reasons for the extension of his government's tenure for 24 months, the border dispute between Puntland State and Northwest administration (Somaliland) over Sool, Sanag & Ayn regions, and reported internal conflict within his administration over the nomination of an independent State Audit Commissioner and the extension of his government's tenure in the office.

 

Click Here for Full Article

 

BN

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

When asked of the recent defection of one of his ministers to Somaliland, Mr Hashi responded “There are people here who tend to glance over there to Hargeisa, and he was certainly one of those people. He was neither a bad person, nor a radical, but his convictions were influenced by the local politics.

 

I believe he rushed to judgment. And his decision will cause us no harm. It will not be long before we will see Dhilod [Hassan Mohamoud Dhilod] standing here beside us as we believe we are on the right path. We see people here who say they are for Somaliland, and if he becomes one of those, we see no harm in that either”

Bari mate I had the chance to read what Mr Xashi said before Allpuntland.com lost some key words in the translation. :D

 

Here is a a Somali version of what he said, please try to spot what was left out:

 

 

Radio Lascaanod :- Madaxweyne waxaa jirta arrin dhawaan la soo gudboonaatay dawlada, arrintaas oo ahayd , waxaa jirtay in wasiirkii waxbarashada Xasan Maxmuud Dhiilood uu dhawaan isu dhiibay maamulka Waqooyi Galbeed , arrintaasi sidee ayey xukuumada Puntland saamayn ugu yeelatay?.

 

 

Madaxweyne Ku Xigeenka :- Horta dad badan oo reer Puntland ah oo jaleeca dhinaca maamulka W/G waa iska jiraan , anigu waxaan qabaa mid ka mid ah kuwass ayuu ahaa, oo jaleecu xagaas u qaaday iyo Hargeysa , isaga laftarkiisu nin xunoo , xad-dhaafa ma ahayn , siyaasada uun baa ka xumaatay uma arko si kale, wuu deg dega, annigu waxaan u arkaa wax khalkhal ah oo ay na gelisay ma jirto, maalin walba agtayada waxaa taagan kuwo reer sool ah oo leh anagu somalilad ayaanu nahay ,haduu mid ka mid ah noqday kuwaas wax dhibaato ah anagu uma aragno

 

....................

 

I wonder why you chose to post the English version :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Sxb,

As usual you are reading too much into things. Although I thought you would say that the interview never took place, and that AllPuntland made it all up. At least we are making progress. ;):D

 

maalin walba agtayada waxaa taagan kuwo reer sool ah oo leh anagu somalilad ayaanu nahay

I dont think this is any big revelation. No one from Puntland say that 100% of the people in Sool region want to be part of Puntland,--although it is in the high 90% region :D The best example is Fuad Adan Cade,--the brainwashed fellow who hasnt been back in Sool region since he made a fool of himself.

 

This is the sort of brainwashing that happens when reer Puntland go to Hargeisa :D

 

iskuulka_Somaliland.jpg

 

I wonder why you chose to post the English version

I'll leave that up to your more then capable Sherlock Holmes-like detective abilities :D

 

BN

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ayoub Why you so smug ?, great victory indeed one man who was losing his job defected, bro we where waiting for fireworks from your crusading phantom army, all you have to show for 3 months is a man who went to Hargaysa and a Suldan in jail :D

 

Funny, in 30 years we will hear how Mujahid President Kahin and Mujahid Mid Wife Adna went and rescued Mujahid Dhilood to come over to the right side. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

Waryaarahee AYOUB, Waar JALEEC is a sarbeeb Somali ... odaygu waa reer magaal.

 

 

JALEEEC = DHUUNI = LACAG RAADIS

 

I hope that shed some light on the word our vice president used.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Originally posted by ABU-AMMAR:

Funny, in 30 years we will hear how Mujahid President Kahin and Mujahid Mid Wife Adna went and rescued Mujahid Dhilood to come over to the right side.
;)

:D @ABU-AMMAR

 

MD,

 

Thanks for the clarification. Is that what he was going on about? I didnt even notice that :D

 

 

Overall, I think it was a very dignified and statesman like interview. I'm sure you(Ayoub) were hoping for an annoucement of the collapse of PL State :D ,--but that was just another hope of reer W/G ;)

 

I hate to remind you of interviews by your ministers to HornAfrik,--which were anything but dignified(to put it nicely) ;):D:D

 

BN

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Reer Bari

No one from Puntland say that 100% of the people in Sool region want to be part of Puntland,--although it is in the high 90% region

Some Miskiin Muriidi from Baraawe might buy that from you not I. :D You love plucking figures from the thin air don't you? The question I am asking myself is should I believe the Garoowe trio above or the Sool people like Fuad Aadan, Dhilood (Ex-Puntu minister), your VP, or even the likes of Garaad Jamaac Cabdigani in Las Caanod. Here is what he said:

 

 

Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac oo ah garaadka guud ee beesha D******te ayaa ugu baaqay ciidamada maamul goboleedka Puntland ee ku sugan degaankiisa in ay si deg deg ah uga baxaan degaanka Sool.

 

Garaadka oo u waramay idaacada BBC ayaa sheegay in reer Sool ku kala qeybsameen taageerida labada maamul ee Somaliland iyo Puntland ee isku haysta maamulida gobolkaas. "Arrimahakan dadku waa ku kala qeybsan yahay oo meel uma wada jeedo" ayuu yiri garaadku, isagoo intaa raaciyay in tan iyo markii ay magaalada Laascaanood gaareen ciidanka Puntland ay magaaladu ku jirto xasilooni daro.

 

"Meeshatan Laascaanood intii ay ciidamada Puntland yimaadeen wareer badan ayaa ka taagan, mana xasiloona, dad baa lagu dilay, waxaadna moodaa in ay si xoog ah wax ku maamulayaan ciidanka Puntland. Waxaan dalbaneynaa in ay naga baxaan ciidamada Puntland, dhulkayaga lama rabno ciidamo na qabsada oo ay soo dirsadeen maamulo kale".

 

Garaadka ayaa sidoo kale ugu baaqay maamulka Somaliland in aysan wax ciidamo ah usoo dirin degaanka Sool, isla markaana wuxuu carabka ku adkeeyay in ciidamada maamul goboleedka Puntland ay ka baxaan degaanka Sool.

 

"Xooga maamuladan waxba igama quseeyaan ee nabadgelyada degaanka ayaa i quseysa" ayuu Garaadku yiri isagoo muujiyay in ciidanka Puntland ay magaalada Laascaanood ka abuureen xasilooni daro isla markaana aaney Garaadada degaanka iyo shacabkuba raali ka aheyn joogitaanka ciidanka Puntland ee Laascaanood.

 

"Nin tuur leh siduu u seexdo isagaa yaqaan, dhulkeena, maamulkeena, iyo nabadgelyadeena awalba anagaa mas'uul ka aheyn, anagaana is maamuleyna" ayuu yiri Garaad Cabdiqani.

 

 

Full article>>>>>

 

The truth there some who are neither Puntu nor Somaliland supporters and your 90%:10% figure is not real and does not make sense.

Share this post


Link to post
Share on other sites

My sentiment indeed!

 

Puntland oo ku dayasha mudan!! Livan Cadur

------------------------------

Madaxweyanaha Puntland, waa Col. Abdullahi Yusufe, iyo ku xigeenkiisu waa Mohamed Abdi Xaashiye, iyo Gudoomiyaha Parlamanka Puntland, Enj Sacid waxay u fureen baal dahab ah Puntland. Waxay tuseen shacabka, iney dood sharcigii maamulkooda hagayay uu dhex mari karo. Maamulkiina sii socon karo!!??

Waxay ku guuleysteen, nin kasta xilkiisa inuusan kan kale ku tagri falin! Waxay talaabo fiican u dhigeen kala madax banaanida heyadaha dawliga oo loogu tala galay, iney is miisaamaan si aan awoodda loogu tagri falin!

 

Puntland waxey gaartay, heer ninna uusan awood gaar ah u yeelan inuu sidey la tahay, uu sharciga u fasirto! Waxay gaartay, heer ra'yiga iyo fasirka sharciga si ba'an la isugu diido, wada shaqeyntii heyadhana ey sidooda u sii socdaan!

 

Waxaan jeclaan lahaa inaa halkan ugu hanbalyeeyo shacabk Punt, khaasatan Madaxweyne xigaha Punt, at last we arrived!

 

Alloow yaa ku adkeeya; Intaas baan idinka dooneynay; sharcigii aad dhigateen oo aad u hogaansanataan, heyadaha dawliga oo kala madaxbanaan wadana shaqeeya, fasirka sharciga oo nin kasta uu ku dhaganaado sey la tahay illaa heyadda shareciga ey kala saarto!

 

Intii u dhimatay, ama u naafoowday, ama ugu bara kacday, soo celintii midnimadii iyo xasilloonideeddi waxaa la oran karaa maaheyn mira khasaaray, mar haddii dooddu tahay; Danta Punt waa sidan iyi maahee waa sidan waayahaye sharciga ha na kala saaro!

 

God pless Punt

Livan Cadur

cadur11@hotmail.com

 

http://mudugonline.com/2004/february/260204aragti.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Indeed a process of debating contested issues and vigour discourse on ideas of variant proclivity are in due process in the land of Punt.

 

Putting the interest of the people ahead of thou ones' – what was the descriptive term of practice of this genre? Perhaps Mr oWeyne could take his best shot at that! If only you could find him - Ooops, I forgot, Mr oWeyne has gone AWOL again as usual in the first round of of a bit of, dare I say, southpaw chapping? Do I not know my people, or is this the Midland syndrome getting the better of the camel tandem here. None the wiser I suppose!

 

“Kulankaan oo ay saakay fadhiyeen 41 Xildhibaan ayay ahaayeen kuwo ku kala duwan fikirka ku aadan Qoraalkaan, iyagoo ay qaar kood ku adkaysanayaan Go'aan koodi horre, raacinaya in ay sidaas door bideen maadama aysan jirin wax dhaqaalo ah oo laqabto doorasho ayna wadanka ka jirto wax ay ugu yeereen Colaad, halka ay qaarkood ka aamin san yihiin in la taageero Qoraalka Col:ka hadii uu isago keenaayo dhaqaalaha ku baxayo doorashada, isla markaana la bixiyo Mushaarooyinka.

 

Muran badan kadib markii ay sii daba dheeraatay kala qayb sanaantii ka dhex jirtay Golaha dhex diisa, ayaa Godoomiyaha Golaha Wakiilada, Yuusuf Xaaji Siciid soo hor dhigay Go'aan sheegaya in uu saarayo 11 xubnood kuwaas oo ka tala bixiya Go'aanka C/laahi Yuusuf isla markaana wixii ay isla gartaan ay ku soo celiyaan Golaha Wakiilada si ay mawqif adag uga is taagaan” http://www.puntlandpost.com/News.php?id=1622

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Ayoub,

 

The truth is politician and some elders serve their own interests and will go whichever direction the wind is blowing. Let me ask you, if the people of Lascanod (and Sool/Sanaag in general) wanted the forces of PL out of their territory,--could they not have kicked them out? I'm sure you remember when reer Bossaso kicked C/Yusuf out fairly easily and allowed him to return. Or do you think they are being held 'hostage' by our 'terrorist' forces like Oodweyn would say :rolleyes: redface.gif:D

 

The truth there some who are neither Puntu nor Somaliland supporters and your 90%:10% figure is not real and does not make sense.

What's with this "Puntu" stuff now? Are you turning into Oodweyn and his childish and pathetic "Pundland" comments? :rolleyes: :D

 

BN

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Unlike Burmadow's fate! C/qani can air his personal sentiment without the fear of being of being jailed by our Admin. We have respect for the Article 10 of Human Rights convention Rights! Freedom of Expression. He spoke not as a Garaad of Faarah Garaad but in personal capacity when he said the above seemingly innocent words which Lander seems to decipher big political......!

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Sophist

C/qani can air his personal sentiment without the fear of being of being jailed by our Admin. We have respect for the Article 10 of Human Rights convention Rights! Freedom of Expression.

Don't make me laugh, where do you think I am from Outer Mongolia? If you read the article carefully or sober, you would have noted what your Gaarad Cabdigani said

"Meeshatan Laascaanood intii ay ciidamada Puntland yimaadeen wareer badan ayaa ka taagan, mana xasiloona, dad baa lagu dilay, waxaadna moodaa in ay si xoog ah wax ku maamulayaan ciidanka Puntland.

People are been killed by Col Yusuf's malitia for saying they are pro-Somaliland and you are talking having Human Rights.

 

Was Suldaan Ahmed Maxamed Huurre not shot dead in broad daylight for expressing his views in Puntland?

 

We have respect for the Human Rights my ....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabdishakuur: "... Hadda BBC-da oo warshad rootiga Hargaysa ka sheekaysa isla markaan khilaaf Puntland buunbuunisa aad xiganaysaan ma ogi... Waxaa lagu jiraa xilligii kala miiranka, raguna isku mid ma ahan..."

 

Boosaso (AllPuntland)- Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Puntland Cabdishakuur Mire Aaden ayaa AllPuntland uga waramay xaalada abaaraha Puntland, Colaada u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland, khilaaf la sheego inuu u dhexeeyo xukuumada Puntland iyo dhinacyo kale, waraysiga oo dheer wuxuu u dhacay sidaan:

 

AllPuntland: Cabdishakuur, bal adigoo soo koobaya waa sidee xaalada Puntland xiligaan ay ku sugan tahay?

 

Cabdishakuur: Waxaan orankaraa Puntland xaaladda ay xilligan ku sugan tahay mid aad u wanaagsan, waxaan ka ahayn abaar aad u baahday oo ku habsatay qaybo ka mid ah degaanadda Puntland.

 

AllPuntland: Cabdishakuur, hadda xaalada abaaruhu xagee ugu daran yihiin, waxse maamulkiinu maka qabtay abaaraha?

 

Cabdishakuur : Waxay ugu daran yihiin Sool, Nugaal qayb ka mid ah, Sanaag iyo Bari in ka mid ah, waxaase abaarta baxadeedu haleeshay dhulka loo yaqaan Sool platue, intii aanu qaban karay ka dawlad ahaan waanu qabanay, Wasaaradda Qorshaynta oo u xilsaaran hawshan ayaa iyadu dardargelisay in dadka wax loo qabto, dhawaaq ayey u dirtay hayadaha, waxay kaloo caawino u geysay tuulooyin ka tirasan degmadda Boocame, isla markaana shan kooxood oo abaarta iyo xaaladdeeda ka soo warbixiya ayey u kala dirtay deegaamadda abaartu ka jirto, maantadan waxaa ka socda Garoowe shir loo wada dhan yahay hayadaha iyo dawladdaba oo abaaraha looga hadlayo.

 

AllPuntland: Cabdishakuur, waxaa dhawaanahan jiray colaad ka aloosan xuduuda u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland oo aad labadiina dhinacba soo dhoobteen ciidamo, hadda waa sidee xaaladu, ma sidii baa isu horfadhidaan mise jiraan dadaalo looga hortagayo dagaal?

 

Cabdishakuur : Horta anagu degaankayga ayaanu joognay mar hore iyo mar dambeba, weerar ma nihin, waad garan kartaa cidda weerarka ah, is difaac ayaanu nahay, dhulkayga 100km ayaa gudaha loo soo galay, weli dhanka wanaaga ayaan wax ka eegaynaa, waxaanu leenahay, war haddii dhiigu bilowdo qulqulkiisa in la joojin waayo ayaa daran, marka weli waa is dhowraynaa sidii ayaana la isu horfadhiyaa

 

AllPuntland: Cabdishakuur, ma jiraan wax isku day xal lagu raadinayo, hadday tahay labadiina dhinac iyo haday tahay dalal dibada ah?

 

Cabdishakuur : Ma jiraan haddii aanan labadayadda dhinac jeclaysan war ragga kala dhiciya wax na yiraahda

 

AllPuntland:Cabdishakuur, waxaaa lahadal hayay mudooyinkaan dambe khilaaf isa soo taraya oo u dhexeeyay golaha xukuuumada Puntland bal arintaas xagee maraysaa hadda?

 

Cabdishakuur : Dawlad ma ahan dawladii aan la is jiidjiidin oo fikirka la isku diidin, anaga khilaaf nooma dhexeeyo, taladu sidaas ayey tahay iyo waa sidaas ayaanu is dhahnaa, waase jiraan rag belo sheega oo intaa been fidinaya oo leh Puntland dhibaata jirta, waan kuu sheegay wax is khilaaf la oran karaa oo weyn oo xagayga ah ma jiraan, hadda BBC-da oo warshad rootiga Hargaysa ka sheekaysa isla markaan khilaafka Puntland buunbuunisa aad xiganaysaan ma ogi

 

AllPuntland: Cabdishakuur, haddii uusan Khilaaf jirin, maxaa keenay in wasiir ka tirsan Puntland u galo Somaliland, idaacadaha waxaa ka hadlayay Wasiirada dawladiina xubino ka mid ah iyagoo sheegayay khilaaf iyo is haysad ka jira golaha xukuumada dhexdiisa, waxaasi oo dhan miyayna muujinayn khilaaf dhexdiina ka taagan?

 

Cabdishakuur : Waxaa lagu jiraa xilligii kala miiranka, raguna isku mid ma ahan, balse khilaafka jiraa ma ahan mid weyn oo wax yeeli kara Puntlan.

 

AllPuntland: Wasiirka u baxsaday dhinca Somaliland muxuu qoonsaday baad is leedahay Cabdishakuuroow?

 

Cabdishakuur : Kolay wax qoonsay, balse isagaa afkiisa ku sheegi doona.

 

AllPuntland: Cabdishakuur, Labada nin ee ugu saraysa maamulkiina, madaxweynaha iyo ku xigihiisa ayaa is dhaafsanayay qoraalo is burinaya, taasi miyayna muu jinayn khilaaf?

 

Cabdishakuur : Waxaan ku kalsoonahay haddii uu jiro khilaaf u dhexeeya Cabdullaahi Yusuf iyo Maxamed Cabdi Xaashi waa mid aan keligay ku filahay oo aan dhamayn karo, taasoo kuu muujinaysa wax weyni inaanay jirin, hadduu C/laahi madaxweyne ama Raisal wasaare Soomaaliyaad noqdo, waxaa cad in Maxamed Cabdi Xaashi noqonayo Madaxweynaha Puntland, maxaa kaloo jira.

 

AllPuntland: Cabdishakuur, waxaa la isku hayaa xiliga xukuumada ee Baarlamaanku kordhiyay, taas oo golahiina xukuumada qaarna diidan yahay qaar ogol yahay, taasi hadda xagee maraysaa?

 

Cabdishakuur : Golaha xukumadu ma diidin kordhinta, yaan been laga sheegin, hase ahaatew qoraalkii barlamaanka loo gudbiyey lama soo marin golaha xukumadda, ma fiicna wax in la kordhiyo, hase ahaatee waa in la yiraahdaa oo la raaciyaa sidaas ayaa wax loo qabanayaa lana diyaariyaa sidii xukunka loogu wareejin lahaa rag cusub oo dhalinyaro ah, mudadana laga dhigo sanad.

 

AllPuntland: Adigu markaas ma waxaad kasoo horjeedaa in la kordhiyo xiliga xukuumada?

 

Cabdishakuur : Maya, waxaan qabaa in la kordhiyo Sanad, la qeexo waqtiga la furayo xisbiyadda, ma doonayo in awood maamul ku soo dhacdo meel banaan, wadankuna noqdo fawdo, weliba intaa waxaan rabaa qof ahaan inaan xisbi siyaasi ah sii amaamudno.

 

AllPuntland: Cabdishakuur, Cabdishakuur qoraal uu soosaray Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan Baarlamaanka la geeyay, qoraalkaas oo uu dib ugu celinayay go'aankoodii xili kordhinta, Baarlamaankuna fadhi buu ka yeeshay sida nagu maqaal ah, wali wax makasoosaareen, fadhigooda?

 

Cabdishakuur : Maya, go'aankaas weli waa rahman yahay, is afgaradna waa laga gaarayaa, waxaanse kuu sheegayaa inay Puntland haddii dawlad Soomaaliyeed la helo iyo haddii kale ay jiri doonto oo maamul sii ahaan doonto.

 

AllPuntland: Laakiin Cabdishakuur qaar ka mid ah golaha xukuumada marka ay is qabtaan ragga ka sareeyay waxay ku doodaan in Puntland tahay beelo isutagay, beelona loo kala dhaqaaqi doono, adiguna waxaad sheegaysaa in Puntaland jirayso xitaa hadiiba dawlad Soomaliyeed dhalato, marka fikradahaasi sow lama oran karo waa kala fog yihiin?

 

Cabdishakuur : Puntland markii hore waxaa lagu soo dhisay hab beeleed, iminka taas waa laga gudbay, waa maamul, waxaana jeclahay in qof kastaa garto waxay Soomaaliya u horumari weyday inay tahay beel, sidaa ayaan anigu ku doonayaa in asxaab la furo oo inta isku fekerka ahiba is raacdo.

 

AllPuntland: Cabdishakuur Mahadsanid

 

Cabdishakuur : Idina sidoo kale

Share this post


Link to post
Share on other sites

There is nothing worthy of reflection of what Garad AGani said in that interview. It was expected, and he simply expressed his displeasure with the administration in Puntland.

 

Interestingly though, AGani to this date remains in Lasanod, roams freely, shares his opinions at liberty, and still is a staunch critic of the administration. Ever wondered why he has not been placed under house arrest? Or taken out of his residence in the midst of the night?

 

No my son, Sultaan Hurre died in a regrettable, unfortunate shootout ‘ween his bodyguards and the Dervishes, and NOT ‘cause of expressing his opinion.

 

How was he any different from Garad AGani, Sultan Garase, Garad Shirwac, the Beldajiye in Bosaso, and most of the Arta sympathisers. I hardly hear anyone being bullied, arrested or exiled from their own country for his or her political beliefs.

 

The question that remains unanswered my dear Ayoub is this: why are you supportive of a system that indiscriminately stifles intellectual freedom and scholastic exercise? Or do you struggle differentiating the system (repressive) from the State (entity)?

 

Cheers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this