Sign in to follow this  
Xudeedi

Gen. Ilka Jiir Sets The Direction For Makhiri Political Destiny (Pics)

Recommended Posts

Xudeedi   

ilkajiir.jpg

 

Shirkii Reer Maakhir ee Mudada dheer Loo han weynaa ayaa shalay Galab ka dhacay Magaaladda London ee Xaruunta Boqortooyada Ingiriiska Shirka ayaa Waxaa kasoo qeyb galay dhamaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Reer Maakhir ee ku dhaqan Gobolada Wadanka oo dhan, Sidoo kale waxaa Shirka kasoo qeyb galay Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowladda Puntland Gen. Abdullaahi Ahmed Jaamac “Ilkajiir”

 

Shir Beeleedka Reer maakhir ee Shalay ka dhacay Magaaladda London ayaa Waxaa u guntaday oo isku hawlay sidii uu u qabsoomi lahaa Mahadi ha gaadhee Gudiga Jaaliyadda Reer Maakhir ee UK oo u istaagay Horu-marka Bulshada Reer Maakhir ee ku dhaqan daafaha aduunka.

 

Shirweynahan ayaa Wuxuu yimi ka gadaal markii Kulamo ay isugu yimaadeen Jaaliyarada Reer Maakhir Bishii 3aad ee Sanadkan oo ay u balameen Maalinimadii Shalay sidii ay u dooran lahaayeen Gudi Cusub oo Matala Jaaliyada Reer Maakhir ee Wadanka Ingiriiska Islamarkaana ka shaqeeya Arimaha Deegaan Maakhir.

 

Shirweynaha Jaaliyada Reer Maakhir ayaa Waxaa Soo Camiray oo kasoo qeyb galay Dhamaan qeybaha kala duwan ee Jaaliyada Reer Maakhir ee ku dhaqana Cariga Ingiriiska oo ay kamid yihiin Duqeyda, Waxgaradka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahaniinta, Dhalinyarada, Haweenka iyo Ganacsatada Shirka Waxaa lagu qaada dhigayay sidii loo Horu-marin lahaa deeegaanka Maakhir la isku yiraahdo oo mudadii dambe ahaa Horumarkiisu mid gaabisa.

 

Shirweynahii Reer Maakhir ee ka dhacay Magaaladda London ayaa Waxaa Bud-dhig u ahaa Sidii Xil la isaga Saari lahaa Horu-marka Deegaanka Maakhir Waxaana Goobta Shirka Hadalo isugu jira dardaaran Goobaabin iyo Talo kasoo jeediyay Duqeyda Reer Maakhir Waxaana kamid ahaa Odayaashii halkaas ka hadlay Coll Cumar Xaaji Cali oo Wuxuuna Si qoto dheer uga hadlay Xaalada Deegaanka Maakhir uu hada ku sugan yahay iyo Sidii Horu-marka Deegaanka Maakhir looga wada qeyn qadan lahaa

 

Gudoomiyihii hore ee Jaaliyada Reer Maakhir ee Uk Xasan Cismaan Hoori oo ku hadlayay Magaca Gudigii hore ee Jaaliyada ayaa Wuxuu Ka warbixiyay Wixii u qabsoomay Mudadii ay Xilka hayeen, Wuxuu sheegay in ay Si weyn uga qeyb qaaateen Ololihii Dib loogu soo celin laha Marsada Magaaladda Laasqoray Wuxuu Sidoo kale sheegay in ay Wax badan ka qabteen Gudaha Deegaanka Maakhir.

 

Waxaa Sidoo kale Shirka kasoo qeyb galay Wasiirka Arimaha Gudaha Dowladda Puntland Gen. Abdullaahi Ahmed Jaamac Ilkajiir oo Shirka Awgiis uga yimi Wadanka Jordon oo uu hawlo Shaqo u tagay, Gen Ilkajiir Waxa uu Bulsho Weynta Reer Maakhir ee ku dhaqan Ingiriiska uga warbixiya islamarkaan Xog kasiiyay Xaalada uu haatan ku sugan yahay Deeganada Maakhir Wuxuuna Sheegay in uu dalku u baahan yahay Dadka Qurbaha.

 

Wasiirka Arimaha Gudaha Dowladda Puntland Wuxuu Bulshada Reer Maakhir ee ku dhaqan Wadanka Ingiriiska ugu baaqay in ay Wax ka qabsadaan Wadankan Ingriiska oo aad isu soo taagan Xilalka Dowladda Sida Gudoomiyayaasha Degmada, Dowladaha Hoose iyo Wixii lamida Islarmkaana aad Gacansi ka sameystaan si aad uga dhex muuqataan bulshada aad la nooshihiin ayuu yiri Gen. Ilkajiir.

 

Gen. Ilkajiir Wuxuu u sheegay dadkii kasoo qeyb galay Kulanka In Jaaliyadii ugu horeysay ee ay Soomaali ku yeelato Wadamada Ingiriiska iyo Yamen ay ahayd Jaaliyada Reer Maakhir Wuxuu ku amaanay Jaaliyada Reer Maakhir Xadaarada ay Soomaali dhexdeda ku leeyihiin Wuxuu si gaara u amaanay Jaaliyada Reer Maakhir ee Wadanka Ingiriiska sida ay Marwalba ugu heelan yihiin Horu-marka dalka iyo dadka Reer Maakhir.

 

Gen. Ilkiir Wuxuu ka dhawaajiyay in uu ku hawlanyahay ka Midho dhalinta Marsada Laasqoray Islmarkaana Wuxuu Sheegay in uu Siyaasada u soo galay Sidii uu Marsada Laasqoray uga qeyb qaadan lahaa dhismaheeda Wuxuuna sheegay in ay hada meel fiican u marayso oo uu la kaashaday Dowladda Dhexe iyo Tan Puntland.

 

Dhamaan dadkii kasoo qeyb galay Kulanka Waxay Si weyn u AMaaneen Haweenka Reer Maakhir meelay joogaanba oo ay ku tilmaameen in ay Kaalin weyn ka Ciyaareen Horu-marka deegaanka iyo Wacyigalinta.

 

Gabagabadii Shirka Waxaa lagu doortay Gudiga Cusub ee Jaaliyada Reer Maakhir ee Wadanka Ingiriiska.

 

1. Axmed Nuur Cabdi Ismacaail

 

2. Cali Guray Dirir

 

3. C/risaaq Maxamed xaaji Cali

 

4. Siciid Maxamuud Xawar

 

5. C/raxmaan Faahiye

 

6. Maxaed Godane

 

7. Maxamed Jaamac Cudud

 

8. C/raxmaan dhoore

 

9. Xasan adan Cisman Hoor

 

10. Xasan Maxamed Jamac

 

11. Ibraahim Maxamed Guuleed

 

12. Maxamuud Ducaale Cilmi

 

13. Saalax Cabdi Boobe

 

14. Maxamed Jaamac Ismaac

 

Warbixinta Shirka Waxaa Soo diyaariyay Wariye Liibaan Abdirashiid

Liibaan5711@hotmail.com

Laasqoray.Net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Shirkii Jaaliyada Reer Maakhir ee UK ayaa waxa u qabsoomay si habsami ah, geba gebadiina uu kala ka soo qayb galay Wasiirka arimaha gudaha Puntland oo howl shaqo u yimid wadanka Ingiriiska gelinkii danbe ee maanta

 

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen Dhamaan qaybaha kala duwan ee Jaaliyada Maakhir oo degan Dalka Ingiriiska Daafihiisa.

 

Shirkan oo ay ka hadleen Waxgarad iyo aqoon yahano tiro badan oo ahaa kulan ay isugu yimaadaan kii ugu weynaa ayaa waxa ka mid ahaa xubnihii ka hadlay Xasan Cumar Hoori,Yuusuf Cali Fanax,Ibraahim Faras,Cali Guray Dirir, Cabdiraxmaan Faahiye, Faadumo Maxamed Xirsi iyo Dhamaan xubnihii hore ee degaanka iyo kuwii qaban qaabada iyo Marti Sharaf mid walba metelayey Gobolkii uu ka yimid sidoo kale Culumaa udiin ,ganacsato,Aqoon yahano waxa kaloo ka hadlay Xubno ka socday ururka haweenka Reer Maakhir ee UK

 

Shirkan ayaa u qabsoomay dhamaan sidii loogu talo galay inuu u dhaco ,xubnihii yimidna ay isku raaceen iyaga oo wada jir ah ayna Jaaliyadu g'oaansatay in Dalkii iyo Dadkii wax loo qabto.

 

Wasiirka arimaha gudaha dawlada Puntland oo hawlo shaqo ah u yimid Maanta Gelinkii danbe Wadanka Ingiriiska isaga oo ka soo kicitimay Dalka Joordan ee Bariga dhexe oo uu halkaas u aaday shaqo howleed ee dawlada Puntland ,ayaa aad u soo dhoweeyey Jaaliyad tiradaa leh oo Reer Puntland ah oo ka tashanaysa sidii ay wax ugu qaban lahaayeen Dadkooda iyo Dalkooda.

 

Ugu danbayntii Xubnihii gudiga iyo sawiradii shirka gadaal ayaan idiin ka soo gudbinaynaa

 

Allsanaag.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Xudeedi, it's amazing that all of the recent problems surfaced while he is outside the country to attend an international conference against Piracy. I'm sure his come back would help restore law and order, as it were before.

Btw, thanks for sharing it with us.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

The fact is that Gen. Ilka-jir has political and social capital more than any other current leader in Somalia and that works to the advantage of his leadership, and he is there to use that leverage to give direction and meanings to the destiny of his community and the state, within the existing timeframe given to him.

 

Also, let's not be under the delusion that the two communities of Farole and Ilka-Jir are of seperate groups or hold a diametrically opposed political views and interests. They may have competition as to the allocation of electoral seats and resources but at the end of the day they work behind the scene for a common destiny and that is an invisible work of inconceivable energies mediating them to restoring our Great Republic. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Che -Guevara:

^Being f*cked over by Barre henchman is definitely better.

C'mon you know that's not true smile.gif . You guys just say that for the sake swinging back. Your insults are random and general while ours are specific and grounded in reality....Smarten up.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Africa, how can delusions of grandeur of the hoity-toity crowd in the Triangle be considered reality?

 

Ilka-jir lived overseas when your soi disant defense minister was defeated in Sanaag, then sacked and humiliated by Riyaale. We all remember calls for revenge and the haunting cries of past mistreatments that ensued from your secessionist online portals. Che's remarks only reinforces what the advocators of secessionism have been saying all along that Mr. Riyale has enriched himself, effectively used the divide and rule tactics of his former boss, and thrashed the SNM dreams.

 

A repeat of the same outcome is a sure reality on the ground considering a bit of analysis of the past events.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this