Sign in to follow this  
Paragon

WAR DEG-DEG AH DAGAAL GOOR DHOWEYD KA QARXAY MAGAALADA DHAHAR

Recommended Posts

me   

Waan ka daalay sxb, ani xabashi baan arkaa baryahan, wakhti kuguma luminayo :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

paragon, tuuganimada daa. Taas waad soo xaday waan ognahay labadeenubee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Lol Super. Waa iga dhab wallee. Ninbaa suaashaa lahaa balse waa mid haboon isweydiinteeda maantadan smile.gif .

 

Mj iyo Super, labada calan intaad meel surataan, kaalaya aan colka Tigreega iska dhicinee. Hadhoow hadaad doonta goroda iska lusha hadana- dan iyo yeelkiin smile.gif . Aniguba kuwa aan ogahay ayaan surka iska luli doonaaye!

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

War wadhafka waa in lagu dayo.

 

paragoonoow in cadawga layka dhiciyo wana la jiraa, MJ bal weydii in uu na soo raacayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^ War ninku waa Mujaahid ajir doon ah. Take it from me, he would come- tell him where and he would be there. He never misses an opportunity of fighing for the right cause smile.gif .

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^Waxaad mooda in aad afkayga kala soo baxday. Walibana ku dar, waa geesi geesi dhalay oo aan goobtu galo ilaa uu ku naf baxo mooyee aan dib ujeesen. Waa hubaal taas, fana maahan. It's proven history saaxib. :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Inaad geesi geesi dhalay tahay laba cali isma weydiineyso Mujaahid. Majeeste dagaalyahan adoo kale ah soo waxan ubaahanahay ma ahan?

 

Superna waa wiil hoog warankiisu goor waliba dhaaban yahay oo ableyda ay u soofeeysan tahay smile.gif . Waa laguu yaqaan, Super. Inuu ma jixinjixe yahay waan ogahay. Ina keena nimanyahow, fadhi noo ma yaale 'e. Gaalaa maatidayada gumac la dhacaysee!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Muj. Xasan Ciise Jaamac Oo Ka Digey Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Uu Sheegay In Maamulka Puntland Keenayo Bariga Somalilad

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 8 April, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyihii ugu dambeeyey ururka SNM, Muj. Xasan Ciise Jaamac ayaa ka digey ciidamo Itoobiyaan ah oo uu sheegay in maamulka Puntland uu dalbaday, isla markaana ciidankaas la dhigayo deegaamada bariga Somaliland ee maamulka Puntland sheeganayo.

 

Muj. Xasan Ciise oo shalay ka hadlayey munaasibadda xuska aasaaskii ururka SNM oo ku beegnayd 6dii April oo Jimce ahayd, balse la xusay Sabtidii shalay. Wuxuuna ku dhalliilay xukuumadda Somaliland in aanay ilaa iyo hadda ka hadlin arrinta ciidankaas.

 

Muj. Xasan Ciise isagoo ciidankaas iyo ujeedadiisa sharraxaya, waxa uu yidhi,

 

"Cadde Muuse oo shalay magan inoo ahaa ayaa xabashidii kula soo heshiiyey Ciyaalkayaga oo dhan waxaanu u diranayaa Xamar, oo halkaa ayay dagaalka ka gelayaan, si aanay Somaliland dhabarka noogaga dhufan oo aanay u qabsan dhulkayaga intaanu Xamar ku sii jeedno, Xabashida aanu dhexdayada dhigno, 4, 000 oo ciidanka Itoobiyaanka ah aynu dhigno xuduudka, " ayuu yidhi, Muj. Xasan Ciise.

 

"Xuduudka maaha ee waa dhulka gobolada Bari ee Somaliland. Arrintaa dowladdeenu maxay ka tidhi? Waxba kama odhan? Maxaa loola jeedaa dowladdu waxba kamay odhan oo mabay soo qaadin. Ma wadankaagii uu Cadde Muuse markii hore inaga haystay oo aan ku haysanay ayuu imikana xabashi keenay, " ayuu raaciyey Xasan Ciise.

 

Waxana uu intaas ku daray in arrintaasi ay tahay arrin qaran oo aan loogu dulqaadanayn xukuumaddu inay ka aamusnaato.

 

"Arrintaasi waa arrin qaran oo aan loogu dulqaadanayn maamulkan inuu ka aamuso, waxna aanu ka qaban, " ayuu yidhi Muj. Xasan Ciise oo ay shucuurtiisa ka muuqatey kacsanaan.

 

Ciidamadaas ayaan la garanayn goorta ay Itoobiya keenayso dhulka Somaliland ee Puntland sheegato, qaarkoodna ay haysato. Hase yeeshee, Cadde Muuse ayaa toddobaadkii hore ka noqday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaas oo uu wadahadalo kula soo yeeshay madaxda dowladda Itoobiya, waxana uu sheegay in Itoobiya ay soo kala saxeexdeen heshiis iskaashi ganacsi iyo in Itoobiya ganacsigeeda u isticmaasho xeebaha maamulkaas.

 

Dhinaca kale, dhaqdhaqaaq ciidan Itoobiyaan ah oo la soo dhoobay xuduudka Somaliland iyo Itoobiya ee dhinaca bariga, gaar ahaan degmada Buuhoodle ayaa si weyn loo dareemay.

 

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Paragon, smile.gif

shaydaanka hanoo jilcin, naga daa faanka badan. Geesi ma faano.

 

Laakin mahadsanid saaxib. ;)

 

Intay naan tagin waxan ubaahanay mawqif aan ku dagaal galno, xeel dagaal, tab iyo hanan. haye war planing yaa yaqaan.

 

*true fadhi ku dirir ayaan nay runtii, love it*. :D

 

 

Nabadshe, dadbaan xishoonayn ba kawaran. Xabashi un bay miciinsadeen. Walee cajiib, waar somaliland gala meesha ayaan leeyey intaan lakeenin Ciidan Ethiopian ah ba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

As expected, here is news from Somaliland side:

 

hadhwanaag 2007-04-09 (Hadhwanaagnews) Ceerigaabo(HWN) Maleesiyaad ka yimi dhinaca Boosaaso oo saaka weerar ku soo qaaday ciidanka qaranka ee fadhigoodu yahay degmada Dhahar ee somaliland , aaya halkaasi laga caydhiyay markii ay weerar ku soo qadeen ciidanka qaranka ee degmadaasi.

 

Sida ay sheegeen goobjogayaal ku sugan Degmadaasi maleeshiyadka ka yimi dhinaca Boosaaso waxay saaka ku Waabariisteen duleedka degmada dhahar iyagoo doonaayay in ay weerar ku soo galaan degmadaasi goor uu halkaasi ku sugnaa wafti Balaadhan oo ka socday dhinaca Somaliland oo uu hogaaminayaya Wasiirka Ciyaaraha Maxamuud Siciid Maxamed, wasiir ku xigeenka Dib udejinta, Mudane C/xakiin Garaad iyo xildhibaano badan oo halakasi ku sugnaa, balse ciidanka qaranka ee fadhigoodu yahay degmadaasi iyo shacabka ku dhaqan degmadaasi ayaa sutida uqabtay. iyadoo halkaasi dagal ku dhexmaray ciidanka qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaadka Buuntland ee soo duulay.

 

Wasiirka warfaafinta Somaliland Axmed X Daahir Cilmi ayaaa shir jaraaid oo uu saaka ku qabtay Xafiiskisa ka sheegay in dhanka ka soo horjeeday ay Laba gaadhi oo tiknikaa kaga qabsadeen dagaalkaa dhexmaray Maleeshiyaadka ka yimi dhinaca Boosaaso sido kalena ay ka dileen hal askari iyagoo tira kalena ka dhaawacay

 

 

Wariye Cabdisalan ilkacase

Hadhwanaag/Reporter

ilkacase1@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

wayahan dhambe Somalidu wexesurogeen wax lalayabo.

Kolkey iyaga daxdhoodha ismaagan gesinimadha Kamuqata.Lakin waxalayableh kolkey Xabash is arkaan mukulalo beysubadalaan.

Macal asaf shadiid.

(Pardon my somali writing)

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

^^marba mid buu ciilku qabanayaa,

 

aniga sanadbaa ka soo wareegay maalintii aan dadkan ku xanaaqay.

 

Che iyo Kashafana waan joogay maalintii uu ciilku qabtay, maantana Ahmed Guree ayuu ciilku qabtay.

 

Ciilkan maxaa lagu qabanweeye dee.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this