Sign in to follow this  
Paragon

WAR DEG-DEG AH DAGAAL GOOR DHOWEYD KA QARXAY MAGAALADA DHAHAR

Recommended Posts

Paragon   

WAR DEG-DEG AH DAGAAL GOOR DHOWEYD KA QARXAY MAGAALADA DHAHAR

 

Dhahar:- Dagaal ayaa saaka subaxnimadii ka qarxay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag, kaas oo u dhexeeya ciidamada ka amar qaata maamulka Puntland iyo kuwa ka amar qaata maamulka Somaliland oo dhuumaaleysi ku yimi Magaalada.

 

Dagaalka ayaa hadda ka socda dhanka baraagaha, ilaa haddana wax khasaare ah lama soo sheegin , mar aannu la xidhiidhnay dadka magaaladu waxay noo sheegeen iney maqlayaan rasaasta qoryaha ee waaweyn oo ka dhacaysa magaalada dhinaceeda.

 

 

Dadaweynaha ayaa nin walbi gurigiisa ku sugan yahay , dhaq-dhaqaaqiina waa joogsaday, iyadoo laga cabsi qabo qax ama tuugo guryaha baadhata.

 

 

Gurmadka labada dhinac ayaa laga soo sheegayaa iney si weyn ugu soo fool leeyihiin magaalada Dhahar, iyadoo aan la soconney in ciidanka Somaliland ay shalay galabnimadii halkaa gaadheen.

 

Kuwa Puntland ayaa iyaguna xalay goor danbe halkaas gaadhey waxana weheliyey wasiirro iyo xildhibaanno uu ka mid yahay Guddoomiyaha barlamaanka, dhammaan musuuliyiinta labada dhinac waxay ku sugan yihiin magaalada Dhahar.

 

wixii soo kordha kala soco LaasqorayNet iyo Dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well, i don't trust Dhahar.com but if this is true then WAR IS NOT GOOD FOR ANYONE ,,,,

 

 

I'm sorry to hear that ,,,,,,,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^Adeer, who gives a damn what you trust? :D

 

WAR DEG DEG AH:- Dagaalkii Magaalada Dhahar oo saacad ka dib Joogsaday.

 

Dhahar: - Mar aan goor dhoweyd khadka telefoonka kula xidhiidhnay dad lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Dhahar, ayay waxay noo xaqiijiyeen in dagaalkii uu istaagey saacad ka dib, wararku waxay intaas ku darayaan in la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan .

 

Goobjoogayaashu waxay noo xaqiijiyeen iney maqlayeen rasaasta dhashiikaha iyo ZKU -ga oo ka dhacaysa meelaha labada dhinac isku herdiyeen.

 

Warar is khilaafsan ayaa ka jira cidda itaal roonaatay, welina ma helin warar dhex-dhexaad ah oo arintaas ku saaban. waxase hadal hayntu u badan tahay in wasiiradii Puntland ee ku sugnaa magaalada dhexdeeda ay ka bexeen , lamana xaqiijin meesha ay u bexeen iyo sababta.

 

Wararka aan ilo kala duwan ka heleyno ayaa ku sababeeyey bixitaanka wasiirada iyo xildhibaanada Puntland iney tahay kacdoon kaga yimid xagga dadweynaha reer dhahareed.

 

Dhaawac inuu labada dhinacba jiro ayaa sidoo kale la hadal hayaa, inkastoo aan tiradooda war dhex dhexaad ah aan laga hayn, hase yeeshee weli labada ciidan waxay isku hor fadhiyaan duleedka magaalada, waana isu nasanayaan sida muuqata iyo iyadoo qolo walbi ay gurmadkeeda sugeyso.

 

Ma jirto cid dhex dhexaad ah oo arintaan ka hadashay.

 

lasoco wixii kasoo kordha : laasqorayNet + dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Sanaag: Puntland oo ka hadashay weerar ciidamada Somaliland kusoo qaadeen dhulka Puntland.

9. april 2007

 

APL

 

Sanaag(AllPuntland)- Wasiirka warfaafinta dawlad goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Bankax ayaa sheegay in ciidamo ka socda maamulka la baxay Somaliland ay soo weerareen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Puntland sida Dhahar , Xuddun iyo Awrboogays.

 

Wasiirku wuxuu AllPuntland uga waramay in iska hor imaad uu marka hore ka dhacay magaalada Dhahar , kaasoo aan wax khasaare ah gaysan, dibna loo riixay ciidamadii duullaanka soo qaaday.

 

Md: Bankax wuxuu ka dhawaajiyay in si nabad galyo ah looga saaray ciidankii soo weeraray deegaannada kale ee Xuddun iyo Awrboogays oo ka tirsan gobolka Sool.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in maamulka waqooyi galbeed uu doonayo inay carqaladeeyaan socdaal wafdi reer Puntland ah ay ku marayaan gobollada Sool iyo Sanaag.

 

Md: Bankax wuxuu sheegay in maamulka la baxay Somaliland uu weeraradan iyo waxa uu ku tilmaamay gardarada cad ee Puntland uu ku hayo uga danleeyahay inuu aqoonsi ku helo, asago ku tilmaamay mid ay ku fashilmeen .

 

Wasiirka warfaafintu wuxuu sheegay in dad deegaannada Sool iyo Sanaag kasoo jeeda ay hor kacayaan ciidamada duullaanka kasoo qaaday Somaliland,asagoo uga digay falalkaasi.

 

" Puntland mar walba waa difaac, ciddii kusoo gardarootana way iska difaaci doontaa" ayuu yiri Md: Bankax .

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

According to SanaagWeb the locals fought off a Puntland offensive. The Somaliland ministers and member parliamenterians are undertaking their duties as planned.

 

 

-----------

 

War Deg Deg ah: Dagaal ka Dhacay Dhahar oo ay iskaga hor yimaadeen .....

Saaka dagaal ayaa ka dhacay Degmada Dhahar ee Bariga gobolka Sanaag, dagaalkaas oo aan illaa hadda la ogayn wax khasaare oo uu geystay.

 

Sida warar aannu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in dagaalkaasi ay iskaga horyimaaddeen dad u dhashay Degmada Dhahar oo iska difaacayey Duullaan kaga yimi dhinaca Puntland ka dib markii ay halkaasi gaadheen Wasiirka Waxbarashada iyo Xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka Somaliland.

 

Waxay wararku intaa ku darayaan in ciidamo ay ka soo duuleen dhinaca Puntland si ay khalkhal u geliyaan weftigan laakiin arrintaasi ay difaaceen dadka ku dhaqan degmada Dhahar ee taageersan Xukuumadda Somaliland.

 

Wixii warara ee ka soo kordha dagaalka kala soco Shabakadda Sanaagweb.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Suldaanka, that is the news I hear too. The locals turned against the puntland soldiers

-----

 

Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo ka qarxay Degmada Dhahar ee Gobalka Sanaag

 

Dailypuntland-09-04-2007(DP-Muqdisho)-Wararka naga soo gaaraya Degmada Dhahar ayaa waxay sheegayaan inuu halkaasi saaka dagaal ku dhexmaray Ciidamo kala taabacsanaa Puntland iyo Somaliland,iyadoo labada dhinac isugu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Dagaalka ayaa wuxuu ka dambeeyey ka dib markii Labada Maamul wafuud heer wasiira ah u soo direen Gobalka Sanaag,islamarkaasna dhinac walba wado Hay,ado la tusayo cidda sida tooska ah uga talisay Deegaamadaasi.

 

Majiraan wax khasaare ah oo ilaa iyo haatan la xajiiyey,inkastoo warar xog ogaal sheegayaan inay jirto khasaare soo kala gaaray labada Geesood balse aan la garanayn inta ay le'eg tahay,waxaana istaagay dhaqdhaqaaqa Magaalada,iyadoo dagaalka culayskiisu ka dhacay Aagga Baraakaha ee Degmadaasi.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee dalka naga soo gaaraya ayaa waxay tibaaxayaan inuu imminka dagaalku joogsaday,islamarkaasna weftigii Puntland oo uu horkacayey Guddoomiyaha baarlamaanka isaga baxeen Degmada Dhahar,iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysay bixitaankooda.

 

Gurmadka Labada Geesood ayaa wuxuu ku wajahan yahay Jiida dagaalku ka dhacay,iyadoo dadka ku dhaqan Degmada Dhahar ka cabsi qabaan inuu dagaaladu xoogaystaan,islamarkaasna dhibaato ka soo gaarto.

 

Maamulada PL iyo SL ayaa waxay labadu ku guuldaraysteen inay gutaan Ma'suuliyadda ka saaran Goobaha ay maamulaan,iyagoo la arko marka xiisad colaadeed soo cusboonaado,islamarkaasna Maamulkasta doonayo inuu fushado danihiisa gaar ah.

 

 

Dailypuntlandnews

 

Dailypuntland@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

That is very sad news indeed, Sanaag is a peacefull region, and locals should not let PUtnland or SLand to come to thier land.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

This one of many reasons we reer Sanaag have to build our own government!!!!!!!!viva danwadaag state.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dabshid

Somaliland ministers were recieved to Dhahar by the locals yesterday. It was only when the Puntland officials tried to invade the city without any prior knowledge or agreement from the locals that the locals fought off. And now the news coming from Dhahar are saying that the Somaliland ministers are engaged with talks as planned with local elders. The Puntland officials were rebelled out and they are trying to get more arms and invade once again.

 

Somaliland is represented by local Dhaharians and they went to their city with the consent from the locals and their traditional elders. Its the Puntland side that is stirring trouble.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Dabshid, whatever reer Dhahar and other towns of Sanaag decide on is up to the people who live in it right now. If they deem Somaliland or Puntland or new Danwanaag state to be the right choice, I am sure they choose it.

 

Right now, what they don't require is trouble courters -as Puntland is proving to be. Both Puntland and Somaliland should not stir trouble in this peaceful region. The last thing these people in Sanaag and other parts of Somalia/Somaliland need is irresponsible courting of trouble.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Paragon:

Dabshid, whatever reer Dhahar and other towns of Sanaag decide on is up to the people who live in it right now. If they deem Somaliland or Puntland or new Danwanaag state to be the right choice, I am sure they choose it.

 

Right now, what they don't require is trouble courters -as Puntland is proving to be. Both Puntland and Somaliland should not stir trouble in this peaceful region. The last thing these people in Sanaag and other parts of Somalia/Somaliland need is irresponsible courting of trouble.

Caku iyo dad aan diin iyo iimaan laheyn; war meey naga joojiyaan qaskaan baas oo hadeey dagaal rabaan nagu taageeraan jabinta cadowga weyn ee dalkeenii xooga kusoo galay?

 

War ileen anakaa balaayo aragnay! Paragon, oo hadda dhul cidlo ah maa la isku heestaa mise wax kale ayaa jira? Waxaan la yaabanahay sababta aan u arki la'nahay Itoobiya oo dhulkeenii xoog ku qabsatay oo aan u eegeyno dad Soomaali ah oo xor u ah ineey dhulkaas ilaahey meesheey rabaan ka dagaan!

 

War dhiiga muslimka yaan waxaan qiimo laheyn lagu daadin, oo ilaahey halaga cabsado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Paragon

Somaliland cares about the peace in its territory. That is why Somaliland invests a lot of time and behind-the-scenes talks with the locals and local elders to create the conditions before such a visit takes place.

 

Its always the Puntland side that tries to create trouble because they know without the clanish talk they will have a hard time getting any support for their clanish state. Its nowonder the great majority of the well known elites (the educated people) from Eastern Sanaag do support Somaliland and not Puntland.

 

Reaching a consensus on any issue is a cornerstone of Somalialnd's politics.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this