Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Sh. Sharif Reshuffles the Cabinet

Recommended Posts

Haatu   

Plus what is the point of starting this thread yaa JB, if no info is provided? Your leaving us wondering.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Maxaad kala socotaa Isbadal lugu sameeyey Wasiirada dowladda Soomaaliya.

17. august 2009

 

 

Muqdisho(AllPuntland )- War saacadaha nagu soo aadan ka soo bixi doona dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa qeexaya Isbadal lugu sameeyey Wasaaradaha dowladda Faderaalka ee Soomaaliya, inkastoo uusan Isbadalkaasi saameyn ku yeelan Wasiiradii dowladda ka soo galay dhinaca Xisbigii Madaxweynaha dowladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

 

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo Raysalwasaarihiisa Cumar C/rishiid Cali Sharmaake ayaa isku afgartay qorshahan oo ay ku sheegeen mid horukac loogu samaynayo dowladda Soomaaliya.

 

Masuul sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, gaar ahaana Xaafiiska Raysalwasaaraha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Cumar C/rishiid ayaa qiray in ay jirto Isbadal lugu sameeyey dowladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Wasiirada uu ku dhacay Isbadalkan ee ka yimid dhinaca Isbaheysigii Shariif Sheekh Axmed waxaa ku jira oo kaliya Prof, Maxamed Cabdi Gaandi, taasoo ay shaki galiyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee dowladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Shaqada dowladda Soomaaliya guud ahaan waxaa laga qaaday Farxaan Cali Maxamuud, Wasiirkii Warfaafinta ee dowladda Soomaaliya, waxaana lugu badalay Daahir Maxamuud Geelle ahna Mulkiilaha Idaacadaha Muqdisho qaarkood.

 

Wasiirada kale ee dowladda Soomaaliya ee lakala badalay ayaa kala ah.

 

1- Wasaarada arrimaha dibada waxaa loo magacaabay Cali Axmed Jaamac (Jangali)

 

2- Wasaarada Gaashaandhiga Waxaa loo dhiibay Cabdalla Boos Axmed.

 

3- Wasaaradda cusub ee lacagta waxaa Wasiir loogu magacaabay Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow), wuxuu ka mid yahay Saaxiibada ugu dhaw ee Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, oo la aaminsan yahay in uu keenay isagu ninkan.

 

4- Wasaarada Gaadiidka waxaa loo magacaabay Prof. Maxamed Cabdi Gaandi, oo horay uga tirsanaa oo kaliya Isbaheysigii Shariif Sheekh Axmed, lana aaminsan yahay mudooyinkii ugu dambeeyey in ay isku dhacsanaayeen.

 

Warkan wuxuu soo baxay saacadihii ugu dambeeyey, waxaana lugu dhawaaqayaa sida uu sheegay mid ka mid ah Golaha Wasiirada saacadaha nagu soo dhaw, isagoo kaga dhawaaqaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalada Mudug ee Puntland.

 

Siyaasiin badan ayaa dhowrayay Isbadalkan oo mug weyn lugu sameeyo, balse waxa ay leeyihiin ma aysan noqon xaaladu sidii lafilayay, maadaama ay Teedkan ama Liiskan ka maqan yihiin rag aad loogu tuhmayo shaqo la'aan iyo wax isdaba marin oo taageersan Shariif Sheekh Axmed.

 

La soco shaacinta Magacyadan iyo usoo gudbinta Saxaafada, oo laga dhowraya Raysalwasaaraha dowladda Soomaaliya, AllPuntland oo ah Shabakad utaagan soo tabinta wararka Xaqiiqada ah kala soco wararkaas.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xaq   

Golaha wasiirada oo la isku shaandheeyay

http://www.bbc.co.uk /somali/news/story/2 009/08/090817_isku_s haandheyn.shtml

 

BBC waxay ka war heshay in isbeddel xagga Golaha Wasiirrada ah oo maalmahan la filayay hadda ay isku af garteen Madaxweynaha iyo Raiisal Wasaaruhu.

Warkan oo aan ka helnay ilo ka tirsan dowladda Soomaaliya, ma ahan mid rasmi loogu dhawaaqay.

 

Sida ilahaasi ay xaqiijinayaan waxaa isbeedelku saameeeyay Wasaarado dhowr ah oo ay ka mid yihiin Arrimaha Dibadda, Difaaca iyo Maaliyadda oo laga dhinac sameeyay Wasaaradda Lacagta.

 

Waxaa la sheegay in Wasiirka keliya oo xilka laga qaaday uu yahay Farxaan Cali Maxamed oo lagu beddelay Daahir Maxamuud Geelle oo ka tirsanaan jiray Maxakamadaha Shareecada isla markaana ah milkiilaha Idaacadda Quraanka Kariimka.

 

Wasaaradda cusub ee lacagta waxaa Wasiir loogu magacaabay Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo loo yaqaan Inj Yariisow, oo hadda ah Madaxa Protocolka Madaxtooyada, isla markaana hore u ahaa Madaxa Xafiiskii Raiisal Wasaarihii hore.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa la sheegay in Cali Jaamac Jengeli oo hore u hayn jiray haddana dib loogu soo celinayo, iyada oo Wasaaradda Difaacana loo magacaabay Cabdalla Boos Axmed.

 

Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo ahaa xiddigga cusub oo dowladda uga soo biiray Hargeysa ayaa isaga la sheegay in loo magacaabay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha.

 

Prof Maxamed Gaandi ayaa loo magacaabay Wasiirka Gaadiidka.

 

Waxaa naga xusuus ah in inkastoo ilaha warkan aan ka helnay ay yihiin kuwo lagu kalsoonaan karo, in haddana aan weli wax rasmi ah oo xaqiijinaya isbeddelkani aanay soo bixin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A creeping acceptance of the impotency of appointing Somalilanders to positions in Southern administrations. Now we wait for Jangali, another Somalilander, to be eventually replaced.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

Originally posted by Xaq:

Omaar demoted to minister of the sea and minerals. Very bad news.

Way la goday walee.

Share this post


Link to post
Share on other sites

BBC waxay ka war heshay in isbeddel xagga Golaha Wasiirrada ah oo maalmahan la filayay hadda ay isku af garteen Madaxweynaha iyo Raiisal Wasaaruhu.

 

Warkan oo aan ka helnay ilo ka tirsan dowladda Soomaaliya, ma ahan mid rasmi loogu dhawaaqay.

 

Sida ilahaasi ay xaqiijinayaan waxaa isbeedelku saameeeyay Wasaarado dhowr ah oo ay ka mid yihiin Arrimaha Dibadda, Difaaca iyo Maaliyadda oo laga dhinac sameeyay Wasaaradda Lacagta.

 

Waxaa la sheegay in Wasiirka keliya oo xilka laga qaaday uu yahay Farxaan Cali Maxamed oo lagu beddelay Daahir Maxamuud Geelle oo ka tirsanaan jiray Maxakamadaha Shareecada isla markaana ah milkiilaha Idaacadda Quraanka Kariimka.

 

Wasaaradda cusub ee lacagta waxaa Wasiir loogu magacaabay Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo loo yaqaan Inj Yariisow, oo hadda ah Madaxa Protocolka Madaxtooyada, isla markaana hore u ahaa Madaxa Xafiiskii Raiisal Wasaarihii hore.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa la sheegay in Cali Jaamac Jengeli oo hore u hayn jiray haddana dib loogu soo celinayo, iyada oo Wasaaradda Difaacana loo magacaabay Cabdalla Boos Axmed.

 

Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo ahaa xiddigga cusub oo dowladda uga soo biiray Hargeysa ayaa isaga la sheegay in loo magacaabay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha.

 

Prof Maxamed Gaandi ayaa loo magacaabay Wasiirka Gaadiidka.

 

Waxaa naga xusuus ah in inkastoo ilaha warkan aan ka helnay ay yihiin kuwo lagu kalsoonaan karo, in haddana aan weli wax rasmi ah oo xaqiijinaya isbeddelkani aanay soo bixin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Maxay macno tari? Being a fool is trying the same thing and expecting different results.

 

This TFG is a failure just like the past ones.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this