Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Onlf rebels attack Ethnic Somalilanders in Ethiopia.

Recommended Posts

Jabhda ONLF Oo Dad Shicib ah Ku Laysay Deegaanka Ayqaad

Written by Qarannews

Jan 18, 2010 at 06:39 AM

Daroor,(Qarannews)- Dagaalo ayaa ka dhacay deegaanka Ayqaad oo magaalada daroor hawd kaga beegan, dagalaadaaasi oo kala dhacay laba maalmood oo kala duwan, waxa uu dhex maray deegaanka xagaasi degan iyo jabhada ONLF.

 

Jabhda ONLF, ayaa gaadmo ku soo qaaday deegaankaasi isla markaasina waxa ay si gaadmo ah ku dileen nin isla markaasina waxa ay dhaawac u gaysteen 4 qof oo kale oo ay ku jirto ruux dumar ahi, ninka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray marxuun Axmed Yusuf Jamac.

 

Sidoo kale sadexda nin ee dhaawacmay ayaa la kala yidhaa Maxamed Rooble Qaare iyo Maxamed Warsame Geele Lanqash iyo Axmed Jiircaws, dhanka ONLF, waxa goobtaasi gaadmada ah lagaga dilay hal nin oo ay ka yaaceeen isla markaasina laga furtay qorigii iyo rasaastii uu sitay, sidoo kale waxa goobtaasi laga dhaawacay laba nin oo dhaawac cararay, taasi oo dhiigoodii la sii raad raacay sida ay wararku sheegayaan.

 

Sadexda nin ee deegaanka Ayqaad ka dhaawacmay ayaa loo qaaday cisbatal ku yaala magaalada Jigjiga ee caasimada gobolka is maamulka Somalida.

 

Ilaa hada wax war ah oo intaas dhaafsiisani kama ay soo baxin hase ahaatee waxa isna dagaalkaasi gaadmada ah noo xaqiijiyay Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Xasan, oo ka mid ah salaadiinta beesha Isaxaaq ee Habaryoonis oo noo xaqiijiyay weerarkaasi lay jabhada ONLF ku soo mirtay subax hore oo ay dadku iska hurdaan, suldaanku waxa uu noo sheegay in hada deegaanadaasi ay heegan ugu jiraan sidii ay gardaroooyin kale ay isga caabin lahayd oo kaga yimaada jabhdaasi.

 

Dhowr todobaad ayaa jabhadaasi si xun oo fool xumo ah ay u dishay rag baabuur deegaankaasi meel ka shishaysa raashin geeyay.

 

 

 

Waxii war ah ee ka soo kordha kala soco qarannews

 

Last Updated ( Jan 18, 2010 at 06:53 AM )

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jabhada ONLF Oo Weeraro Dhimasho Iyo Dhaawacyo Keenay Ku Soo Qaaday Deegaanada Hawdka Kililka 5aad Ee Itoobiya

 

Hargeysa January 18, 2010 (Haatuf)-Jabhada ONLF ee ka dagaalanta kililka shanaad ee Itoobiya ayaa la sheegay inay habeen hore mireen dadweynaha dagan deegaanka Daba-raqas oo ka tirsan deegaanada Ayqaad ee hawdka kililka shanaad ee itoobiya, oo la sheegay inay ku dileen nin lagu magacaabay Ismaaciil Yuusuf Jaamac kuna dhaawaceen Axmed Tuur-Caws iyo gabadh ka mid ah dadka ku dhaqan deegaankaas.

 

Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo ka mid ah madaxdhaqameedyada deegaankaas oo wargeyska Haatuf xalay nagu soo booqday islamarkaana nooga xog-waramay xaalada colaadeed ee kasoo cusboonaatay deeganadaasi ayaa iasagu walaac ka muujiyey saamaynta ay ku yeelan karto Itoobiya iyo Somaliland deganaanshahooda.

 

Ugu horayn Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo ka hadlaya arimahaasi waxa uu hadalkiisii ku bilaabay “waxa aan caawa ka hadlayaa in aan war kusoo kordhay ka waramo, waxa ka dhacay meesha la yidhaahdo Dabaraqas oo ku taala kililka shanaad deegaanka la yidhaahdo Ayqaada dagaal ay soo qaadeen jabhada la yidhaahda OLNF halkaas oo ah deegaan ay dadku yaalaan oo beeshu aad u taalo oo deegaankaasna ay ku taalo magaalada Dabaraqas halkaa waxay kusoo qaadeen dagaal ay waliba xili habeenimo ah oo mir ah kadib halkaa ragbay ku laayeen qaarna waa ku dhaawaceen rag iyo dumarba leh waxa ku dhintay AHN nin la odhan jiray Ismaaciil Yuusuf Jaamac waxa kale oo ku dhaawacmay Axmed Tuur Caws iyo gabadh iyaduna halkaa ku dhaacantay, dagaalkaasi markii uu dhacay ee dhimashadaasi ay dhacday waxa is abaabulay oo qoryohoodii qaatay dadkii deegaankaas iyo beeshii halkaa daganayd oo ah beesha Isaxaaq halkaa waxa warku igu soo gaadhay in maantana (shalay) ay ka dhacay dagaal kale oo kii daba socday habeen hore. dagaalkaa ilaa imika inta aynu ognahay meeshu ma laha isgaadhsiin waa meel kililka shanaad ku taala” “dagaalkaa maanta (shalay) dhacay igaadhsiin la’aan awgeed hadana sida la soo xaqiijiyey oo fooniyayaal si tuugo ah meelahaa lagaga soo hadlayaa ay noo soo sheegeen ninka la yidhaahdo Maxamed Rooble Qaare oo dhaawaciisu aad u culus yahay iyo Maxamed Warsame Geele oo isaguna dhaawacan waxa naloo sheegay labadaa nin dhaawacoodii la soo sido, meeshaas waxa ka taagan dhibaato dagaal oo aad layskugu hub urursanayo.

 

Hadaba waxa aan doonayaa in xaalada dalka kusoo koradhay ee deegaankaasi ka dhacday aan dadka reer Somaliland ku wargalino iyo dhibaatada ay ku hayaan markastaba OLNF shacbiga kililka shanaad waxaynanu hore u wada ogsoonahay in dhimashooyin ay hore gaysteen oo laba nin oo baabuur watay oo nin la odhan jiray Ismaaciil Axmed Jaamac oo waliba meel tuulo ah ay si fool xun ugu dileen iyadoo la wada arkayo arintaasi waa arin dhibaatadeeda leh oo soo noqnoqonaysay muddooyinkan-ba, dawlada Ethiopia iyo Somalilandna arrintaasi waxay u baahan tahay in laga sameeyo gurmad iyo wacyi gelin oo dawlada Itoobiya ay itaalkeeda wax kaga qabato oo ay u gurmato shacbigeeda maalinkasta lagu hor gumaadayo. Dawlada Somaliland-na waxaa meesha ka dhacaa waa wax ina wada saamayn kara, markaa xaalada deegaankaasi ka taagan ee colaadeed ha laga war hayo masuul iyo shacbi-ba si degdeg ahna halooga gurmado dhibaatadaasi OLNF-tu ka wada deegaanadaasi, iyada oo aynu hore u wada ogayn baabuurta faraha badan ee shacbigana lahaa ee ay duhurka cad gubeen dadkii watayna inta badan laayeen”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

It is funny they never dare attack wardheer citizens!!!

 

They know their will be severe repercussions!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Aqyad residents should respond with heavy weaponaries just like they did with it few weeks ago killing 4 ONLF's.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Ethnic Somalilanders heeeeee heeeeee :D:D

 

AND

 

Ethnic Somalilanders heeee heeeeeee :D:D

 

PLEAS DONT YOUS CALN IN SOOL

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Quite impresive. The ONFL group do not have any foot whole in much of Republic of somalia. However they have responsive any time they have been attacked.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sikaawe   

ONLF always practice these hit and run tacts as they have been doing for over 50 years under different names. One thing for sure is that they are a curse to Somalis live in ****** and Reserve Area or Hawd.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

[QB] ^^ No they are not Ethnic Somalilanders live only in somaliland.

Ninyahow qabiilkooda isma sheegtidoo instead of playing around with semantics. There's no such as ethnic Somaliland.

 

Midakale, in the spirit of respecting if international, I thought everything beyond boundaries matters little to you.Reer Somaligalbeed are Ethiopians according to you one time, why intermingle with Ethiopian issue?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che Guevara why not If there is such thing as Ethnic Somali There must Be something called Ethnic somalilander. wa laba qawmiyadood dhankayga. Dadka Somaliland wa isku qawmiyad

Dadka Somalia na wa isku qawmiyad. wa sida.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this