Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Suicider in Women's Clothes ????

Recommended Posts

Markii uu soo gaba gaboobay shirka jaraa’id ee madaxweyne Shariif ayaa saxaafadda waxaa la tusiyay islamarkaana loo soo bandhigay meydka ruux jarjaran oo aan wajigiisa la garan Karin kaasoo saraakiisha dowladda ay sheegeen in uu ahaa ruuxii is qarxiyay oo ay sheegeen in uu watay dharka haweenka sida ay hadalka u dhigeen.

FULL NEWS

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allaha u naxartiisto intii dhimatay.

 

Al-shabaab waa gaalo takfiiri ah waxaana banaan in laladagaalamo oo hal meel looga soo wada jeesto diin ma haystaan mana ku dhaqmaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Uztaad, mayee waxaa la yiri: 'gaal dil gartiisanasii'e

1) ma cadda iney iyaga ka dambeeyeen

2) ereyga: 'waa gaalo' ayaa takfiirnimo ah

3) Umm Zam-zam & Shaakirullaah (haddey 2 kala yihiin) ayaa ku faani lahaa oo dadka ka hor soo post-gareyn lahaa.

4) gaalo & takfiiri-na isma raaci karaan.

5) Waxa la weriyey in markii Cali (rc) la weydiiyey in Khawaarijtu gaalo yihiin uu ku jawaabay: 'minal kufri farruu'

Share this post


Link to post
Share on other sites
UZTAAD   

haa waa gartay sxb, kolley waa soo baxaysaa ama aygaa sheeganaya ama sikale ayaa lagu ogaan doonaa. balse waxaan filayaa haddii arrintaas shabaab ku cadaaato in dad badan kalsoonida kala noqondoonaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Maadeey,

 

xataa hadaysan ka danbaynin falkaan wuxuushnimada ah ee maanta Mogadishu ka dhacay, soo maysan horay u soo samaynin fal kan lamid ah ?

 

Marka Diinta dhigaysa in dad masaakiin ah oo meel iskugu yimi la banaysto dhiigooda oo bamb lagu qarxiyo waa tee?

 

Teeda kale haday cadaato inay ka danbeeyaan Al-shabaab falkaan wali miyaad taageeraysaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Dhubad.,

 

Weligey Al Shabaab & dad kaleba wax qalad ah kuma taageerin.

 

Waxaa fiican in miyir la isu yeelo oo dadka hadalkooda la dhuuxo, teeda kale Alle subxaanah wuxuu qolo Yuhuudda ka mid ah ku tilmaamay wax ay ku amaananyihiin.

 

Haddaad leedahay qofkii qaldama samaantiisana xumaan u beddel, kuma jiro ani.

 

Uztaad,

 

Mahadsanid sxb inaad ila fahantay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Who else has ever done a suicide bombing in Somalia>?

 

Who sent suicide bombers to Beledweyne, Hargaysa

Bossaso & Baidoa? Only one group and thats Al Shabaab, lets stop the lies and use our heads, no other group could have pulled this of and the targets were clearly TFG ministers.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Maadeey,

 

Sheekadu khalad way ka wayntahay, Al-shabaab waxay aaminsanyihiin inay qofkasta oo ka soo horjeesto fikir ahaan uu target yahay. Dadaka muslimka ah ayay gaalaysiiyaan, marka maxaytahay waxa lagu taageeri karo?

 

Waa jirtaa in Al-shabaab meelaha ay xukumaan ay aad u nabadbadantay, marka hadaad leedahay nabadaas ayaa ka muhiimsan dhiiga dadak muslimka ah oo la daadiyo ama la gaalaysiiyo waa arinkale ayaduna, anigu wax lagu taageeri karo ma arko maadaama ay CAQIIDO khaldan ay haystaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maaddeey halla xasuusiyyo in alshabaab dad inta ka badan ku xasuuqeen Beledweyne sheegteenna ooy waliba ku faaneen. Farqiga udhexeeyya kuwa maanta lagu laayey Muqdishu iyo kuwii Beledweyne ciddii taqaanni dadka ha u sheegto.

 

Dadkii Beledweyne waxaa loo laayey wasiir baa ku jirey, wasiirkuna wuxuu wasiir ka ahaa al dawlah al riddah

 

Isn't that the truth?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this