Sign in to follow this  
Maaddeey

3 sarkaal (2 askar gudd. xaafad) oo lagu dilay Boosaaso!

Recommended Posts

Maaddeey   

Sadex qof oo siyaabo kala duwan loogu diley magaalada Bosaaso ee xarunta gobalka Bari

Posted to the Web May 04, 20:18

 

 

Boosaaso:-Saddex qof oo labo ka mid ah ay ka tirsanaayeen ciidamadda Puntland ayaa 24 saac ee laga soo gudbey siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha magaaladda Boossaso ee xarunta Gobolka Bari.

 

Kooxo hubaysan ayaa barqanimadii maanta ku toogtay gudaha magaaladda Boossaso askari ka tirsanaa ciidamada amaanka ee magaalada Boossaso.

 

Dilka askarigaa geeriyooday ayaa ka dhacay agagaarka Hotel Safaari ee bartamaha Magaalada Boossaaso,waxaana goobta isaga baxsaday kuwii dilkaa gaystay.

 

Ciidamada amaanka Boossaso oo soo gaaray goobta dilku ka dhacay ayaa baaritaan xoogan ka bilaabay goobta dilku ka dhacay, hasa yeeshee ma jirin cid ay u qabteen dilka marxuumka geeriyooday.

 

Maamulka Degmadda iyo Hay addaha amaanka ayaan ka hadlin dilka askariga, waxaana galabta lagu aasay askariga qabuuraha magaaladda Boossaso.

 

Sidoo kale kooxo hubaysan ayaa caawa (04.05.2010) dilal u kala gaystay askari ka tirsanaa Booliska Boossaso iyo gabadh masuuliyad ka hasyey xaafadaha Bosaso, askeriga la diley ayaa lagu magacaabi jirey Faarax Maxamed Cabdi, waxaana kooxda dilka gaadmada ah fuliyey ay horey u sii qaateen qorigii uu watay askeriga la diley, Kooxaha dilka geystey ayaa isla goobta ku diley Xaawo Faahiye oo ahayd Guddoomiyaha mid kamid ah 16-ka xaafadood ee Bosaso, waxaana isla goobta ku nafbaxay labada Marxuum.

 

Booliska Bosaso ayaa caawa si weyn u shaqeynaya, waxana xaafadaha u badan galbeedka Bosaso ka socda baartitaano lagu goobayo kooxii dilka fuliyey.

 

Xiriiro aan la samayney Booliska Gobolka ayey sheegeen in aysan wax faah faahin ah bixineyn inta baaritaanku socdo, waxaana ay sheegeen in ay gadaal saxaafadda kala hadli doonaan.

 

Arintan ayaa ku soo beegmaysa xili Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole uu maalintii shalay soo gaarey Bosaso kadib safar qaatey 35 maalmood uu ugu maqnaa wadamada deriska ah, sidoo kale waxaa ku sugan Magaalada Bosaso, Wasiirka Amniga ee Puntland.

 

Hr.

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

AUN To the fallen Soldiers the culprits will be brought to justice!!!

 

It's ironic this occurs when farole and diyano both just arrive in town. :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Diyano sow lama cazilin?.

 

Alle ha idinla garab galo, waxa yaab leh inaad tahay the poster of 'Hargeysa security worsening' about: Dhallinyaro ku hubeysan Faasas & Midiyo, lakin qofna dilin, ee 3 sarkaal oo qaar hubkii laga sii qaatayna aadan soo bandhigin!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

DEG DEG: Madaxweynaha Puntland oo Dilalkii Boosaaso Ka Dhacay Ku Eedeeyey Dadka Soo Barakacay, Digniina u Diray Barakacayaasha

 

Boosaaso (RBC Radio) Madaxweynaha Dowlada Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa goor dhoweyd oo maanta ah shaaca ka qaaday in falakii dilalka ahaa ee xaley iyo shaley ka dhacay magaalada Boosaaso inay ka dambeeyeen qaar ka mid ah dadka soo barakacay eek u nool Boosaaso.

 

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada ayaa shaaciyey inuu ogsoon yahay in dadka soo barakacay ee degan Boosaaso ay ku dhexjiraan dad argagixiso ah oo loo soodiray inay amaanka Puntland halis geliyaan, kuwaasi oo uu ku eedeeyey inay fuliyaan falalka dilaka iyo qaraxyada ee magaalada ka dhacay.

 

Madaxweynuhu Faroole ayaa si adag ugu nuuxnuuxsaday in si deg degah talaalabo looga qaadi doono dadkaasi, isagoo sheegay in maamulkiisu uu ka dhamaaday dulqaadkii.

 

Golaha wasiirada ayuu madaxweynuhu sheegay in maalmaha soo socda ay kulmi doonaan kana soo saari doonaan qodobo gaar ah arinta dadka soo barakacay.

 

Mar uu ka hadlay dhinaca hay’adaha qaabilsan dadka qoxootiga wuxuu madaxweyne Faroole uga digay inaysan la yaab ku noqon haddii ay maqlaan war ka soo baxa dowlada Puntland oo dadkaasi ku wajahan.

 

Warkan oo faahfaahsan iyo sawiro goor dhow ayaan soo daabici doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Farole is playing games now, he knows full well as soon as he stepped foot into Bossaso these assasinations has happened!!! Stop blaming people that are UN-ARMED DISPLACED PEOPLE on actions which he is most likely responsible for or at the very least he has "foot" in what is occurring!!!

 

This is pretty much trying to make osman diyano look bad by causing instability in the city and then justifying why he needs to get rid of osman diyano!!! He fools noone but he needs to grow up and stop disturbing the people with his childish acts

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Zack,Osman diyano has no reason to step down, he has been performing his job quite well!!! Some canadian stooge who has no clue or experience with Bossaso is not the right choice to lead the PIS.

 

Their will be a day when osman diyano steps down but its not today nor in the immediate future however when he does step down I am sure he CAN NAME the new head of PIS and pass that onto farole on who should be the new head of PIS.

 

Farole just wants to have stooges for his own family sake, he could careless about Bossaso security or anywhere other then garowe!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^diyano is right not to step down, farole was right to refuse to step down as well when Adde tried to fire him from cabinet. Do u see the pattern here?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lol meesha sheeka umbaa lagu hayaa. War Cismaan Diyaana goorma ayuu wax diidey, xageese uu ka hadley? Wax qoraal ah oo uu ku muujiyey inuu wax diidey? Ninkaasi xariiftan ayuu ku jiraa, ee jagada mar hore ayaa laga qaadey nin ina adeerkiis ah ayaana lagu wareejiyey.

 

Allaha u naxariisto saraakiishii dhimatey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Koora, ina adeer oo silly ah talada loo dhibto yey fa'ido ugu jirta? ma beesha osman diyano bay fa'ido ugu jirta? hell no. The only person that benefits from that silly guy from canada is farole because his vision is the same as farole vision which is the total neglect of bossaso!!!

 

its not all about ina adeer politics, because ur ina adeer could be working for somebody elses interests!!!. So don't say "ina adeerkisa ayaa loo dhibey" because that won't cut the mustard!!!

 

Koorshe the puntland politicians need to stop playing this dog-act politics by satisfying the clan criterias but then choosing a person from a clan that supports their interests!!! This is not the puntland i want to see and we need to stop it immediately

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horta Puntland oo dhanbaa hal qabiil ah, waxaase nasiib daro ah in qabiil wax loo xeeriyo. But I think you have a personal beef with the man you are insulting. Why would you call him names isagoon jagada qaban? xagee ku aragtey shaqada uu soo qabtey?

 

Cowke

silly guy from canada

Diyaana ma fariid baa hadaba? Maalintii loo dhiibey PIS ta ayay dilalka bilowdeen iyo qaraxyada :D

 

Adeer is badalka waa wax wanaagsan. Fad ama ha fadin waa lagu fadsiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Dr.Faroole: “Dadkayga Mar Danbe Lama Argagixin Doono”

 

May 5, 2010

 

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo maanta ka hadlaayey munaasabad lagu qabtey Madaxtooyada Bosaso taas oo ay ka soo qaybgaleen qaar kamid ah hay’adaha Caalamiga ah ee ka hawlagala Puntland, ayaa sheegay in loo baahan yahay in qorshe loo sameeyo dadka soo barakacay, qorshahaasna la doonaayo in ay iska kaashadaan Puntland iyo hay’adaha.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka ku soo barkacay Puntland ay ku qiyaasaan ilaa 300.000 oo qof waxaana uu sheegay in ay tuulo kasta joogaan, waxaana uu hay’adaha ugu baaqey in ay dhibta ka timid barakcayaasha ay xalinteeda qayb ka noqdaan taas oo ah sidii dhul loo siin lahaa looguna dhisi lahaa, Isbitaalo iyo Iskuulo looga dhiso.

 

Madaxweyanaha ayaa sheegay in dadka soo barakacay ee ka yimid dhulka dagaaladu ka jiraan ay ku soo dhexdhuunteen dad argagixiso ah, kuwaas oo ah kuwo la soo direy oo dilaa ah, waxa uu u sheegay madaxdii hay’adaha in amaanka dadka Puntland ay wax walba uga muhimsan tahay, dadkaas qorshe deg-deg ah oo wasaaradaha la dhigi doono ayaan ka soo saaraynaa, sharci adag ayaana kula dhaqmaayaa, sababtuna waa shalay nin ayaa lagu diley Bosaso, xalayna laba qof waxaana diley waa iyaga, cid kale oo dishey ma jirto ma jireyso argagixisnimo danbe oo dadkayaga lagu sameeyo ayuu si caro leh u yiri Madaxweynuhu.

 

Ma ahan markii u horeysey ee masuuliyiinta Puntland ay eedeeyaan dadka soo galootiga ah in ay ka danbeeyaan falalka amaan darida ah ee ka dhaca Puntland, dhawaan ayey ahayd markii sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska uu saxaafadda u sheegay in sadex nin oo falal qaraxyo ah ka geystey Puntland iyo Baydhabo xiligii Cabdullaahi Yusuf maxkamad lagu soo taagi doono Garoowe kuwaas oo aan weli maxkmaddaha ka soo muuqan.

 

Horseed Media

 

DSC02266.jpg

 

DSC02284.jpg

 

DSC02260.jpg

 

DSC02271.jpg

 

DSC02258.jpg

 

DSC02275.jpg

 

DSC02267.jpg

 

faroole_keyd.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this