Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Ex Khusuusii candidate Goes to Hargeisa.

Recommended Posts

Maxamuud X, Cumar Camay oo Hargaysa Galay

Wednesday, March 17, 2010

 

Wararka naga soo gaadhay magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka riyaale ayaa sheegaya in uu halkaas gaadhay Maxamuud Xaaji Cumar Camay.

 

Warku wuxuu sheegaya in arintan uu aad uga shaqeeyey madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/samad Cali shire isla markaana sadex maalmood ka hor laga anbabixyey Garoowe ka dib xidhiidh dhexmaray C/Samad iyo Riyaale.

 

Qorshahan ayaa waxaa ujeedadiisa lagu sheegay in uu Maxamuud X, Cumar jago wasiirnimo u helo wiil uu adeer u yahay oo dhawaan waayey xubinimada Golaha Khusuusida. Wuxuuna qorshuhu ahaa in wiilka wasiirnimada looga qaado ina Faarax Faruur oo lagu bedelo wiilka ina camay adeerka u yahay taasna uu is hortaagay Faroole oo uu ka diidey C/Samad oo qorshaha watay.

 

Waxaana si loo qanciyo Maxamuud X, Cumar loola hadlay Riyaale kaasoo balan qaaday in uu odeyga dejin doono xag dhaqaale ama xaga xilka mid uun.

 

Dhawaan ayey ahayd markuu Idaacada VOA da ka hadlay Maxamuud X, Cumar uuna halkaas ka Aflagaadeeyey Madaxdhaqameedka isagoo sheegay in shirkooda ay ku doonayaan urursi lacageed. Waxaana arintaas si weyn uga jawaabay Dadweynaha reer Buuhoodle oo banaanbax sameyey weerarna ku qaaday guriga uu Buuhoodle ku lee yahay Maxamuud X, Cumar.

 

Isku soo wada duubo xidhiidhka labada maamul Garoowe iyo Hargaysa hada wuxuu maraya in ruuxii jago ama lacag ka waaya Garoowe Hargaysa loo diro isla markaana waxaa wada shaqayntooda ay sii kordhaysaa maalinba maalinta ka danbeysa.

 

Hamse MohamedAbdi

 

wya2007@hotmail.com

 

Somaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^But he is an EX-CANDIDATE!! That means he wanted but wasn't selected to be a member of the Khusuusi so he doesn't count. Next time, post a news that is worth of being posted adeer.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

When he was garoowe he said "shirka buurwadal puntland ayaa lagu burburinayaa" hada muxuu hargeysa kadhihi? somaliland baa laburburinayaa?

 

This kind behavior will not work any more.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by Duufaan:

When he was garoowe he said "shirka buurwadal puntland ayaa lagu burburinayaa" hada muxuu hargeysa kadhihi? somaliland baa laburburinayaa?

 

This kind behavior will not work any more.

Duuf, does that apply for Salesman Xaar-latoos who was not long ago a candidate for Puntland's elections? smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Yes, Naxar N, you underestimated the obama of Somalia Hoogaamiye Suleiman Ciise Xaglotoosiye, just like many Americans underestimated President Obama

 

 

Dictator riyaal ah xaarweyne, 76 years old warlord Siilaanyo wa xaar cune,

 

Ayoub afxaar, caydaadu cid ee wax yeelaso majirtu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by 'Dalmar':

Yes, Naxar N, you underestimated the obama of Somalia, just like many Americans underestimated President Obama

 

 

Dictator riyaal ah xaarweyne, 76 years old warlord Siilaanyo wa xaar cune,

 

Ayoub afxaar, caydaadu cid ee wax yeelaso majirtu

waad cadhootaye :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Anuu ma cadhoodo, waxaan ogahay kuwa maangaab ah sida ayoub oo kale, inay ka buuxaan SOL

 

Xaji, habeen iyo maalin maxaa ka faidasaa in aad ka shaqeesid xasarad iyo cadaawad qabiilada kale

 

cuqdada iska saar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maya sxb anigu cadawad iyo xasarad xumaan kama shaqeyo Dadka Somaliland oo dhan adigu aad ka mid tahay na aad baan u wadda jecelahay waxan anigu rajeynaya inay garaadada oo dhani ay guryahoodi laascanood iskaga so noqdan intay maalin ba heshis walaan la galayaan faroole. dhulkina iyo dadkiina iska imaansada

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Maya sxb anigu cadawad iyo xasarad xumaan kama shaqeyo Dadka Somaliland oo dhan adigu aad ka mid tahay na aad baan u wadda jecelahay waxan anigu rajeynaya inay garaadada oo dhani ay guryahoodi laascanood iskaga so noqdan intay maalin ba heshis walaan la galayaan faroole. dhulkina iyo dadkiina iska imaansada

:D:D

 

Show malaha haddii daraawishtu raacdo Somaliland madaxbanaanida ay rimmantahay way dhalilahayd, illeen waa raggii maali jirey bahasha e.

 

Sheekadii gabadhii foolatay ee abaheed iyo walaaleheed mudatay, diidayna inay ka dhaliyaan ilmaha sow taadu uma eka, xaaji :D .

 

Gooray labadii lugood isku maratay, oo wax walba detay soow tii ilaahay amarkii mid waa qabi jirey bari kasoo muuqday maaha. markii lays bariidiyey ka dib, oo loo sheegay in qoftii asli ahayd ay isku dhimman rabto saw asagii ku dhaqaaqay xaggeedii maaha.

aakhirkii asagaa dhaliyey, wiilbayna dhashay :D .

 

Dalmarow, bal xaajiga waa intaasoo wiil u dhashaayye'e codsigiisa tixgeli, kolaad wiilka iyo gabadhaba dib usoo celisid idinkoo is raba oo layska raali yahaye'e

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

the website has new imformation about this man.

 

Dib u Sixid Warkii Max'ud X, Cumar Camay

Thursday, March 18, 2010

War xalay ku soo baxay Shebekeda Wararka ee SSC Horufadhi.com oo ku saabsanaa In Maxamuud Xaaji Cumar Camay uu galay Hargaysa isla markaana xil u raadshey Wiil uu adeer u yahay.

 

 

 

Hadaba markii Baadhitaan dheer la sameeyey ayaa waxaa shebekedu ku ogaatey in uu Caaqilku Joogo magaalada Burco asaga iyo Baabul oo ah ninkii la sheegay in uu wasiirnimo la raadinay, Warku wuxuu intaas ku darayaa in aysan halkaas u tegin arimo Siyaasadeed ee ay u gaadheen Arimo qoys oo ay ka mid yihiin Dhaxlid iyo Iibin hanti halkaas ka taala Qoyskaas.

 

Waxaa goob joogihii ku sugnaa Hargaysa uu u dhigay in ay labada odey u socdeen jago raadsi taasoo wax ka soo noqdeen ka dib markii la xaqiijiyey in aysan u socon Hargaysa ee ay ka soo noqonayaan Burco.

 

Warbixinta Weryuhuna uu ka soo xigtay dad ku sugan Hargaysa kuwaasoo u qaatay in maadaba Nin reer Camay ah yimid Burco uu u soo socdo Hargaysa.

 

Isku soo wada duubo dhamaan dadkii aan la xidhiidhnay kuna sugnaa Hargaysa iyo Burco waxay xaqiijiyeen in uu Caaqil Maxamuud X, Cumar joogo Burco.

 

Horufadhi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this