Sign in to follow this  
xiinfaniin

The Drive for Unity: Sharif leads again!

Recommended Posts

Dhinacyada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo laga dhex wado waan waan lagu heshiisiinayo

 

Jimco, June 27, 2008(HOL): Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow dhow Mas’uuliyiin ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in ay socdaan dadaallo ay wadaan xubno ka tirsan Isbaheysigaas kuwaasi oo doonaya sidii ay meesha uga saari lahaayeen khilaafka labada u kala qeybiyay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee lagu aas-aasay Dalka Eritrea.

 

Dadaalkan labada dhinac la isugu soo dhaweynayo ayaa waxaa horseed ka ah xubno ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ka kala tegay Magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo Caalamka ah.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in Xubnahan dhexdhexaadinta wada ay xiriir la sameeyeen labada dhinac ee uu u kala baxay Isbaheysiga Dib u xoreynta, isla markaana ay ogoleysiiyeen in ay yeeshaan kulamo ay uga hadlayaan waxyaabaha keenay in ay is-khilaafaan.

 

Shiikh C/raxmaan Maxamuud Jinaqow oo isagoo ku sugan Dalka Jibouti u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ay socdaan dadaallo lagu xalinayo mad-madowga soo kala dhexgalay, wuxuuna sheegay in mad-madowgaas lagu xalin doono Isbaheysiga dhexdiisa, isla markaana aysan jiri doono gacan seddexaad oo xalisa khilaafka u dhaxeeya.

 

“Horaa loo yiri Gacmo Geel-jire hoos ayaa loo dhaqaa marka waxaan dooneynaa in aan mad-madowgaas ku xalinno Isbaheysiga dhexdiisa”ayuu yiri Shiikh C/raxmaan Maxamuud Jinaqow oo rajeeyay in ay labada dhinac is-af-garan doonaan.

 

Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Xubno ka socda Maxkamadihii Islaamka, Xubno laga saaray Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xubno ka socda Bulshada Rayidka iyo Xubno ka socda Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Qurbaha ayaa wuxuu labo u kala jabay kadib markii labada Mas’uuliyiinta ugu sareysa Isbaheysiga iyo Xubno ku fikir ah ay goosteen in ay Wada hadal ku aadan sidii Soomaaliya looga saari lahaa Ciidamda Itoobiya la galaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, iyadoo kadibna xubno ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta oo ay ku guddoomiye ku xigeennada Isbaheysiga ay arrintaas kas oo horjeesteen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dedaalo lagu xalinayo khilaafka soo kala dhexgalay mas’uuliyiinta Isbaheysiga dib u xoreynta Somallia oo ka bilowday Jabuuti

 

Waxaa magaalada Jabuuti ku sii qulqulaya xubno ka kala tirsan golaha dhexe iyo guddiga fulinta ee isbaheysiga dib u xoreynta Somalia, kuwaasoo ka kala imanaya qaaradaha kala duwan ee caalamka iyo gudaha dalka, iyadoo halkaasina ka abaabulay kulamo ujeedadoodu tahay sidii loo dhameyn lahaa khilaafka dhinaca fejerka ah ee ka dhex curtay xubnaha isbaheysiga kaasoo noqday hadal heynta ugu badan ee dadka Soomaaliyeed.

 

Guddoomiyaha isbaheysiga dib u xoreynta Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha golaha dhexe ee isbaheysiga Shariif Xasan sheekh aadan ayaa iyana dib ugu laabtay magaalada Jabuuti ee dalka jabuuti ka dib markii ay dhameysteen socdaal ay mudooyinbkanba ku joogeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana xubnahan ay ku biirayaan dedaalada ka socda magaaladaasi oo ay wadaan dhinacyada kala duwan.

 

Sidi kale, waxaa markii ugu horeysay magaalada Jabuuti gaaray qaar ka mid ah mas’uuliyinta muqaawamada ee ka dagaalanta gudaha Somalia, kuwaasoo hase ahaate aan illaa hadda magacydooda si toos ah lo shaacinin, waxayna halkaasi ka wadaan dedaalo ay ku dhexdhexaadinayaan dhinacyada isku khilaafay heshiiskii Jabuuti ee isbaheysiga dib u xoreynta ee kala fadhiya magaalooyinka Asmara iyo Jabuuti, iyagoo doonaya iney dib u mideeyaan xubnaha isbaheysigaas, waxaana sidoo kale halkaasi ka furmay shirki golaha dhexe ee isbaheysiga dib u xoreynta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

^^Adeer waa la hogaamin! Dadkani dad jira maaha!

 

That's where Sharif comes in!

Ninkaanni shariifkuu wax kale nooga dhigay!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mucaaradka oo ku qulqulaya Yemen

 

 

Xubno ka tirsan Isbahaysiga Asmara oo ka kala tagay dalalka Jabuuti iyo Eritrea ayaa gaaray dalka Yemen, halkaasoo uu uga furmi doono shir lagu dhexdhexaadinayo.

 

Tiro ka tirsan xubnaha Isbahaysiga ee ku sugan Jabuuti ayaa waxay ka duuleen xalay dalkaas iyagoo gaaray Yemen, waxaana xubnahaas ka mid ah sida ay wararku tibaaxayaan Sheekh Ibraahim Sheekh Max'uud Suuleey, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Sheekh C/raxmaan Jinaqoow iyo kuwo kale, iyadoo xubno kale lagu wado inay maanta ka dhoofaan Jabuuti.

 

Ku xigeenka xoghayaha guud ee Isbahaysiga Asmara Saleban Colad Roble oo ay warfidiyeenku wax ka weydiiyeen xubnaha maanta lagu wado inay Yemen gaaraan, ayaa ku gaabsaday inuusan hebel iyo hebel oranayn.

 

Isbahaysiga garabkiisa Asmara ku sugan ayaa la sheegay inay ka yimaadeen xubnihii ay ugu talogaleen inay shirka ka qaybqaataan, waxaana wararku ay tibaaxayaan inuusan weli gaarin Yemen Sheekh Xasan Daahir.

 

 

Wararka hoose ee soo baxaya ayaa waxay tilmaamayaan in Sheekh Xasan Daahir uu maalinta Talaadada ah gaarayo dalka Yemen, halkaasoo uu ka furmi doono shirka lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada Isbahaysiga Asmara.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Sheekh Xasan Daahir ayaa shaaciyeen inay ogolaadeen inay ishorfariistaan, ayna ka doodaan khilaafka u dhexeeya, iyadoo Sh. Aweys uu xusay inuu ku rajoweyn yahay in shirka ay kasoo baxaan qodobbo wax ku ool ah.

 

Dhanka kale, Saleebaan Colaad oo wariyeyaal kula hadlay Jabuuti ayaa xusay in bisha July horraanteeda uu furmayo shirkii golaha dhexe ee Isbahaysiga dalka Jabuuti, kaasoo looga doodi doono heshiiskii ay wada galeen DF iyo mucaaradka.

 

Sidoo kale mudanahan, wuxuu dhaleeceyn dusha uga tuuray ciidamada Ethiopia oo uu ku tilmaamay inay dagaallo ka wadaan deegaanno horay daris u ahaa, wuxuuna ugu baaqay DF inay wax qabato dagaallada ay ka ciidamada Ethiopia ka wadaan gudaha Somalia.

 

Garowe Online, Jabuuti

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia's opposition factions are expected to soon hold face-to-face talks in Yemen.

 

The opposition split over the signing of a controversial peace agreement last month. The talks follow recent comments by the principle Islamist signatory to the agreement who said the opposition will unite against the government if Ethiopian troops do not leave Somalia within four months. VOA correspondent Alisha Ryu reports from our East Africa Bureau in Nairobi.

 

In a telephone interview from the Somalia opposition group's base in Asmara, Eritrea, Islamist cleric Sheik Hassan Dahir Aweys tells VOA that representatives from his faction and allies of Sheik Sharif Sheik Ahmed have received permission from the Yemeni government to hold direct talks in Sana'a.

 

Aweys, who is influential among some clan and radical Islamist insurgents in Somalia, says he is not planning to attend the meeting. But he says he is ready to support whatever agreement is reached between the two sides.

 

The Islamist leader says the opposition Alliance for the Re-liberation of Somalia (ARS) requested the meeting, because there are issues to discuss and Somalis often resolve differences by talking. He says everyone is expected to abide by what the majority decides.

 

Aweys and other hardliners in the alliance stayed away from U.N.-sponsored peace talks in Djibouti that led to the June 9 signing of an agreement between the more moderate Ahmed and the transitional federal government.

 

Opposition hardliners rejected the peace deal.

 

It stipulates that Ethiopian troops, who have backed the Somali transitional government since late 2006, would withdraw within 120 days if a U.N. stabilization force of sufficient strength is in place to replace them. Hardliners argue the agreement should have called for Ethiopians to withdraw immediately. They have threatened to remove Ahmed as chairman of the ARS for participating in the peace process.

 

 

U.S.-based Horn of Africa observer and commentator Professor Michael Weinstein says Ahmed has recently made comments that suggested he was eager to prove to Somalis that the opposition alliance is intact and that a clear timetable for an Ethiopian withdrawal has been set.

 

"He said that we are all on the same page in the ARS. We all want the Ethiopians out. We will liberate by negotiations, but if that does not work, we will rejoin the armed resistance and we are confident that if we liberate by negotiations, the militant faction of the ARS will join us. So it is all depending on 120 days, according to Sheik Sharif," he said.

 

Weinstein says Ahmed's comments may have helped soothe some of the anger, allowing an opposition reconciliation meeting to take place in Yemen. But he says Ahmed's words are deeply troubling for the international community, which must now find a way to quickly deploy a sizeable stabilization force in Somalia to keep the country from plunging further into violence.

 

Fighting between insurgents and Ethiopian and government troops for the past 18 months has killed more than 85-hundred people, displaced more than one million others, and has left Somalia in the midst of what the United Nations says is the biggest humanitarian crisis in the world.

 

Another armed Somali group which boycotted the talks in Djibouti, the Shabab, has not yet commented on the peace deal. Its leaders have long maintained that the Shabab, recently designated as a terrorist group by the United States for having ties to al-Qaida, would continue fighting until all Ethiopians left Somali soil.

 

Source: VOA, July 01, 2008

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yemen sow maaheyn halkii markii hore laga marin habaabiyay hogaanada Maxaakimta Islaamka?maantanaa marti bay u yihiin si ay u dhex dhexaadiso!!!

 

Talaado 28 Jamaadul-akhir 1429 =01/07/2008

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Warbaahinta gudaha iyo mida dibadda ayaa hadal haysa socdaallo ay hogaamiyeyaashii Midowga Maxaakimta Islaamka ku tageen dalka Yemen ee uu ka taliyo Daaquut Cali Cabdalla Saalix,si halkaasi iyana loogu dhex dhexaadiyo kadib markii hanqal taaggoodii siyaasadeed ee ku saleysnaa adduunyada liidata uu iska hor keenay.

 

Lama oga wax sharci ah oo ay isku khilaafeen kuwii horboodayay maamulkii Maxaakimta Islaamka ee loo dhamaa,balse waxaa cad shayga ugu hooseeya ee ay isku qabteen in uu yahay baadilka cad oo ay ku koombeeynayeen Asmara kadibna loo soo raray Jabuuti,lugna beec geeyay Nairobi,Doxa,Qahira iyo caasimo badan oo Carbeed.

 

Shalay Markii raayada Islaamka ay kor u hayeen kuna sugnaayeen caasimadda Umadda Somaliyeed dalkana ku hogaaminayeen diinta, ma jirin cid dooneysay,Itoobiya markii lagu soo dalbadayna Ameerikaanku inoogama harin xitaa inagoo jabnay ee bambooyinkiisi sunta ah ayuu nagu duqeeyay,kuna baab'iyay qaarkeen.

 

Maantase maxaa is badalay?oo cadowgii shalay ka dhigay saaxiib?,walaalihii shalayna ka dhigay kuwa la iska fogeeyo dadka intiisa kalena laga takooro?qof waliba oo caqli leh taasi wuu iska fahmi karaa.

 

Intaasi kadib waxaa ay ka qeyb qaadanayaan shirqoolo aad u waaweyn oo cadowga Allaah maleegayo si dagaalka waji kale loogu dhigo,halganka mujaahidinta loo xado laguna badasho magac ama kursi hadiiba lagu gaarayo.

 

Wararka ugu danbeeya ayaa sheegaya in lagu shirinayo kooxahasi dalka Yemen oo maantaba ay gaareen xubno fara badan,sax waayay,khilaafkooda maahan khilaaf diimeed ama mid danta Umadda ku jirto si Ahlu Cilmiga Somaliyeed iyo waxgaradka ay u xalliyaan,laakin khilaafkoodu waxba kama duwana kuwii u dhexeyn jiray hogaamiye kooxeedyadii is jiid jiidi jiray ee shacabeenku hore kaga so daalay,sida kuwani oo kale ayaa marba dal uun gogol loogu fidin jiray,markaasna lagama dooneyn in tooda meel martee ninka gogosha u dhigayana dantiisa ayuu ku qabsan jiray.

 

Dawladda Yemen oo dowr liita ka cayaareysa luminta wadada ayaa hore ugu guuleysatay in ay ku kulansiiso dhulkeeda Shariif Axmed iyo gaal Tigree ah oo masuul lagu sheegay,waa sida uu xaqiijiyay ninka ku xiga Shariif ee Zakariye Xaaji loo yaqaano,markaasina ay ka wada hadleen mustaqbalka Somaliya hadiiba warkaasi uu sax yahay.

 

Maantana waxaa ku biiray safkaasi dad cusub oo uu kamid yahay Sheekh Max'ud Ibraahim Suuley oo dalka Jabuuti u gaaray sidii uu u badbaadin lahaa saaxiibadiisii isdiiday,uuna u xoojin lahaa damacyada waxa loogu yeero beesha caalamka ay ka leedahay Somaliya oo ay usoo marayaan Sharif Axmed,laakin heyhaati ay ka tahay inta dad run qaba ay dalka joogaan.

 

Warar qarsoodi ah ayaa tilmaamaya marka iyaga lagu heshiisiiyo Yemen hadane lala kulansiinayo hogaanada Tigreeda ee ciidankooda si ay kala baxaan Somaliya la' kadib markii gacmaha dhalinyarada Mujaahidintu lagu gumaaday,marka lala kulansiiyo Tigreeda ayay ku heshiin doonaan in meesha laga saaro khatartii Itoobiya markii horeba ay ka qabtay dalkeena sababteedana ay ugu soo duushay Somaliya,taasi oo ah ku dhaqmidda Sharecada Islaamka,iyo in la helo maamul wax ku mareeya diinta Allaah uu raaliga ka yahay,way u fasaxnaan doonaan maamulka ay doonaan in ay ka dhisaan Somaliya balse aan lasoo qaadin mid Islaami ah oo shareecada xakumaya.

 

Haddii dadka qaar ay wali rumeysan yihin wax lagu beecinayo Jabuuti iyo Asmara in ay wado u tahay Allaah oo la raali galiyo sharcigiisana la xakumo,maba dhacdeen gaalada Aduunka in loo hiil weydiisto lana amaano in ay gacan ka geysanayaan rabitaanadaasi!!! Sidee gaal gacan kaga geystaa oogidda Shareecadii Nabi Mux'ed SCW,oo taageerid iska daaye dagaal adin iyo af ay kula jiraan,Quraankeenuna inoo sheegay?!!!

 

Mar waliba oo guushu ay dhawaato gaaladuna way sii laba laabayaan shirqooladooda,shalay haday gaaladu dooneen in ay nagu soo galaan iyago soo maraya Bashiir Raage iyo C/Qeybdiid iyo kooxdoodii maanta iyagoo isla wadadii ku socdo ayay inoo soo marayaan wadaad xumayaasha diintoodii iyo shacabkoodii khiyaameeyay.

 

Sidaasi darteed shacabkeena Muslimka ah ee halgamaya,kooda xabadda cadowga hortaagan,kooda taageeraya Jihaadka,kooda fekerka iyo maskaxda dagaalka bixinaya,kooda hantida u huraya difaaca diinta,kooda guryihii laga barakiciyay ee daadsan meelaha banaanka ah,iyo dhamaan qeybaha shacabkeena waxaanu kaga digeynaa in ay u sacab tumaan khiyaanada lagu hayo Allaah iyo rasuulkiisa ee sida cad loo maleegayo??Ciddii iyadoo og ku dhiirata arrinkaasina Allaah waxba ugama baahna mana weynayo cid diintiisa u gargaarta.

 

Allow adigaa xaaladaha bad badalee xaalkeena ku hag sida aad raaliga ka tahay,Allow howsheena khaatumadeeda wanaaji,Allow naga dhig kuwa hadalkaada maqla,yeela,qaata,una fuliya sida aad raaliga ka tahay,Allow diintaada waad aragtaa in la gacan bidxeeyay ee qof waliba shaarkiisa ka dhowrtay,Allow inaga iyo shacabkena ayaa qabsaneynee nagu taageer oo nagu xooji,Allow waad aragtaa gaalo adduun waxa jooga qiimaha loo yeelay,Allow anagu kuma jirna kuwaasee noo gargaar,Allow aaway nasrigii aad ballan qaaday?Allow aaway nasrigii aad ballan qaaday?Allow hooji oo Umadda ku fadeexee ciddii khiyaantay diintaada iyo dhiigi Shuhadada,Allow agtaada ayaysan ka jirin siyaasad iyo aftahinimo baadil lagu suurad wanaajiyee ciddii diintaada khiyaameysay ee lug goyneysa Mujaahidinta ka aarso ee kaso muuji mucjizooyinkaada,Allow naga kaafi sharta cadowgaada iyo cadowgeena,Allow gaalada dalkeena kusoo duushay jabi,Allow ciidankaada ku halaaji,Allow u gargaara Mustadcafiinta Muslimiinta meel waliba oo ay joogaan,Allow Umadeena Somaliyeed ka qaad abaaraha iyo dhibaatada heysata,Allow usoo daji kheyr iyo baraare iyo in ay fahmaan diintaada iyo difaacisteeda,Wa Aakhiru Dacwana Anila Xamdulilaah Rabbil Caalamiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Aamiin to the ducaa Indhayarow.

But this got me thinking:'Allow aaway nasrigii aad ballanqaaday'?

 

The Nasri has come earlier when we defeated the warlords in Xamar. When obscure men came to the fore of leadership with Allah’s help! When we pacified a part of our country where more able powers failed to even hold it for few weeks. When aroused a paciliuar sense of nationalism for many folks who stayed too long on the hum of exile and did not know what Somalia would feel as a country. I could continue and list all the things Allah made possible in a span of weeks…but we squandered it! We thought we could challenge the world with a mere AK 47. We thought we were unstoppable! We where so over confident we denied the reality that surrounded us! We oversimplified the Somali conflict. In a very ironic way we prescribed a medicine we our selves refused to take…

 

Now when some of us see what happened as a corrective setback, others within us see it as a sign of doom. As apparent in the article you posted, they implore Allah for speedy help when we even refuse to acknowledge our own faults and correct them. To put bluntly, those who still think yesterday’s course of action was the right the way to go, are they very ones who find current Sh. Sharifs unpardonable betrayal. But today we know better adeer…the strategy is clear…and Allah’s sunnah throughout the ages is before us. The xiwaar, the power of dialogue, the sulxi of the ummah, removing the fitnatil al qabiliayay, minimizing the Ethiopian leverage are our new guideposts. The subtitle in all of this is clear…

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this