Sign in to follow this  
Nin-Yaaban

MA DOONEYSAA GABAR KA FIICAN GABDHAHEENNA?

Recommended Posts

Waxaan kuu hayaa talo aad weligaa u aayi doonto. Bal arag qisadan.

Wiil saaxiibkey ah oo ku nool Yurub ayaa qabay gabar soomaaliyeed oo u dhashay 2 carruur ah. Wuxuu ahaa nin aan marnaba ka daalin inuu shaqeysto, 1000$ ka badan oo biil ah ayuuna bixin jiray, ayadoo ay taas jirto ayuu haddana ka bixi waayay ciriiri dhinaca qoyska ah. Qilaaf joogto ah ayaa dhex yaalay asaga iyo xaaskiisa. Waxyaabaha uu saaxiibkey mar walba ka caban jiray waxaa ka mid ah: talooyinkiisa oo la quursado, dhaqaalaha oo lagu ciyaaro, tarbiyada carruurta oo aan xil la iska saarin, socodka islaantiisa oo badan iyo in xitaa markey murmaan la ceyriyo. ugu dambeyn wuxuu xaqiiqsaday inuusan toosin karin xaaskiisa iyo ilmihiisaba, kuwaas oo isagoo jooga dulloobaya. Wuxuu go'aansaday inuu naftiisa badbaadiyo oo uu abuurto nolol cusub. Nin rag ah keliya ayaa go'aankaas gaari kara. Wuxuu furay islaantii. Muddo hal sano ah ayuu galay shaqo adag, waxaana u uruurtay lacag aan weligiis uruurin. Sannadkaas wuxuu kaloo ka fikirayay inuu xusho xaas wanaagsan. Waxaa u soo baxday in gabdhaha soomaalida ay ku yar tahay raalliyanimada oo ah astaanta ugu muhiimsan ee looga baahan yahay haweenka. Ka dib, wuxuu u safray magaalada muslimiintu degto ee Haydarabaad ee dalka Hindiya. Wuxuu la kulmay arday soomaaliyeed oo meesha wax ku barata, wuxuuna u sheegay ujeeddadiisi. Nin ka mid ardaydii ayaa arrintii u sheegay rag Hindida ka mid ah. Dhaqanka meeshaas ka jira wuxuu yahay in qoyska gabadha ay bixiyaan kharashka arooska. Hase ahaatee saaxiibkey wuxuu sheegay inuusan u baahneyn wax kharash oo uu doonayo gabar wanaagsan oo raalliyo ah keliya. Waxaa la tusay dhawr gabdhood oo midba ay tan kale ka qurxan tahay. Wuxuuna ka doortay mid uu quruxdeeda iyo deggenaanteeda la yaabay oo qoys faqiir ah ka dhalatay. Meeshi ayuu kula aqalgalay, wuxuuna la joogay 4 bilood oo uu la kulmay nolol uusan weligiis ku riyoon oo raxmad iyo raashin toban nooc ah oo uusan weligiis cunin. Ka dib wuxuu ku noqday Yurub wuxuuna u dalbay fiise. Gabadhi wuxuu uga soo tagay reerkooda, wuxuuna weydiiyay inta qarasha ee ku filan. Markii la yiri 50$ bishii maskaxdiisa ayaa qaadi weysay. Laakiinse 100$ inuu u diro ayuu bilaabay, waxeyna bilowday iney qaar keydsato, reerkeedana aad ayey ugu farxeen. 500$ oo uu reerka gabadha ku sadaqeystayna waxey Sacuudiga ugu dhoofiyeen gabadha walaalkeed ka weyn, kaas oo ilaa maanta ka shaqeysta dalkaas. In ka badan 3 sano ayey ku qaadatay inuu xaaskiisa la yimaado Yurub. Saddexdaas sano 3 jeer ayuu tagay Hindiya. Ka dibna, wuxuu xaaskiisi la yimid Yurub. 4 sano ayey Yurub ku wada noolaayeen, ka dibna waxey u guureen asaga, xaaskiisi iyo shanti cunug ee ay u dhashay dalka Suuriya oo nolol jaban iyo waxbarasho leh, wuxuuna ka bilaabay ganacsi fiican. Ilmahiisa (3 wiil iyo 2 gabdhood) oo aan sawiirradooda arkay waxey raaceen hooyadood. Saaxiibkey wuxuu sugaya in Soomaaliya ay nabad noqoto si uu ugu soo noqdo. Saaxiibkey waxaa ka maseyray oo ayagana sidaas yeelay saaxiibadiis iyo rag kale oo arrinta maqlay oo ayagana guursaday gabdho cadcad oo hindi ah oo raaliyooyin ah. Ragga sidaas yeelay waxaa ka mid ah nin ganacsade ah oo Xamar deggan. Haddaba, ma dooneysaa gabar ka fiican gabdhaheenna? Tikidka Hindiya waa 500$!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haddad   

Gabdhaheena yaan uga tageynaa? Waa run in gabdho Soomaali badan ay raaligelinta nimankooda ku liitaan, waana run in badankooda ay gold-diggers yihiin, waana run markaad gabar Soomaali guursato aadna guursaneysid qoyskeeda- laakiin waxaad xisaabta ku dartaa inaan isu dhaqan nahay, isu af nahay, iwm. Aniga waxaa ila roon in mid baari ah la raadsado, waxaana hubaa in mid la heli karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Caveman   

^^....India & Bakistan ninkii guur udoontaa isagay u taalaa, laakiin yaa "Nahii tumkaa hee ka bixikara wakhtigan?..". teedata kale hadii dumar asturnaan & raaliyonimo loogu xilanaayo dumar Somaaliyeed oo Diin iyo akhlaaqba leh oo nin asturo rabaa buuxa, yaykaloo waa jibaadkooda saaran yihiin?. ..."Miro gunti ku jira, miro geed saaran looma daadsho"

Share this post


Link to post
Share on other sites
shyhem   

This is bullsh-it and an insult to the beautiful somali women.I can't believe any sane somali man will sleep with an ajnabi woman smelling of garlic and onions.

 

As far i'm concerned i'm goiing to marry a somali woman regardless of whether she is bad or not.As matter of fact i will rather marry a "not so good" somali girl than an adecent Ajnabi like a indo-pakistani or an Arab for that matter

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin yaaban..do not astrue any methods used by some lame individuals (who maybe themselves aren't pure malis)..and their Journeys to and from Hyderabad..to be the trend....FOR US malis men..

 

Think twice on parental controls..Rights of our women..first and then your rights..and practise ISLAM to the fullest...follow what the religion wants in a relationship like the link below....

 

http://www.jannah.org/sisters/wifehappy.html

 

there is no cause to worry...

 

did u ever ask yourself what the Somali men do to their women..how they brutally treat them everywhere, be it, in Home and in West.

 

I will always marry a somali woman but SHYHEM...not a prostitute.. ;);) ACUDHU BILLAH

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin Yaaban, this sounds like far fetched story saxib, but whatever it is i know i wont fancy no one other than a pure unsi smelling, dirac wearing, paasto cooking Xalimo....

Share this post


Link to post
Share on other sites

You must be lacking self esteem to even thin about this absurd thing……….and your snide remarks about Somali Women speaks volumes about you sxb. Sorry sxb but one wonders what are you intentions of posting this rubbish piece of crap on the forum and do you expect us to join this beyond repair group of desperate Somali men and get ajinabi women? Aduunka ileyn wax kasta waad arki-cajiib

Share this post


Link to post
Share on other sites
Iffah   

Originally posted by Nin-Yaaban:

Wuxuu go'aansaday inuu naftiisa badbaadiyo oo uu abuurto nolol cusub. Nin rag ah keliya ayaa go'aankaas gaari kara. Wuxuu furay islaantii.

Don't refer to him as 'nin rag ah', becaus nin rag ah doesn't pack his things and leave his family when things get rough.

 

Otherwise, couldn't help but :D at the rest of your story. It's rather amusing. You probably meant for us to take offense, but it's nothing new. There's always a sucker lamenting about Somali girls online....isn't it exhausted? :rolleyes: Now I think it's time you followed in your friend's footsteps.

Share this post


Link to post
Share on other sites

>>>>>ati this Nin yaaban...will ever remain confused coz he is already one and doesn't heed our stories...he ain't a man to reply our threads coz he is either confused or is in shits...

 

Now my sisters will have to tell us why they like their mali men to do such a thing down in those Indian jungles..

 

Why do u hate us...complicate us...betray us..and cheat on us...do u want your men do that to yourselves.... ;);)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Kolleeyba marka koowaad wax weliba waa calaf. Marka labaad nin weliba isaga ayey u taallaa inuu raaco waxa dooqiisu yahay.

Waan ku faraxsanahay walaalahayga illaa haatan helay dumarka hindida ah ee muslimka ah ee ay nolol la qaybsadaan, kuna faraxsan yihiin oorinnimadooda.

Waa dhab in dumar badan oo Soomaaliyeed ay jahadii ka wareersan tahay laakiin taasi ma sharciyeynayso in barnaamij weyn oo xayeesiin iyo wakhti la geliyo laga dhigo in gabdho aan Soomaali ahayn la raadsado.

Taas waxaan uga jeedaa dumar badan oo Soomaali ah oo wanaagsan baa buuxee halla raadsho inta aan marka hore dhaldhalaalku dadka sirin.

 

-------------------------

Labaatan iyo laba aamustiyo, shaqal irmaaneeya

Amraniyo tilmaamiyo gudbe, aade iyo jooge

Isku-dare xiriiriye falkaab, eryadeenii ah

Ebyaniyo haddaan magac-u-yaal, ku arkay joornaalka

Mar haddii afkaygii la qoray, Aabe iyo Hooyo....

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

Originally posted by Abwaan:

Taas waxaan uga jeedaa dumar badan oo Soomaali ah oo wanaagsan baa buuxee halla raadsho inta aan marka hore dhaldhalaalku dadka sirin.

you remind me of a sheeko ciyaaleed(children story that i used to hear)-we all knew in our somali stories that Ms. DAWACO(FOX)to be smarter than DIINDIIN(tortoise/turtle)but at one of the stories MS. DAWACO waa laga badinaa when somehow the DIINDIIN says: ala waa maxay waxaas dhalaalaayo(wat is that shining). Since its at night, Dawaco says: mooyiye(moogiye) bal dabka dhush kuu sii. So then Mr. DIINDIIN dhuush buu siina (he burns the shiny stuff). Not knowing that it was her PRIVATES ;) she (MS. DAWACO) says: Ala dooqone daabka ba' doorada guubate :D

 

In a nutshell-intaad wax "qurxoon iyo dhaldhalaal" uu ordeysaan, amaad BOHOL ka dhacdaan mandhowyaal anakaa idiinka naxeyne? :D mar hadii ninku qoyskiisu daneeyneynin, RAGANIMADU xageey taala :confused:

 

markey dabada idiin hurto :D sidii basbaas lainkugu shuubaaye adinka soo ordi dontaan icon_razz.gif

 

There is a swahili saying that says: SUBIRA HUVUTA HERI.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this