Sign in to follow this  
Jumatatu

Allah uu Naxaaristo...!

Recommended Posts

nafta   

Illahey haa u naxariisto indeed. Awoowe YamaYam was much loved by his whole family and we'll really miss his presence. He was a tower of strenght to his family and seen as a literary legend by many Somali's.

 

It's a sad loss. Thanks to everyone for their kind words

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meygaag   

Innaa Lillaahi wa Innaa Illeyhi raajicuun!

Waxaan Tacsi tiiraanyo leh halkan uga dirayaau ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qosykii, qaraabadii, eheladii & Saaxiibadii uu ka baxay Abwaan C'Qaadir Xirsi Yamyam. Isagana, fadliga Bishan Ramadaan aawadeed, naxariistii Janno Eebbe ha ka waraabsho, AMIIN!

 

C'Qaadir wuxuu ahaa Abwaan ka mid ah abwaannada ugu tayada sareeya ee dhinaca Suugaanta Af Soomaaliga, waa tiir ka liicay Suugaanteena.

 

Mar aan yara indha indhaynayey Tacsida Abwaanka, Allaha u naxariistee, ayaan ka dul dhacay suugaan yar oo uu curiyey muddo ka hor. Waxaan ka soo qaatay Golaha Suugaanta Soomaalida ama 'Somali Literary Forum', waxayna u dhigantaa sidan:

 

Abwaan Cabdulqaadir Xirsi Yamyam (Waa intii uu noolaa'e; Allaha u naxariistee) ayaa tiriyey maansadan soo socota. Waxa uu abwaanka dadkiisa kula talinayaa inay duruus ku qaataan waqtiga, qof kasta oo Soomaali ahna looga baahan yahay inuu yeesho damiir wanaagsan oo waddaninimo, aadaminimo, iyo diinba ku dheehan. Waa cashar uu isleeyahay dadkaaga ha u noqoto meerisyo halqabsi ah. Dhanka kale, waxa aan maansadan ka dhadhansan karnaa bad-suugaameed aan maansooleyaal badani ku degdegin.---Cabdillaahi Abuukar

 

1. Dalkaaga jeclow dadkaaga jeclow,

ku diirso wanaaga xumaantana diid.

2. Dareenka ilaasho damiirkana dhawro,

dariiqa hagaagsan ku daafac xaqaaga.

3. In aad nabad doonto dantaada useeg,

durbaanka qabiilka dhegaha ka dabool.

4. Diintaada ku dhaado ha daayicin xeerka,

walaalka ku doona ha diidine yeel.

5. Daryeelka dhaqankaaga ku faan deriskaaga,

daymada naxariista naftaada ku daab.

6. In aad dibadda aado ka dooro dhulkaaga,

waxaa dihin ciidee garweynata ku doox.

7. Dulmiga ka baq ceebna falkaaga udiid,

wuxuu dadku yeelo dulqaad u lahaw.

8. Dalka iyo qarankaaga dhiigaaga udaadi,

dadka iyo calankaaga dardaaran u reeb.

9. Hadaad dhereg doonto dalkaaga ka maal, h

adaad sharaf doonto dadkaaga ku faan.

10.Dantii keligaa ah ka doorbid ta guud,

bulshada kugu dayran ka daafac sabool.

11.Ilaahay daraadii dammaanad ku qaad,

dugsoo samirkaaga lib Eebbe ku doon.

12.Dariiqa Islaamku ma daayacayee,

wixii duminaaya amaanada diid.

13.Fariimaha diinta dadkoo dhan u sheeg,

in uu xaqu deeqo ku muuji dadaal.

14.Iimaanka daloola waxbaba ma deeqaane,

ninkii wax dulmoowba xabaasha daymood.

15.Deegaanka ilaali duurjoogta ha leyn,

meel aanay dalxiisku ku daalin ka yeel.

16.Reexaanta iyo doogga daruurta ku naaxi,

markaanay da'aynna kannaalka u doox.

17.Intaanay ku daalin daruufta qabiilka,

daruusta caruurta ku beer dal jacayl.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this