Meygaag

Nomads
  • Content Count

    14
  • Joined

  • Last visited

  1. Sharmarke that was a nice poem. The poem was composed by Hussein Dhiqle. Some time ago, I'd seen on the Net the complete poem with some details on it, so I'm gonna share that with U here today. Hussein Mohamoud Farah, the Taleh Spokesman, aka "Hussein Dhiqleh, is said to have had pictorial retrospections. No doubt his talents contributed to the cause of the Dervish movement immensely. The following piece, "Qayb Libaax", is one of the last recorded poems generated during the Dervish movement, an era charecterized as a great Somali awakening, politically and culturally. In section one, Dhiqleh explains briefly for the Arsi King, Nuuh Muhummud Daadhi, how a hyena was punished by King lion when the former did not distribute a prey, "Hal" or "Rati", collectively owned by the animals according to the latter's wishes. Qiyaashmaash libaax baa dhurwaa qaybi yidhi soore Wuxuu yidhi hilbaha jeex bal qabo qoon dhan baan nahaye Markaasuu qalbabaalihii qoonsadoo dilaye Dharbaaxuu il kaga qaaday oo hoor ka soo qubay e Afqashuushle goortuu dhintuu sii qataabsaday e Qambaruursi iyo oohin buu qoob dunuunucaye In section two, Dhiqleh relates the second episode of the legendary story. King Lion instructs a fox "inay taliso qaddaarkeeda". Frenzy descends on her. He rubs his canine tooth sharply. She gets the point. Using a series of fractions whose sum, as the count of the fractions goes to infinity, equals the complete "Rati", the fox concludes "kuu wada qorsheeyay Islaw neefka wada qaado". Neat she is, was she not? Dawacuu markaas soo qabsaday sida qisaaseede Iyadoo qarqari buu ilkaha qoorqabkii xoqaye Wuxuu yidhi qanjaafula xumay tali qaddaarkaaga Adeer gacalle qaar iyo dalool iyo leg iyo qawdhihii kuruska Kuu wada qorsheeyaye Islaw neefka wada qaado Now, the rest of the animals complain about her unfair "Distribution of the wealth of the nation". Perhaps this Somali thought contributed to Adam Smith's "Invisible Hand" philisophy. As they say those who record their inventions get the first credit. "Innagoo quruun dhana maxaa qado inoo diiday?", argued the rest of the "Habar Dugaag. Markaasaa wixii qaday qabsaday qoobab kadafley e Wax la yidhi qabiil ma leh dayay qaybiyaha aare Innagoo quruun dhana maxaa qado inoo diiday? To which the articulate fox responded with: Qacdii hore haddaan dayay kobtii weerka sii qulushay Badh baa kuu qisma ah waa wuxuu eeday qaaryar e Aniguna qudhaasaan ahoo lay qulqulateeye Duqii noo qab weynaa wakaas qooqa loo dilaye Qaddaarkii ilaah iyo Rabbaan quud ka sugayaaye Anigaan qudraba hayn miyaan qumush ka soo waaqsan? Qudhaydaan u yaabaye miyaan ina qasaarteeyey? Apparently, as the fox explained, "Badh baa kuu qisma ah" was not a satisfactory answer in the eyes of King Lion. Similarly, Dhiqleh was afraid that King Nuuh Muhummud Daadhi may not buy any justifications why he could not get married to Jamaad Sheekh Cabdulle. Thus, like the fox, Dhiqleh concludes "Tanna qaata Naadaba rag bay qaac u shidataaye". Anna qayb libaax weeye taad igu qasbaysaane Dadka igu qoslaayiyo kobtaan ka qalbi diidaayo Qadayeey adduunyo uma socon waad I qaxarteene Qadankii dariiqiyo haddaan qadimadii waayey Labadii qofee nagaga hadhay qaafadii dumarka Tii quruxda roonayd hadday Cali la qooqayso Qudhoo keliya baa nagu hadhee qalabku yiille Tanna qaata Naadaba rag bay qaac u shidataaye.
  2. In response to Your buraanbur... Hiirtaanyadan reenka badan Hawaawirka aad qortiyo Halkaad ka abaartaybaa Daluun lagu heebta oo Haydaaradu waa xuntee Haddana waad jeedsatoo Ninkaad hillinkiisa tiri Horbaan ku lamaanohoo Heddiisa annaa iska leh Miyuu kaa haybsadaa Miyaannu hanuun lahayn Hantaaqada meel ka dhiga?? Jacaylkuna haatuf iyo Hal weyniyo geed harliyo Heehaab waa soo maraa
  3. Koolkooliye sxb ka waran haddii aan soo qoro Hees magaceeda la yiraahdo 'EED HOOYO LAGA GALLAY'? Ma fillaysaa in ay tahay caadi maadaamo, sida magaca heeska ka muuqataba, ay tahay Hees ka turjumaysa uurkutaalooyinka mararka qaar lagula kaco ama loo geysto Hablaha yar yar ee soo karaya, iyada oo markaasi la adeegsanayo xeeladdo baaxad leh oo marin-habaabis ah si loo xaddo garaadka iyo caqliga hablahaas hanaqaadka ah ee aan waxba gallabsan? Do U think it should be Ok to post that kind of Song down here in this thread? Haddii se ay tahay meeshan meel loogu talo gallay ABAALKA HOOYOOYINKA & AMAANTOODA, meel kale ayaan soo gellin doonaa, HEI Thanks and So Long
  4. The above song(Abaal Hooyo)was composed by Xassan Cumar Hoori, Aftahan. Used to be one of the Somali Entrepreneurs in the Somali Film Industry. So Long
  5. Wax baa ka jira. Maahmaahdii soo ma ahayn Nin ku dhali kara, baa ku dhiqi kara Waxay ila tahay sxb in ay wax ka jiraan, iyadoo ay u muuqato in ay maahmaahadaasi salka ku hayso xigmad ku sargo'an waaya-aragnimo, malaha, laga dhaxlay wakhtiga iyo waayaha ay maahmaahda lafteedu ku taxaluqdo. Badanaaba maahmaahda Soomaaliyeed waxay ka turjuntaa dhacdooyin aan la iska oran balse ku salaysan xaqiiqooyin la soo dersay dadkii ay afkooda ka soo maaxdeen; waana halka ay Soomaalidu ka addeegsato maahmaahda orannaysa: 'Somali been waa sheegtaa; Beense kuma Maahmaahdo!' Had & jeerna waxay la saanqaadaa (Maahmaahdu) hadba wakhtiga lagu jiro. U fiirso! Haddiiba aad u yar dhaba-gasho waxaa si sahlan kuugu muuqanaya in, inta badan, ay maahmaahyada Somalidu ka soo-jeedaan dhacdooyin lala soo dersay.
  6. 'Somaliya Allaha U naxariisto!', A friend of mine always uses this line whenever he encounter some sad news from Somalia. Wallaahi eventhough our country's situation was perilous for years, haddana it's getting worse from day-in day-out..Truly our ppl are not awake at this point of time, ilaa inta lees arkayo, I'll be at the same spot with that special friend of mine. Sabab? Qabyaalad + Cadow Xabuusheed ayaa xoog isugu keen muquuniyey!! 'Somaliya Allaha U naxariisto!'
  7. Xiinfaniin, Odaygu sxb waa rugcadaa hadal ruug ah; dabuubtiisaa aad jeclaatayna waxaan filayaa in ay faa'ido badan keeni doonta mar marka laysugu yimaado barxaddaha qaar aad garan.
  8. TAA YAREEY HOOY! Waa hawraar kaftana waxa is dhaafsanaya oo ku haasaawaya Oday iyo Gabadh, waxa bilaabaya Odayga oo faduulinaya gabadha oo meel taagan oo sugaysa wiil faceeda oo ballan ay la haayeen :- Odaygii: Taa yarey hooy Cidla taagnidu Waa tabaalee Kaalay tamashlaha Ku tukubiye Tabta caashaqa Mataqaanide Kuu tilmaame Ha noqon tukulush timir gaari waayay. Gabadhii: Kaa tukubayow Ha ii tookhine Anaa talo wacan Kuu tilmaamiye Toos wadada raac Taada ku ekow Oo ha talax tegin Ha noqon tukulush timir gaari waayay. Odaygii: Taa yarey hooy Talo xumidaa Towdhablaha wiil Ee aan Tiisaba Wax ku tari Karin Tab magaaliyo Hadba taas qabo Taladiis tahay Haysu taagine Tin cirroolaha Aan ku tuureyn Tiisa raacoo Haku tababaro Ha noqon tukulush timir gaari waayay. Gabadhii: Waxbaan tari jiray Wax baan tumi jiray Laga soo tagay Iska tuuroo Maanta Tabar Iyo taag ma hayside Ha isku tacadiyin Toobiyaha raac Taada garo oo Ha noqon tukulush timir gaari waayay. Odaygii: Cadar timihiyo Toobka lagu shubo Waagaan turuqiyo Tagooga adkaa Waagaan toban toban U soo tubi jiray Taadan oo kale Tiro kuma jirin Liiska tumashada Waan ka tiri jiray Ha noqon tukulush timir gaari waayay. Gabadhii: Waqti kaa tagay Oo mar hore tagay Tiigsimaad ma leh Haw tawaawicin Oo dib ha u tebin Tartiibtaa soco Toobiyaha raac Taada ku ekow Ha noqon tukulush timir gaari waayay --- Weligaa wax ka Haasaawe Macaan ma aragtay labaas qof? Cajiib! War illeyn Haasaawuhuba wuxuu ku macaan yahay hawraarta Suugaanneed!
  9. Af soomaaligu wuxuu ku kala baxaa laba FOOC 1- Soobaan , 2- Suugaan Soobaantu waxa ay kala tahay : 1.1- HADAL(Spoken) iyo 1.2- HAWRAAR(Formal Statement) Hadalku waxa uu ka kooban yahay: 1.11- LAQANO(Dialects) Waa siyaabaha kala duwan ee afka loagu hadlo ama loogu kala yeedhafo. 1.12- OROG(Colloquil) Waa sida guud ee wada-jir ku hadalkiisa maalin walba looga siman yahay. Waxay 1.2-HAWRAAR-tu ka kooban tahay 1.21- Tibaax(phrase) 1.22- Warbaan(Sentence) 1.23- Codbaan(Speech) 1.24- Curis(Composition) 1.25- Curis-sare(Essay) 1,26- Deex(News-Article) 1.27- Baanise(Legal Argument) Intaas weeye SOOBAAN-tu. SUUGAAN: Waxa aan toos kuu siinayaa qeybata gabayga: Gabayaga Afsoomaaligu waxa uu ka kooban yahay: Tidicyo (lines of poem) Tidic kastaa waxa weeye Laba Odhaahood oo loo kala yaqaan HAKAN + HOORIS, e.g. Dabuubtiisa Gabay (HAKAN) Waanigii Daayey Calow'e (HOORIS) Waxa jira TIBIXQAAR lamaan ,ama Qaafiyad lamaan, oo tidica tusaalaha aha aad ka heli karto waa TIBIXDA "D" oo uu gabaygu ku dhisan yahay. Waxa kale oo aad helaysaa SHAQALTIRIS , tidic kasta waa in laga helaa ugu yaraan 19-shaqal ugu badnaanna 21-shaqal. Tidicyo dhowr ah oo ku wada saabsan arrin-keliya waxa la dhahaa TUDUC(Paragraph) Marka aad gabay hidinayso waxa uu dalban yahay; 1-DABUUB(Theme) 2-DULUC (Contents) 3-MEEXAAN(Harmony/Delicacy) Seid Abdillahi Abdi Mr Seid is an erudite, profitable linguistic, who possessed a broad range of knowledge in the field of Somali Language.
  10. lol I guess nobody wants to provide us a brief translation of this wonderful article.
  11. Innaa Lillaahi wa Innaa Illeyhi raajicuun! Waxaan Tacsi tiiraanyo leh halkan uga dirayaau ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qosykii, qaraabadii, eheladii & Saaxiibadii uu ka baxay Abwaan C'Qaadir Xirsi Yamyam. Isagana, fadliga Bishan Ramadaan aawadeed, naxariistii Janno Eebbe ha ka waraabsho, AMIIN! C'Qaadir wuxuu ahaa Abwaan ka mid ah abwaannada ugu tayada sareeya ee dhinaca Suugaanta Af Soomaaliga, waa tiir ka liicay Suugaanteena. Mar aan yara indha indhaynayey Tacsida Abwaanka, Allaha u naxariistee, ayaan ka dul dhacay suugaan yar oo uu curiyey muddo ka hor. Waxaan ka soo qaatay Golaha Suugaanta Soomaalida ama 'Somali Literary Forum', waxayna u dhigantaa sidan: Abwaan Cabdulqaadir Xirsi Yamyam (Waa intii uu noolaa'e; Allaha u naxariistee) ayaa tiriyey maansadan soo socota. Waxa uu abwaanka dadkiisa kula talinayaa inay duruus ku qaataan waqtiga, qof kasta oo Soomaali ahna looga baahan yahay inuu yeesho damiir wanaagsan oo waddaninimo, aadaminimo, iyo diinba ku dheehan. Waa cashar uu isleeyahay dadkaaga ha u noqoto meerisyo halqabsi ah. Dhanka kale, waxa aan maansadan ka dhadhansan karnaa bad-suugaameed aan maansooleyaal badani ku degdegin.---Cabdillaahi Abuukar 1. Dalkaaga jeclow dadkaaga jeclow, ku diirso wanaaga xumaantana diid. 2. Dareenka ilaasho damiirkana dhawro, dariiqa hagaagsan ku daafac xaqaaga. 3. In aad nabad doonto dantaada useeg, durbaanka qabiilka dhegaha ka dabool. 4. Diintaada ku dhaado ha daayicin xeerka, walaalka ku doona ha diidine yeel. 5. Daryeelka dhaqankaaga ku faan deriskaaga, daymada naxariista naftaada ku daab. 6. In aad dibadda aado ka dooro dhulkaaga, waxaa dihin ciidee garweynata ku doox. 7. Dulmiga ka baq ceebna falkaaga udiid, wuxuu dadku yeelo dulqaad u lahaw. 8. Dalka iyo qarankaaga dhiigaaga udaadi, dadka iyo calankaaga dardaaran u reeb. 9. Hadaad dhereg doonto dalkaaga ka maal, h adaad sharaf doonto dadkaaga ku faan. 10.Dantii keligaa ah ka doorbid ta guud, bulshada kugu dayran ka daafac sabool. 11.Ilaahay daraadii dammaanad ku qaad, dugsoo samirkaaga lib Eebbe ku doon. 12.Dariiqa Islaamku ma daayacayee, wixii duminaaya amaanada diid. 13.Fariimaha diinta dadkoo dhan u sheeg, in uu xaqu deeqo ku muuji dadaal. 14.Iimaanka daloola waxbaba ma deeqaane, ninkii wax dulmoowba xabaasha daymood. 15.Deegaanka ilaali duurjoogta ha leyn, meel aanay dalxiisku ku daalin ka yeel. 16.Reexaanta iyo doogga daruurta ku naaxi, markaanay da'aynna kannaalka u doox. 17.Intaanay ku daalin daruufta qabiilka, daruusta caruurta ku beer dal jacayl.
  12. This song is so impressive, powerful, and amazing in accordance with the lyrics that has put into it. It's called (Saylo) Artist: Hassan A. Samatar & Sahra A. Jama Album: Unknown Xasan Aadan Samater: Sayloo guyaal badan Soo baxa kaliishii Seelseelna loo degay Sannad geelu badi dhalay Oo sidigtii Laalays Nirguhu aanay socod baran Reeraha sintoodiyo Kaymo saar leh loo dhigay Oo igadh mid yari sabo Maqaar lagu salaaxay Saameeshay gaawaha Oo baarqab soohani Isagoo ah laba-sabar Soofeeyey micidoo Ka sanqadhiyey doobtii Salaaddiina roorsaday Ugabkii u saniyo Surmo dheer la tiigsaday Saqdii dhexena roob helay Subixii bariisada Sidoodaan jalleecada Saxansaxo udgoon badan Sanka kuula raacaa Sahra Axmed Jaamac: Sange subag idaad iyo Sumal baridii lagu shubay Ooy sabada ceelkiyo Sohdu tahay agtiisoo Loogu dhaansho sacabada Oo Sudiyo Howd sare Seddex guure daaqoo Weli aan sedyari arag Oo seeto iyo dabar Labadaba ka saahiday Oo salow dagaal iyo ninkii geyin saraayaha Oo sararta naaxdiyo Timuhu ay isku seexdeen Oo seyn-gargorkii Loo salaaxa guudkoo Saxarkii ku duuliyo Looga mayro siigada Loo saaro kooraha Cigalkiina loo suray Sarajoogga iyo muuq Sankuneefle kaligaa Adaa suuraddiisa leh Xasan Aadan Samater: Sagal gaaxday roob subax Seermaweydo ku onkodey Waaguna ku sarakacay Sarajoog nin dhererkii Cadceedduna la siman tahay Nuurkuna sagootiyey Oo waqal sindadab iyo Guulaamo socotiyo Kala soocday dhibicii Oo midab sibaaqiyo cadaan wada siraatiyo madoow suul-dhalaal xiga Seddexdaa miduun yahay Qof suureeyey kala garan Oo beel Sanaagiyo Ku surmiday saraar godan Saadaalinaysoo bal halkuu ku simo iyo Sugayaan inuu helo Subixii bariisada Sidoodaan jalleecada Saxansaxo udgoon badan Sanka kuula raacaa Sahra Axmed Jaamac: Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh Oo dirir sagaariyo Sagaal gudcurkuna helay Saga xareedaan Biyuhuna sunsumayaan Oo saawasaawiyo Saxal cudur lahaynoo Salka looga degay nabad Oo saraarta dixidiyo Simantahay dareemadu Oo sebiga caanihii Lagu siiyey golihii Habluhuna sibraar iyo Dhiilo saabka loo tolay Sinta bidix ku qaadeen Subixii bariisada Sidoodaan jalleecada Saxansaxo udgoon badan Sanka kuula raacaa
  13. Bal hadda mar kale aan dib ugu laabto tuujinta maskaxd. Maadaamo oo maddax tuujis laga bixi waayey. Ka waran haddii aan sidan u dhigno? Shan kun oo nin oo wada shaxdoo shir iyo ceel joogta Oo wada sharaaka ah haday naftu shaqaynayso Asaan shaado xoollo ah lahayn wadana shoobaysa Aan shabaabka iyo sheekha iyo sheybku kala soocmin Wadana shiil modow ah aan casaan ciddi ku sheegaynin HADDAAN SHEEGGO WIILKAYOW SHILLINTA sow maaha? Shillintu waa tan inta badan kudka ah ee aan ka dhammaan xoollaha, sida lo'da, geela IWM. F.G. Haddaan sheeggo wiilkayow JINNACA sow maaha? Tuducan waxaa ku jira deel qaaf maadaama uu gabaygu ku socday xarrafka "SH" looma baahneyn in la soo jujuubo xarrafka "J" illeyn meeli ugama banaannee! Mida kale gabaygu wuxuu qurxoon yahay marka gabay kale oo la mid ah lagaga jawaabo. Balse qaabkan hadda wax u eegaysaani uma muuqdo hab qurxoon...
  14. Shan kun oo nin oo wada shaxdoo shir iyo ceel joogta Oo wada sharaaka ah haday naftu shaqaynayso Asaan shaado xoollo ah lahayn wadana shoobaysa Aan shabaabka iyo sheekha iyo sheybku kala soocmin Wadana shiil modow ah aan casaan ciddi ku sheegaynin HADDAAN SHEEGGO WIILKAYOOW JINNACA SOW MAAHA? Waa JINNACA nooc ka mid ah oo la yidhaahdo JINNACDUULLAAN!