Sign in to follow this  
Paragon

14-JIR GABAR UU MASAAFAYSTAY DOOD KA TAAGAN TAHAY

Recommended Posts

Paragon   

14-JIR GABAR UU MASAAFAYSTAY DOOD KA TAAGAN TAHAY

 

Wiil 14-jir ah oo lagu magacaabo Liibaan Nuur Axmed oo degan xaafadda Tawakal ee degaanka Gubta ayaa gabar uu masaafaystay lagu heystaa.

 

Gabadha oo lagu magacaabo Foos Muxidiin ayaa waalidkeed oo masaafada lala galay ka war helay waxay ku doodeen in wiilkaas yarka ah uusan geynin gabadhooda, ayna ka codsadeen inuu u furo.

 

Foos & Liibaan oo qadka isgaarsiinta telefoonka isku bartay ayaa jacayl isugu qaaday leynka telefoonka, waxaana haatan dood arrintooda ku saabsan ay u socotaa waalidka labada dhinac.

 

Source: Aayaha Nolosha

 

-----

NIN GURI UU IJAAR UGU JIRAY GUUR BADNI DARTII LOOGA SAARAY

 

Nin aanan magaciisa helin oo deganaa agagaarka Warshaddii hore ee Caanaha ee magaalada Muqdisho ayaa guri uu ijaar ugu deganaa si qasab ah looga saaray.

 

Sida aan ka soo xiganay Milkiilihii gurigaas Maxamuud Abtidoon Ninka guriga laga saaray oo ahaa Waddaad dhalinyaro ah oo gurigaasi deganaa muddo saddex sano ah sababta looga saaray ay tahay muddadaas oo 11-naagood oo uu gurigaas ku soo guursaday uu saddexdaas sano gudahood furay, furiinkiisaa badan darteedna looga saaray guriga.

 

-----

 

ISBAARO CAJIIB AH OO KA DHACDAY MUQDISHO

 

Nin ka gaabsaday inaan magaciisa la soo qorin oo degan degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaa Jaad uu ka soo iibsaday xaafadda Via Laybeeriya ee isla degmada Waaberi ayaa waxaa soo daba wiideystay (daba kacay) rag moor-yaan ahaa oo goobta uu Jaadka ka gadanayay ka soo raacay.

 

Wariyaheena Yuusuf Bidaaye oo warkan ina soo gaarsiiyey ayaa inoo sheegay in Ninkaas diiday magaciisa uu bar garanayo ragga moor-yaanta ah kuwaasoo ku qabtay qori markii uu xaafadda horey u soo galay, waxayna ku yiraahdeen “Saaxiibow waan ku naqaanaa kuma xumeynayo ee adiga ha ina xumeynin, waxaadna nagu soo wareejisaa Jaadka subarka ah ee aad wadato, Rubacan oo nagu maraxoobay qaado, haddii aad isku daydo inaad diido ogow Afar Tiir Xarar ah iyo Fuusto ayaad kor u eegeysaa oo la macno ah waan ku dileynaa oo Fuusto & Tiirarka qabriga lagu daboolo ayaad kor u eegeysaa”.

 

Arrintaas oo sida uu ninku sheegay mucjiso lama gudbaan ku noqotay ayuu u hoggaansamay kadibna iska qaatay Rubicii jaadka ee ay siiyeen dablaydu

 

-----

Source: Aayaha Nolosha

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

Wuu la baxsadey / tagay lol Why is that so bad... isn't that a part of our wonderful dhaqan that we must preserve. :D

 

But on the real.. yadu ma bilaa caqlibaa marka lala tagayo? Weliba u inan yar oo 14 jir ah latagayo - waaba bilaa awood ka yari .. maxay ku haystaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Faheema.   

lol Ameenah , you joker..... 14 jir aa naa 10 jir baa afmiishaarnimadiisa ku iibsanaya back home adna mid shaarbo la baxay baad ka hadlaysaaye :D:D . Laakin taasi malaha madaxay u dhacday dhawr jeer.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Ameenah does this "Foos & Liibaan oo qadka isgaarsiinta telefoonka isku bartay ayaa jacayl isugu qaaday leynka telefoonka" sound alarming to you or see camal?

Share this post


Link to post
Share on other sites
NoVa   

11-naagood oo uu gurigaas ku soo guursaday uu saddexdaas sano gudahood furay, furiinkiisaa badan darteedna looga saaray guriga.

lool this just had me laughtin'..so the landlord kicked him out of divorcing 11 women in 3 years...I'm wondering how the HELL DID HE MARRIED 11 women in 3 YEARS????? damn was he that good looking?? Or was he loaded? loool i'm serious, for a brotha to just Marry and then keep divorcing them like that...... this got' 2 be a joke'.....ANd why the hell are those women marrying him...if they know that he divorce the previous one's???? this ain't making sense....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Macalin   

LOL Jamal.

 

This kids ayamahan are getting out of HAND wallahi,i bet he was watching them HINDI movies,the ones afosmaliga loo badalay....He reminds me of this neighbor kid 6yrs ago who ran away with a girl when he was also 14.

 

When i was 14,My Feet were white from BUS/BOOR-from playing banooni all DAY and i had no time playing with girls let alone eloping

 

Ameenah,ELOPING is strictly xaram in ISLAM!-its one of the negatives in the culture.

 

Whats there status anyways...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xafsa   

iyaga naag dhan oo nin la carartay maxeey u daba joogaan? 14 though? ?Macbuudka maanyada muusay!!

I gotta give that little boy credit though!! he;s got potential. But the girl.....she needs an *** whippin'!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Libaax Sanka taabte!

 

Eloping inaad qatar ku aheyd aan umaleynaayey!

 

Habeen dhaweyto ayaanba rabney inaan gabar kamasaafeyno Camridge oo reerkoodu deganyahay! waxaan isku qabanay ina kiilmitir ee shardiga u ah nooh! Wali arinkaan waa jiraa, waa socdaa, waana dhaqan wali dadka qaarii rabaan iney preserve-gareyaan!

 

YOu can imagine the English Family being exteremely alarmed by this concept of elopment in Somali Style-- gabadha oo afar wiil go' kuridanayaa! What a scene! Waxay gabarta ka dhaahiciyeen in Elopment-ku uu ku ansaxayo in go' lagu rido nooh! can you imagine her facial expression when she hears that?

 

smile.gif

Just kidding!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Sophist:

Libaax Sanka taabte!

 

Eloping inaad qatar ku aheyd aan umaleynaayey!

 

lool@ Sophist. I was merely talking about the english translation. ;)

 

But ninyahow, waligeey ma arag wax go' lagu ridee, are you sure the guys weren't part of the XERTA TIMOWEYNTA cult? Xerta SHEIKH MAXAMED RABIIC( timoweynta) is know to carry out very similar clandestine missions conducted in darkness and defended with words like "ISHAARO" and "U NIMCAYN" ;)

 

I can imagine what the white girl was going through. Afar doob oo iyada uun sugi inay la baxsadaan. lol

 

;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Flying lol

 

Sophist iyo Libaax, ninbaa beri waxaa la yiri damciyey inuu gabar masaafaysto. Markaasuu gabadhii kula ballamay inuu saqda dhexe ee habeenki dufulka ooga soo dusi doono. Markii la gaaray habeen-barkii ayuu sida gamuun dufulka uga soo dusay, laakiin, nasiib-xumo, gabadhi ma'ahee habartii dhashay buu xambaarsaday. Habartiibaa sastay laakiinse fahantay in xaalladu bariga dhexe tahay oo lagu khaldamay. Markaaseey inta dagta afka u saartay wiilkii, si qunyar ah u tiri "War gu'i waaye ha i tuurine tartiib i dhig, habartii baan ahaye. Gabadhina wataas halkaa jiifta e' Saaxiibkii sida Libaax-san-kataabe u elop-garee islahaa, intuu islaantii sida hot-potato u drop-gareeyey ayuu orod dufulka-aqalleed ooga sii-dusay.

 

Marka eloping can go very wrong ...but it seems this 14 year old raggeedii buu ahaa! smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xafsa   

Originally posted by JamaaL-11:

but it seems this 14 year old raggeedii buu ahaa!
smile.gif

seems that way~ but the girl should have known better...she should have been more level headed! ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this