Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Awkuuku

Recommended Posts

One of the few master comedians Soomaalis had ever known. Alas, with the rest of the Soomaalis inside and outside the country, the two decades conflict took its toll on him, along with millions of Soomaalis. It is very sad to see specially a very well-known jilaa such as Awkuuku being in this plight. Waaka naxay markaan aqriye, sawirkiisana arkay.

 

U gargaar oo intaa u qaban kartid u qabo walaalkeena Awkuuku. In badan buu dad ka qosolsiiye, oo qosol iyo kood daradeeda neefta noogu dhagtay. Eebba ha caafiyo, walaalkeena -- aamiin.

--------------

 

Jilaaga caanka ah ee Awkuuku oo Muqdisho ku xanuunsanaya, daryeel la’aanna ay heyso

 

aw-kuukuu.jpg

 

Haddii aad ku taqiinay inuu wax badan kaa qosliyo, haatan ma jiro qosolkii aad ku tiqiin jilaaga C/llaahi Amiir Rooble(Awkuuku) waxa uuna ku xanuunsan yahay hoygiisa ku yaala Ex-Fiyoore, kaasi oo uusan meelna uga dhaqaaqin tan iyo markii ay burburtay Dowladdii hore ee xanaaneyn jirtay Fannaaniinta Soomaaliyeed.

 

C/llaahi Amiir Rooble Awkuuku oo ka tirsanaa Majaajiliistayaasha waa weyn ee Hobolladii Waaberi waxaa uu xiligii burburka ku sugnaa Dalka Soomaaliya oo uusan ka bixin, isagoo marar qaarkood ka qeybqaadan jiray Bandhig Faneedyo ay sameyn jireen Fannaaniin aan dalka ka bixin iyo weliba kuwo soo baxay xiligii burburka.

 

Sidoo kalena, Fannaanka wuxuu wax ka sameyn jiray muddooyinkan dambe Sheekooyin isugu jira kuwo ka tarjumaya dhibaatada ka taagan Dalka Soomaaliya, kuwo ku saabsan Wacyigelinta Bulshada iyo kuwo Jaceylka ku saabsan, kuwaasi oo laga sii daayo qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.

 

Fannaan C/llaahi Amiir Rooble Awkuuku oo aad u xanuunsanaya ayaa wuxuu dhex jiifaa Qoyskiisa oo ka kooban Dhowr Caruur ah iyo Hooyadood Nuurta Saleebaan Abaliisha oo qudheeda Fannaanad ah, kuwaasi oo intii uu dhaqdhaqaaqayay uu u qaraab tegi jiray, isla markaana uu u soo heli jiray Nolol Maalmeedka.

 

Nuurta Abaliisha ayaa HOL u sheegtay in ay nolosha ku adkaatay Qoyskeeda kaidb markii uu xanuunsaday Seygeeda Awkuuku, isla markaana ay iyadiina ku qasbanaatay in ay xanaaneyso oo aysan meelna uga dhaqaaqin.

 

Nuurta Saleebaan Abaliisha waxay ka codsatay Dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iyo weliba Fannaaniinta Soomaaliyeed inay u soo gurmadaan, isla markaana ay ka gacan siiyaan Caafimaad xumida iyo daryeel la’aanta heysata Ninkeeda oo ah Fannaan ay si weyn u yaqaanaan Dadka Soomaaliyeed.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, C/llaahi Amiir Rooble Awkuuku ayaa haatan Xaaladdiisa Caafimaad waxay tahay mid aad u liidata, dhawaaqa kaliya ee uu ku leeyahay qofkii soo booqdana waa “ii soo duceeya”.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

I am not dhaqtar, so I cannot diagnose to see any symptoms from the picture. Koley da' baa heyso or dhiigkar from the conflict. Qof dagaal labaatan sano socdo u dulqaadan karo ma jiro, not the mind, not the body. Maskiinka Eebba ha caafiyo mar labaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

^I dont know if his nick name has a meaning but the dude used to be a funny icon back in the days. But now i guess he is struggling and may Allah ease his pain.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

I watched that one a while back.."iskoolka maxa iga galay" ...love it smile.gif

 

The guy is funny walahi.....I mean even if you dnt understand what he is saying, the way he looks and carries himself is just funny.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ilaahay caafimaad ha siiyo ,,,,

 

I can't see what is special about him only while thousands are suffering in the same area.

 

Soomaali oo dhan Ilaahay ha u gargaaro

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this