Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Dumar kale ma caashaqin

Recommended Posts

Kool_Kat   

MMA, I used to love this song in 2000, until my heard me listing and said "naa maxaytahay heestaan calaalka ah, oo maalin kaso markaan gaariga sookoro kuu daaran, ma nin baa u oyn"...

 

 

This is my song these days:

 

Jacayl kala awood weyne

kii iilka dhigay qays

laylana ag seexshaa

ana igu abuurmoo

oogaduu ku faafoo

diiday inaan adkaysto

iikaa asqeyoo igu kaa

eryaayee ogow naftaa

kuu ooman adigeee hee

imisaa adoo kale arji

ila timadoo oofin maayo

aan idhi awadaa uu joojee

wadnahay i ololeyee ii dhigo

abaalo arintayda meel mari

 

Axdi been lama galoo

wacad lama ilaawoo

ruuxii ku aaminaa

lagama indhasaabtee

afar sano iyo dheraad

arimahaan dhisaynee

aan is idhi idlaadeee

wadiigii firdheeyee

ogow naftaa kuu

ooman adigee imisaa

adoo kale arji ila timidoo

oofin maayo aan idhi

awadaa u joojee

wadnahay i ololeyee ii dhigo

abaalo arintayda meel mari

 

Ma ogtahay aduunyada

rabi inuu ku uumaay

hablo kaa asluub wacan

ee kaa ilwaad qurux

ama aynigaadaa ana

aanan ka oodneyn

waadigan i agmaraye

sidaan ahayba eegine

ogow naftaa kuu

ooman adigee imisaa

adoo kale arji ila timidoo

oofin maayo aan idhi

awadaa u joojee

wadnahay i ololeyee ii dhigo

abaalo arintayda meel mari

 

Another calaal, but what can I say, I guess I have a thing for calaal songs...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ms DD   

Kool

 

Heestaa wey igu warwareegeysa how it sounded. I cant recall.

 

Who know this song:

 

Jamaadee Jamaade

Wax jacely la dhowraa

la la la la la

jinnii iyo habeen qaba

As you can tell, I dont know the words..so can someone post it?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^

 

Jamaadeey, Jamaadeey

Wax jacayl la moodaa

Intuu jilibka ii dhigay

I jibaaxay aniguye

 

Jini qabe Shabeel iyo

Aar jimicsanayaa

Jeenyaha ii saraa....

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Here is da full one

 

 

jamaadeey

waxan jaceyl aan modaan

intuu jilibka ii dhigay

i jibaaxay anigee

jiribtiyo dhibtaan qabo

jini qabe shabeeliyo

aar jimicsanaayaa

jeenyaha i saree

jamal kaagu inanyahay

igu noqey jawharad

wadnahayga jiiftee

cilmi kii jilbi u dhiga

jare ii maleego

jeeqadaa ii goyee

 

jamaadeey

jiilaal abaariyo

gagi laga hayaamiyo

waxan jabaqla soo maray

jarmaad iyo caraababa

jidka waxan ku soo jiray

hadba jimicsi iyo taah

jabkaan anigu soo maray

jamal kaagu inanyahay

igu noqey jawharad

wadnahayga jiiftee

cilmi kii jilbi u dhiga

jare ii maleego

jeeqadaa ii goyee

 

jamaadeey

gulegole jiin yidhi

subax laga jiciirtaan

ka jeedaaliyaaye

jiribtiyo dhibtaan qabo

jini qabe shabeeliyo

aar jimicsanaayaa

jeenyaha i saree

jamal kaagu inanyahay

igu noqey jawharad

wadnahayga jiiftee

cilmi kii jilbi u dhigaa

jare ii maleego

jeeqadaa ii goyee

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Dumar kale ma caashaqin

Hadal dambe kumaan oran

Dooqaagu wuxuu rabo

Kolan deenba kuu galo

Wali diiday kuma oran

 

this is one of my favorite songs. How can u not be moved by this song :D

 

dumar kale ma cashaqin hadal danbe kumaan oran .....man where you can find a brother like that , meel igu tilmaama :D

 

wa salaamu alaikum

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pujah   

Qoraxdoo aroortii

Qaybisay falaadhaa aa

Ama qaanso roobaad

Daruur midab ku qarisay

 

Qaymaheedii leeyeey

Qof mid lama amaanoo

Qalad looma heesee

Qurayshtii haweenkaay

 

Naftaad qancisaybaa

Kuu qushuucdayoo

Wanaag kuu qiraysee

 

Qabrigaa hortii qaradee

Bariin aad u qaboobiyo

Qaadirkay ha ku geeyo

 

Qofaalada jacaylkoo

U qabiray naftaydaa

Ilamaad qalaynino

Waad ila qorshaysee

 

Iga saartay qoolkii

Qamandacada dushaydiyo

Qamuunyadii i saarnayd

Ilamaad qaxootiyin

 

Naftaad qancisaybaa

Kuu qushuucdayoo

Wanaag kuu qiraysee

 

Qabrigaa hortii qaradee

Bariin aad u qaboobiyo

Qaadirkay ha ku geeyo

 

Haddaan qiro runtaydoo

Qotonshoo warkaygaa

Ruuxan kugu qiyaasoo

Kula qeer dhigayaa

 

Kama qaadin indhaha

Sida roob qayoodoo

Saxansaxo qabowbaa

Laabtayda qaadee

 

Naftaad qancisaybaa

Kuu qushuucdayoo

Wanaag kuu qiraysee

 

Qabrigaa hortii qaradee

Bariin aad u qaboobiyo

Qaadirkay ha ku geeyo

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Another ultimate cabaad iyo calaacal classic video by the one and the cute Mariisa Karboone. [Originally sung by Luul Jeylaani.]

 

Gafkaan guddi oon u gaystee

Iiga garsoora maala waayee

Gindi waaye jaceylkee

Waaye jeceylkee

Adigoon geeriyoobinee

God kaama dhaafaayee

 

Waa I gubee

Waa I gamaariyee

Goor dhaaxaan gegsahaayayee

 

Gebagabeysa la soo gaaree

Gogol yaa loo dhigaa oo

Ii gargooniyaa

Anigaa go’doomayee

Garabkeyga go’ayee

Goojiyaahee

Guulba la bilo

Guul aan giyo waayee

....

 

mariisakarboonejl9.jpg

 

Mariisa Karboone [is she alive qofta horta?]

Share this post


Link to post
Share on other sites

MMA, I used to love this song in 2000, until my heard me listing and said "naa maxaytahay heestaan calaalka ah, oo maalin kaso markaan gaariga sookoro kuu daaran, ma nin baa u oyn"...

Gabar aan shaqo isla adi jirnay waagaas -- 2000 -- ayaa iyadana ku qafiiftay Qabrigii Jaceylka markaas mar labaad soo baxday oo la cusbooneysiiye. Baabuurkeeda ee shideysaba cajalka asagaaba isdaari jiray. Qabrigii jaceylkoo, quraankaan ku mariyee ...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Zuhayla gacan baan u taagay :D Innaba caadi ma aha.

 

Lyrics + melody = memorable lines. Berrigii ay carabiga noo xarxariiqayeen bay waxay nagu bareen balaaqada wazni iyo khaafiya. This one has both so is the one Kool qallanjo has posted.

 

My boy MMA in la soo hayaan u maleynayaa. I know marka qof la soo hayo and I can see the signs.

 

Awoowe keep ya head up inna rag waa kii adkaystee :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wazni iyo Qaafiyah are the back bone of every poem/song ...... hadaanay lahayn oo weliba aanay isku dubadhacsanayn maba dhegeysto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by P:

[QB] Qoraxdoo aroortii

Qaybisay falaadhaa aa

Ama qaanso roobaad

Daruur midab ku qarisay

 

Qaymaheedii leeyeey

Qof mid lama amaanoo

Qalad looma heesee

Qurayshtii haweenkaay

Cute, Waxaasa aamaan layidha, xariif iga dheh, intasaan odhan kari waayay :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Originally posted by Jacaylbaro:

Wazni
iyo
Qaafiyah
are the back bone of every poem/song ...... hadaanay lahayn oo weliba aanay isku dubadhacsanayn maba dhegeysto.

dadkan ma kuu garanayan sxb wazni iyo qaafiyah, dad yar baa garanaya sida odayaasha Baashi iyo LST though I suspect LST never heard of Qaafiyad smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

loooool ,,, and i'm sure NO ONE can translate this including you yaa Nuune :

 

Hangaalli hungaalli

Hegaan hega gaalli

Hunjaalli hantoolli

Bidhaan had-hadowga

Hiwaali hahoodka

Jibaanjib hunnuunnu

Huraalka hiraalka

Hambaaber mardaali

Hadeedab mardaadi

Kallaal himbiriirsi

Hawaawir hayaayir

Sadaad herimooya

Hunnnuushle hannaashle

Sareedo hamboori

Hankooble hayooshe

Falaad habbabbaale

Hanquusle halowle

Garaad himhimowle

 

 

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ Jaceylbaro, sxb maansadan waad halleesay, iyadoo buuxda inaad keento ayey aheyd, markaas ayuu micnaheedu toosi lahaa, laakin jajabkeedi ayaad keentay halkan, saasna iskuma aysan aadaneen.

 

 

Waatan iyadoo buuxda maansadii caanka aheed,

 

Hambabeer baa la yiraahdaa Maansadan, waana maansooyinkii lidka ku ahaa dowlaadii Siyaad Barre.

 

 

Habeenada weysha

Dhurwaa habarteeda

Dorraad ku hiraabtay

Haan-haabadka naaska

Haaneed ka deyeysa

 

Nirgaa hugun yuuska

Halkii lagu ooday

Hammuunta ka yaw leh

Riyaa hoganaaya

Idaa tuban heelka

Cadceedda hagoogtey

Haleelada weydda

Dhaqaaq hidin waaga

Hareeriga taagan

Dantaa ku habsiisey

Inay hakadaane

Dhulkoo hanad joogo

Intaan gadadh heerin

Ka sii degin heerka

Hadeer la yaqaano

 

Intaan habqan beeshu

Huluulaha oodan

Ku saan go'in hawdka

Intaan habac jiitan

Badhkeed ku hallaabin

Markay habaq baahdo

Dugaaggu hilbaysan

Intaan hawa boodka

Fardaa higil raacay

Kuwii higsanaayey

Hummaaggu ka reebin

Xayeeshku habaabin

Intaan halladaadka

Hayaanku is waayin

Habeenku dhex qaadin

Hadhow la shallaayin

Hadaadunka naaftay

Sidii habas daalka

Hawaarsadey ciidda

Anaa hiddiddiida

Hobey hobe hooda

Durbaankiyo heesta

Ku soo hoga geyne

Adaa hal abuurka

Tixraaca ha'leyda

Ujeeddada hoose

Hawaala yaqaane

Haruu orod Faarax

Horweynta jiciirtay

Hadhaaga u jooji

 

Haydaartiyo doogta

Hantaaqada ciilka

Dareenka huqdiisa

Qamuunyada haarta

Caloosha hugmaysa

Hiirtaanyada raagtey

Dhinbiisha hulaaqday

Dabkaan hurin doono

Colkaan humin doono

Hargaa igu laalan

Dhowaan henggel baasta

Ninkaan huwin doono

Sabaanka hagaagey

Barwaaqada hoortay

Daruur iyo heego

Waxaa hogol gaaxsan

Hadhaysay dushayda

Harooyinka buuxa

Hoobaanta bislaatay

Haraaciga daadka

Caleenta hiraysa

Indhaa halacdooda

Hibaaqiyo laaca

Naftayda hankeeda

Waxay hibanayso

Haddii wedku daayo

Inay heli doonto

Anaa huba taase

 

Hambaaber dhowaanta

Dareen ma hurdaana

Dagaal wata heeso

Hidday u lahayde

Hargeysi ma toostay

Hogaanka ma diiday

Harqoodka ma tuurtay

Inaanay hummaaga

Hadoodilan yeelin

Sidii hebel geel ah

Heshii Nebi Saalax

Horaadada dhiibin

Hankeedu ma siiyey.

Waxay hibanayso

Ninkay la hadlayso

Hagaag ma u sheegtay

Hadday sama weydo

Inay hantideeda

Nafteeda hurayso

Hubaal ma caddaysay

 

Allaylehe waa hog

Shax aan la hilmaanin

Malaa Hugur tiisa

Waxaabu u haystey

Inaan hayal toosan

Harraatii aqoonne

Maskii Hilqadaale

Ma soo hardaf boodey

 

Horaanse u sheegay

Inaan hadda beeshu

Hadhiimo ahayne

Haddeer waxa jooga

Hadmaan ka afeeftay

Hasaasaha muuqda

Wallee hagar daamo

Falkaagu habeensay

Higlooy gabbalkaa dhac

Hangaalli hungaalli

Hegaan hega gaalli

Hunjaalli hantoolli

Bidhaan had-hadowga

Hiwaali hahoodka

Jibaanjib hunnuunnu

Huraalka hiraalka

Hambaaber mardaali

Hadeedab mardaadi

Kallaal himbiriirsi

Hawaawir hayaayir

Sadaad herimooya

Hunnnuushle hannaashle

Sareedo hamboori

Hankooble hayooshe

Falaad habbabbaale

Hanquusle halowle

Garaad himhimowle

Hayaayub xumaanta

Humbaalle dhaqaaqa

Hallaallimo soofka

Hallaasiga sheelka

Harawsiga qaawan

Hiliiliqa jeexa

Higiishis boqoolka

Galbeed hiyi raaca

Maraykan ku hiilka

Shirqool la hadaafka

Habheeb alalaaska

Hinraag qayayaabka

Haraaryada neefta

Hantaatac ergeynta

Hagaas caga jiidka

Walaaac haghagoodka

Tawaawac higgoodka

Hamuun taltalawga

Calaacal hungowga

Heshiis macaluulka

Hunfey salsalaaxa

Hinfaal wax u sheegga

Wasiiro habaynta

Hoggaanno samaynta

 

Hadhuubada daatay

Hareero ka leefka

Jalbeebta hal leyda

Rogaal halalleyda

Hamaal shaqalkeeda

Higgaadda shanlleyda

Halkaan ka abbaaray

Hadhauudhku Carraale

Huftoo hufmi waaye

Maxaad kala haadin?

Intaas haqab beelka

Hadhoodho horteed dheh

Hal baase xasuus ah

Nin tiisa u heellan

Haddaan taladayda

Hayaankiyo beesha

Hoggaami idhaahdo

In taydi haallawday

Annaa huba taase

Hadhow iyo fullan

Waxaanan huraynin

Inaan hadda yeelo

Ayaa ka hagaagsan

Qabiil ku hadaaqa

Hobsheyntiyo faanka

Masayrkiyo haybta

Hinaase la boodka

Holayntiyo maagga

Hirrooda qab dhaafka

Tollaay hebel meeyey

Sidii horror waalan

Hilbaa igu yaalla

Halgaad kula duulka

Colaad hurgumootey

U sii hangagaarka

Heleysada dhiiggu

Markuu heleleyda

Sidii harawaati

Hamuun tiro ciidda

Dagaal lagu hoobtay

Halyey ku idlaaday

Ka soo hindiwaaska

Tabaalada huursan

Hangoollada qaybta

Fulaa halistiisa

U sii gacan haadsho

Halkay godobtaydu

Ka soo hullanayso

Ninkay huntutuulka

Ku soo hullaanayso

Inaan dib u haybsho

Hillaabta ka qaado

Ayaa ka hagaagsan

 

Hanraawe I boobay

Markuu iga haago

Inuu hadhadaydu

Hafeefta xanuunka

Markay hurgumooto

Hoosaaso afuufo

Halbawlaha kayga

Sidaas kula hoydo

Nin haad I cunsiiyey

Inaan horror siiyo

Ayaa ka hagaagsan

Hawraar iyo sheeko

Haween laga reebay

Beraa habar guurtey

Hayaan rarygeeda

Culaab iyo haamo

Waxay hilif saartay

Haldhaa kici waayey

Hiyeeda gadh jiidka

Markuu hollan waayey

Ayey hindiskeeda

Halaanhal ku keentay

Midaan kolkaa haabka

Markaa lagu haynin

 

Waxay tidhi "Hoogey

Hayaay Cabdi-Qaadir

Hareer qabo awrka"

Markuu hayinkeedu

Hagaag isu taagey

Ayey tidhi " haakah"

Hebloo gabanteed ah

Hilowna basteeda

Malaa u han weynna

Karaamadan hiirta

Ku soo hormanaysa

Hilmaanina weydey

Wadaadka hoggiisa

Ka soo hangallaystay

Siduu ugu hiishey

Ayaa tidhi "hooyo

Muxuu horta sheekhu

Inoo yahay haybta"?

 

Waxay tidhi "heedhe

Hibooy ratigeennu

Markuu hingan waayo

Ayaan huriwaaga

Haleel cuskadaaye

Habeen ma wadaagno

Haddaan magaciisa

Dantaydu higgaadin

Ma soo hadal qaado"

Ujeediyo haatan

Nin tiisa u heegan

Halyeynimadiisa

Hashiisa ku dheelmay

Iddiisa ku hoystey

Inuu hantidayda

Habaynta xilkayga

Dhismaa hodankayga

Hiddaa sharafkayga

Waxaan nolol haysto

Horsed ka ahaado

Ka haayir idhaahdo

Ayaa ka hagaagsan

 

Hashayda nin maalay

Markuu hordhaceeda

Habniin kaga daalo

Inaan hanbadiisa

Hafriinyaha beenta

Habeedda qalaysan

Ku hoorsado weelka

Gobaad ka hillaabto

Inaan ku hagoogto

Ayaa ka hagaagsan

Anoo qaba hawsha

Habeen iyo maalin

Intaas sida heeryo

Habaaska I fuushan

Inaan ku hungoobo

Hulleeka madhnaanta

Hamaansiga quusta

Hamuun la carrawga

Heshiis ku ahaado

Naftayda ka hiisho

Hugaas doqonniino

Hurrow nin I saaray

Inaanan u hoogin

Calaacal harraaddan

Xaqayga ku haybsho

Ayaa ka hagaagsan

 

Habkii xidinxiidka

Dugaag huwantiisa

Horyaal ka ahaaye

Markii hankakoobka

La soo helay guusha

Libtii lala hoydey

Tukaa yidhi "hoy day

Hashaan qalay saami

Hagaagna u qaybi

Hadhowna I toosi"

Tukow hayedaadu

Waxbay huwanayde

Dantiisa ka haybi

Qorshii hiyigiisa

Halkay talo joogtay

Ka sii wadey hawsha

Ninkiina hilmaanyey

Saqdii dhexe hawda

Ninkii hurdey toosyey

Hareeraha eegyey

Raqdii ku hungowyey

Hanqaar warwareegga

Hankaag jaljaleeca

Haqdii samri waayey

Tukii hanfariirka

Waldeys kula haadyey

Gar laysu hankaabsey

Hamuun gorayaale

Ninkii Halac-dheere

Wuxuu yidhi "hoy war

Intaan hana qaaday

Hadeer iyo caawa

Haddee weligayba

Inaanan hanbaynin

Horaad u ogayde

Maxaad igu hiifi" ?

 

Ninkayse ka hoostay

Mar bay hawireene

Ka soo kabey haarta

Bahaysiga haadda

Hilbaa cuniddooda

Habeen gama'iisa

Inaanu haweysan

Ayuu han fogaanta

Halkii kaga dhaartay

 

Ujeeddiyo haatan

Rag waa hal adayge

Heddeyda wedkeyga

Inaan habalyeeyo

Tubaa halaq yaalka

Hog laygu qaniiney

Ku sii hiradkiisa

Ka haari agtiisa

Ayaa ka hagaagsan

Haddaanan haddaanan

Haddaanan dhawaaqa

Hireyda wireyda

Hayaay ka kacayda

Jahaadka Hargaysa

Barbaartu hagayso

Haweenka godoodey

Ka qayb gelin hawsha

 

Haddaanan haddaanan

Intii isku hiila

Hargaysiyo Bayla

Intii la hal maasha

Bakool hilinkeeda

Heeraarta Kismaanyo

Ilaa Hobyo geynin

Hiiraan u tallaabin

Runtay la hudmeene

Haddaanan haddaanan

Sidii hanqar yeedha

Hillaac iyo maayad

Dhulkoo dhan hadhaynin

Banaadir ka heesin

Wixii hurda toosin

Halyeyada ciilka

Ka haajirey ciidda

Halkay talo joogto

U sii farin haadda

 

Haddaanan haddaanan

Waxaan huro caawa

Dhammaan huga xaaska

Hayla maryahayga

Sariirta hanbaadha

Kuraasta hagoogan

Ashuunka hunbuuca

Haraaq iyo haadyo

Waxaan jaqaf haysto

Haddaanan xaraashin

Waxay hanti goyso

Intaan hub u siiyo

Dadkayga habaynin

Dagaal u hormaynin

La soo hadhin guusha

Hawraartiyo luuqdu

Cabdow hadalkaygu

Hawaawi kac weeye

Ninkii hebel miihi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this