Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Caaddo

Recommended Posts

Istunka:

 

Waa ciyaar dhaqmeed ka dhacda Koonfurta dalka Soomaaliya waa ciyaar caan ah. Istunka waxaa inta badan lagu yaqaanaa in ay ka dhacaan gobolka Shabeelada Hoose, gaar ahaan Afgooye iyo nawaaxigeeda. Marka ay dhacayaan ciyaarahaasi Istunka ayaa la isku adeegsadaa ulo ay isku qaracaan kooxo iska soo horjeeda ulaha la isku qaraaco ayaa waxaa loo qaqaan Usha Labeyda. Waxaana hore la isku garaaci jiray usha balka moordiga taas oo dhibaato badan gaysatay markii danbana waxaa sida aan xogta ku helay lay sheegay in ay odayaashii hore ku afar afareysteen Usha Labeyda. Ciyaartan ayaa waxa ay soo jirtay muddo hadda laga joogo 1019 sanol. Xiligii alifaadeeda waxaa sida uu warbixinta noo siiyay Qabiir aqoon buuxda u leh Ciyaar dhaqmeedka Istunka Muddo dheerna soo Ciyaaraayay iminkana da`ah noo sheegay in Odayaashii hore uu ka soo xigtay in ciyaartan alifaadeeda iyo ku dhaqankeeda uu sabab u haa waa ay Itoobiya ay dalka soo geli jirtay oo dadkana xoolaha ay ka dhici jirtay.

 

Waxaa marka ugu horeysa loo galaa tabaabushaysi dheer ka hor inta ka dhiman mudada ciyaar dhaqameedkaasi caadada ah sida ay inta badan dadku ugu diyaar garoobaan Ciida oo kale. Marka ay ka dhiman tahay 7 maalmood waxaa dhacda in ay timaado kala jiidasho lagu samaynaayo laashamiinta shirbaysa kuwooda aftahanka ah ama murtida wanaagsan leh, waxaa loo sameeyaa casuumaadyo iyo balaanqaadyo si ay u noqdaan Cidda Istunka ka dib la hadalhayo wacdarooyinka ay soo bandhigeen Xagga Shiribka iyo gartida barbaar wanaagga. Ciiyaarta Istunka ayaa ah ciyaar looga kala yimaadaa dhamaan gobolada ku xeeran Sh/Hoose. Waxaa loo ciyaara Istunka Qaab Beeleed ah [qabiil] iyo [qabiil]. Saf ka saf ayaa la isku garaacaa ulo ciddiii dhinac loo riixo ayaa laga guuleystay.

 

Dhaawacyo ayaa yimaada marmarna dhimasho, lakiin sida aan ka soo xiganay mid ka mid ah odayaasha deegaanka Afgooye ayaa noo sheegay ciddii ku dhaawacanta Istunka 3 illaa 4 maalmood hadduu ku bogsoon waayo in aysan ku dhicin Usha Labeyda ee lagu afar afareystay. Wuxuu noo sheegay in uu bogsoonaayo dhaqsi qofkii dhaawac ka soo gaaro ciyaar dhaqmeedkaasi, Istunka Istunka waxaa lagu soo bandhigaa ciyaaro hiddo dhaqameedyo ah iyo shirib marmarka qaar xambaarsan cey iyo aflagaado loo gaysanaayo beel.

 

Shirta:

 

Caadada kulanka shirta Banaadiriga waa caado dhaqameed soo jireen ah oo beelaha Banaadirga ay isugu soo baxaan sanad walba xiligan [Luuliyo/July] oo kale. Waxaa marka hore la sameeyaa ducooyin la xiriirta in uu Illaah sanadka sanadkiisa caafimaad iyo nabad horumar uu gaarsiiyo iyo xoolo qal dhiig bixin ah oo la sameynaayo. Waxaa dhacda galabta uu dhacaayo maalinteeda Shirta Banaadiriga in ay duhuradii guryo badan oo Reer Banaadiriga laga sameeyo duco Rabi tuug ah iyadoo subaxdii horena badda lagalaayo.

 

Waxaa la isugu soo baxaa agagaar barxadda masaajidka jaamacadda ee deegaanka Xamarweyne. Sidoo kale waxaa jira dadweyne badan oo ka kala imaanaaya deegaanada Shingaani, Shibis Boondheere, C/casiis, Xamarjajab oo iyaga ka qeybqadanaaya Shirta, iyagoo ka soo shir bilaabaaya islamarkaana shirbaayo xaafadahooda illaa ay ka yimaadaan deegaanka Xamarweyne oo kulan weynahaasi loo qaqaano Shirta lagu qabto sanad walba.

 

Waxaa iska horyimaada dad kooxo kooxo u shiraaya una shirbaayo iyagoo wata ulo iskuna dhufanaaya ulaha ay wataan oo kaliya iyagoo aan wax kale isku gaysanayn ama dhaawac aan ka soo gaareyn. Ciyaar dhaqmeedkaasi Shirta Reer Banaadiriga ay sameeyaan, qeybaha Shirta ka qeybgaalaya oo isugu jira odayaal iyo dhallinyaro yar iyo weyn iyo qeybo badan tirsan oo bulshada ka tirsan oo u soo daawasho tagaysa. Dadka ka qeybgalaaya kulankaasi Shirta ayaa waxaa ka mid ah siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda Beelaha Banaadiriga astaamaha la xusi karo ayaa waxa ka mid ah in ay xiranayaan dharka hiddaha iyo dhaqanka ee ay caanka ku yahiin ee loo yaqaan sawaacilka iyo ulgunta looga xiraayo maro iyagoo madaxa ku soo duubanaaya shaash oo isagu astaan u ah.

 

Waa caado dhaqameed soo jireen ah waxa ay dadka Banaadiriga ku caayaan shiribyo ciddii reer Banaadiri ah ee ka soo qeybgeli weysa kulan weynahaasi loo yaqaan Shirta.

 

Badgalka:

 

Caadooyin dhaqameedyada Dabshidka iyo Badgalka waxaa ay ka tirsan yahiin qeybaha hoostaga caadooyinka aan kor ku soo sheegnay waxaa aaminsan in badan oo Soomaali ah, iyagoo sheega in ay caadadaani tahay mid soo jireen ah oo ab ka ab ah ayna u tahay lagama maar maar in ay sameeyeen iyaguna ama susaan sanad walbo caadada. Inta aaminsan caadooyinkan ayaa waxaa ay sheegaan in hadaysan samayn ay tahay danbi ay galeen taasoo ay sabab uga dhigaayan in ay waalidiintooda hore ay dhaqanka maamuusi jireen waqti dheerna la soo sameyn jiray.

 

Badgalka waxaa ay sheegaan Dadka sameeya caadadaasi ama Aaminsan in Badgalku yahay mid ay Iska meeraayaan Isha iyo waxa ay ku sheegeen xijaab dhibaatooyin.

 

Dabshidka:

 

Sidoo kale Dabshidka waa Caado soo jireen ah oo In badal gobolada Dalka ay dad badan oo Aaminsan ay ka sameeyan ama ay ka Xusaan iyagoo Dab ku shidanaaya guryahooda hortiisa isla markaana 3 mar ka boodaaya dabka ay shideen , waxaana Dadka aaminsan caadadaasi ay sheegaan in ay tahay Caado ka hortagaysa sanad abaareed iyo dhibaatohaday dhacaan yaraynaysa.

 

Laga soo xigtay.

_______________

 

Caaddooyinkaas kor ku xusan qaarkood diinta Islaamka kahor ayee jireen oo Soomaalidda ku dhaqmi jirtay, walina ku dhaqantaa. Qaarkood waxeeba la wadaagaan Fircooniintii, sida istunka camal.

 

Hadda caaddo kale taqaanid ku dar. Istaaqfuroow is one such example.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cara.   

MMA: Very interesting stuff.

 

Ciyaarta istunka ma dhalinyarada kiliyaa ka qayb gasha mise ragoo dhan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Zafir   

The name of the topic is misleading MMA. Soon as I read “Caaddo†I thought of the monthly thing that happens to the females.

 

Be back later to give my thoughts on the topic.

Share this post


Link to post
Share on other sites
hodman   

^^^ EEeeww Zafir that's nasty. Why would that be the first thing on your mind :confused:

Weird customs I have always wonderd about the Istunka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Cara:

MMA: Very interesting stuff.

 

Ciyaarta istunka ma dhalinyarada kiliyaa ka qayb gasha mise ragoo dhan?

I think any able-bodied, healthy male with a reasonable age participates istunka. However, mostly dhalinyarada ayaa ciyaarto, while elders chant encouraging shirib.

 

Ar maxaa hilfaha la isku qaadi jiray. As article above mentions, only one particular stick was allowed, which was from a particular tree. The stick must be flexible and bendable 180 degrees, thus not to break bones, but to make your body qiiq xanuun daraadiis. This stick also was used by macalimiinta dugsiyada Quraanka.

 

There are a lot interesting stuff Soomaalida caaddo u ahaan jirtay. I suppose you've heard when Sulfa memorably sings "Geedi Shaamboow aa loo guurihaa...

 

Geedi Shaamboow [he was also called Geedi Baaboow], the legend goes, was a man who slept every newly married bride at first night, before the husband even had a chance. He was even paid xoolo to sleep with her. He was paid to sleep brides. The guy must have been in heaven on Earth. :D

 

Why did they do that? To only seek his 'blessing,' whatever it was.

 

He was based what is now known Shabeellaha Hoose. His nothern counterpart was called Bucur Baceyr.

 

Even their names are interesting. Who knows nusba Soomaalida inay iyaga faracmeen. One version of his name was 'baaboow.' Go figure.

 

Saafir, adiga caaddo maa kugu dhacdo, saaxiib? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Hey, that's what came to mind when I read the title too. The word you'r looking for is "Caado" with one "d".

 

Good read by the way. I also heard how Istunka, people wait around for a warning bell, a whistle or something to go off, and while standing inline facing their opponents sing: "waraa jiri doone, wiishka lee a yeero" L0L.

 

Geedi Shamboow was one sick dude, had he been alive I'd give him a good as$-whuppin'

Share this post


Link to post
Share on other sites
Zafir   

Very Funny MMA. I have read and reread the article you posted and no where does it read “Caaddo†however is “Caadooyin†is repeatedly used. So clearly “Caadooyin†would have matched the topic name. Am I right or am I right MMA.

 

From what little I know about Istun , I thought it was only the women that participated. I have only heard of such things, never been to one.

 

I also heard wife’s who couldn’t get pregnant where the ones taken to Geedi-Shaanboow so he could impregnate them. I had no Idea, he Saqiis suujasing the newly weds.

 

What was called when people to pray and slather goats to siyaaro Sheekh Abdul-Qadir jaylaani ?

 

 

Hodman, You have been warned! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Caaddo singular waaye, caaddooyinkana plural. Aniga singular aan iska qoray, laakiin si ahaan, yeah, caaddooyin should have been used since caaddo badan meesha ku qoran.

 

Siyaaradda aad ka hadleysidna waxaan u maleynaa Biyooleey oo Bakool ku taalay oo ahayd siyaaraddii Sheekh Aweys iyo Sheekh C/qaadir Jeylaani. Ar maxaa geel lagu qalay. It used to happen bishaan lagu jiro oo ah Abriil.

 

Bishka, caado iyo caaddo midka ah mid Soomaali ma hubto. Aniga caaddo aan u maleynaa inay saxsantahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Zafir:

From what little I know about
Istun
, I thought it was only the women that participated.

Women participated in Istunka? You sure?

 

 

My father took me to one when I was younger. It gave me a fright at the time, but I would love to see one now. Men beating each other silly with big sticks? Yes, please!! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maf Kees   

Geedi Shaamboow [he was also called Geedi Baaboow], the legend goes, was a man who slept every newly married bride at first night, before the husband even had a chance. He was even paid xoolo to sleep with her. He was paid to sleep brides. The guy must have been in heaven on Earth.

Can somebody hook me up with this guy? I want to hang out with him.

 

Shidh I'm in the wrong business right now. I'm in the wrong business.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Zafir   

What’s the pleasure in some silly men beating each other with sticks Ahura? I suppose you do have weird and unexplainable reasons, but I must say it’s an awful thing to enjoy. :mad: smile.gif

 

Ps:Are they undressed in the process, hard to imagine men in their undhies doing that?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Blue,

 

STD alert! Ewww. Hey, why don't u take ur genetically skinny bum to Iraq and do some good...that way you might get the reward ur salvating for. icon_razz.gif

 

Waryaada, you xaasideen, someone give quick translation in english the initial post. And what does 'Istunka' mean? :confused:

 

P.S. Don't be a smart aleck and tell me to go learn somali. I hear that enough already, thank u very much. redface.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Daqan iyo caaddo koleybo macna kale ayay ila leedahay. What has been described are pre-Islamic barbaric rituals. What in the world can "dabshid" alleviate? Dad Islam baynu nahay, dadku dhaqan cawaaneedkaan ku harayne waa inaanu ka ilbaxino. Dhaqan markii la yiraah, I tend to think of truest meaning of cultured.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this