Sign in to follow this  
Abtigiis

Maaddeey is SOL's charm

Recommended Posts

Maaddeey   

Abdiladiif, Nin weyn sidiis baan kuula hadlay, lakin hadda waxa muuqata inaad saaxiibkaa la mid tahay illeyn waa sidii loo yiri: wa dhuyuuru calaa ashkaalihaa taqacu

 

Haddaba,

 

Aamusnaanta Diinta ammaantay waxba kama sheegine.. maah-maahda ayaadan garan ama iska fududaatay sida aad Anigaba adoon i warsan, i wareysan hadal Qadaf ah isaga keey tuuray!

 

Dammiin far waaweyn baa wax loogu qoraaye wiil baa aamus ku soo gaaray wax badan, hooyadiis baa Alle ka bariday inuu mar uun u hadashiiyo wiilkeeda, siday ducada u badineysay ayaa maalin uun Wiilkii wuxuu yiri: 'hooyo aan ku w***!', Duqdii, iyadoon labalabeyn ayay mar uun 'Ilaahoow iga aamusi' tiri, ma fahantay hadda?.

 

Waddaniyadda waxaan kaa leeyahay:

 

Al _Imaam Al Bukhaari wuxuu weriyey in markii la soo hijrooday, Abuu Bakar & Bilaal (RC) la xanuunsadeen Malaria, daltabyo 'boholyoow' ee Bilaal ku shirbi jiray:

 

'ألا ليت شعري هل أبيتن ليلة * بواد

 

وحولي اذخر وجليل

 

وهل أرِدن يوما مياه مجنة * وهل يبدون لي شامة وطفيل

 

kadibna uu habaari jiray Sanaadiidu Quraish, Ilaahow lacnad sidey dhulkayagii nooga soo qaxsheen ee beledkan cudurka (Madiina)noo keeneen! ee markii Rasuulak loo sheegay uu ku duceeyey: Ilaahoow na jecleysii Madiina sidaad noo Jecleysiisay Makkah & ka sii daran

 

Taana ma garatay

 

WA IN CUDTUM CUDNAA...

 

Ps. Dammiinnimo ka badan, adoo NIN weeyn ah inaad Afkaaga Hooyo qoraalkiisa garan weydo, Abdiladiif, saaxibkaa Xiinna horaan ugu ogaa, una sheegay adna haddaan kuu sheegayaa ee qoraalka farta Soomaaliga iska sax, xarfa aan labalaabmin ha labanlaabin 'illa tahay' buugga kuma taal, 'Innaa' waa af-carbeed la micna ah 'NAXNU=Innaga' Ask Ngonge :D

 

AFKII QALAAD HA MOODIN CARRABKU QALDI MAAYEE SIDAA CAANAHA QURQURIYAAY :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Maaddeey oo sidan defensive u ah maan arag wali, war ninka miyaad iskugu tagteen, see wax u jiraan,

 

 

Maaddeey, imaam Bukhaari wuxuu wariyey ma xadiith baa, haduu yahay xadiith bal soo caddee inuu marfuuc yahay ama mawquuf.

 

 

Kulla fitna cinda geel waa Xiin oo script iyo code ku soo afuufey SOL, soo tan dadkii dhannaa wada noqdeen scripts sidii hangaraarac u qulqulaya :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

The more Maaddeey script pretends to be authentic, the more it becomes clear that it's indeed wax shaqlan , as good Abdiladiif puts it.

 

Waxaan laga doodin baa jira.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Maaddeey meel adag bay ka maraysaa caawa. Sidii Oodweyne, bold waxaan aheyn waa laga la'yahay. :D

 

Xinn baa dad ku soo abaabulay, inaadeerkeey ku jiro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Dhufeyskiibaa looggu galey caawa ilaa uu kuwaashey afka hooyo hala barto lol

 

LOL@WA IN CUDTUM CUDNAA

 

Waryaahe, cabaad waynidaa. Wacadale ineyna wiilashii gafuurka duubnaa ee kanigga adkaa waxba kuu galin.

 

Annigga waxaad rabto igga sheeg e sxbkey Xiin dhinac kamar hadii kale afareybuu kuggu asqeyn

 

PS: Adeer nin kaftamikaraan kuu maleeyey e sabeen ama ceesaan kolba kaad doonto

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^NAG NAG, looma joogo sxb, dad is yaqaannaa kaftama, Salaamun Calaykum-ba adoon dhihin baad wax aan loo joogin la soo shirtagtay, waxaan dhahnaa: maraqaan rabaa intiid dhihin, horta koow maxaa la qalay dheh bo' :D

 

Ps. Af Xabashi isaga hadal Abtigiis baa noo kala turjubaaniye ;)

 

Edit: Nuune, Inaad Ijaazadii ku beddelatay Pilot license marqaati baan ka ahay!, haddaa Bukhaari ma diiwaan shicir buu leeyahay?

 

Mawquuf & Mawsuul dheh smile.gif , kani waa Mawsuul oo waa Sheeko ku dhacday Abu Bakr & Bilaal, Nebiguna (SCW) goobjoog yahay, Hooyadeen Caaisha (RC) ayaa werineysa xadiithka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

looooooool@xiin baa dad abuubalay

 

waryaa Aw Tusbaxle ninyahow dadka caamada ah ha luggeyn. qaar baa hadda hiillin doonaa

 

dammiinimada wax la qarin karo maaha. waaba baghdaad waxaa madax ka haa nin dammiin ah. habeenkii danbuu intuu aad u fekeray qorshe uu caqligiisa ku prove gareeyyo degsaday.

 

subixii waa asagii ikhyaartii magaaladda u cid dirsaday oo yiri oo ha la ii yimaado waxbaa igu soo kordhaye'e.

Waa lasoo xaadiray.

 

xalaan riyooduu yiri. sa laye kow! nabigiina waan arkay. saa la yiri labo! xuural caynta rasuulkaan ku jiroo....halkuu markuu marinayo baa laga kala dareeray :D

 

odey baa wuxuu sii lahaa, qoor iyo xero ka jabe maxaa dumarka rasuulka ku daray :D

 

 

dammiinimo bay ahayd

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Cantarabaqash,

 

Xiin haddii la yiraah: Dulucda Sheekadaada sheeg, sidii Sanqoole ayuu: 'MOOYI, ISKA IRIYE MAXAA IIGA GIDHIISHA' dhihi doonaa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Abdialdiif, sheekada saluug salaan ka weyn!.

 

Xilligii hore rag waxay colloobi jireen goortii xurguf dhex marto, maantase markii ay mowqif ahaan kala duwanaadaan. Marka mujaahidiinta soo raac kaabbo, si colka loo joojiye.:)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

..fair enough sxb. Laakin mujaahidiinta(in this context) kuwa SOL aan ula jeedaa(oo uu aad ula dhacsanyahay saaxiibkeen Maaddeey) sida kashaafa iyo kooxdiisa.

 

AL.Is adkey yaakhee, jil-jileeca maxaa waaye?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this