Abwaan

Nomads
  • Content Count

    7,001
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Abwaan

  1. Maahmaah soomaali baa tiraahda "Timirtii horeba dab loo waa". Waxaan uga jeedaa Baydhabo iyo Jowhar bayba socon weydey in ummadda Soomaaliyeed badankeed aqbalaan in caasimadda loo xayuubiyo, waaba Garoowe oo sidaan arko dad is weydiinayo meesha ay Soomaaliya kaga taal. Akhyaareey siyaasaddu waa wax qarriban oo waa taas Baydhabo 48 siddeed saacadood gudaheed xaalkeedii wax ka bedeshey (Xaabsade iyo Saransoor oo la wareegay gebi ahaan gacan ku haynta magaalada), Jowhar oo hadda qarka u saaran in dagaal ka qarxo. Reer Garoowe waxaan kula talin lahaa inay taasi cashar u noqoto oo naf-la-caariyaasha A/Yusuf iyo Geeddi aysan dhibaatada ay la wareegayaan ee amxaaro-jacaylka ah iyagana ku daaran. RRA-Shatigaduud/Madoowe branch is the strongest in the City. Along with some former members of Gen Morgan's SPM forces, the city will return to normalcy - and Xaabsade will be jailed for national treason brother wind.talker I wonder where all those forces are now? It is so sad that there has been a fight at all. I wish that it could end soon but I think this is the legacy of Amxaaro-loving politics in Somalia. I don't mind if Ethiopia wants to use our ports but that should only come when we get a proper adminstration in Somalia. Ethiopia's strategy of deviding Somalis and establishing a puppet government is totally unacceptable.
  2. OG_Girl, salaams sister. Somali women have brains and most of them will keep their pride and won't have no appetite for those foreign soldiers but remember there is poverty in Somalia and no jobs available for people to get an income from and the soldiers will have money. Therefore look at it from that angle.
  3. Dadweynaha magaalada Muqdisho oo ilaa iyo saaka ka war sugayeen natiijada ka soo baxaysay fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya ee saaka ka bilaabaday Magaalada Nairobi ayaa mar keliya waxay bilaabeen damaashaado iyo dabaal degyo, iyadoo qalabka Warbaahinta Muqdisho laga sii deeynayay Heesihii la qaadi jiray 1977 xilligii uu socday dagaalkii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya. Guud ahaan Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemay guusha ka dhacaday magaalada Nairobi, sida muuqato dadka reer xamar ayaa waxay ka soo horjeedan in dalka la keeno ciidamo ka socda Itoobiya. Xaalada Xamar ayaa aad u kacsan, jidadka ayaa waxaa taag taagan dad aad u soo dhaweeyay go’aanka ka soo yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan. Dhamaan Qalabka Warbaahinta ayaa xaalada ka soo yeertay Nairobi waxay ku tilmaameen guul weyn u soo hooyatay Umadda soomaaliyed, waa sida ay hadalka u dhigeen, waxaana dhagta loo taagayaa dhanka iyo Magaalada Nairobi.
  4. Baarlamanka Soomaalida oo diidey ciidamada deriska Cabdiraxman Yabarow BBCSomali.Com Galabta ayaa la filayaa in Baarlamanku u cudeeyo in ciidamo shisheeyey la geyn karo Soomaaliya iyo in kale Markii ay dhammaatey dooddii saaka u bilaabmatey xildhibaanda Baarlamanka Soomaalida oo looga doodayey in la ogolaado in ciidamo ka socda waddamada Soomaaliya deriska la ah iyo in kale ayaa Guddoomiyaha Baarlamanku xildhibaanada u sharxey hubkii loo codeyn lahaa. Xildhibaanada joogey madashey shirku ka dhacey waxa tiradoodu aheyd 217 xildhibaan. Xildhibaanaas 55 ka mid ah waxa ay u codeeyeen in Soomaaliya la geeyo ciidamo ka socda Afrika iyo Carabta oo aan la kala soocin. Laakiin 156 xildhibaan ayaa ka soo horjeestey in ciidamo ay ku jiraan waddamada Soomaaliya la deriska ah la geeyo waddanka Soomaaliya. Halka lix xildhibaanna ay ka aamuseen. Markii codadkii la kala tirshey ayuu Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaalida, Sharif Xasan Shiikh Aden uu kub dhawaaqey in xildhibaanda intooda badan ay u codeeyeen ka soo horjeedaka ciidamo shisheeyey sidaasna lagu ansaxshey codeyntoodii. Markii intaas ay dhacdey ayaa waxa madashii ka bilowdey dagaal aan horey loo arkin oo dhexmarety xildhibaanadii halkaas isla joogey oo qaar badan halkaas lagu dakhrey. Boolslka Kenya ayaa soo dhexgaley oo kala kexeeyey intii iskugu soo hartey madasha oo qaar badan dhiig ka da'yey. Markii uu shirku saaka ka furmey Nairobi, qiyaastii 10:45 daqeeqo saacada Afrikada Bari, waxa is-qorey xildhibaano gaaraya boqol iyo dhowr iyo toban xildhibaan oo mid kasta uu doonayo inuu ka hadlo doodda ka horeysa u codeynta arinka loo qabtey shirkan oo ah in la ogolaado ama la diido in ciidamo shisheeyey Soomaaliya la geeyo. Xildhibaanada ka hadley shirka ilaa iminka oo aad u badan waxa ka mid ah Ra'iisalwasaaraha dowlladda Federaalka ee KMG ah, Cali Maxamed Geedi oo xildhibanada kula talshey in qof walba si deggan oo akhyaarnimo ku kirto ra'yigiisa u dhiibto oo dhinac kasta oo codeyntu u dhacdaba aan hadhow bannaanka la isku qabqabsan oo saaxiibo la ahaado codeynta ka dib. Wararka nooga imaanaya madasha uu ka socda shirka Baarlamanka Soomaalidu waxa ay sheegayaan in ilaa iminka xildhibaanada jooga madasha lagu shirayo ay tiradoodu gaareyso ilaa 220 xildhibaan. Cabdullahi Yusuf iyo Geedi oo isku dhan ah xildhibaanno badan ayaa ka soo horjeeda Waxa wararku intaas ku dareen in dooddii saaka bilaabmatey oo weli socota, ilaa iminka, xildhibaanda hadley ay u badan yihiin kuwa ka soo horjeeda in ciidamo ay ku jiraan waddamada Soomaaliya la deriska ah la geeyo Soomaaliya. Balse, waxaiyaguna codkooda si xoogan u dhiibtey xildhibaanno ku baaqey in la xishoodo oo la ixtiraamo wadamad Soomaaliya la deriska ah ee qeybta weyn ka soo qaatey dib u heshiisiinta Soomaalida ee mudada badan soo socotey. Habka loo codeenayo Warar xogogaal ah oo BBC-du heshey ayaa sheegaya in cod dhiibashada xildhibaanadu ay u badan tahey iney noqoto cod qarsoodi ah oo waraaqo lagu dhiibanayo. Waxa wararka ka imaanaya madasha shirku ka soco sheegayaan in halkaas loo deedey shicibka, iyadoo suxufiyiinta loo ogolaadey ay aad u koobnaayeen. Wariyaha BBC-da uga soo waramaya Hoteelka la fadhiyo Cabdiraxman Koronto ayaa ku soo waramaya in si qeyra caadi ah ammaanka Hoteelka loo ilaalinayo maanta oo baabuurta soo galeysa iyo dadka si weyn loo baarayo. Xildhibaanda xataa marka ay galyaan qolka shirarka waa la baarayaa oo xataa bakooradihii ay wateen ayaa laga reebey oo meel lagu xaseeyey. Fadhigani, saaka ka bilaabanaya Hoteelka Grand Regency, waxaa uu ku soo beegmay iyada oo isla maanta ay Nairobi ku shireen wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD, oo ka tashanaya wixii ay ka yeeli lahaayeen taladii ay soo jeediyeen wasiirrada difaaca ee IGAD oo Kampala dhawaan ku shirey. Yuweri Musevani Madaxweynaha Uganda, Yuweri Museveni, oo hadda haya jagada Guddomiyenimada meertada ah ee IGAD, ayaa isaga oo la hadlaya wasiirrada difaaca waxaa uu sheegay in hoggaamiye kooxeedyada Soomaaliya, hadday oggolaadaan iyo hadday diidaamba, ay IGAD ciidammo geyn doonto Soomaaliya. Baarlamaanka Soomaalidu go'aanka uu gaaro, waxaa uu noqon doonaa mid saameyn weyn ku yeesha aayaha Soomaaliya. Wararka ku saabsan shirka waxa aad si joogta ah ugala socon kartaan WWW.BBCSomali.Com oo marba halka ay wax marayaan aan si isadaba joog ah ugu daabici doonno. Duke_Valantino, brother xaq ayaad u leedahay aragtidaada inaad ama waafaqdo ama ka hortimaadid go'aankan.....balse ogow Soomaalidu waxay ku maahmaadaa "Waa baryey sacab laguma dedi karo". Taas waxaan uga jeedaa ma waxaad rabtaa inaad inkirtid ood qarisid hawshu siday ku soo gebagebowday?
  5. Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Ayaa Gacan ka hadal ka dib ucodeeyay in aan Soomaaliya la keenin Ciidamada Safka Hore Waraysi Sh XasanSh Adan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Nairobi Shirkii Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ee maanta ka Furmay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa soo gaba gaboobay iyadoo looga hadlayay Laba Arimood aa kalla ahayd in Soomaaliya la keeno Ciidamo ka Socda Midoowga Afrika iyo Wadamada Carabta oo isku jira, Iyo Figarad kale oo ahayd inSoomaaliya la keeno Ciidamo Ka Socda Wadamada Midoowga Afrika iyo Wadamada Carabta Balse aysan Ku Jirin Wadamada Safka Hore ee Soomaaliya Xuuuda lalleh, Hadaba Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh XasanSh Adan ayaa isagu ku dhawaaqay natiijadii isagoo warkiisa ku bilaabay Sidan 156 Xidhibaan waxa ay ucodeeyeen in Soomaaliya la keeno Ciidamo Ka Socda Wadamada Midoowga Afrika iyo Dalalka Carabta, laakiin aysan ku Jirin Wadamada Safka Hore, 55 Xidhibaan waxa ay ucodeeyeen in Soomaaliya la keeno Ciidamo Ka Socda Midoowga Afrika iyo Wadamada Carabta oo aanlakalla Saarin dhinaca kale 6 Xidhibaan ayaa iyagu ka aamusay Labada Figaradood kulanka Baarlamaanka ee Maanta waxaa Hareeyay Buuq gacan ka hadal dhaliyay Ku noqo beejka Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca)Axmeddheere65@hotmail.com webmaster@dayniile.com
  6. Nabad, niyad-sami, tiirka nabadda erayadaan iyo kuwa la midka ahoow xaal qaata: waa erayada loo adeegsaday maqaalka Maxamed Dheere laga qoray. Maxamed dheere soo ma ahan ninka hadallada colaadda, hanjabaadda raqiiska ah, aflagaadada aan geed lagu soo gaban beryahan meelaha la wareegaya. No wonder in dagaal-oogayaasha qaabka daran ee dalkeenna haligey ay heerkaas gaareen, illeen dad sidaan u burursan oo khiyaali ku nool baa dadkeenna Soomaaliyeed ku batay. Wallee inta dad afka uburta Qabyaaladda ka sii deynayaan inaan xaal wanaagsanaaneyn. Ilaahoow Soomaali dhibkan ka saar.
  7. Waxay dhacdadani i soo xusuusisey arrintii Zamzam Ducaale. Waxay ila tahay inay haddana nala gudboon tahay in sidii oo kale loo cambaareeyo falkan khaldan. Tolow goormaa ninkaan la xiray xorriyadiisa loo soo celin doonaa? Waxaan rajeynayaa inaanba Itoobiyaan gacanta loo gelin dhibanahaan.
  8. somali doqonsanaa. ETs are much better than nigerians, if i was reer muqdisho i would be screaming if nigerians would be coming, walaahi these guys are monsters. the only thing they do good is their job but if you research and see what they did in countries they were deployed than you will forget to breathe. example= if you just look at them in a wrong way, they will make you pay for it. sky.african I think foreign forces will all have their weaknesses even if they are Europeans or Americans. I agree with you that Nigerian forces will take their corruption with them but at least they don't have a direct interest in Somalia and don't occupy part of our land and they will probably have many muslim soldiers. Nigerians were in Mogadishu as part of the UNISOM forces. I don't know how much you know about what happened in Somalia years back but they must have learned many lessons cause there were times that they tried to mess around and they were attacked by Somalis. It was on TVs around the world. Even if Nigerian forces were the worst I wouldn't think that justifies bringing Ethiopian forces in Somalia.
  9. Khudbo ruux hogaamiye ahi jeedinayo in la soo qoro waxay ku dhaanto maleh, haddii kale wax la sheego ayaa kuu goynaya markaas baa tanoo kale dhacaysaa. Waxaa iga yaabiyey nimankan tirada badan ee la socda Madaxweynaha oo qaarkood la taliyeyaal iyo afhayeenno lagu sheego tolow maxay kala taliyaan? Mise isagaan taloba ogolayn oo jecel inuu sheeko carruureed ka sheekeeyo markii uu is yiraa meel ka hadal? Aniga haddii aanan sheekadaan ka maqli lahayn idaacadaha iyadoo markaas khudbadu dhacayso (live), waxaan moodi lahaa inuu ilmo u sheekaynayo, Waayo khudbadaani waxay aad ugu egtahay sheeko-xariirooyinkii Soomaalida.
  10. http://news.bbc.co.uk/2/hi/talking_point/4295429.stm
  11. Somalia's struggle against glorified guns By Joseph Winter BBC News Farah lives in exile in Cape Town The latest book by world renowned Somali author Nuruddin Farah is a gripping account of the dangers and insanity of life in Mogadishu after 14 years of anarchy. Links, which is being published in the UK next week, is the story of Jeebleh, a Somali who returns to Mogadishu for the first time after living in the United States for 20 years. He finds a city destroyed by civil war, in the grip of collective madness, where normal human compassion is only extended to members of the same clan. Walking the streets, he finds a large crowd looking at a man who has collapsed after having an epileptic seizure. "Why do you need to know his clan family before you help him? You make me sick, all of you," he shouts. Despite his gloomy account of life in the Somali capital, Mr Farah told the BBC News website that Somalia's exiled government should return to Mogadishu as soon as possible and not wait for foreign peacekeepers. "Many of them have not been back for a long time. It's a lot easier place than many assume," he said. Hope and death Like Jeebleh and the government, Mr Farah lives in exile but he goes back twice a year and says he feels safer in Mogadishu than in Nairobi - where the government is based - or Johannesburg. Mogadishu is in ruins - looters tried to steal this oil drum He says that as a Somali, he understands the "code" to survive in Mogadishu, which would also hold for the government. If there is fighting, you just avoid that area, he says. "You can be hit by a stray bullet but that could also happen in New York." In the novel, Jeebleh returns home for two main reasons - to rebury his mother, who died while he was in the US, and because Raasta, the daughter of a close friend, has been kidnapped. As you would expect a story about Mogadishu, which remains divided between several rival warlords and their gunmen, death is a constant theme. "[A] Somalia proverb has it that the shoes of a dead man are more useful than he is," Jeebleh says. His mission is to let his mother rest in peace - which has been denied to so many victims of Somalia's 14-year civil war. Jeebleh is shocked to see so many vultures circling for freshly-killed bodies. In the midst of all the death and destruction, Raasta has a mysterious ability to bring calm and tranquillity to those around her and has built up quite a following among the many Somali refugees who have flocked to the capital. This young girl symbolises Somalia's hopes for a peaceful future and the novel ends with Jeebleh's dramatic attempt to recover her from the gunmen's clutches. 'Glorified gun' Despite his disappointment about the government's reluctance to go home without the backing of peacekeepers, Mr Farah says he remains optimistic. He said the huge, cheering crowds who turned out to welcome the first government delegation to visit Mogadishu shows the goodwill of the Somali people towards President Abdullahi Yusuf's team. "Some people lack the courage or the conviction that they can go back and rebuild Somalia. If they don't, it would be a tragedy for Somalia," he said. Links has many references to the disastrous US intervention in Somalia in the early 1990s, which is remembered in the west for the image of US troops being dragged through the streets of Mogadishu by gunmen. But Mr Farah spells out why many Somalis celebrated when the US troops left, even though they had arrived as saviours, safeguarding food aid deliveries during a drought. "They used overwhelming force in such an indiscriminate fashion and lots of innocent Somalis died," says Raasta's mother, Shanta. "[They] saw everything in black and white, had no understanding of and no respect for other cultures. They were also let down by their intelligence services," says Seamus, an Irishman who flees Belfast for Mogadishu. Many Somalis back Mr Farah's opposition to foreign troops. The book was written before the invasion of Iraq and Mr Farah says that many of the problems the US troops encountered there could have been avoided if the lessons had been learnt from their experience in Somalia. He says that many of Somalia's current problems stem from the militarization of Mogadishu during the US intervention. "The glorification of the gun in the hands of an African peacekeeper is not what we need now," he says. "What we need is for Mogadishu to be emptied of guns." Mr Farah says that any money raised for peacekeepers would be far better spent on rebuilding Somalia's shattered schools and hospitals.
  12. Muqdisho: Kulan Looga Hadlayay Qabanqaabada Banaan Bax Lagaga soo Horjeeo Ciidamo Shisheeye Oo Maanta Ka Dhacay Hotel Saxafi II Muqdisho (AllPuntland)- Kulankan oo looga hadlayay sidii loo qaban qabin lahaa banaan bax balaaran oo dunida loogu muujinayo sida loogaga xun yahay in dalka ay yimmaadaan ciidamo shisheeye gaar ahaan kuwa ka socda wadanka Itoobiya ayaa maanta galinkii hore waxuu ka dhacay Hoteelka Saxafi II ee magaalada Muqdisho. Xubnihii kulankan kasoo qeyb galay oo isugu jirray Ganacsato, Culumaa'udiin, Urrurada Bulshada Rayidka, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxey iska dhex magacaabeen Guddiyo afar ah oo ka shaqeyn doona abaabulka Banaan baxaasi oo la qorsheeyay inuu dhaco maalinta bari ah. Banaan baxaasi la sheegay in uu dhacayo berritoole ayaa waxa ka horeeyay mid kale oo dhacay maalintii jimcaha aheyd iyadoo iyadoo isu soo baxasina ay culumadii ka hadashay ay sheegeen in ay la jihaadayaan hadii ay dalku yimaadaan Ciidamo shisheeye. Abshir Cali Gabre AllPuntland I haven't seen any line of the above article mentioning warlords and their malitia. Therefore it is very obvious that most of Mogadishu citizens if not all of them strongly oppose foreign forces, specially the ethiopians.
  13. Kolleeyba marka koowaad wax weliba waa calaf. Marka labaad nin weliba isaga ayey u taallaa inuu raaco waxa dooqiisu yahay. Waan ku faraxsanahay walaalahayga illaa haatan helay dumarka hindida ah ee muslimka ah ee ay nolol la qaybsadaan, kuna faraxsan yihiin oorinnimadooda. Waa dhab in dumar badan oo Soomaaliyeed ay jahadii ka wareersan tahay laakiin taasi ma sharciyeynayso in barnaamij weyn oo xayeesiin iyo wakhti la geliyo laga dhigo in gabdho aan Soomaali ahayn la raadsado. Taas waxaan uga jeedaa dumar badan oo Soomaali ah oo wanaagsan baa buuxee halla raadsho inta aan marka hore dhaldhalaalku dadka sirin. ------------------------- Labaatan iyo laba aamustiyo, shaqal irmaaneeya Amraniyo tilmaamiyo gudbe, aade iyo jooge Isku-dare xiriiriye falkaab, eryadeenii ah Ebyaniyo haddaan magac-u-yaal, ku arkay joornaalka Mar haddii afkaygii la qoray, Aabe iyo Hooyo....
  14. Originally posted by Duke_Valantino: There is a huge support for the government as seen in Mogadishu, Gedo Bay & Bakool and Beledweyne. I could not agree with you more although things may change if the government does not move smoothly and wisely. Originally posted by Duke_Valantino: Our President meets heads in Abujaa ... Remember A/Qasim has been to many meetings icluding the Arab, AU and UN ones and he could not do much. Therefore, if A/Yusuf goes to whatever conference it will do nothing unless he thinks and acts like a true Somali and does not stop being Melez's puppet.
  15. Duke_Valantino check these, today's stories as well: http://www.dayniile.com/Febaraya/4Feb7.htm http://www.hobyonet.com/News/2005/feb/News%20feb_07_wafdigii.htm http://www.markacadeey.com/feb/20050207_4.htm http://news.xinhuanet.com/english/2005-02/07/content_2560011.htm http://www.hobyonet.com/News/2005/feb/News%20feb_07_maxkamadda.htm "Ninba ceesaantii ceel keen"
  16. Duke_Valantino sxb there is not doubt that we destroyed our country but it does not justify that Kufars and enemies tell us what to do. Please read the link below as that is just a piece of what would happen to us if we allow foreign troops: http://news.bbc.co.uk/1/hi/world/africa/4195459.stm
  17. Ilaahoow naga hay oo nagana badbaadi aafooyinkaan oo kale.
  18. Duke_Valantino sxb adigoo raalli ah hadda ma waxaad u barooranaysaa in Ciidammo Amxaaro dalka la keeno? Haddii ciidammo muslim ah la keenayo xitaa waaba wax loo qaateen ah. Plus why shouldn't the government assess the availabilty of Somali forces first before A/Yusuf jumps into "Ciidammo shisheeye oo amniga dhawra" iyo hadal-qurxiskaas la ogyahay in Amxaaro ka dhex-hadlayso odaygan? I think there should never be NO ETHIOPIAN FORCES in Somalia even if they are the ones from the 5th Zone.
  19. Originally posted by Duke_Valantino: I just got inside information.... ...the warlords dont really have the ability to bring order to Xamar. LOL....is there an inside information in Somali Politics? I don't think so. Unless my brother is a warlord in the making who is making technicals in some garages and hoping to order malitias to be an obstacle.
  20. This guy is very frank and honest about his positions. If he says no, he means it. True that Suldaanka. Ambassador, maybe you are right about him not going to primary school, but being honest and blunt is much more better than selling your country to Amxaaro because you drink with them on pubs or they have helped you kill your people, treated you in a 5* hotel or flights to Adis Ababa.
  21. I could try to answer them if I knew the prize one wins!
  22. Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee baarlamaanka oo markii uu shalay soo gaaray Muqdisho ku dhaqaaqay arrin dad-kii soo dhoweeyey ka yaabisay(Dhacdo la yaab leh oo qabsatay wefdiga markii ay magaalada soo gaareen)Nairobi Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre oo hogaaminayey wefdiga dowladda FKMG ah ee Soomaaliya ee shalay Muqdisho soo gaaray ayaa sheegay in sidii wax loogu sheegay intii aysan Muqdisho imaan & wixii ay arkeen markii ay yimaadeen in ay aheyd wax uu ku tilmaamay laba kala dheer, wuxuuna sheegay in soo dhoweyn aad u ballaaran in ay la kulmeen. Markii ay cagaha soo dhigtay garoonka B/doogle dayuuradii wefdiga ka soo qaaday Nairobi, uuna ka soo degay dayuurada guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanku Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa waxa uu fadhiistay dhulka, isagoo shumiyey ciida, uguna ooyey si qiiro leh oo dad-kii halkaasi tubnaa ka yaabisay, waxaana ka muuqatay wejigiisa shucuur aad u weyn, iyadoo indhihiisuna ay ilmo ka timid, wuxuuna guddoomiye ku-xigeenku uu si weyn kaga duwanaa xubnaha kale ee wefdiga oo qudhoodu ku faraxsanaa in ay ku soo laabtaan dalkoodii hooyo. “Markii aan ka soo degay garoonka B/doogle ee aan arkay sida sharafta leh ee ay noo soo dhoweeyeen dadka ku dhaqan Muqdisho & Sh/hoose indha-heyga ilmo ayaa ka timid, waxaana aragnay shacab u bisil dowladda & magaalo sidii loo buun-buuniyey aysan aheyn xaaladeedu†ayuu yiri Cusmaan Cilmi Boqorre oo la hadlayey dadkii isugu soo baxay soo dhoweyntiisii shalay, wuxuuna shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho kula dar-daarmay in si la mid ah siddii ay u soo dhoweeyeen iyaga in ay u soo dhoweeyaan wefdiyada kale ee dowladda ee Muqdisho ku soo fool leh. Dhinaca kale, dhacdo la yaab leh ayaa shalay qabsatay wefdiga kadib markii warar been abuur ah oo dhinaca Kenya ka yimid lagu sheegay in wefdigii Muqdisho tegay la laayey, waxaana warkani xaqiijiyey xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in dad badani ay ka soo waceen dibedda isagoo la weydiinayey in uu nool yahay oo uu badbaaday, uuna la yaabay warkaasi markii ay maqleen, halka xubno kalena oo wefdiga ka mid ahina ay sheegeen in intii aysan Nairobi ka soo ambabixin in lagu talinayey in aysan Muqdisho tegin. Soo dhoweynta wefdiga dowladda lagaga sameeyey Muqdisho ayey si weyn uga hadleen warbaahinta caalamka, iyadoo ay soo dhoweeyeen beesha caalamka, waxaana laga yaabaa in ay arrintani saameyn ku yeelato qorshaha uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku dalbanayo ciidamada shisheeye. Ku noqo beejka Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho cabdishakuur@dayniile.com webmaster@dayniile.com
  23. I think that M Ali Samatar is not the only person who should be prosecuted for what has gone wrong in Somalia or I should say war crimes. I beleive that the reason he is now could be for: 1) coming from a minority clan. 2) Leaving the Somali politics alone and not playing any role. I chose the second reason because many men who might have commited more direct crimes than him have become presidents, MPs and so on and nobody even talks about all the wrong things that they are still doing. It is unfair that he is made a scapegoat of injustice which have taken place in Somalia since the independence.