
Jacaylbaro
Nomads-
Content Count
44,142 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jacaylbaro
-
Cade, Niiko is for Somalia waaryaa ,,, we're talking about Somaliland here ... Bilaal, until then (if it ever happens), enjoy the celebrations in your area. You're welcome anyway.
-
They were murdered of course .......
-
Hargeysa,(Qaran News)-Wasaarada Diinta iyo Aw qaafta ee Somaliland, ayaa maanta shahaado-sharaf gudoonsiisay Gudoomiyaha Hay'ada Geeska Afrika ‘Qarnul-ifriiqaya,' Sheekh Maxamed Cali Geedi, ka dib markii qiimayn culus lagu sameeyey horumarinta kaabayaasha waxbarashada iyo samafalada kale ee Hay'ada uu madaxda ka yahay ay waddanka ka hirgelisay. Gudoonsiintii shahaado-sharaftaas oo loo sameeyey xaflad si weyn loo soo agaasimay, ayaa waxa ka soo qayb-galay masuuliyiinta Wasarada Diinta iyo Aw qaafta, Gudoomiyaha Hay'ada Geeska Afrika, culimo aw diin iyo martisharaf kale. Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay Agaasimaha xidhiidhka Hay'adaha ee Wasaarada Diinta iyo Aw qaafta Axmed Maxamed Cabdille, oo sheegay inay Wasaarada diintu ee Somaliland ay abaal iyo sharaf u hayso Gudoomiyaha Hay'ada Geeska Afrika Sheekh Maxamed Cali Geedi, oo uu xusay inuu ku sifoobay wadaniyadad, wax-qabad iyo dadaalada wax-ku-oolka ah ee uu ugu juro horumarinta kaabshada waxbarashada, goobaha cibaada iyo samafalada kale ee Hay'adda uu madaxda ka yahay ay wadanka ka hirgelisay. Agaasimaha Wasaarada diinta iyo aw qaafta Sheekh Muxumed Axmed Cali oo isna halkaas ka hadlay, ayaa hadalkiisa ku bilaabay oo yidhi "Waxaan ku faraxasanahay maanta oo Wasaarada Diinta iyo Aw qaaftu ay goosatay in loo abaalgudo kolkii ay aragtay in Hay'ada la yidhaahdo Hay'da Geeska Afrika, dadaalada ay samaysay iyo waxyaabaha waa weyn ee ay Somaliland ka qabatay barigeeda ilaa Galbeedkeeda, oo Gobol kasta ka dhistay Madaaris, Masaajid iyo aw qaaf loogu shaqeeyo madaariskaa iyo masaajidadaas." Waxaana uu intaas raaciyey oo uu yidhi "Wasaaradu waxa ay goosatay inay shahaado-sharaf bixiso oo ay gudoonsiiso Hay'ada Gudoomiyaheeda, taas oo uu ii xilsaaray Wasiirka Wasaarada oo maanta inaga maqan, sidaas ayay Wasaaradu goosatay, maxa yeelay, Nabigu [NNKH] waxa uu yidhi ‘qofkii aan dadka u mahadniqin ilaahay uma mahadnaqo,' kolkaas marakay Wasaaradu aragtay adeegyada kala duwan ee Gudoomiyaha Hay'adiisu u qabatay dalka Somaliland, waxa aanu go'aansanay inaanu shahaado sharaftaas siino, isaguna uu naga gudoomo, oo dadkuna ay ku daydaan." Gudoomiyaha Hay'ada Geeska Afrika Sheekh Maxamed Cali Geedi, oo halkaas ka hadlay ayaa Wasaarada Diinta iyo qaafta uga hadceliyey sida wadaagsan ee ay u sharfeen iyo shahaado sharafta ay gudoonsiiyeen-ba, isaga oo ilaahay uga baryey sida u sharfeen inuu iyagana Jannada ku sharfo, "Haddii aanu nahay Hay'ada Geeska Afrika waxaa sharaf weyn noo ah in Wasaarada Diinta iyo Aw qaafta ee Somaliland inay na sharfaan, ilaahay-na waxaan ka baryayaa sida ballaadhan ee ay noo sharfeen inuu Jannada ku sharfo. Waxaana aan ugu ducaynaynaa inuu ilaahay ka abaal-mariyo waxa wanaagsan ee ay dadka u qabanayaan, oo gidigeena inaga abaal-mariyo. Waayo Wasaaradu, waa Wasaarada aanu isugu dhawnahay ee aanu wada shaqayno, runtiina aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa sida wanaagsan ee ay noola shaqayso, oo haddii iyagu aanay jirin wax-ba maanaan qabaneen, oo wax kasta oo aanu qabanayno iyaga ayaanu ula tagnaa." Sheekh Maxamed Cali Geedi waxa uu sheegay inay mudan tahay in sidaas oo loo kale loogu abaal-gudo qof kasta oo bulshada wax-u-qabta, isla markaana ka qayb-qaata horumarada kala duwan ee Waddanku ku soconayo. Sheekh Maxamed waxa uu si qotod-heer uga war-bixiyey wax-qabadkii Hay'ada muddadii la asaasay oo laga joogo dhawr iyo toban sano, isaga oo xusay inay dalka ka sameeyeen 95 Masaajid, 32 malcaamadood, 15 goobood oo lagu xannaaneeyo Agoonta oo ay ku jiraan 1602 Agoon, 23 Madirasadood, 174 Ceel-biyood. Sida oo kale waxa uu xusay in Hay'addu ay gacan-weyn ka gaysatay samafalada beni'aadamka ee loogu gurmado dadka ay ku habsadaan dhibaatooyinka beni'aadamnimo, isaga tilmaamay inay 2,200 iyo dhawr Arday in ay wax ka bartaan iskuulada ay gacanta ku hayaan. Sheekh Maxamed Cali Geedi waxa uu shaaca ka qaaday inay ku talo-jiraan magaalada Hargeysa in ay ka dhisaan wax uu ugu yeedhay ‘Magaalo-tacliimeed,' taas oo loogu talo-galay in wax kasta lagu barto, isla markaana laga helo dhamaan heerarka kala duwan ee waxbarashada, taas oo tilmaamay inay wax ka baran doonaan 50,000 oo Arday iyo weliba Dugsi sare oo caalami ah. Ugu dambayntii waxa halkaas ka hadlay Sheekh Ciise Maxamed Cabdi oo ka mid ah culimada sare sare ee Hay'ada Geeska Afrika, oo si weyn ugu mahad-celiyey Wasaarada Diinta iyo Aw qaafta, isaga oo sheegay in tallaabadan ay Wasaaradu ku dhaqaaqaday inay sii dardar-gelinayso hawlaha iyo waxa-qabadyada kala ee Hay'adu ku guda-jirto. Waxaana fursadaas uu uga faa'idaystay baaq uu u soo jeediyey bulsho-weynta reer Somaliland, oo ku jihaysan in dadweynuhu meel uga soo wada-jeedaan ilaasashada nabadgelyada, isla markaana ay ka hortagaan oo ay heegan u ahaataan cid kasta oo ay u arkaan inay waxyeelayso.
-
Originally posted by *Ibtisam: ^^^War the idea is istupid waxid. Adiga laftaado bool ba ku maaqan for having that idea.
-
Well, i still have the old one ,,,and it will be replaced by the new one. and of course, there is no fee .... No, no one can use the old one ,,,, it is as ugly as me ,,,
-
Somaliland President Congratulates David Cameron
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
At least it is on the list ............... -
Morning juxa & deleted ........ People are in a queue today getting their new voter cards .... I should be getting mine this afternoon or tomorrow ....
-
I work all the time except the few times i'm on holiday or weekend ..... which is another work for me anyway coz i never get out of this place.
-
Good day yall .......... Yeah ,, i can troll for 2 more hours before i go for the weekend .....
-
Originally posted by General Duke: ^^^There is one Somalia adeer, and the 18th May will be a bussy day for rubish cleaning around the country, some might celebrate it with song & dance, but others will do the job with strong bleach and a mop. Nice to meet u Duke ,,, sxb maan ogayn u were a cleaner but thanks for the info. We absolutely need someone to clean the places before and after the celebration. I will let u know where & when but meanwhile, keep your team ready with their bleach and mop. ,,,
-
Somaliland Independence Day celebration in San Diego, CA. The Somaliland community of California & Arizona warmly invite you to the 19th Anniversary of Somaliland Independence Day in San Diego, CA. Singers: Ahmed & Rahma (Orange County), Hassan Gaas, Karawal Farxan, Cusman Omar, Speakers: Dr. Mohamed Yusuf, Prof. Mussa and Maryam Gulaid. Contacts: in SD Ahmed Moga 760-687-5687, (LA) Omar Sanyare 213-291-5921, (Bay Area) Mohamed Gulaid 510-219-5258, (AZ) Mohamed Jamac 623-760-3578.
-
Tolow isagu gudaha ma ugu jiraa marka ?
-
Choose the last one ...........
-
Somaliland President Congratulates David Cameron
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
^ ^ Waar sidaa doqon uma aha dee ,,, David ha caayin ,,, lol -
Dhinaca kale, markii weftigani soo gaadheen magaalada Laascaanood, ayaa waxaa magaalada gudaheeda ka socday dhaqdhaqaaqyo ay wadeen dhallinyaro iyo dad ka horjeeday oo buuq iyo sawaxan aan wax dhibaato ah geysan ka sammeeyey magaallada, kuwaasoo muujiyey sida ay u diidanyihiin socdaalka Gaboose Dhallinyaradan ayaa markii danbe isugu tegay goob fagaare ah oo, halkaasoo uu kula hadlay Guddoomiyaha Xisbiga UDUB ee Sool Cabdi Cabdilaahi liibaan oo eedayn ballaadhan u jeediyey xisbiga KULMIYE, kaasoo uu ku sababeeyey inay masuul ka yihiin taageerayaasha lidiga isku ah ee isugu soo baxay Laascaanood.
-
Dr. Gaboose oo gaadhay Laascaanood iyo Mudaharaad lagala Hortagay Laascaanood (Waaheen) Wararka ka imanaya Laascaanood ayaa sheegaya in guddoomiyaha ololaha gobolada bariga ee xisbiga Kulmiye Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo wafti uu hogaaminayaa ay shalay gaadheen magaaladaas. Guddoomiyaha iyo waftigiisa ayaa la sheegayaa in dadka Magaaladaasi ay si weyn u soo soo dhaweeyeen isla markaana ay kaga horyimaadeen jidka laga soo galo magaalada. Guddida ololaha ee xisbiga Kulmiye u qaabilsan gobolada Bariga ayaa socdaalo ay ku soo mareen gobolada Togdheer, Sanaag iyo Laascaanood ayaa waxa ay ku soo dhiseen xubnihii u qaabilsanaa ololaha. Masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee gobolada bariga socdaalka maalmihii ugu dambeeyay socdaalka ku gaalaa bixinayay ayaa dadka kala hadlayay sidii ay u qaadaan kaadhadhka cusub ee lagu bedelayo kuwii hore ee xumaaday. Guddoomiyaha gobolada bariga u qaabilsan ololaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa mar uu maanta la hadlayay taageerayaashii soo dhaweyntiisa ka qayb qaatay ku booriyay in ay dedaalkooda isugu geeyaan sidii ay codkooda u siin lahaayeen xisbiga siyaasiga ah ee Kulmiye isla markaana ay u qaadan lahaayeen kaadhadhka lagu gelayo codbixinta doorashada madaxtooyada ee la filayo in ay dhawaan dalka ka dhacdo. Dhinaca kale, markii weftigani soo gaadheen magaalada Laascaanood, ayaa waxaa magaalada gudaheeda ka socday dhaqdhaqaaqyo ay wadeen dhallinyaro iyo dad ka horjeeday oo buuq iyo sawaxan aan wax dhibaato ah geysan ka sammeeyey magaallada, kuwaasoo muujiyey sida ay u diidanyihiin socdaalka Gaboose Dhallinyaradan ayaa markii danbe isugu tegay goob fagaare ah oo, halkaasoo uu kula hadlay Guddoomiyaha Xisbiga UDUB ee Sool Cabdi Cabdilaahi liibaan oo eedayn ballaadhan u jeediyey xisbiga KULMIYE, kaasoo uu ku sababeeyey inay masuul ka yihiin taageerayaasha lidiga isku ah ee isugu soo baxay Laascaanood.
-
Madaxweyne Rayaale oo Dhambaal Hambalyo ah u diray Raysal Wasaaraha cusub ee Ingiriiska warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka Madaxweynaha Siciid Cadaani ayuu ku sheegay Madaxweyne Rayaale inuu dhambaal Hambalyo ah u diray Raysal Wasaaraha cusub ee Ingiriiska Mr: David Cameron Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirana waxa uu u qornaa sedan:- Madaxweynaha JSL. Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa u maanta Dhambaal Hambalyo ah u diray Raysal Wasaaraha cusub ee Dawlada UK Mudane, David Cameron oo ka tirsan Xisbiga Muxaafidka ah ee (Conservative) oo dhawaan ku guulaystay Doorashooyinkii ka dhacay Dalka UK. Madaxweynuhu waxa uu Dhambaalkiisaas Hambalyada ah ku sheegay inuu aad ugu rajo weyn yahay xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Dalka UK oo hadda meel wanaagsan maraayo in u ka sii ficnaandoono marka Xisbiga Muxaafidku Xilka la wareego.
-
I'm currently reading this book. Seem to be very interesting. This is a compelling read enabling people outside of the fields of Aid and Development to challenge their own thinking about charity and where the feel-good money goes. The book is written with a good balance of facts and figures interspersed with personal anecdotes that lighten the mood whilst still driving home the practicalities of living in Africa. I believe this book was aimed at people like me, who have a slight, but apathetic concern about the effects of the mismanagement of globalisation, of domestic subsidies and who are happy to assuage the conscience with a donation to any charity that offers up suitable images of people in crisis believing that they have made a contribution. Its easy to read, but not easy to forget. By Gillian Caddy
-
VIDEO OF THE ARRIVAL
-
loooooooooooooooooooooooooooooooooool ,, Good one .........
-
Sh. Aweys baa islaanta jeclaaday oo si kele oo uu ugu yimaado ayuu garan waayay ,,,
-
Thank you Sherban ......