Dhuujiye

Nomads
  • Content Count

    68
  • Joined

  • Last visited

  1. Haday dhab ka ahayd wadan kan jeclay, Waxaan umalaynayaa wadan kuu joogi lahaa oo cawinlahaa dadka masakiminta ah kulu kushaqeeyo xataa volunteer, then he would been hero. Too bad he has no sympathy for dadka masa kiminta ah oo dhibatonaya. Dantiisii gaarka ahayd ayuu kawayey Somalia waana iskaga sotagay.
  2. Muqdisho (RBC) Xog laga soo xigtay saraakiil hoose oo ka tirsan ururka Al-Shabaab hogaamiyihii ururka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan abuu Zubeyr (oo loo yaqaano Axmed Cabdi Godane) ayaa si rasmi ah u wareejiyey xilkii ururka Al-Shabaab ka dib markii uu u dalacay shabakada Al-Qaacida. Sida xogtu ay muujineyso, Hogaanka Al-Shabaab waxaa haatan si toos ah ula wareegay Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad oo ku magac dheer Ibraahim Afghan (ha yeeshee Shabaabka dhexdooda loogu yeero Abubakar A-Zeylici).* Halka Axmed Godane uu noqday masuul ka tirsan shabakada Al-Qaacida. Ibraahim Afghan oo mar ahaan jirey masuulkii Shabaab ee Kismaayo ayaa degaan ahaan waxay qaraabo dhow yihiin Axmed Godane balse labada nin waxaa in mudo ahba u dhexeeyey loolan xagga awooda iyo iyadoo Ibraahim Aghan arkayey dhaliilo uu leeyahay amiirkooda guud, taasoo keentay in rag badan oo ay ku jireen xubnaha ugu sareeya ee ururka ay u arkeen Ibraahim Afghan nin noqon kara hogaamiyaha guud. Ilaha xogtan laga helay waxay cadeeyeen in go’aanka xil ka qaadista Axmed Godane si rasmi ah loo gaaray dhamaadkii sanadkii hore ee 2010 hase yeeshee uu jiray dib u dhac badan oo ku yimid in labada nin xilka loo kala qaado, taasoo aakhirkii ku soo beegantay wax yar ka hor intii uusan toddobadkan bilawgiisii afhayeenka guud Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ku dhawaaqin in Al-Shabaab ay isaga bexeen Muqdisho. Axmed Godane ayaa wixii hadda ka dambeeya noqon doona sarkaal ka tirsan Al-Qaacida Geeska Afrika kaasoo hawshiisu ay qeyb ka tahay isku xirka Al-Shabaab iyo Al-Qaacidada guud, ka dib geeridii Fazul Cabdalla oo ahaa ninkii horey hawshaasi u qaban jiray balse 8-dii bishii June ee sanadkan lagu dilay meel u dhow isgoyska Ex-Control Afgooye. Waqtiga ay ku soo beegantay In Axmed Godane u dalaco dhanka Al-Qaacida ayaa lafteeda lagu micneeyey go’aan ka soo baxay Al-Qaacida hase yeeshee waxaa in la tilmaamo ay tahay waqtiga ay ku soo beegantay. Toddobaadkan bilawgiisii ayaa afhayeenka guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay in ururkooda uu isaga baxay furimihii dagaalka Muqdisho, isagoo sheegay in farsamo dagaal awgeed ay u bedeleen hanaankii dagaalka ay kula jireen DKMG iyo ciidanka Amisom ee Muqdisho ku sugan. Sidoo kale dadka aadka ula socda dhaqdhaqaaqyada ururka ayaa sheegay in go’aankan uu yimid xilli ururka dhexdiisa ay weli ka jiraan khilaafaad ragaadiyey dhaqdhaqaaqii ururka, kaasoo salka ku haya arimo kala duwan balse ay ugu dambeysay go’aankii lagu fasaxay hay’adaha oo uu ku dhawaaqay Sheekh Cali Dheere laakiin saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ay diideen markii dambe. Mukhtaar Abu Zubeyr waxaa xilka hogaanka Al-Shabaab uu qabtay sanadkii 2009 taasoo ku beegneyd sanad ka dib markii duqeyn Mareykanku sheegtay lagu dilay degmada Dhuusamareeb hogaamiyihii ugu horeeyey ee ururka Aadam Xaashi Cayrow. Waa kuma Ibrahim Afghan? Ibraahim Xaaji Meecaad waxaa uu dhalasho ahaan ka soo jeedaa deegaanada Somaliland, halkaasoo waxbarashadiisa hoose uu ku qaatay. Markii uu aas aasmay ururka Al-Shabaab, wuxuu Ibraahim Aghan ka mid noqday raggii ugu horeeyey ee bilaabay kooxda. Isagoo noqday madaxii Al-Shabaab ee Kismaayo.* Waxaana mar dambe loo magacaabay masuulka dhanka maaliyada ee Al-Shabaab, isagoo aad ugu dhowaa Axmed Godane oo 2009 hogaanka u qabtay Al-Shabaab kaasoo ay saaxiibo iyo qaraabo ahaayeen. Hase yeeshee dhamaadkii 2009, wuxuu Ibraahim Afghan noqday ninka ku xiga Axmed Godane isagoona ahaa masuulka maalyada ee kooxda. Wuxuuna ahaa ninka maamula guud ahaan dhaqaalaha so gala ururka taasoo uu ku kasbaday magac Shabaabka dhexdooda ka dib markii uu ka hor yimid hanta lunsi ay rabeen inay saraakiisha sameeyaan oo uu diiday. Dad badan waxay sheegayaan in Ibraahim uu xitaa ka hor yimid dhowr jeer oo Axmed Godane uu qaatay lacago fara badan. Waxayna arintaasi ahayd sababtii ugu weyneyd ee saraakiisha Shabaab u taageereen inuu isagu hogaanka u qabto kooxda.* Ibraahim Afghan wuxuu xulufo iyo saaxiibo dhow la yahay saddexda nin ee Shabaabka ugu magaca dheer ee kala ah:- Xasan Daahir Aweys, Mukhtaar Roobow iyo Fu’aad Shongole. Magacaabistan Ibraahim Afghan waxay ka dhigeysaa ninkii saddexaad ee qabta hogaanka Al-Shabaab, marka laga reebo Sheekh Mukhtaar Roobow abu Mansuur oo xilka ururka si ku meel gaar ah u hayey mudo ku dhow sanad geeridii Aadam Ceyrow ka dib.
  3. His first day back to work was a bit surreal. Less than two months ago, he was prime minister of Somalia. He battled terrorists, pirates and warlords. He addressed dignitaries from the United Nations. Now, Mohamed A. Mohamed is back at his old job at the state Department of Transportation downtown, back to his little cubicle with a window overlooking Swan Street. A few photos of him as premier were tacked to his wall by colleagues, the only visible reminder that these last nine months weren't a dream. "It's a different feeling when you're heading a whole nation and you come back to your normal life," Mohamed said. "It's a little awkward, to tell you the truth." Mohamed, 49, a Somali native who resettled in Buffalo more than 20 years ago, was forced out as Somalia's prime minister in June, ending his remarkable months-long odyssey as abruptly as it began. He returned to his job at the DOT on Thursday, as he tries to settle into his old life as civil servant, husband and father living on Grand Island. But his heart is still with Somalia. He still grapples with what he saw, what's happening and lessons learned. As prime minister, Mohamed pleaded with international leaders to pay closer attention to his homeland in East Africa, and now we understand why. Somalia has been struck by the worst drought in 60 years, contributing to a famine that's sending tens of thousands of Somalis fleeing for the border. The refugee camp in Kenya -- still occupied by Somalis from the drought 20 years ago -- has swelled to nearly 400,000 people, with more than 1,000 arriving from across the desert each day. The United Nations refugee agency described it as the worst humanitarian disaster in the world right now. "They show up in terrible condition," said Charity Tooze, a spokeswoman for the U.N. agency based in Washington, D.C. "They have nothing. They're incredibly dehydrated and malnourished. Mothers are losing their children across the desert." The death toll mounts. The famine has killed an estimated 29,000 children under age 5 in the last three months alone. Admits being naive It makes Mohamed think about the kids he once visited in a Somali school. They were boys and girls as young as 7. He shook their hands and smiled, but was struck by their malnourishment and the despair in their eyes. "What do they look like now?" he thinks. What happened to them? Mohamed was as stunned as anyone when he was offered the prime minister's position last October, after a trip to the U.N. in New York City to speak with Somalia's president, Sheikh Sharif Sheikh Ahmed. He was also naive. Mohamed hadn't been home in a quarter-century, and his country had changed so much. Somalia has not had a functioning central government since 1991, when the president was overthrown and much of this coastal nation along the Indian Ocean was thrown into lawlessness and warfare. It was now a very dangerous place, and very complicated. The southern part of the country, specifically, is controlled by Islamic terrorists -- al-Shabab. Pirates roam the waters. The weak and ineffective temporary government backed by the international community has been notoriously corrupt. "When I went there," Mohamed said. "I thought there was a functioning system that only needed some adjustment here and there. "But honestly," he said, "everywhere was dysfunction. You're starting from scratch." There are hospitals, but little medicine. It lacks basic services, like garbage collection. Displaced Somalis live out of abandon buildings, and make money from whatever they sell on the street. Everyone carries guns. "It's kind of this post-modern, science fiction chaos," said J. Peter Pham, an expert on Somalia with the Atlantic Council, a Washington, D.C., think tank. A sign of hope came Saturday. Reports indicated militants vacated much of the capital of Mogadishu, but it was unclear if it was for good or just a tactic. The militants are a big part of the reason for this crisis -- not just drought. The country is one of the most inaccessible for relief organizations, which have a history of being denied by al-Shabab or are scared off by the violence, Pham said. At the same time, the government's legacy of infighting and pocketing foreign aid has made the international community wary of getting too deeply involved. "It's a matter of funding," Pham said. "This is one of those things where reality hits the ground. We can't fund everything, and if anything, the debt-ceiling debate reminded us of our limits. "Even those countries who fund Somalia have no assurances, with this so-called government, that the money is going to do any good," Pham said. 15-hour work days Mohamed worked 15-hour days running day-to-day operations from his office-apartment inside the government compound in the capital of Mogadishu. He easily dropped 20 pounds from the stress. After his first interview with Somalia's president, he stepped outside and a bullet whizzed passed, landing two feet in front of him. "Yeah, that's normal," said the man walking with him. "Keep walking." The selection of the University at Buffalo graduate as prime minister drew criticism in some circles because of his lack of experience in international politics, but what qualifications prepare you for this? He did learn politics while working on campaigns in Buffalo, but that didn't prepare him for everything. Here, conflicts might be settled by offering a patronage job. In Somalia, there are no jobs to offer. Mohamed often questioned why he took the position. Then, he thought of those kids he met in that school. He kept a picture of them on the wall of his office to remind him. Other photos of him can be found all over the Internet: Mohamed with the prime minister of Italy; Mohamed before the UN security council; Mohamed with the British couple he helped free from Somali pirates. "That was a good moment," he said. There were plenty of bad moments, too. In June, Somalis got word of a deal to oust Mohamed and reportedly took to the streets of the capital in protest. Mohamed was concerned the large crowd was an easy target for a terrorist bombing and asked his interior minister to talk to the people. The cabinet member went out, stood on top of a vehicle and told the crowd to disperse. When they did, Mohamed breathed a sigh of relief. An hour later, a suicide bomber walked right into the interior minister's home and blew him up. The bomber was the minister's niece. Behind the scenes there were tensions between the Somali president and the speaker of parliament. The two adversaries were under pressure to get along or face losing financial support from the international community, so they struck a deal. Part of the pact was that Mohamed would go. Clash led to ouster Mohamed believed Somalia was taking steps -- building an army, pushing back al-Shabab, gaining public support -- but he clashed with the speaker. While Mohamed agreed to bow out, rather than remain part of the problem, he had a condition of his own: His deputy from Amherst would succeed him. The new prime minister, Abdiweli M. Ali, is an economics professor at Niagara University. Mohamed trusts him. The two shared many a coffee together at Tim Hortons in Amherst and Grand Island talking about Somalia in theory. Now, they talk about the reality by phone. "I've known him for a long time," Mohamed said. "He's a decent guy, a professional, straightforward guy and has the same philosophy -- not to steal, be honest and do the best you can. "But I worry about him," Mohamed said. "It's a stressful job. I'm sure he's going through a very, very tough time." For Mohamed, this experience changed him. He was humbled, has become more appreciative. He wants to start a nonprofit to help unite Somali communities in the United States. He won't speculate on whether he would ever run for president of Somalia, but he hasn't ruled out running for a political office in this country. He wants to write a book about his amazing story. On Thursday, his colleagues at the DOT gathered in a small conference room and welcomed his return with a cake. "We all kept him in our prayers," said Janine Shepherd, who sits in the cubicle next to him. Mohamed expressed his appreciation and said how happy he was to be back. 4 comment(s) More comments Syad_Xusen @ 8/7/2011 6:19 PM EST *Ina Sharmarke (his predecessor) said: "Konton jir baan ahay konton million na bangiga bay igu jirta" meaning I am 50 years of age and I have $50 millions in the bank indicating his indifference towards country and flag. The one before that (Geedi fanax) went into office as a pennyless UN advisor and is today flogged around as self-made millionaire. But will this register with the majority of Somalis or will they continue to be blinded by tribalism? Sool-Boy @ 8/7/2011 5:38 PM EST *Subxaan yaa Qaadir Aan kuu soo afuro waan soomanahee. Hadda farmaajo ma cuni karo anoo sooman! Simansime @ 8/7/2011 11:32 AM EST *I am speechless, Mr Farmaajo has to butt in again from his little cubicle. I know you missed this opportunity while you were the PM and it is heart breaking to look at your sad face. I once said all you did is plenty of photo opps and you didn't disappoint me in that, cause now you talking about it and showing off in your cubicle. fiqicigaal @ 8/7/2011 10:29 AM EST *you are lucky you were assigned to your old job, many people don't get that opportunity. Well, Mr Farmaajo it will be noble of you if you bring all Somali-American communities under one amberella but *you need to do miracles to make it real because Somali Americans like any other community in the diaspora have that same crasy clan mentality. *
  4. Sabti, July 23, 2011 (HOL) – Xidhibaannada tiradoodu gaarayso 397-mudane ayaa cod gacan-taag ah ku ansixiyay maanta oo Sabti ah golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ee uu toddobaadkii soo magacaabay ra'iisul wasaare C/weli Maxamed Cali, iyadoo ay diidday 21-mudane, halka ay ka aamuseen laba mudane. Kulanka oo ay ka qaybgaleen 420-mudane ayaa waxaa furay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, isagoo ka dalbaday xildhibaannada inay ansixiyaan xukuumadda cusub. Waxaana intaas kaddib hadal u jeediyay xildhibaannada ra'iisul wasaaraha Soomaaliya. Mudane C/wli Gaas ayaa khudbaddiisa oo ahayd mid dheer ku sheegay in xukuumaddiisu ay soo celinayso ammaanka guud ee dalka, sidoo kalena ay la dagaalamayso musuqmaasuqa, inuu dib u heshiisiinta hirgelinayo iyo inuu ka shaqeyn doono gargaarka bani'aadamnimo muddada uu xilka hayo. Ra'iisul wasaaraha markii uu hadalkiisa dhameystay ayaa wuxuu guddoomiyaha baarlamaanku uu gacan-taag ah geliyay xukuumadda cusub, isagoo ku dhaawaqay inay codkooda siiyeen 397-mudane, sidaa daraadeedna ay tahay ansax. Xukuumadda cusub oo ka kooban 45-xubnood ayaa waxay shaqeynaysaa muddo hal sano ah, iyadoo ay hor-yaallaan arrimo ay ugu culus yihiin soo celinta ammaanka iyo sidii lagu gargaari lahaa dadka ay abaaruhu ku habsadeen ee ku qulqulaya dalalka dariska ah iyo magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya iyagoo kaalmo doon ah. Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee kulanka ka qaybgalay ayaa ku tilmaamay ansixinta xukuumadda mid aan u dhicin si sax ah oo la musuqmaasuqay codeynta. Waxaana inta marka uu baarlamaanku ansixiyo ajande horyaalla soo baxa mudanayaal kasoo horjeesta.
  5. Garowe(Puntlandi.com) Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Maxamed cali Gaas iyo koox Xildhibaano ah oo ka tirsan Baarlamaanka KMG ah ayaa kusoo foodleh Puntland, Warar hoose oo aad ugu dhow Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa noo xaqiijiyey safarka Ra’iisal wasaraha. Waftiga ra’iisalwasaarah iyo waftiga la socda lama shaacin xiliga ay imaanayaan waxaase loo badinayaa iney Bari ama saadambe imaanayaan Gaalkacyo halkaasoo ay wax yar joogi doonaan kadibna u gudbi doonaan Garowe. Warar kale oo waxaa jira sheegaya in imaatinka Ra’iisalwasaaraha uu ku saleysan yahey wadatashi ku saabsan dhismaha Golaha Wasiirada. kala soco Puntlandi.com safarka Ra’iisalwasaare Gaas.
  6. Muqdisho (RBC) Iyadoo uu dalka dib ugu soo laabtay madaxweynaha DKMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa haatan xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ka bilawday wada hadalo hoose oo ku saabsan soo xulista shakhsiyadka ka mid noqonaya golaha cusub ee wasiirada ee DKMG. Warar hoose oo RBC Radio ka heley madaxtooyada ayaa sheegaya in raysal wasaaraha cusub C/wali Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne Shariif Axmed ay maanta yeesheen kulankii ugu horeeyey ee ay uga arinsanayaan raga dhankooda ay ku soo darsanayan golaha cusub ee xukuumadda waxayna haatan bilaabeen inay xushaan asxabtooda ugu dhow. Sidoo kale afhayeenka barlamaanka KMG Shariif Xasan, oo sida uu dhigayo heshiiskii Kampala qeybtiisa ku leh golaha wasiirada ayaa isaguna soo gudbistay liis dheer oo ay ku qoran yihiin shakhsyaad uu rabo in golaha xukuumadda ay ka mid noqdaan, waxaana shakhsiyaadkaasi ugu cad cad C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo maalmo ka hor dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. C/raxmaan Ibbi C/raxmaan Ibbi ayaa xukuumaddi Raysal wasaare Cumar C/rashiid ka ahaa wasiirka kalluumeysiga, waxaana intii uu xilkaasi hayey uu lunsaday lacago fara badan, isagoo ka mid ahaa dadkii ku jirey warbixintii fadeexadda ahayd ee guddiga UN-ka ku cadeeyeen iibsiga viisooyinka dawlada la siiyo iyo seminaarada dibadda. C/raxmaan Ibbi ayaa maanta iyo shalay ku sugnaa hoyga Shariif Xasan oo hadda saaxiibo yihiin, wuxuuna sugayaa inta magaciisa ku soo baxayo liiska uu ku dhawaaqi doono raysal wasaare C/wali Gaas. Xasan Abshir Faarax Sidoo kale raga kale ee Shariif Xasan liiskiisa ku soo bandhigay, uuna u rabo golaha wasiirada waxaa ku jira Xasan Abshir Faarax oo Puntland ka soo jeeda hase yeeshee aad ugu dhow labada Shariif. Ma cadda in Xasan Abshir uu taageero ka heysto madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole taasoo u fududeyn kari lahayd inuu xil wasiirnimo ka helo dawlada, laakiin Xasan Abshir wuxuu aad ugu xiran yahay Shariif Xasan tasoo uu rajo weyn ka qabo. C/raxmaan C/shakuur C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo isaguna xilka wasiirka qorsheynta ka soo qabtay xukuumaddii Cumar C/rashiid, kana mid ah saaxiibda ugu dhow Shariif Xasan aya ku jira liiska Shariif Xasan uu wato. Waxaana C/raxmaan C/shakuur uu la socday Shariif Xasan tan iyo markii uu dalka ku soolaabtay ee uu ka yimid Kampala oo ay wada yimaadeen magalada Muqdisho. C/raxmaan C/shakuur oo ka tirsanaa raggii DKMG ku soo galay ururkii Dub xoreynta ee Asmara, saaxiibo dhowna ahaan jireen madaxweyne Shariif ayey beryihii dambe iskhilaafeen, taasoo keentay inuu dhanka Shariif Xasan la safto. Mr. C/raxmaan C/shakuur wuxuu ahaa ninkii gacantiisa ku saxiixay heshiiskii 2010 lagu iibiyey badda Soomaaliya qeyb ka mid ah oo Kenya loogu wareejin lahaa taasoo markii dambe ay diideen golaha barlamaanka. Dadka yaqaana Mr. C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo in xil wasaaradeed loo magacaabo. C/risaaq Juriile Proff. C/risaaq Cismaan Juriile oo mar wasiir ka soo noqday dawlidihii KMG ee xilligii C/laahi Yuusuf, kana mid ah asaabta Shariif Xasan ayaa isaguna la hadlhayaa inuu xil heli doono, marka loo eego saamiga uu heli karo Shariif Xasan. Proff. C/risaaq Juriile oo hadda iska soo xadiriyey Muqdisho wuxuu hore u ahaa macallimiintii Jaamacadda Lafoole xilligii dawladii Maxamed Siyaad Barre. Waana shakhsigii uu Sharif Xasan u rabay in loo dhiibo xilka raysal wasaaranimo ee Soomaaliya inkastoo uu madaxweyne Shariif arintaa ka hor yimid. Proff. Juriile oo ka soo jeeda gobolka Bari ee Puntland waxaa la sheegaa inuusan wanagsaneyn xiriirka uu la leeyahay maamulka Puntland ee madaxweyne Faroole. Proff Juriile waxuu kaloo kamid ahaa ragii dagaalka dadban kula jirey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane C/Laahi Yuusuf kadibna sababtay in uu xilkii iska casilo. Shakhsiyaadka kale ee uu wato Shariif Xasan waxaa ku jira Cali Axmed Jaamac Jangali oo marar badan wasiir ka soo noqday DKMG, iyo Cumar Islow oo ah gacan yaraha Shariif Xasan. Dhanka Shariif Axmed Madaxweynaha DKMG Sheekh Shariif ayaa isaguna wata xubno uu rabo inaysan masraxa ka maqnaanin, waxaana ka mid ah:- 1- C/kariin Xasan Jaamac oo hadda ah wasiirka warfaafinta. C/kariin waxaa la sheegaa inuu yahay saaxiibka ugu fiican ee madaxweynaha isagoo xitaa aan ka harin marka uu safarada dibadda uu u baxayo madaxweynaha. Hase yeeshee warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in haddii C/kariin uu wasiir noqdo uu caqabad ku noqonayo Cali Axmed Jangali oo ay isku deegaan ka soo jeedaan dhanka Shariif Xasana ka socda, taasoo ay adkaaneyso in labada nin ay xukuumadda wada galaan. 2- C/rashiid Khaliif Xaashi oo hadda ah wasiirka hawlaha guud. C/rashiid wuxuu ahaan jirey agaasimaha xafiiska madaxtooyada ee Sheekh Shariif, waxaana lagu tilmaamaa nin ay isku manhaj yihiin Sheekh Shariif aadna isu fahmeen. Waxaase jirta in Mr. C/rashiid Khaliif ay sii yaraaneyso kalsoonida uu ka heysto deegaankiisa Puntland gaar ahaan beeshiisa oo durba soo bandhigtay in nin kale loogu bedelo booskiisa. 3- C/qaadir Macalin Nuur oo hadda ah wasiiru dawlaha madaxtooyada. Mr. C/qaadir oo markii hore ku yimid awood qeybsiga Ahlu-suna waxaa uu noqday asxaabt ugu fiican ee madaxweynaha, wuxuuna xitaa yeeshay dhaqdhaqaaq dhanka dagaalka ah ka dib markii uu dhowr jeer ka khudbeeyey furimaha hore ee dagaalka. C/qaadir waxaa dhanka kale dhalay wadaad caan ku ah dariiqada Suufiyada ee wadanka Soomaaliya oo geeriyooday Macalin Nuur kana mid ahaa wadaadadii diinta ee waqtiga dheer dadka waxbari jirtay. 4- Maxamed C/laahi Omaar oo hadda ah wasiirka arimaha dibadda. Mr Omaar waxaa dhici karta in booskiisa loo daayo maadaama uu xilkaasi ku hayo awood qeybsiga 4.5 isagoo ka soo jeeda deegaanada Somaliland oo DKMG ay ilaalineyso awood qeybsiga beelaha. Mr. Omaar oo la sheego inuu yahay nin qabow, wuxuu dhanka kale xiriir aad u dheer la leeyahay madaxweynaha oo la sheego inay xagga siyaasadda isku fahmeen. 5- Maxamuud Cabdi Garweyne oo hadda ah wasiirka ganacsiga. Mr. Garweyne oo welgii ka tirsanaa ururkii Al-Itaxaad waxaa lagu tilmaamaa nin madaxweynaha xagga Itaxadnimada ay iska weheshadaan, laakiin waxaa xusid mudan in Mr. Garweyne uu ka soo jeedo mid ka mid ah beelaha koonfurta Soomaaliya oo saamiga beeshiisa uu ku yimid wallow uu ka mid ahaa qurbe joogtii uu keenay Raysal wasaare Farmaajo. Waxaa jira xubno kale oo dhowaan ku soo biiray taageerayaasha madaxweyne Shariif, waxaana ka mid ah siyaasiga Cali Ismaaciil Cabdi (Giir) oo isaguna aad uga rajo qaba in xil wasaaradeed ee ka helo madaxweynaha. Giir kuma jirin dawlahadan KMG ah balse wuxuu haatan wadaa olole uu ku dhacsanayo xil cusub. Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa in waqti dhow si rasmi ah loogu dhawaaqo golaha cusub ee wasiiradda, iyadoo raysal wasaare C/wali Maxamed Cali la arki doono sida uu u kala maareeyo una kala shaandheeyo liisaska labada Shariif ay wataan oo ay adag tahay in an loo hogaansamin maadaama raysal wasaaraha laftiisa uu ku yimid girgortan. Arintan ayaa soo baxaysa iyadoo maanta Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole uu ka dhawaajiyey in uu ka hor iman doono haddii golaha cusub ee wasiirada DKMG qeyb ku yeelan waayo, taasoo iyaduna hal xiraale cusub ku ah raysal wasaare C/wali oo ay u taalo qancinta Puntland iyo u hogaansanka amarada labada Shariif. RBC Radio Xafiiska wararka Muqdisho
  7. Gaalkacyo (RBC Radio):- Waxaa maanta gelinkii dambe Garoonka kubada cagta Gaalkacyo ee Cawaale Stadium ka dhacdey cayaar saaxiibtinimo oo lagu maamuusayay maalinta xoriyada gobolada koonfurta Soomaaliya iyo midowga labada gobol ee waqooyi iyo koonfur Soomaaliya ee 1-da Luulyo. Labada kooxood ee kala ah Comsed iyo Hombaboro oo ka wada tirsan kooxaha heerka koowaad ee gobolka Mudug ayaa cayaar xiisa leh galabta isaga hor yimid, waxaana cayaartaasi oo qiima weyn xambaarsaneyd u soo daawasho tagey boqolaal ruux oo ka mid ah dadweynaha magaalada Gaalkacyo iyo mas’uuliyiin. Cayaarta ayaa labada kooxood waxaa ay qeybtii hore iyo qeybtii dambe noqdeen bareejo ama barbaro, waxaana ay gabagabadii cayaartooda ay ku kala baxeen gool ku laad, waxaana gool ku laadka ay guusha ku raacday kooxda Hombaboro, waxaana la gudoonsiiyay koob qurux badan. Markii ay soo gaba gabowday cayaarta waxaa bilad sharaf la siiyey dhamaan laacibiinta labada kooxood iyo garsoorayaashii kubada daadihinayey, waxaa kale oo kooxda Hombaboro la gudoonsiiyey koobkii ay ku guuleysteen maanta. Dhinaca kale waxaa bilad sharafyo tira badan la siiyay qeybaha muhiimka ah ee bulshada magaalada Gaalkacyo, waxaana biladahaasi si wadajir ah u bixiyey Mas’uuliyiinta Guddiga Amniga iyo Maamulka gobolka Mudug iyo Guddiga Aayakatalinta Gobolka Mudug. Cayaartoyda Comsed Cayaartani ayaa qeyb ka ahayd munaasabadaha farxada leh ee lagu soo dhoweynayey maalinta qiimaha badan ee 1-da Luulyo oo ah maalinta xoriyada Soomaaliya, waxaana maanta munaasabada si weyn looga xusay gobolada dalka Soomaaliya iyadoo qurbajoogta Soomaaliduna ay dhinacooda ka xuseen. Cayaartoyda kooxda Hombaboro Maria Maamulka Dugsiga sare ee Cumar Samatar Rooble Xasan Wakiilka Saxaafada Gobolka Mahad Jamac Xubin Guddiga Farsamada Khadar Dhuubane Taliyaha Dowladda Hoose Gaalkacyo
  8. Faroole lacagtii Tax ahayd ee uu kaqadan jiray Galkacyo Iyo Bossaso ba deeqiwaysay Marka lacag buu karabaa wasiirada Puntland lakin Dr. Abdiwali maka yeelayo.
  9. Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo habeenimadii xalay ka qaybgalay munaasabada 1-da Luulyo ee lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay magacaabista ra’isal wasaare Cabdiwali Maxamed Cali iyo xiriirka Puntland iyo Dowladda KMGS. Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa sheegay in dowladda Puntland ay ogolaatay in dib loo dhigo doorashada madaxtinimada ee la filayay in la qabto ka hor bisha Augsto islamarkaana muddo sanad ah loogu kordhiyo hogaanka sare ee dowladda KMGS. Waxaa uu sheegay in ogolaashahaasi ay tahay mid ku salaysan in mudada sanadka ah ee loogu kordhiyay dowladda KMGS ay talooyinkeeda wax ku yeelato maamulka Puntland,kadib markii dowladda Puntland ay xiriirkii wada shaqayn ay horay ugu jartay dowladda KMGS. Madaxwaynaha ayaa sheegay in magacaabitsa ra’isal wasaaraha dowlada KMGS uu ahaa mid lagala tashtay maamulka Puntland islamarkaana aysan filyn in gadaal laga toogto maamulka Puntland sida uu hadalka u dhigay. Dhageyso madaxwaynaha oo ka hadlaya arintan Waxaa uu sheegay madaxwayne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole in loo baahanyahay golaha wasiirada ee uu soo dhisi doono ra’isal wasaaraha cusub ee Dowladda KMGS Cabdiwali Maxamed Cali in laga tashto maamulka Puntland islamarkaana wasiirada kasoo jeeda Puntland ee qaybta ka noqonaysa xukuumadda in loo baahanyahay in maamulka Puntland uu raali ka yahay. “Raga dowladda u galaya Puntland waa inay noqdaan rag aan raali ka nahay oo taladeedu leeynahay,waa qasab hadii kale arintu meeshaydii ayay ka bilaabmaysaa” ayuu yiri madaxwanaha dowladda Puntland. Waxaa uu intaasi ku daray inaysan ogolaan doonin in rag sheegta Puntland islamarkaana colku ah maamulka Puntland sida uu hadalka u dhigay inay ka mid noqdaan wasiirada cusub ee uu soo magacaaabi doono ra’isal wasaaraha cusub ee Dowladda KMGS Prof.Cabdiwali Maxamed Cali. Dowladda Puntland iyo dowladda KMGS ee uu hogaamiyo madaxwayne Sheekh Shariif ayaa waxaa horay u jiray khilaaf soo noqnoqday oo la xiriira dhinaca siyaasadda iyo deeqaha ay dowladda faderaalka ee ka hesho beesha caalamka,taasi oo uu maamulka Puntland uu ka dhaliilay inaan waxba laga siinin taageerada ay Dowladda Faderaalka ay ku hesho magaca Soomaaliyeed,waxaana taasi ay keentay in maamulka Puntland uu sanadkii la soo dhaafay uu jaro xiriirkii Dowladda Faderaalka. Si kastaba macada go’aanka uu ra’isal wasaaraha dowladda KMGS uu ka qaadanayo hadalka soo yeeray madaxwaynaha Puntland,waxaana arintan ay imaanaysaa xilli ra’isal wasaaraha cusub ee dowladda KMGS laga sugayo inuu soo dhiso golihiisa xukuumadda.
  10. Kampala (RBC) Waxaa soo baxaya xog ku saabsan wada hadalo qarsoodi ah oo labada Shariif dhowaan la yeesheen madaxweynaha wadanka Uganda Yuweri Museveni intii uu socday kulankii lagu soo gooyey heshiiskii Kampala ee la soo saxiixay 09-kii June. Xogtan ayaa cadeyneysa in madaxweynaha Uganda Museveni uu digniin hanjabaad ah u jeediyey madaxweyne Shariif Axmed iyo afhayeenka barlamaanka Shariif Xasan, isagoo u sheegay inuu xiri doono haddii ay deg deg isugu raaci waayaan heshiiska Kampala. Markii uu ereydaasi sheegayey Museveni waxaa goobta joogay Augustine Mahiga oo ah wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaana warbixintu sheegeysaa in Mahiga uu la dhacsanaa caga jugleynta dhegaha loogu shubay labada Shariif. Wuxuuna Mahiga u sheegay labada Shariif in Museveni uu yahay nin aan laga hor iman Karin taladiisa, waayo ayuu yiri “wadanka Uganda waa kan ciidanka ugu tirada badan ay ka joogaan Muqdisho isla markaana ilaaliya xarumaha dawlada gaar ahaan Villa Soomaliya”. Wuxuuna sidaa awgeed Mahiga kula taliyey labada Shariif inaysan isku dayin inay ka hor yimaadaan hadaladiisa. Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in Mr. Mahiga, oo ahaa ninkii dejiyey shaxda heshiiska Kampala laftiisu uu aad ugu qanacsanaa in heshiiska Kampala duuduub loo qaato, isla markaana si wax ku ool ah loo fuliyo waxyaabaha ku qoran. Hanjabaad labo-waajiilanimo Sidoo kale xogta aya tilmaantay in Museveni uu hanjabaad kale u jeediyey wadamada beesha caalamka, isagoo sheegay in haddii DKMG waqti sanad ah loogu kordhin waayo uu ciidamdiisa ka soo saari doono Muqdisho ka dibna Al-Shabaab ay si deg deg ah u afgembin doonto DKMG oo ah mid aad u jilicsan awood ahaan. Warbixinta waxay sheegtay in hadaladaasi ka soo yeeray Museveni ay waji gabax ku ahayd xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya oo bshii Febraayo 3-deeda Muqdisho ku meelmariyey in mudo 3 sano ah ay ku darsadeen. Markasina go’aanka barlamaanka Soomaaliya waxaa wxba kama jiraan ka dhigay hadalka Museveni. Amisom oo u digtay Raysal wasaare Farmaajo Xogtan ayaa dhanka kale shaaca ka qaaday in ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho, oo u badan kuwa Uganda ay si cad ugu digeen raysal wasaarihii hore ee DKMG Maxamed C/laahi Farmaajo iyagoo u sheegay in haddii uu iscasili waayo, sida ku qoran heshiiska Kampala in Amisom aysan masuul ka ahayn amnigiisa. Waxay Amisom sidoo kale Farmaajo u sheegeen in Yuweri Museveni oo ah taliyaha guud ee ciidanka Uganda ee loo yaqaano UPDF uu amar ku soo siiyey in ay ilaalada ka qaadaan guriga raysal wasaare Farmaajo hadduu ka biyo diido iscasilaada sandulyada ahayd ee lagu soo qoray heshiiska Kampala. Warbixinta oo laga heley ilo diblomaasiyadeed oo ajnabi ah ayaa sheegtay in Soomaaliya oo 51 sano ka hor xoriyadeed qaadatay ay hadda u muuqato mid magan u ah Augustine Mahiga iyo Yuweri Museveni, gaar ahaan arimaha go’aan gaarista dawladeed. Waxayna inta ku drtay xogtan in Soomaaliya ay hadda ugu liidato marka loo eego marxaladihii ay soo martay 20kii sano ee burburka. Hogaan xumida labo Shariif* Xogta ayaa dhanka kale taabatay hogaan xumi iyo aqoon yaraan dhanka siyaasadda oo hareysay labada Shariif, waxayna xogta tilmaantay in labada Shariif ay u dhaqmaan sida “Xarfaan burcadnimo ku heshiiyey” halkii ay ka noqon lahaayeen madax qaran. Waxay tusaale u soo qaadatay in hannaanka dawladnimo uu labada nin uga weyn yahay saaxiibtinimada oo wax badan ay ku saleeyeen. Tusaale ahaan xafiisyada dawlada sida wasiirada, madaxtooyada iyo xafiiska gudoonka barlamanka waxaa dhamaan ay geeyaan rag ay isku mabda’ yihiin oo ay saxiibtinimo ku soo xusheen Labada Shariif halkii ay aqoon iyo karti ku soo xuli lahaayeen masuuliyiinta waaxyada muhimka ee dawlada.
  11. Mundane Madaxwayne Faroole Waa in uu iscasilaa hadii uusan sida ugu dhoqsaha badan wax uga qaban amaanka Puntland.
  12. Axad, June 26, 2011 (HOL) – Deegaanada Puntland bilihii ugu danbeeyay waxaa ka dhacay dilal argagax leh ,kuwaasi oo inta badan loo gaystay dad bulshada dhexdeeda masuuliyad wayn ka hayay, waxaana dhacda inaan la helin cidda dilalkaas fulisa. Qaar kamid ah shacabka Puntland oo la hadlay HOL ayaa sheegay in hadda aan la isku halayn karin amniga Puntland oo ay ka dhaceen kiisas aad u waa wayn,iyagoo eedda ugu badan dusha uga tuuray maamulka uu hogaamiyo madaxwayne Faroole. "Sidaa aan aaminsanahay dhaliisha uga badan waxaa iska leh dadka hogaan keena haya oo u adeega Ethopia iyo dano kale," ayuu yiri Maxamed Cabdi qaadir oo nala soo xiriiray ,isagoo sheegay in xaaladda hadda ay marayso in la is-gawraco. Waxaa kaloo Maxamed uu sheegay in uu ka tagay shaqo uu dowladda ka hayay arimo dhinaca amniga la xiriira ,waxaana uu tilmaamay in arimaha dhacaya la xalin karo hadii la isku dayo. "Maamulkan dhan ee Faroole uu horkacayo ma lahan sirdoon si gaar ah u tababaran ama CID, waxaa kaloo meesha ka jirta cadaalad darro," ayuu yiri mid kamid ah dad deegaanka oo isna codsaday in magaciisa aan la xusin. Waxa uu tusaale u soo qaatay dad siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha Puntland, kuwaasi oo intooda badan aan gacanta lagu dhigin dadkii gaystay, isagoo maamulka hadda jira ugu baaqay in xafiiska uu baneeyo si la helo xal nabadeed oo gobolka ka dhaca. "Hadda shaqada ugu badan waxa ay u taallaa shacabka oo codsada in maamulkan uu meesh isaga tago"ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo xildhibaanada baarlamaanka ugu baaqay in ay aamusnaanta ka baxaan. Dhinaca kale nabadoonno maalmo ka hor loo diiday in ay ka safraan magaalada Garowe oo qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka madaxwayne Faroole uusan qaban shaqadii loo soo doortay, iyaga oo xusay in xaaladda Puntland ay khatar ku sugantahay iminka. Ugu danbayntii maamulka madaxwayne Faroole ayaa la sheegay in xukuumadiisa ay fashilantay,isla markaana loo baahanyahay isbadal guud oo dhaca, iyaga ku taliyay in habka iminka waxa lagu soo doorto oo ah dhinaca qabiilka in la badalo. Hiiraan Online News Desk
  13. Mr: Farmajo muxuu Qabtay oo Bilad lagu siiyey?
  14. he Somali Parliament gives today the vote of confidence to the new Prime Minister Mohamed Abdullahi Mohamed. 392 MPs attended today’s session and 297 MP voted for the new Prime Minister. 92 MPs voted against and 3 abstained. “We will move with full speed to do the people’s business. I will very soon form an effective and dedicated cabinet that will put the Somali people first.” Prime Minister Mohamed Abdullahi Mohamed said after the victory. President Sharif Sheikh Ahmed said, “This is a great day for Somalia”, and he thanked the MPs for “voting for change and renewal” and called “The MPs, the Somali people and the international community to cooperate and collaborate with the new Prime Minister and his team.” The Prime Minister will take the oath of office and form his cabinet in the next weeks.
  15. Madhabaa in ay arintaan jirto hadii ay jirto may ansaxiyaan Raysalwasaaraha cusub?