
Jacaylbaro
Nomads-
Content Count
44,142 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jacaylbaro
-
^ ^ ...... So what happened after he took the Viagra ?? lol
-
Garaad Abdirashid and Peace Delegation Attacked in Buuhoodle
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Good that you contradict yourself now ..... You thought I'm alive the same time u said "you can't life with out being a somali national" -
Garaad Abdirashid and Peace Delegation Attacked in Buuhoodle
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
So u think you're talking to dead ?? -
Shirkada Magaceeda lagu sheegay Kuwait Energy oo Fadhigeedu yahay Dalka Kuwait ayaa la sheegay inay Dhawaan Toos uga Howl Galayso Buuraha Galbeedka Bari Gaar ahaan Buurta Majiyahan iyo Dhalan oo la sheegay inay Ku Jiraan Shidaal, Xogta ay Heshay warbaahinta ayaa intaasi ku daraysa in Madaxwaynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroole Hawshaasi Toos u Saxeexay in la Fuliyo Baadhitaanka Buurahaasi. Xogta aanu Helay ayaa Iftiiminaysa in Madaxayanhu uu Nov,25 [2010] u Boqoolayo Dalka Kuwait isaga uu Weheliyo Agaasimaha Shidaalka Ciise Dhoola-Waa. War ayaa sheegaya in Hash iiska ay Fududaysay Shirkada Magaceeda lagu sheegay [ALJUBAIL GENERAL TRADING] taasi oo ay Madaxda Puntland xidhiidh Fiican oo qota dheer Leeyihiin. Hashiis Hordhac ah oo Qarsoodi ah ayaa ka dhacay Dalka Yeman Gaar ahaan Sanca Markii uu Madaxwaynaha Puntland iyo Wafti uu Hogaaminayaa ay Boqdeen dalkaasi, Xarun ay Shirkadaasi ku Leedahay Dalka Yeman ayaa Hashiiska Bilowgiisa Furtay. Warar dheeraad ah ayaa sheegay in Cali Cabdi Awaare oo ah Masuul in badan Xilal ka soo qabtay Puntland Marna ahaa La Taliyihii Raysal wasaarihii Dhacay ee Dr Cumar C/Rashiid uu qayb Wayn ku Leeyahay Baadhitaankaasi. Siyaasi Cali Abdi Awaare ayaa ah Nin aad ugu xidhan Wadamada Carabta Gaar ahaan Emart-ka iyo Yeman isaga oo dadka qaarkiis Leeyihiin waa Nin Gacan Wayn ku leh imaanshaha Shirkadaasi baadhaysa Shidaalka. Ilo Wareed muhiim ah ayaa *****lka ka qaadaya in Madaxwaynaha Puntland uu dhawaan Gaadhayo Dalka Kenya isaga oo uga soo Gudbaya Kuwait oo uu Marti Qaad Rasmi ah uu ka Haysto. Shakhsiyaad ka soo Jeeda Gobolada Shidaalka Laga baadhayo ayaa la sheegay inay Badhitaarayaan Hashiiska Faroole iyo Shirkadaha Ajaanibka, Shakhsiyaadkaasi ayaa ah Kuwa in badan Ku Noolaa Kuwait oo ay xidhiidh Fiican Leeyihiin Masuuliyiinta Dalkaasi. Buuraha Galbeedka Bari gaar ahaan Majiyahan ayaa dagaal Horay ugu dhexmaray Maamulkii kan hada Jooga ka Horeeyay ee uu Madaxwaynaha ka ahaa Gen Cade Muuse Sanadkii 2005- ayaa Dawladu Qorshaysay inay Baadho Majiyahan hase ahaatee dadka deegaanka ayaa ka Biyo diiday Hashiiska Dawlada oo ahaa Mid aan wax badan laga Ogayn. Saldhiga Qow iyo Xidhiidhka Energy. Waxa Dhawaan Dekeda Bosaaso ka soo degay Qalab Gaadiid dagaal Hub iyo Cagaf Cagafyo kuwaasi oo loo soo daabulay dhanka Magaalada Qow ee Bosaaso kaga Beegan Dhanka Galbeedka. Qalabkaasi waxa dadka qaarkiis ay Dawladu ugu Macnaysay inay Yihiin Shirkada Tababaraysa Budhcada Hase yeeshee waxay taasi Beenowday Markii la Arkay Shirkadii oo la soo degtay Qalabka Dhulka Lagu baadho sida Cagaf Cagafyo. Gaadiid Dagaal oo Qiyaas ahaan lagu sheegay 35- Nooca qoryaha Dagaalka lgu xidho ayaa la sheegay inay Boosaaso kala soo degeen iyo ilaa 4- Gaadhi oo ah Nooca aan Xabadu ka dusin. Shirkadaasi waxa Hor boode ka ah Nin lagu sheegay Magaciisa Bashiir C/laahi Saalax Deer kaasi oo qiray inay Tababarayaan Ciidamo isku dhaf ah oo ka Kooban beelaha degan Gobolada Puntland Dhismaha Qow Mr Deer ayaa haysta Pasapoorka Dalka Austrelia halkaasi oo uu Mudo degenaa waxanay Cilaaqaad Fiican Leeyihiin Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole. Xidhiidhka Shirkada Kuwait Energy iyo Tan Qow degtay ayaa aad loo hadal hayaa iyada oo ay macquul tahay inay Ciidamadan ay Yihiin kuwii dhanka Amaanka ka caawin laaha Shirkada Baadhitaanka Wada. Hadii talaabadan ay qaado Dawladu waxa Cadaan Noqonaysa Warkii ahaa in Dagaalka Gal-Gala ee Dawladu ay ku Qaaday Bishii Juun ee Sanadkan uu ahaa mid salka ku haya Arimo Dhaqaale. Source: Gal-gala news.com
-
Garaad Abdirashid and Peace Delegation Attacked in Buuhoodle
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Talk about yourself .......... -
Isma laha qaradiisa iyo caqligiisu ..... Ilaahay ha u sahlo.
-
Garaad Abdirashid and Peace Delegation Attacked in Buuhoodle
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
waar hooy ka joog ............ -
Now where is A&T ??
-
-
I hope it doesn't reach Somaliland that soon ,,,,
-
Already at work ,,, yes had to work today exceptionally and i hardly woke up ......
-
Some people get confused when they look at the SL flag dee ..... some even loose the control and don't know what they're saying ,,,
-
Look at the last picture ,,,,, who is eager to meet the President ?
-
Garaad Abdirashid and Peace Delegation Attacked in Buuhoodle
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
^ ^ We get along easily but one group want a bloodshed to make a benefit out of it. That is what we're dealing with. -
It has potentials but i doubt it is an immediate profit right now ......
-
Somaliland president official state welcome in Ethiopia video
Jacaylbaro replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Ha iga hadashiin waaryaa ,,,, marmar bay soorta gaalku barako badan tahay ,, that is why you chose to live in the west ,,, -
Garaad Abdirashid and Peace Delegation Attacked in Buuhoodle
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Few nabadiids cannot stop on Somaliland's way. I know those SSC junta are fueling clan wars but it aint happening ..... -
-
Garaad Abdirashid and Peace Delegation Attacked in Buuhoodle
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Jidbaale version ,, Buuhoodle(Jidbaale):- Waxaa galabta goor gaaban magaalada Buuhoodle laga musaafuriyey xubno uu ka mid ahaa Abdirashiid Garaad Ismaaciil oo maanta halkaas soo gaadhay. Xubnahan oo si dhuumasho ah magaalada ku soo galay, ayaa waxaa la sheegay in lagu qabtay ka dib markii C/Rashiid Garaad Ismaaciil sheegtay Mansab uusan lahayn Amarka lagu musaafuriyey xubnahan Ayaa waxaa baxshay Col.Cali Sabarey Oo Talada Hogaanka gacanta ku haya. Waxaana arintaas soo ogaysiisyey ciidanka Amaanka ee SSC qaar ka tirsan dadkii uu la kulmay Abdi Garaad Ismaaciil, waxaana arintaas ka hortagay ciidanka SSC. Ka dib markii jeelka loo taxaabay isla markaana su'aalo ku aadan socdaalkiisa iyo inuu sheegto mansab uusan lahayn, ayaa waxaa ugu danbeyntii la saaray gaadhi nooca 3Fka ah , kaasoo ay sii raaceen cutub ka tirsan ciidanka SSC, waxaana la sheegay in xuduuda gobolada Cayn iyo Tog dheer lagaga soo noqday. Arintan ay ciidamada SSC sameeyeen maanta ayaa ah mid muujinaysa, sida Hogaanka SSC u ilaalinayo midnimda umadda SSC ee ay mas'uulka ka yihiin, isla markaana ay ka hortageen shirqool la sheegay in laga soo Abaabuley magaalada la haysto ee Laascaanood, taasoo la sheegay inay ka dabeeyeen maamulka Jabhada SNM ee magaaladaas jooga. -
Somaliland president official state welcome in Ethiopia video
Jacaylbaro replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Taas isaguun baa ka sheekayn kara oo dhadhamiyay ,,, -
Hargeysa(HWN):-Ergo nabadeed isugu jira Cuqaal iyo Waxgaradka deegaanka Laascaanood oo uu hogaaminayey Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil Ducaale ayaa la sheegay inay saaka ku waabaristeen Magaalada Buuhoodle,kadib markii ay martiqaad ka heleen Chief Caaqilka degmada Buhoodle Maxamuud Xaaji Cumar Camay iyo Nabbadoonada deegaanka Buhoodle. Iyada oo ergada nabadeed ku-tala-galkoodu ahaa inay gacan ka geystaan waan-waanta nabadeed ee lagu dhex-dhexaadinayo labada beelood ee walaalaha ah ee dhawaan dirirta iyo qaldoofooyinku ku dhexmareen deegaanka Buuhoodle. Kadib markii ergada la soo dhaweeyey, lana dejiyey hudheelka loogu talagalay martida, waxaana isla markiiba weerar ku soo qaaday ciidmo ku hubeysan qoryaha boobayaasha iyo baabuurta tignikada ah, kuwaas oo uu hogaaminayey guddoomiye kuxigeenka Jabhada SSC Col. Cali Sabari, iyaga oo markiiba gacanta ku dhigay Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil Ducaale iyo nabadoonadii uu hogaaminayey,Kadib markii ay dhicisowday magangelyadii ay milidayeen Chief Caaqil Maxamuud Xaaji Cumar Camay iyo cuqaasha kale. Sida ay tibaxayaan warar xog-ogaal ah oo ay heshay Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in Garaadka iyo ergadii nabadoonka oo ka soo jeeday beesha Maxamuud Garaad ee deegaanka Laascaanood in loo taxaabay xerro ciidan oo ay ka arrimiyaan jabhada SSC. Wararkii ugu danbeeyey ee na soo gaadhaya waxay tibaxayaan in Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil Ducaale iyo ergadiidi nabadeed xoog iyo gacan-saar lagaga soo saaray deegaanka degmada Buuhoodle,iyada oo hab-qankoodi soo gaadhay Sool-joogto oo ah fadhiisin uu Ciidanka Somaliland ku leeyahay daafaha Magaalada Buhoodle. Hadaba,arrintan foosha xun waxay meesha ka saaraysa waan-waantii iyo gurmadkii walaaleed ee ay ku baaqday xukuummada Somaliland, iyada oo madaxweyne Kuxigeenku Cabdiraxmaan Saylci uu hore u magacaabay ergo nabadeed oo ka koobnayd 40-xubnood oo isugu jira Golayaasha Qaranka, Xisbiyada Siyaasada, iyo hogaan dhaqameedka. Sidoo kale, Waxa meesha ka baxday rajadii laga qabay hogaamiyo dhaqameedyada deegaanka Burco ee uu hogaaminayey Suldaan Cismaan, kuwaas oo iskood isku xilqaamay kuna baxay deegaanka shaqaaqooyinku ka dhaceen. Hadaba, Sida muuqata falxumooyinka soo if-baxay waxay shaacinayaan dhibaatadii ka dhacday deegaanka Buuhoodle inay ka baxsan tahay awooda is-maan dhaafka labada beelood ee walaalaha ah. Sidaa darteed, Waxa muuqata dilkii ka dhacay deegaanka inuu ahaa mid Siyaasadeysan oo ay soo abaabuleen kooxaha nabad-diidka ee SSC.kuwaas oo horena colaad u geliyey deegaanka Buuhoodle iyo dalka dariska ah ee Ethiopia, hadana u soo tafaxaytay inay dhaawacaan nabadgelyada iyo xasiloonida ay Somaliland ku naaloonayso, iyaga oo ka amar-qaadanayaa hogaamiyahooga Saleebaan Xagla-toosiye oo ku sugan Muqdisho. Bulshadu waxay dhowraysa go’aan qaadashada ergada nabadeed ee uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami oo aaga colaadu ka dhacday ku sugan, Iyo Ergada Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil Ducaale oo afhayeenkoodu noocadeeyey inaanay u nuglaan doonin koox yar oo nabad-diid ah, iyaga oo ku hawlan inay dib ugu rogaal celin doonnaan Magaalada Buuhoodle,oo aanay halkaasi ka soo noqon doonin ilaa inta ay ka midho dhalinayaan nabada ay u soo guntadeen. Sidoo kale waxa uu afhayeenku aad u soo dhaweeyey ergooyinka nabadeed ee ka soo gurmaday gobolada dalka Somaliland, isaga oo ku booriyey in aanay u liicin isku dayga kooxda nabad diidka ah.
-
I said business dee ,, not dad loo tashanayo ,, It aint suspicious but being night made it boring and ,,,,, u know ...
-
Somaliland president official state welcome in Ethiopia video
Jacaylbaro replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Odayga gaal iyo islaam ba waa u gaardiyeen markan ,, -
business meetings are usually boring specially at night ....