Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. waa runtaa ,,, miyaad aragtay ?
  2. Every citizen is mujaahid in Somaliland ,,,, from east to west.
  3. Miyaa laga saaray mise way iskaga bexeen ??
  4. Yaa arkay qof aan ogahay >??
  5. Cong..... ,,,,,, I'll finish the sentence when you give me a full report
  6. Hargeisa and Burco hosted a lot of populations from every region ,,, the shelling of the cities resulted the demise of anyone who lived there. Reer Awdal, Sool and Sanaag bari have mujaahidiins sxb ,,,,, you can find them if you want.
  7. hadhwanaag 2008-01-28 (Hadhwanaagnews) Wafti balaadhan oo uu hogaaminayay guddoomiyaha Dalladda qaran ee ururada dhalinyarada Somaliland ee SONYO Maxamad Yuusuf Cali (Culimo) ayaa ka soo laabtay todobaadkan safar shaqo oo ay mudo afar maalmood ah ugu maqnaayeen qaar ka mid ah gobolada dalka ee dhinaca bari. Waftigan oo ka koobnaa 8-xubnood oo golaha sare ee SONYO ah.waxa ka mid ahaa isaguna guddoomiye ku xigeenka SONYO mudane Axmad Abokor Maxamad, Ujeedada safarka SONYO ayuu gudoomiyaha dalladdu Mudane Maxamad Yuusuf Aw Cali (Culimo) ku tilmaamay in ay ugu kuurgalayeen guud ahaan xalaadaha dhalinyarada gobolada Sool iyo Togdheer iyo hadba sida ay u socdaan hawlaha balaadhan ee dalladda SONYO ka wado goboladan. Gobolka Togdheeer Waftigu intii ay ku sugnaayeen magaalo madaxda gobolka Togdheer e Burco waxa ay la kulmeen Ku-simaha maayarka magaalada Burco Mudane Axmad Cabdi Falay Oo ay iska xog waraysteen guud ahaan xaaladda gobolka ee dhinacyada arimaha bulshada iyo nabadgalyada iyo sidii kor loogu qadi lahaa wacyiga dhalinyarada iyo horumarkooda.kulankaasi kadib waftigu waxa ay kulan balaadhan la yeesheen guddida jaamacadda Burco oo ay hogaaminayaan gudoomiyaha iyo gudoomiye xigeenka jaamacaddu, sidoo kale waxa ay kulan la yeesheen guddida ardayda jaamacadda Burco oo ay ka wada hadleen horumarinta waxbarashada gobolka iyo sidii dhalinyaradu uga qayb qadan lahayd kor u qaadka aqoonta gobolka. Waftiga SONYO isaga oo sii wata hawlihiisa waxa uu intaa kadib soo gabagabeeyeen shir balaadhan oo muddo ka socday gobolka Togdheer oo ay soo qabanqaabiyeen ururka dhalinyarada SYS-Burco oo ka mid ah ururada xubnaha ka ah SONYO, shirkan oo ay maalgalisay SONYO waxa ka qayb galayay dhamaan ururada dhalinyarada gobolka Togdheer, waxaana lagaga hadlayay arrimaha dhalinyarada ee gobolka iyo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha lagama maarmaanka u ah dhalinyarada ee looga gudbi lahaa caqabadaha maanta hor taagan dhalinyarada Somaliland. Kulankaasi kadib waftigu waxa ay qado sharaf la yeesheen guddoomiyayaasha ururada dhalinyarada, waxaanay madashaasi waftigu kula kulmeen Badhasaabka gobolka togdheer Mudane Cabdi Xuseen Dheere. Qadadii kadibna waftigu waxa ay kormeer ku soo mareen dhamaan xafiisyada ururada dhalinyarada. Waxaanay halkaasi uga sii ambabaxeen gobolka Sool gaar ahaan caasimadiisa Laascaanood. Gobolka Sool Waftiga SONYO markii ay gaadheen magaalada laascaanood waxa si weyn uga hor yimid oo soo dhawyn aan la ilaawi Karin halkaasi ku qaabilay madaxda ururada dhalinyarada oo gawaadhi ugu sii galbiyay hotel Xamdi oo ah madasha waftiga loogu tala galay inay dagaan. Waftigu, ugu horayn waxa ay kulan aad u xiiso badan la qaateen badhasaabka iyo ku xigeenkiisa gobolka Sool mudane Cali Maxamuud Axmed (Cali sandulle), iyo ku xigeenkiisa, Waxaanay iska xog waraysteen guud ahaan xaaladda gobolka Sool duruufaha dhalinyarada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa ee loo horu-marin lahaa dhalinyarada gobolkan si ay ula jaanqaadaan dhalinyarada dhigooda ah ee wadanka, badhasaabku waxa uu ka waramay xaaladda magaalada iyo nabad galyada oo ah mid aad u wanaagsan, iyo sida ay ugu dadaalayaan wax u qabashada bulshada reer Somaliland ee gobolkan ku nool gaar ahaan dhalinyarada oo ah laf dhabarta umadda. Gudoomiyaha SONYO mudane Culimo ayaa isaguna badhasaabka uga waramay hawlaha ay dalladdu ka wado dhamaan gobolada maantana ay diyaar u yihiin sidii awalba ay uga shaqayn jireen gobolka in ay diyaar ugu yihiin wax u qabashada dhalinyarada. Waxa xusid mudan in dalladda SONYO ay ka mid tahay ururada bulshada ee ka hawl gali jiray sanadihii ugu dambeeyey gobolka Sool. Waftigu waxa kale oo ay la kulmeen xubno xildhibaano ah oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland oo ku sugan magaalada Laas caanood.intaasi kadib waftigu waxa ay kulan kula yeesheen xafiiskiisa ku simaha maayarka magaalada Laas caanood mudane ……………………………. Kulankaa kadib waftiga SONYO waxa ay kormeer booqasho ah ugu tageen Axmad Cabdi Xaabsade oo ka mid ah siyaasiyiinta waawayn ee gobolka waxaanay ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya guud ahaan Somaliland iyo gobolkaba gaar ahaan xaaladaha dhalinyarada.kulankaasi kadib waftigu waxa ay kormeer ku soo sameeyeen xafiisyada ururada dhalinyarada ee gobolka iyaga oo soo xidhay shir lagu soo gabagabaynayay gobolka oo ahaa mid aad u balaadhnaa oo ay in muddo ah ka qayb galayeen ururada bulshada gaar ahaan dhalinyarada oo uu qabanqaabiyay ururka dhalinyarada YESDO oo ka mid ah ururada SONYO ee ka hawl gala gobolka, waxaana shirkan goob joog ka ahaa badhasaabka gobolka Cali Sandulle iyo ku simaha maayarka. Waftigu inaa kadib waxa ay ka qayb galeen qado sharaf uu ku casuumay badhasaabka gobolku mudane Cali Maxamuud Maxamad (Sandule). Waxaana waftiga SONYO la gudoonsiiyay shahaado sharaf lagu maamuusay nabadgalyada iyo gobolka SOOL. Gunta iyo gabagabada safar hawleedkaa, gudoomiyaha SONYO Maxamad Yuusuf Cali (Culimo) waxa uu mahad-naq baladhan halkan uga dirayaa dhamaan madaxda gobolada togdheer iyo Sool gaar ahaan Ku simaha maayarka Burco Mudane ……………….., guddoomiyaha jamacadda Burco iyo kuxigenkiisa mudane ………………….,iyo……………………., badhasaabka gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere, badhasaabka gobolka Sool Cali……………….. ku simaha maayarka Laas caanood mudane…,xildhibaanada golaha guurtida dhamaan bulshada reer Laascaanood iyo reer Burco, ururada dhalinyarada ee labadan gobol.isaga oo uga mahad naqaya sidii hagar l’aanta ahayd ee ay u soo dhaweeyeen waftiga SONYO iyo sidii wadaniyada lahayd ee ay ula shaqeeyeen.
  8. Why should i be amazed ,,,, Poor Somalis are dying everyday and those Aid workers are not better than them. It is just a proof that the situation is getting worse these days ,,,,,
  9. Those who got their independence back ,,,,,, those who elected President Rayaale, the parliament and the other parties ,,, those who has a border with Djibouti, Ethiopia and Somalia.
  10. Jacaylbaro

    Exercise

    Just get married and you won't need to hit the gym
  11. Dabshid ,,,, i never asked but i had to make sure it is Chicken
  12. Of course it is cheaper although not all the times ,,,, but what is the use of none of them are there ?
  13. The History of Somaliland ,,,,,,,,,,,,,,
  14. Greetings from the beautiful Borama ,,,,,,,
  15. Wixii aan odhan lahaaba , , the Borama connection is not helping me to see those pictures ,,,, I'll comment when i come back Insha Allah ,
  16. Jacaylbaro

    Marriage

    Gaandheri waa ninka qorika baabuurta dagaalka saaran rida ,,,,
  17. HARGAYSA, 27 Jan. 2008-- Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu caawa ku qaabilay qasriga Madaxtooyada Wefdi ka socda hay’adda qaabilsan Nabadaynta iyo hir gelinta Dimuqraadiyada ee magaceeda loo yaqaano (Inter Peace) oo booqasho sharaf ugu yimid Madaxweynaha, sidaa waxa sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Afayeenka Madaxtooyada. Hay’addaasi Inter Peace , waxa ay tahay ta loo igmaday in ay ka hir galiso Jamhuuriyada Somaliland doorashooyinka loogu tallo galay in ay dalka ka dhacaan sanadkan aynu ku jirno ee 2008, kuwaasi oo ay ka mid yihiin doorashooyinkii Golayaasha Deeegaanka iyo Madaxtooyada. Jerry McCann oo hogaaminayay wefdigaasi waxa uu Madaxweynaha JSL ugu mahad naqay soo dhawaynta fiican ee uu u fidiyay isaga iyo wefdigiisaba iyo wakhtigiisa qaaliga ah ee uu u huray inay la kulmaan. Mr Jerry waxa kale oo uu intaa raaciyay in ula jeedada socdaalkoodu yahay in ay dar dar geliyaan sidii loogu dhaqaaqi lahaa qorshayaashii loogu tallo galay in lagu fuliyo diiwaan gelinta shacbiga Somaliland iyo adeegyada kale ee loogu tallo galay in lagu fuliyo doorashooyinka fooda inagu soo haya. Madaxweynaha Somaliland waxa uu wefdiga u sheegay in xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin sidii loo fulin lahaa qorshayaasha loogu tallo galay in lagu amba qaado doorashooyinkaasi , taas oo xukuumadu ay doorkeeda ka qaadan doonto haddii ay noqoto dhinac dhaqaale iyo xaga Nabad gelyaba , iyada oo mar walba la tashi la yeelan doonta Komishanka doorashooyinka iyo Asxaabtaba. Madaxweynuhu waxa kale oo uu tibaaxay in xukuumada Somaliland ay ka go’an tahay in ay si Nabad gelyo ah uga dhacaan dalkeeda doorashooyin Xor ah oo la mid ah kuwii hadda ka hor dalka ka qabsoomay , si loo fuliyo geedi socodka dimuqraadiyada Jamhuuriyada Somaliland ku caano maashay. Kulankaasi dhex maray Madaxweynaha iyo Wefdiga hay’adda Inter Peace waxa kale oo goob joog ka ahaa Madax ka tirsan Komishanka Doorashooyinka oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Komishanka Mudane Maxamed Yuusuf Axmed.
  18. HARGAYSA, 27 Jan. 2008-- Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu caawa ku qaabilay qasriga Madaxtooyada Wefdi ka socda hay’adda qaabilsan Nabadaynta iyo hir gelinta Dimuqraadiyada ee magaceeda loo yaqaano (Inter Peace) oo booqasho sharaf ugu yimid Madaxweynaha, sidaa waxa sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Afayeenka Madaxtooyada. Hay’addaasi Inter Peace , waxa ay tahay ta loo igmaday in ay ka hir galiso Jamhuuriyada Somaliland doorashooyinka loogu tallo galay in ay dalka ka dhacaan sanadkan aynu ku jirno ee 2008, kuwaasi oo ay ka mid yihiin doorashooyinkii Golayaasha Deeegaanka iyo Madaxtooyada. Jerry McCann oo hogaaminayay wefdigaasi waxa uu Madaxweynaha JSL ugu mahad naqay soo dhawaynta fiican ee uu u fidiyay isaga iyo wefdigiisaba iyo wakhtigiisa qaaliga ah ee uu u huray inay la kulmaan. Mr Jerry waxa kale oo uu intaa raaciyay in ula jeedada socdaalkoodu yahay in ay dar dar geliyaan sidii loogu dhaqaaqi lahaa qorshayaashii loogu tallo galay in lagu fuliyo diiwaan gelinta shacbiga Somaliland iyo adeegyada kale ee loogu tallo galay in lagu fuliyo doorashooyinka fooda inagu soo haya. Madaxweynaha Somaliland waxa uu wefdiga u sheegay in xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin sidii loo fulin lahaa qorshayaasha loogu tallo galay in lagu amba qaado doorashooyinkaasi , taas oo xukuumadu ay doorkeeda ka qaadan doonto haddii ay noqoto dhinac dhaqaale iyo xaga Nabad gelyaba , iyada oo mar walba la tashi la yeelan doonta Komishanka doorashooyinka iyo Asxaabtaba. Madaxweynuhu waxa kale oo uu tibaaxay in xukuumada Somaliland ay ka go’an tahay in ay si Nabad gelyo ah uga dhacaan dalkeeda doorashooyin Xor ah oo la mid ah kuwii hadda ka hor dalka ka qabsoomay , si loo fuliyo geedi socodka dimuqraadiyada Jamhuuriyada Somaliland ku caano maashay. Kulankaasi dhex maray Madaxweynaha iyo Wefdiga hay’adda Inter Peace waxa kale oo goob joog ka ahaa Madax ka tirsan Komishanka Doorashooyinka oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Komishanka Mudane Maxamed Yuusuf Axmed.
  19. Originally posted by Kool_Kat: quote:Originally posted by Nephthys: Acuudu bilaah, kuma diimin. Dusty vageegee iyo ditol ku shub ay sheekada maree! Speaking of Ditol, why is it in North America Ditol is found the home cleaning products aisle horta? Ma wax gurinadiifis loogu tala galaa gabdhaha masaakiinta ah hoosta looga dhaqijiray markii lagudoo...Balanbalayeey... loooooooooooooooooool ,,,,,,,,
  20. Well, i'm here in Borama ,, arrived yesterday and as usual i'm in Rays Hotel Durinig the dinner i was witnessing those well-dressed women coming in groups that is when i realized something is goin on here ,, I asked the waiter if there is a party/wedding and he confirmed. As the wedding/conference hall is very close to the rooms the music was very loud ,,, i couldn't help but to dress and go out of the room to watch the dancing and those who are shaking their money-makers ,,,, i was just curious to see this wedding/party in Borama. I recognized the singer who was my Brother and his other friend ,, that is when i felt comfortable coz at least there is someone i can talk to .... i had a problem to see the pride and the groom in there ,,,, the designated place was empty and although many were dancing in the floor i couldn't see anyone i can describe as pride or groom. Again Curious i asked them where are they ,,, well here comes the strange response: "None of them is in Borama nor in Somaliland at all, they both live in the abroad and as they got engaged (meher) then they sent some money and asked the families to party for them". What is the use to ask you family to hold such xaflad in another continent when they can do it for themselves ??? I know if one of them lives here can do it but what amazed me was when the are both away.
  21. hadhwanaag 2008-01-26 (Hadhwanaagnews) Taariikhadani waa qeybtii Labaad waxayna xanbaarsan- tahay Duruus loo dhigayo in ay ka Faa’iideeystaan Caruurta Soo goreysa iyo DHalinyarada ku Idhadilaac -saday Qurba Joogta iyo kuwa Calanka Somaliland ku soo barbaaray EE Reer Somaliland . Waana waajib in la Baro Xasuuqii iyo dhibaatooyinkii la soo Maray. In kastoo ay Waayeelku Iska Idho –tirayaan Taariikhdii iyo Dagaaladii ka dhacay Dhulkaas Somaliland 1988 . Waxaadna Ogaataan in aan buugaag la qoro , iyo Qoraalo lagu soo Koobi karin , iyo Suugaan la tiriyo . Xasuuqyadii Dadweynaha loo Geestay Ay ka mid ahayeeyn (GENOCIDE ,MASS GRAVES , TORTURE , DUMPED ) + Boobkii iyo Dhicii lagu Tirtirayey Haybadii iyo Dhaqankii loo Geestay Gaar Ahaan Beelaha ku Abtirsada SHiikh ISXAAQ Bino AXmed (Ilaahay JAnadii ha ka Waraabiyee ) Beelahaas oo ka mid ah Beelaha Degan 6da Gobol EE SLD . Taariikhdani waxay ka hadlaysaa Maanta ( Only ) Weeraradii Diyaaradahii Lagu Rusheeyey Ummadaas Bishii 5 June 1988 ilaa 29 July 1988 . · WEERARKII DIYAARADAHA AY KU SOO QAADEEYN Dawdweynihii Mag/Hargeysa . qeybtii koobaad la soco . Waad Maqasheeyn Weerarakii In Diyaaradihii Xoogga Dalka Somaliya EE lagu Rusheeyey Dadweynihii Shicibka ahaa iyo Maatidii dhulka loogu soo galay Ee Gobolada SLD 1988 . Markii ay Ciidamadii Dalad Maleeyko Ee SNM ay Hadhcad uu soo Badheedeeyn in ay Weeraro ku kalaa Bixiyeen 1981-1990 Dagaalkii (Face to Face ) via Ciidamadii Xooga Dalka Somaliya intii ka soo Hadhay Dagaaladii lala galay Dawladii Ethoopia iyo Somaliya 1977 . Nasiib daraas markii danbena JANANADii iyo GORNEYLadii Ciidanka Somaliya Hogaaminayey lagu qeyb -saday Derijada Ciidanka Qabiilka iyo Beelo Sanadkii 1979 . .Isla markaasna Taladii loo dhiibay Guul –Wadayaashii iyo Habrihii Durbaanka uu Tumayey Taliskii Hororka Ahaa ee Siyaad Dabadeed Ciidamadii SNM Markii la Holin- waayey Saraakiishii Hogaamineysay Ciidanka SNM oo khibrad ku dagaalamayey ka duwan Saraakiishii Guliyada Jaale Siyaasaad ka soo baxay ..ay weeraro ku Caseeyeeyn. kuna faafeeyn 6da Gobol EE Somaliland isla markaasna ay Meeydkoodii Wadheeyn Ciidamadii ******ta Wadooyinka Magaalooyinka Hargeysa iyo BURco .Nasiib Wanaag waxay Cadhadii - burbureeyn Qalaxadihii Iyo Dhufeys’yadii iyo SANANADII laga taagay dhulkaas Gobolada Waqooyika SLD ee laga Caabudi –jiray Mabaadiidii Taliskii Siyaad bare 1969-1988 iyo Baali-Xooftadii Taliskii Siyaad Bare ay ku Buufiyeeyn Beentaas Somalidii ku dhaqanaa k/Somaliya ay Hadda Gumeystaan gumeysiga Madow EE Ethoopia Uu Hogaaminayo Dawalada Inbigaati Munaafaqa Weyn Jaale Cabdulaahi Abuu Lahab iyo Afrikaanka Arsaaqda uu soo doontay Magaalada Xamar . · NOOCII DIYAARADAHA LAGU GARAACAY UMMADAAS.waxaa ka mid ahaa . 1. Sedexe Diyaaradood oo Noocoodu Ahaa MIIG 17 . 2. Labo diyaaradood oo Noodoodu ahaa MIIG 19 iyo Mid MiiG 21 ah . 3. Laba Diyaaradood oo Noocoodu Ahaa Helo Gabtar (HELI-CAPTER) . 4. iyo Diyaaradii (FOOGARTA) EE Qaadi- jirtay Ragaabka Gobolada Somaliya uu kala socda .. oo Markii Danbe 1988 Hubka iyo Saanada ka soo Dal –dali- jirtay Saldhiga Ciidanka Cirka ee BALi Dhoogle , Kismaayo , Beldweyne , Mugug iyo Xerada Afis-Woone ee Xarurunta Dhuuliyayaasha Diyaaradaha laga Maamuli jiray ee Mag/Xamar . 5. waxaana Ka qeyb Weyn ka Qaadatay DIYAARADA BAMBARKA (BOMBER B1-48 ) oo Hareeraha ku Sidatay 4 GANTAAL (MISSILES ) iyo Lix Qunbuladood iyo Qorika Baaska (7.5 Inches //CLP ) uu ka Dhacdo 80 Rasaasha ah ( Per 1 Minutes ) Rasaastaas oo Qudha Jirata Dadka Oradaya , Marka ay Tuurto Qunboladahaas. EGIP-03. Diyaaradaha MIIG- 17 iyo MIIG- 19 - Waxaa lagu Cabeeyaa Sadaxe GANTAAL oo Waaweyn oo Midkiiba yahay 3800 (pounds) iyo Labo yar yar Oo Midkiiba yahay 1500 -1600 .(pounds) Isla Markaasna , waxaay Hoosta ku Siteeyn Qori Laba Dhuumoodka ah oo lagu Cabeeyo 3 Kun oo Raasaas ah iyo 1500 kun oo Geydka uu ah . (5 Inches Clp ) Qorikaasi Diyaarada Saaran Miig 17 Midana Barbar bay uu Ridaa Midna Toos bay Ridaa Marka Ay Cirka ka soo Hoobato ay Meydkooda Wadhaa Dadweyniihii Magaalada Hargeysa Deganaa . Halka ay Diyaaradaha MiiG 19 -21 Israacisaa Gantaalada iyo Raastaa Marka ay Hawada ku jiraan . Si aad uu Fahantaan Anigu Waxaan ka mid Ahaan Jiray Ciidanka Raadarada ee Somaliya ee Haga Diyadahaas 1973-1978 in kastoo aaan Jeelka ka baxay 1981 Sababtoo ah ,waxaan ka soo qeyb qaatay In Qilaabkii ka dhacay Magaalada Xamar April 1978. Waxana ka soo Badbaaday Xasuuqii ka Dhacay Gobolada Waqooyika . Markii Danbena waxaan ka mid ahaa Ururkii IDho BIr ee dhulka joogay Warkana uu soo Tebinayey Dadweynaha iyo Ciidanka SNM . Maalintii iigu Horeeysay oo aan Arko Diyaaradiihii Dhuulaanka ku Soo Qaaday Magaalada Hargeysa iyo Nawaaxigeeda oo aan Markaas Joogay Magalada Hargeysa . waxaan Xasuustaa 11am 5 Juune 1988 Markii hore waxaa soo Duushay Diyaarad Helo Gabtar ah oo ku Wareegaaleysatay 45 Min Hawada Mag/ Hargeysa waxayna soo Hogaamisay laba diyaaradood Miig 17 abaaro 11.55 am oo markii uu horeeysay ay ku Hurgufeeyn Gantaaladii iyo Rasaastii /Suuqa Xaraashka iyo Bacadlaha ee Badhtamka M/Hargeysa . GAntaalkaas iyo Rasaastaasi Waxay Ka- laafteeyn 2.000 Qof oo uu Badnaa Odayaal , Dhalinyaro ,Muruq maal , Dumar iyo Caruur . . Isla Maalintaas Hadana waxaa soo duushay Diyaarad Nooceedu –Yahay Miig 17 . oo la beegsatay Gantaalkii Hore Dooxa (Next Block East) Briijka Hareysa Beertii Ilma Saxardeed iyo Hudheeka Hadhwanaag. Gantaalkii Labaadna waxay ku Tuurtay Xaafaada XAraf , Markii Sadexaadna Isla Maalintaas waxaa Soo Duushay Diyaaradii Sadexaad Miig 19 iyo Miig 21 waxayna Markii Horeba la beegsadeeyn Gantaaladii Xaafada Gol- jano . oo aan Anigu Markaas joogay Markaas ..Xaafaddaas Gol-jano ee Idaadada Hargeysa Hoosteeda . Wuxuuna Gantaalkaas hore kalaaftay 8 Caruur ah iyo Hooyadood iyo Sadex Gabdhood iyo 7 qof oo Ehel yihiin ee ku soo qaxay Gurikaas. Maalintaas Waxaan ahaa Gumadkii Gurikaas Tegay Nasiib Daro Waxaanu soo uruurinay Madaxyadii iyo Lafihii Gubtay oo ku Ridan Jawaano >Dabdeed Waxaanu ku AAsanay North Magalada Hargeysa Aanu Isku Nimi Dadkii Meeydka Magaalada Hargeysa ka soo Uruurinayey intii ay Haleeleeyn ay soo Canbaareeyn Dumarkii Gurmad ka ahaa iyo Dhalinyaro Shandado ku soo Ritay Meydkii Suuqyada Wadhanaa . Maalintaas Dadkii waxaa ku dhacay Argagax Dabadeed waxaaa loo Balamay in la xoojiyo Ciidanka Xaq uu Dirirka ee SNM .waxay Nagu Kaliftay Inaanu ka Tul talaasno Meydhkii Diyaaradu lagu Ruseeyey Ummadaas Dagaalkii la Baxay (Nafar WAlaa MASAR) waxana Ooda Jabsaday Ardeydii ,Dhaliyaradii , Dumarkii iyo Reer Guuraakii . · Weerarkii Diyaaradaha Maalintii Labaad ee Naxrristii ay faraha ka baxday /Next day waxaa weerarka ka soo qaab-Galay Miig 19 – iyo Mid MiiG 21 oo duulaanka ka soo qeyb Dadweynihii Xaafadda Dulbuluq oo 6 GANTAAL ku tuurtay Xaafada Gudhac dheer- iyo Beerihii Qadiimka Ahaa ee Dooxa Magaalada Xareerihiisa iyo Ceelashii laga dhaan jiray Dixda Ma Soo koobi karo dadkii meesha ku dhintay (because Iam Crying ) Markii aan Qorayey Taariikhdan . waxaan ku War Helan Qiiqii iyo uuradii Magaalada Qarqisay waxaa ka lumay Caruurtii iyo Waayeelkii dadkiina Nafta ayaa ku dhigtay Maalintaas Magaalada waxaa lagu Tuuray 220 Gantaal oo Cirka ka soo Dhacayey . · Weerarkii Diyaaradaha Maalintii Sadexaad Maalintii Sadexaad Waxaa Qeyb ka qaatataday weerarka dadka lagu Xasuuqayey (Diyaarada (Bombarka ) oo dhulka dhitay Dhamaan DAAraaiihii Waaweynaa iyo Xarumihii ay uu soo Qaxeeyn dadweynuhu . Agagaarka Idaacada Hargeysa , Gudhac –Dheer , New Hargeysa , iyo Laba daamood ee North iyo South Eastand West Qubuladii ugu Horeeysay wuxuu ku Habsaday Jeelka Mag/Hargeysa Dabadiisa wuxuuna Kal-faty 45 Qof aan ka xasuusto Qoys 12 qof ahaa Caruurtii , Hoyadood , iyo Abahood . Isla maalintaas waxaa Hawada Werarka ku Jiray Labo Miig 17 ah iyo MiiG 19 oo Magaalada Hareerahda aaga NAASo Hablood , Dhaamka , Masalla ah Xarf , Geed Deeble iyo Abu Reen Ee Maqaayada INanta . · Gabagebadii Weerarka Diyaaradaha Mudo Bil iyo 29 Cisho ah aay Garaacayeeyn Diyaaradahaasi , Maalintiiba waxay Sameyn jireeyn Diyaaradaahaasi 19 toban Duulimaad (9am ilaa 5 PM ) Waxaayna khaasro Weyn uu Geesteeyn Xoolilihii Noolaaa ee Reer Guuraaga Nawaaxika Gobolka Hargeysa 200 Miles Sq .ila Xadka Ethoopia iyo Xadka Jabuuti , iyo Gobolka Togdheer iyo Saaxil. Dadka ay Xasuuqiin Diyaaradahaasi waxaay Tiradoodu aheeyd 12 ,753 oo Qof (Only) Magaalda Hargeysa Gudaheeda . Magaalada Debedeed waxaa lagu Qiyaasaa 8 Kun oo Qof /// Tirada Xoolaha Nool ay Rusheeyeeyn Diyaaradaasi Nawaaxigeeda Magaalada Geela 244 ,700 Kun , Adiga 220,2800, Loda 195 kun , Dameeraha 12,00 , Fardaha 728 . Marka Laga Reebo Hantida Burburtay EE Muudka ahaa Sida GUryaha dumay ,Baabuurta , Beeraha , Ceelasha , Bergedaha iyo Tuulooyinka Gubtay . Si aad uu Fahantaan kama Hadlayo Xasuuqii lagu Garacayey Dadkaas Madaafiidii 45 Km iyo Qoryaha BMKa oo Ahaa iyo 12 -24 Dhuumoodka ahaa 60km wax ka dila . Xasuuqa dadka loo geestay iyo HAnti laga Burburiyey iyo Intii la bililiqeystay .Isha Alla Dib ayaan ka soo sheegi doonaa ……………………………………………………….. · Aan Dib uu Halacsadee Taariikhadii iyo Sirtii Fashilantay Sunta lagu talo galay in lagu Buufiyo Ummadaas SLD Si aad Fahantaan Weerarka ay Diyaaradaha Somaliya ku Kalifay in lagu Garaaco Dadweynahaas Waxaa jirtay War la Ogyahay Anoo ku Hadlaya Ururka Daba kalga Xasuuqkii ???? loo geestay Ummaadaas sld in la helo .waa waajib inta Nool ay ka mid ahayeen Dhiig yacabadiii Xasuuqaas ka qeyb qaatay aan Cidina Dabooli Karin Shakhsiyaadkii geestay Arrintaas Xasuuqaas iyo Arrinta Go’aamiyey in Sunta lugu Buufiyo Gobolada Waqooyika aaan Beelo lagu Aaneeynin . Arrintaasi Waxaay Dhacday Sandkii Jan 29 1986 waxay soo Abaabuleeyn dawladii Taliskii Siyaad Bare in SUNta lagu Cabeeyo Gantaaladaas ay Xanbaasan yihiin Diyaaradahaasi .Gaar ahaan Diyaarada Nooceedu Yahay MIIG -17 iyo MiiG-19 iyo MIIG 21 .Dabadeed lagu Rusheeyo Ummadaas Markii laga yaabay Xaawliga ay ku Socdaan Jabhada SNM .1980-1986 ee Baroosinka dhigtay iyo Wakiilo koonfur Somaliya // Nasiisb Wanaag waxaa Is Geli- waayey oo Is waafiqi-waayey Tooro-toorihii Cabeeynayey Suntaas iyo Badhankii la Taabanayey Marka AY rideyso Gantaalkaas Sunta Xanbaarsan (Missiles ) Diyaarada vMIIG 17-19 –iyo 21 Ee Sunta lagu shubay .Nasiib Wanaag waxaa ka hor Timi Cilad Xagga Farsamada ah Diyaradaahaas lagu Sameysay (Mechinacal Toy))Diyaaradahaas MiiG 17 iyo MIIG 19 Gantaalkaas (Missiles) EE SUNTA lagu Camcaminayey in uu Xanbaaraan >Suntaas waxaa laga soo Tahriibiyey Dawladii Wadanka CIRAAQ 1986 ee Berikaas Jirtay . waxaana Soo Raray Dawlada Yaman ilaa Magaalada Berbera Ee Somaliland . Waxaana ka Qeyb ka Qaatatay KHubaro Ciidanka ka mid ahaa Dawlada Marsar , Ciraaq , South Afrika iyo Sudaan Arrintaas waxaa soo Abaabulay in Sunta lagu Buufiyo .Taliskii Siyaad bare Nimankii Arrintaas loo Xilsaaray Sirtaas Waxaa ku Jiray NIman Somaliya ah Waxaana ka Nool . MAXAMED ALI SAMATAR OO JOOGA WADANKA Mareeykanka , Janaral MOOGAn oo ku Dhuumnaya Gobolka SHabeelaha Hoose iyo Saraakiil Aanan Hadda Magacooda Sheegeynin ee kala jooga Wadanka London , Norwey , iyo Magaalada Hargeysa /Laakiin Nasiib Wanaag waxaa Xumaatay FARSAMADII . Sidii loogu Cabeeyna lahaa Suntaas GANTAALADA (Missiles 27,500 Pound .)BBt-1251 ) Sanadkii 1986 . Dabadeed Markii lagu Camcamay Gantaalkii ugu horeeyey muu Qarxin (Testing) waxaa Lagu Tijaabiyey Xeebta uu Dhexeeysa Magaalada Berbera iyo Tuulada Karin bishii 29 Jan 1986 . ilaa hadana lagama war Hayo Meel uu Caga dhigtay Gantaalkaasi Sunta Hanbaarsanaa . Markii aanu Badhitaan ka sameynay Khuburadii Dhulka loogu Soo Galay Waxaan Hubaa oo Makhraati ka ahay in la Dul -dhigay Suntaas Markii Danbe intii ka soo Hadhay Xeradii Ciidanka Gantaalada SAAM 1 iyo SAAM 2 ee Magaalada Berbera 1986 . Haddii ay Hagggi laheeyd in Lagu Guuleeysto Suntaas Maanta Cidina kama Noolaateeyn Dhulka Somaliland / Laakiin ILAAHAY baa Inala jiray ) Waana Waajib In ILAAHAY loo SHURI NOQO aad uu Sujuudaan( ILAAHAY ) dhibaatadaas ina soo martay inka dulqaaday oo ku soo Dabaalay NABDAN,iyo BARWAAQADAN aad joogtaan Gaar haan Reer Somaliland. Ilaahayna Waa Idiin Aqoon Sanhay Xidna ha baryina Wa SAlaamo Caleeykum Waxmatulaahi wa baraakaatu >>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>la Soco Qeybta Sadexaad Qore GAR- YAQAAN Cawad Dooyo L/H Wadanka Toronto . ONT.