Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. imika maxaa laga hadlayaa ?
  2. hadhwanaag 2008-02-13 (Hadhwanaagnews) Hargeysa-(HWN):- Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland Md Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Ciro] ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hawl-galkii lagu soo furtay ninkii Jarmalka ahaa Mr.Danial Brow ee shalay lagu qafaashay Deegaanka Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, isla markaana waxa uu cadeeyey oo uu la socodsiiyey Adduun-weynaha in aanay Somaliland ku badbaadi doonin budhcadu awood kasta oo ay leeyihiin. Wasiirku waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, kaas oo uu kaga xor-waramay sidii loo soo furtay ninkaas lagu afduubay degaanka Ceerigaabo iyo xaaladiisu sida ay imika tahay. Waxaana Wasiirku sheegay in si weyn looga hawl-galay sidii looga soo dayn lahaa budhcadii qafaalatay ninkaas Jarmalka ahaa ee la odhan JirayDanial BrowGerman ooka hawlgeli jiray hay’ada Agro Action (GAA) xafiiskeeda Ceerigaabo, isla markaana waxa uu tilmaamay in ay si ballaadhan uga hawl-galeen Maamulka Gobolka Sanaag, Ciimada Qaranka, Ciidanka Booliska ee ka hawl-gala gobolkaas iyo dadweynaha ku dhaqan aagaas. “Sidaad og tihiin shalayto waxaa ka dhacaday Gobolka Sanaag degmasiisa Ceerigaabo dhacdo aad u fool xumayd, oo afduub ahayd, oo Somaliland aan u dhaqan ahayn ama hore aan loogu arag, qof kasta oo reer Somaliland-na meel kasta oo uu joogo ka nixisay, aad iyo aad-na looga xumaaday, werwer badanina dadkii galay.” Ayuu yidhi Md Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Ciro]. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi“Hasayeeshee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, oo ay weheliyaan Ciidanka Booliska, Maamulka Gobolka iyo deegaanka meesha, ayaa waxa ay ilaa xalayto awoodooda saareen iyaga oo aad iyo aad ugu aamaanan, inay hawshaas cagta-cagta u saaraan, waxaanay nimankii [Afduubayaashi] Casarkii ka qabteen Baabuurkii.” Mar uu Wasiirku ka hadalayey wakhtigii gacanta lagu dhigay ninkaa Ajanebiga ah ee kooxdaas budhcada ahi afduubeen, waxa uu yidhi “Ugu dambantii xalay saddexdii ayay gacanta ku dhigeen ninkii Ajanebiga ahaa ee Jarmalka ahaa, ee ay nimankaasi af-duubeen.” “Laba nin oo ka mid ah Budhcadii waa la dhaawacay, hal qorina waa laga hayaa, waana lagu xeersan-yahay, oo imika waa lagu wareegsan yahay, iyada oo dad badan oo deegaanka ahina ka soo qayb-galeen gurmadkii.” Ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Ciro. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cabdilaahi Ciro waxa uu mahadnaq iyo amaan u soo jeediyey Ciidanka Qaranka Somaliland, Tallaabadaas geesinimada leh ee ay ku soo badbaadiyeen ninkaa Ajanebiga ah ee afduubka loogu haystay. “Waxaan ammaanayaa Ciidanka Qaranka Somaliland, oo aan leeyahay geesinimo ayaad muujiseen iyo sidaa aad ugu hiilseen markiiba Ummadii, sumcadii dalkana aad kolkiiba tusteen Adduun-weynaha, iyo in Ciidanka Qaranku cadaw gudeed iyo mid dibad-ba in uu tallaabo adag ka qaadi karo.” Sidaa ayuu yidhi Md Cabdilaahi Ciro Sidoo kale waxa uu Wasiirku mahadnaq u soo jeediyey Maamulka iyo dadweynaha Gobolka Sanaag, sida qiimaha leh ee ay uga qayb qaateen soo daynta ninkaas Jarmanla ah. Waxaana Wasiirku sheegay in xaalada ninkaasi ay wanaagsan tahay, oo uu wakhtigan ceerigaabo ku sugan yahay, isla markaana ku faraxsan yahay sii dayntiisa iyo sida wanaagsan ee looga hawl-galay soo furashadiisa. Ugu dambayntii Wasiirku waxa uu Adduun-weynaha ugu baaqay, oo uu yidhi “Adduun-weynaha iyo dadkaba waxaanu u sheegaynaa in aanay halkan [somaliland] budhcad ku badbaadi doonin, tamartay doonaan-ba ha la haadaane, Ciimadayada amniguna ay diyaar u yihiin in ay ku dhuftaan. Hadalkan Wasiirka ayaa ka danbeeyey kadib markii shalay Sarkaal ka tirsan hay’ada German Agro Action (GAA) xafiiskeeda Ceerigaabo, shalay lagu afduubay tuulada Rugey oo ku taala jidka u dhaxeeya Ceergaabo iyo degmada Maydh oo ka tirsan gobolka sanaag. Hadhwanaagnews.com/Office Hargeysa/Somaliland.
  3. waar ninkan aad sheegayso adigaaba ka daran ma is tidhi ?? ,,,, cayda jooji sxb ,,,,,, you can attack his ideas and personality but not his mother
  4. Yaa meel ku sheegaya dee ,,, kolay meel buu matag iyo shuban la fadhiyaaye ,, waxaan maqlay waxa lagu yidhi musqusha ha ka fogaanin ,,,
  5. loooooooooooool@blessed ,,, Well, i'm receiving calls and msgs that there are a hell of parties this time in hargeisa ,, almost everywhere ,,,,
  6. Yes, there is only 100,000 in Somaliland while the puntland households are slightly more than 12 Million ,,,,,,,,,, big big difference really ,,
  7. Originally posted by I_will_come_up_with_new_name: quote: 4. Drink more tea. Men who drink 2 cups of tea a day are 25 percent less likely to die of heart disease than guys who rarely touch the stuff. The reason: flavonoids in the tea, which not only improve blood vessels' ability to relax, but also thin the blood, reducing clotting. 5. Touch her. Ten minutes of skin-to-skin contact (hand-holding, hugs) with your mate can help keep your blood pressure and pulse from spiking during stressful times, according to University of North Carolina researchers. 7. Pair up. Married men are less likely to die of heart disease than bachelors. Scientists looked at men with mildly high blood pressure and found that after 3 years of marriage, the happily married men had healthier hearts than their unmarried brothers. . I would agree on these three things ,,,,, the rest are total bullshitttt
  8. Ceerigaabo(Qaran)-War saxaafadeed ku saabsan afduudbii loo geystey hawl wadeenkii hay’adda German Agro Action oo ka hawl gasha magaalada Ceerigaabo waxaa uu u dhacay sidatan: . Waad ka warqabtaan wixi dhacay hadana warbixin ayaan idinka siinayaa. Waxaan u sadcaalay 12 February 2008 (shalay) dhinaca xeebta ee jidka Tabca, ka dib markaan laba saac soconay (abaaro 8:00), waxaan garawsanay in khatari na soo foodsaartay, halkaas oo niman tiradoodu dhan tahay oo ku hubaysan qoryaha noocooda loo yaqaano (AK 47) ay naga heleen, halkaas oo ay nala socdeen ciidanka SPU-da Somaliland kuwaas oo ay ka badnaayeen nimanka hubaysan ee jidgooyada noo galay, markaas dhankayaga inaan khatar galyo ayaan diidnay waxaana weydiinay waxa ay doonayaan, markaa waxay noo sheegeen inay aniga (Daniel Bronkal) i doonayaan. Waxaan aad ugu faraxsanahay ciidanka Somaliland oo taageerayey arimahayga ama badbaadintayda, dhanka kale nimanka (nimanka afduubka geystey), aad ayey u kacsanaayeen, taas oo sababtay in derewalkayagii la dhaawaco, dhaawacaas oo sahlan, iyo in gaadhigayagii oo laba xabadood soo gaadheen oo iyana sahlani. Marka xaaladu halkaas maraysay waxaan go’aansadayinaan isu dhiibo nimankii hubaysnaa (afduubayaasha). Shaqaalahaygii dib ayey u noqdeen aniguna (Daniel Bronkal) gaadhiga nimankii hubaysnaa ayaan raacay ilaa 2 saacadood, oo u soconay dhanka bari, waxaa layga xidhay indhaha, waxaana la iga qaaday baasaboorkii iyo mindidii gacanta laakiin saacada maya, waxaana la ii xidhay go’ cad. Waxay dadka weydiinayeen (afduubayaashu) meesha ay tahay Xarshaw, gaadhigiina waxaan kaga tagnay meel dhexe ilaa aan gaadhaynay Xarshaw. Markii hore waxaan u kacnay dhinaca bariga markii danbana dhinaca waqooyiga tog ayaana dhex maraynay (Daniel iyo afduubayaasha). Mudadii lay haystay si wanaagsan ayaa layla dhaqmayeye cunto iyo biyo ayaa lay siinayey, horena umaasan arag nimankan afduubka ii geystey isla markaasna waxay la xidhiidhayeen Satellite-ka( mobile-ka satellite-ka lagu hago), waxaana la ka mid ahaa nimankaas (afduubayaasha) laba nin oo ingriisida yaqaana, waxayna ii sheegeen in qorshuhu yahay in laba maalmood aan socdaal ku jirayno ka dibna doon la isaarayo. Ma cabiri karo in ay ahaayeen kuwo diimeed ama siyaasadeed lakiin waxaan filayaa inay ahaayeen (afduubayaashu) kuwo madax furasho doonaya, shalay habeenimadii (12 February 2008), ayaan gaadhnay gaadhnay halkii ay beegsanayeen, waxaana u tagnay reer halkaasoo aniga (Daniel Bronkal) iyo nimankii (afduubayaasha ahaa) reer xoolo dhaqata ah halkaa oo aniga la i geeyey meel sare (meel ka sareysa guriga halka gurigu ku yaalo), iyaguna hoos ugu dhaadhaceen guriga si ay cunto noogu soo qaadaan, ka dib markii cuntadii aan la noo keenay oo aanu cunay aniga waxaa laygu amray inaan seexdo, ka dib saacad mudadii aan hurday waxaan maqlay rasaas ka soo dhacaysa dhanka xigta gurigii cuntada la nooga keenay, ka dib markii rasaaso la is weydaarsaday waxaa cararay nimankii i haystay (afduubay), aniga keligay ayaana ku soo hadhay meeshii, meeshaas oo ay iigu yimaadeen ciidamadii Somaliland, oo isu kay sheegay, waxayna ii ka xeeyeen tuulada Xarshaw, waxayna ii sheegeen in ciidamada Somaliland ay joogaan dhamaan aagaas, markaas ayaan dhawr meelood ku sii nasanay, waxaana lay sheegay in dadkaasi dadka degan aagaasi (reer miyiga ku dhaqan aaga laga afduubay hawl wadeenka GAA) ay ka caawinayeen ciidanka badbaadintayda. Markii ciidan Somaliland i soo badbaadiyeen ciidanka intiisi kale waxay hawshoodi ka sii wateen halkoodi marka laga reebo lix (6) askari ee isoo badbaadiyey, weyna ku mahadsanaayeen inay si degdega ii keenaan, taaasna waxaa ku jirtay nabadgelyada iyo badbaadayda. Habeenkaas xalay (12 February 2008), waxaan seexday Laasa-surad, anagoo u soo jeedna dhanka magaalada Ceerigaabo iyadoo dadkuna aad noo caawinayeen (Daniel iyo ciidanka), maamulka gobolka (Badhasaab ku xigeenka, Maayirka, Taliyaha militeriga ee aaga sadexaad iyo dadweyne kale oo kala duwan) ay nagaga hor yimaadeen tuulada Karin halkaas oo ay nagu soo dhoweyeen, ka dibna waxaan nimi magaalada Ceerigaabo, halkaas oo dadweynaha reer Ceerigaabo ay noogu soo dhoweeyeen si diiran oo farxadi ku dheehantahay. Waxaan filayaa in dhacdadan aanay ku jirin dadka reer Somaliland. Warbixintaas ka dib ayaan waydiiyey in maadaama ay hayadu ahayd hayad sama fal oo hawlo ka waday gobolka Sanaag oo dadkaas caawinaysay in maadaama iminka afduub loo geystay nasiib wanaagna la soo badbaadiyey qorshihiisa kan ku xigaa waxa uu yahay? Waxaa uu iigu jawaabay Daniel Bronka hawl wadeenka hay’ada German Agro Action “in uu jecel yahay in hawshii halkaas ka sii socoto, laakiin uusan lahayn go’aanka oo uu wada tashi la gelayo hawl wadeenka hay’ada GAA ee heer gobol (regional coordinator) oo ka imanaya Ethiopia oo ay ka wada tashanayaan” waxaa kale oo uu noo sheegay in uu aadayo Germany mudooyinka inagu soo aadan. Ugu danbayntii su’aal laga weydiiyey xilka iyo dadaalka ay iska saareen ciidanka qaranka Somaliland soo badbaadintiisa wuxuu noo sheegay (saxaafada) in uu u arko in ciidanku ay hayaan niyadii, rabitaankii iyo rajadiiba laakiin uuna aad uga mahad celinayo hawl galkoodi, wuxuuna sheegay in qalabka iyo agabka ay isticmaalayaan uu ku xadidnaa halkaas oo ka filayo in ay hayaduhu ka caawin doonaan. Warsaxaafadeedkaas ka dib waxaan waraysi la yeeshay qaar ka mid ah ciidamadii soo badbaadiyey hawl wadeenka hay’ada GAA Daniel Bronkal, noo sheegeen in ciidamadu ay heleen gaadhi noociisu yahay (surf) oo ay kaga tageen aaga u dhaw xeebta, ka dibna waxay reerbaadiyuhu u sheegay in gaadhiga ay wateen 5 nin oo nin cad watey ayna kala bexeen buurta, socdaalkoodi ayey hore u sii wateen (ciidanku) waxayna la kulmeen gabadh, gabadhaas oo u sheegtay in nimankaas oo wata ninkaas cadaanka ah ay jid isaga hor yimaadeen ayna hore u sii xuleen tog u dhowaa halka ay marayeen, 6-dii askari oo ay hagayaan laba nin oo reer miyi ah ayaa togii tilmaanta lagu siiyey sii xulay waxayna heleen raadkoodi, waxayna sii wateen socdaalkoodi iyagoo helay raadkoodi, ka dibna way sii socdeen habeenkiina waa ugu dumay waxayna abaaro (7:40 PM 12, February 2008), ka dibna waxaanu aragnay guri ay degan yihiin reer baadiye iyo dab ka sii durugsan iyo sawaxan ka baxayaa, isla markaana waxaan fahamnay in nimankii afduubayaasha ay yihiin, waxaan u dirnay sahan reerka weydiinaya xoolo soo lumay, sahankiina wuxuu soo sugay in ay yihiin nimankii afduubka geystay, meel ka durugsan reerkaa dabka ku shidanayaa, ka dibna ay arkeen in ninkii cadaanka ahaa oo huwan maro cad uu hurdo meel ardaa ah oo agtooda ah, ka dibna waxaan go’aansanay inaanu ka soo weerarno dhinaca ninku jiifo oo aananu jaanis siin isla markiibana waxaan ku bilownay rasaas anagoo xagiisa kaga nimi kadibna wey yaaceen mid baana isku deyey inuu xaga ninka soo qabto ka dibna ninkii waan dhaawacnay isagoo qaylinayana dib ayuu nimankii uga daba cararay isagoo ninkaas dhaawaca ahi qorigiisi ka cararay halkaasna aan ugu tagnay ninkii cadaanka ahaa, una sheegnay inaan nahay ciidankii jamhuuriyadda Somaliland. Sanag.org
  9. You better come first and make a one week assessment before you move to SL ,,,,,,
  10. looooooooool ,,,, waar odaygii miyaa la waayayba ???
  11. The Historic Meeting between the Somaliland Cross-parliamentary members and UKs All-Party Parliamentary Group The Somaliland Cross-parliamentary Group (CPG) which consists of 15 members has met with the UKs All-Party Parliamentary Group (APPG) on Wednesday the 6th of February 2007 at the House of Commons. APPG composed of politicians from all political parties including members of the House of Commons and the House of Lords. The representative of APPG consists of RH Mr. Allum Michael MP, RH Mrs. Kerry McCarty, RH Mr. Clive Betts, and Lord Anderson. Also Mark Malloch-Brown the minister for Africa was presented in the meeting. Other honorable guests invited and present in the meeting included, all the three national Parties namely, UDUB, Kulmiye and UCID. Non-governmental organizations, such as Somaliland Focus Group, Progressio, Academy of Science and Development (AOSAD), Somaliland Society Europe, Somaliland Democratic Network, Anglo-Somali Society, Somaliland International Recognition Action Group (SIRAG) and West London Somaliland Community and others. The CPG express gratitude to the APPG for facilitating this meeting for visiting Somaliland last year. The CPG representatives have welcomed the dialog and holding such meetings in order to take the Somaliland issues to the appropriate international audience to seek that long awaited recognition. The CPG members have solicited the UK government to take forward the recent bilateral developments in Somaliland both the previous meetings with the President Mr. Dahir Rayaale and his delegation and the current meeting today, particularly the Prime Minister Browns pledges to support Somaliland both in technical reconstruction efforts and maintenance democratic institutions in Somaliland. Lord Mark Malloch-Brown expressed his appreciation of the arrival of Somalilands CPG members and their acceptance of the invitation in order continues the British Governments historical ties with Somaliland. Lord Malloch-Brown has emphasized the fact that UK Government has rewarded Somalilands democracy with 40% of the Aid to former Somalia, approximately eight Million goes to Somaliland to continue in strengthening the democratic efforts and in building necessary the institutions. In addition the Lord has echoed sense of concerns over the growing terrorism movements in the neighbouring Southern parts of Somalia and the current upsurge of ships abducted by pundits of Puntland. He continue to argue that the UKs current position of the issue of recognition is that recognition must first be supported by members of the African States and in this UK government shall endeavor to support Somaliland by engaging with African states. However, the successful implementation of democratic principles in Somaliland is a remarkable by any standards and must be applauded. Furthermore, Human rights organizations, pressure groups and other international organizations are relatively monitoring and have an eye with interest the Somaliland progressive steps. Therefore it is crucial to maintain the high standards set you have set your selves. Mr. Allum Michael has reverberated and commended the Somaliland, its Citizens and Parties in making what Somaliland is today. Michael has informed the members about the recent visit to Somaliland by the APPG and follow on report which is due to be submitted to the Government. The report contains the success stories of Somaliland in terms elections and the need for infrastructure assistance in Roads, Port of Berbera and Communications development in Somaliland Several questions were put to the APPG by audience and participants in terms of need for the UK to support Somaliland. Indeed, this was a historic meeting and the conclusions which can be drawn from this meeting are that Somaliland has overcame many obstacles and barriers, however, it seems that further tests remained. The APPG signified that everything rests on the maintenance of the democratic principles and upholding the rule of law. Particularly, the world is waiting in anticipation the upcoming presidential elections due in August 2008. No doubt that Somaliland has attracted the eyes of the key international players and at last full international recognition is on the verge. Dr. Osman Warsame Hinaa
  12. It's freezing here ,,,,,,,,,,,,,,, even the shaah is not keeping me warm. Ok , i can't type more than that coz my fingers are just BARAF ,
  13. Just like the affects it made in your mind ,,,, yours is probably Psychological
  14. and what does the smile tell you ??
  15. Well, he has been freed early this morning ,,,, two of the gangs have been enjured and the police are hunting the rest.
  16. looooooooooooooool@hilib baan xiligaa ka dhergay ,, actually i'm sleeping as i'm typing ,,,,,,, maantaan hilib ka dhergay anigu lakin imika gaajaa i haysa ,,,,,
  17. loooooooool@Bob ,,,,,,,,,,,,, waar niyow bal u kaadi ,, Malika i have a copy of your request to attend that house party ,,, stop talking or i'll post it here ,, Aaliyah ,,,
  18. It is not too late here ,,,, have u ever heard HABEEN KAAMA TEGIN ?? ,,, that is a femous story in Berbera ,, Now ,,,, i really want to sleep but i'm lost here in SOL ,,, sometimes i don't know if i'm in SOL or in the facebook ,,,, way isku qasmeenba
  19. He can't control himself once he heard Somaliland dee ,,, in that case he can be excused as marfuuc qalam ,,
  20. loooooooooooooooooooool Btw ,, that is how Mr. Me understand things ,,,,
  21. Hargeysa, (Harowo) - Agaasimaha guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Md: Axmed Aadan Ismaaciil (keyse) ayaa ayaa ka gudoomay Caaqil C/Laahi Caraale Cawshaan waraaqihii aqoonsi ee Caaqilnimo oo ay hore u siisay Wasaaradda Arimaha Guduhu ka dib markii uu Caaqilkaasi iska casilay xilkii caaqil nimo isla markaana waxa uu ka aqbalay istiqaaladaas. Xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay Iscasilaada madaxdhaqameedkaas oo ah tii ugu horaysay nooceeda ee ka dhacda dalka ayna ka soo qayb galeen, Agaasimaha Wasaaradda Arimaha Gudaha, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, Wax garad iyo Cuqaal kale. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha oo halkaa ugu horayn ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada maanta halkan laysugu yimiday tahay arin ku dayasho mudan oo sida uu tilmaamay aanu nooceeda oo kale hore u arag, waxaanu ku bilaabay hadalkiisii “Aad iyo aad baan ugu mahad celinayaa dhamaan cuqaasha iyo Caaqil C/laahi Caraale Cawshaan, ujeedada halkan la iskugu yimidna waxay ahayd arrin ku dayasho mudan oo intii aan joogay iyo intii aanu is waydiinayba aan hore u dhicin, taas oo ah nin caaqil ah oo cumaamad qaatay oo ku shaqeeyay Wasaaradda Arimaha Gudaha ka diiwaan gashan oo in muddo ah ku dhex jiray reerka ka tanaasula caaqil nimada, waxanu u aragnaa in ay tahay arin muhiim ah.” Ayuu yidhi Agaasimuhu. Agaasimuhu isagoo sii wata hadalkiisa waxa kaloo uu ka hadlay cuqaasha faraha badan ee Reeruhu keenaan waxaanu yidhi: “Cuqaalaha kale ee reeraha laga daba keenay ama cuqaalaha badan ee reeruhu samaysteen ee reeraha khilaafka dhex dhigay inay tanoo kale sameeyaan ama ku dayan karaan, markii keyse iyo xisaabiyaha guud ee sheegeen waxaan is idhi waa arin riyo ah sababtoo ah maynu arag oo waa wax naadir ah nin intuu cumaamad qaatay, Suladaan noqday ama Caaqil noqday oo yidhi waan ka tanaasulay maynu arag, laakiin taariikhdaa waxa beeniyay C/laahi Caraale Cawshaan iyo gudidii ka soo shaqaysay, waxaanay nagu kaliftay in aan saxaafadda u marino si cuqaalada kale ay ugu daydaan. C/laahi Caraale gali doono taariikhda Madax dhaqameedyada” Ayuu yidhi Agaasimaha guud. Caaqilkii is casilay Caaqil: C/aahi Caraale Cawshaan oo isna halkaa ka hadlay ayaa ka waramay sobobta ku dhalisay in uu sidan yeelo waxanu hadalkiisii ku bilaabay “Anigu Caaqil baan ahaa, Caaqil iga horeeyayna Reerku wuu lahaa, Reerkii waxa soo dhex galay woxogaa qalaan qal ah reerkiina kala tagistiisu dawo maaha, waxa dawo ah marka reerku wada socdo oo aan qalaanqalna jirin dhexdooda, hadaba markii qalaan qalkaasi na soo dhex galay ayaan go’aansaday waxaanan taydii ka door biday tii reerka oo dantu ku jirtay.” Ayuu yidhi C/laahi Caraale. C/laahi Caraale waxa uu tilmaamay in uu sidan u sameeyay in Reerku isku duubnaado isaga oo hadalka sii watana waxa uu intaa ku daray “Hadii aan anigu caaqil nimada haysto oo reerkaygu kala tago dawo ii noqon mayso, halkaasaanan tanaasul ku sameeyey, Ugu dambayntii waxaan leeyhay kuwa iga dambeeya sidaa si leeg sameeya”. Ugu dambayntii waxa halkaa ka hadalay odayaashii soo qaban qaabiyay hawshan oo dhamaantood sheegay muhiimada ay leedahay isku tanaasulka uu sameeyay Caaqilku.
  22. Hargeysa (Somaliland.org) - Hay’adda caalamiga ah ee Duullimaadyada iyo socdaalka rayidka (ICAO) ayaa joojisey dhammaan shaqadii ay ka haysey madaarada dalka, kadib markii khilaaf soo kala dhexgalay iyaga iyo wasaaradda Duulista Hawada oo ay wada shaqaynayeen hay’addaas. Warar soo baxay kadib markii hay’adda ICAO ay joojisey shaqada Sabtidii dorraad, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ku amartay masuuliyiinta hay’addaas inay ka baxaan dalka, shaqadana ay joojiyaan, taas oo ka dambeysey khilaaf muddo soo jiitamayey oo ku saabsan dhinaca dhaqaalaha oo u dhexeeyey hay’adda iyo Wasaaradda Duulista Hawada. Hase yeeshee, Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, mudane Cali Maxamed Warancadde ayaa warbaahinta u sheegay in masuuliyiintii hay’addaasi ay iyagu joojiyeen shaqadii ay ka hayeen dalka, isla markaana ay cadho dalka kaga baxeen kadib, markii aanu ku canaananay ayuu yidhi in ay gabeen shaqadii ay ahayd inay madaarada dalka ka qabtaan. “Dabadeed, niman lala hadli jiray maahee intii bay dhibsadeen, ka dibna shaqaalihii ayay ku yidhaahdeen joojiya shaqada, hada ka horna sidan oo kale way nagu sameeyeen oo markii shaqada madaarka habeenimada lagu daray ayay iyaga oo ku andocoonaya dhaqaale uma hayno hawsha habeenkii, taana immika wasaarada ayaa qabata,” ayuu yidhi Wasiirku. Wasiirka oo la weydiiyey inay iyagu dalka ka eryeen madaxdii hay’adda, waxa uu sheegay in aanay eryin, balse, uu warqad ugu dhiibay madaxda ka sarraysa oo jooga xaruntooda Nairobi, taas oo uu sheegay in nuxurka ay xambaarsanayd ay ahayd in ay soo kala caddeeyaan inay wax ka qabanayaan madaarada dalka iyo inay iska baxayaan. Waxana uu sheegay in waxa ay ka dalbanayaan ay tahay lacag badan oo ay Somaliland leedahay oo ay hay’addaasi hayso inay dalka wax ugu qabtaan. Lacagtan khilaafku ka dhashay oo ah khidmadda laga qaado diyaaradaha hawada Somaliland mara waxa qabata hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Horumarinta ee UNDP oo ka masuul ah hawada dalkii burburay ee Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland, iyada oo hay’adda ICOA-na ay u joogtey dalka la socodka iyo hagista diyaaradaha maraya hawada Somaliland iyo horumarinta Madaarada iyo adeegyadooda, iyada oo hawlahaas ku fulisa ama ku shaqaysa lacagta laga qaado diyaaradaha mara hawada Somaliland ee ay qabato UNDP. Hase yeeshee, maadaama aan la aqoonsanayn dowladnimada Somaliland, lacagta laga qaado diyaaradaha mara hawada Somaliland waxay ka mid tahay lacagta loo hayo Soomaaliya, waxaana kasoo gaadha Somaliland wax fara-guudkood ah oo soo mara hay’adda ICAO. Wasiirku waxa uu ku doodayaa in lacag ilaa 4 Milyan oo doolar ah ay hay’addaasi hayso, taas oo uu sheegay in 70% laga qaaday diyaaradaha mara hawada Somaliland. Waxana uu xusay in muddo dheerba khilaafka ku saabsan lacagtaasi uu u dhexeeyey xukuumadda iyo hay’adda ICAO, isla markaana Wasaaraddu ka tabaabushaysatay sidii ay uga maarmi lahayd hay’addaas. C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.
  23. hadhwanaag 2008-02-12 (Hadhwanaagnews) Ceerigaabo(HWN) Sarkaal ka tirsan hay'ad dhinaca Beeraha ka shaqaysa oo la yidhaahdo German Agro Action (GAA) xafiiskeeda Ceerigaabo, ayaa saaka lagu afduubay tuulada Rugey oo ku taala jidka u dhaxeeya Ceergaabo iyo degmada Maydh oo ka tirsan gobolka sanaag. Sarkaalkaas la afduubay oo la odhan jiray Danial Brow oo ahaa isuduwaha barnaamuj mashaariiceed oo ay jiidahaasi ka wadeen oo ay kormeer shaqo ku tageen, waxaana sarkaalka wehelinaysay gabadh ajanebiya oo iyaduna ka tirsan hay'adaas [GAA], balse iyada may kaxeysanin Sida ay tibaxayaan warar xog-ogaala oo aan ka helnay gobolka Sanaag inay dableydaas hubeysan ay ka dhawaceen darawalkii gaadhiga lugta, isla markaana ay rasaas huwiyeen mishiinka gaadhiga, kadibna ay afduubeen sarkaalka Danial Brow, Ilaa imika lama garanayo sababta keentay afduubkaas Duqa Magaalada Ceergaabo Md Ismaaciil Xaaji Nuur oo ay weheliyaan Ciidamo Boolis ah ayaa la sheegay inay ka dabatageen dablaydaas afduubtay sarkaalka GAA, waxa kale oo Maamulka gobolka Sanaag sheegay inay xidheen Xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland oo ay imika ku dhaqaajiyeen Malatariga Somalialnd kumanaan ka tirsan Ciimada bileyska Ceergaabo, waxaana la naawilayaa inuu duqu kaalin -mug leh ka qaadan doono soodeynta sarkaalka ajanabiga ah Hay'adan GAA,oo ah hay'ad jarmal ah ayaa mudooyinkan u dambeeyay ka hawlgalaysay degaankaas,iyagoo ka shaqaynaysay dhinaca Beeraha. Waana markii ugu horeysay ee deegaankaas ka dhacdo dhacdadan afduubka oo kale