Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. Mr Adrew Gibson oo ah Agaasimaha xarunta caanka ah ee la talinta iyo guryaha dalxiska oo magaceeda la yidhaahdo Direct Holiday Brookygs, Internetka dhexdiisa ah ayaa Warsaxaafadeed ay soo saartay shalay waxa uu baaqday dalxiisayaasha caalamka in ay wakhtiyada fasaxooda ku qaataan dalka Somaliland. Warsaxaafadeedkan ayaa Agaasimaha xaruntan caalamiga ah ee la talinta dalxiisayaasha Caalamka Mr Gibson waxa uu yidhi ‘’Somaliland waa dal African ah oo ku yaal Geeska Afrika , dalkan o ah maxmiyadii hore ingiriiska ayaa ku fadhiya dhul cabirkiisu dhan yahay 68,000 Laba Jibaaran Miles , waxaanu xad la wadaagaa dhinaca koonfureed iyo galbeed dalka Itoobiya, Dhinaca Woqooyi galbeedna dalka Jabuuti , dhinaca Barina waxa uu xad la wadaagaa Soomaaliya , iyadoo dhinaca woqooyina uu ku kulaalayo badda cas iyo gacanta cadmeed. Dalkani waxa uu leeyahay gobo ku haboon dalxiiska iyo meelo kale oo soo jiidanaya booqashooyinka dalxiisayaasha , caasimada dalkani waa Hargeysa , guud ahaan Somaliland waa dhul nabad gelyo ah oo bartilmaameed u noqonaya dalxiisayasha , waxaanu dalkani ku yaal madaxafiyo ay ka buuxaan dahqanka hodanka ah ee dalka Somaliland, dalxiisayaasha waxa kale oo ay xiiseeyaan ugaadh noocyo tiro badan ka kooban o laga helo Somaliland. Sidoo kale waxa ay Somaliland leedahay gobo badan oo taariikh ah lagana raad raaci karo aqoonta ilbaxnimooyinkii hore ee caalamka waxaan goobahaasi ka mid ah Laas geel oo ay ku yaalaan godad ay ku xardhan yihiin dhaqamadii iyo xadaaradihii hore ee casrigii Neobithice. Waxa ku yaala Somaliland gagooyin diyaaradeed oo acaalami ah , gaar ahaan Hargeysa iyo Berbera , sidaa darteed dalxiisayaasha caalamka ayaa lagu dhiiri gelinayaa in ay yimaadaan dalka curdinka ah ee Somaliland’’. Source Jamhuriya
  2. Not to be moved ,,,, but it can be copied ,,, we need it here as well ,,,,
  3. Hornafrique = Gedo ,,,, waar bal ii waran sxb ?? ,,, beryahaa waa lagu waayaye
  4. Are you telling me your heart is better than my land ?? ,,,, how so ?? ,,,
  5. And the xabashis have the right to spray ppl coz it is called "self-defense" .....
  6. NAIROBI, 30 April 2008 (IRIN) - Extensive drought and high inflation in the northern Togdheer region of the self-declared republic of Somaliland have pushed many families, both nomadic and urban, to the brink of starvation, local officials told IRIN. "People are suffering not only from the drought but also from a very high level of inflation, putting food out of the reach of many people," Jama Abdillahi, governor of Togdheer region, told IRIN on 30 April. About 350,000 people live in the Togdheer area. Abdillahi said its residents have "a foot in the rural areas and a foot in the urban areas. In the past, if the situation in the rural areas was bad, urban dwellers would help, but the problem now is both are suffering and cannot help each other," he said. He added that those living in the drought-affected areas had lost most, if not all, of their livestock and had now moved to towns. "Every town in Togdheer is hosting hundreds of families who have left after losing all their animals," said Abdillahi. He said even camels were dying, "a sure sign that things have reached their worst". He said reports of people dying were reaching his office. "Two people are reported to have died in Duruqsi [90km northwest of Burao] and a small girl died in Sharaar [60km northeast]," he said. The governor said Somaliland authorities and the local population had done all they could to help "but we have exhausted our capacity and are no longer able to do much more". He said the situation was desperate, with inadequate pasture and water for remaining livestock and the consequent destitution of many families. He said the remaining livestock was so weak "that the rains may kill what is left". A local journalist in Burao, the regional capital, told IRIN that even if the rains came as expected, it would not do much good to those who had lost everything. "If the rains come now they may do more harm than good," said Sidiq Yusuf. Inflation worries Yusuf said the high inflation in the country was making matters worse. He said there were families who could not eat more than once a day due to the high cost of commodities. Keysi Mahamud, a businessman in Burao, said the price of 50kg of rice had risen to US$40 against $17 a year ago, while a 50kg bag of flour was $39 from $21 in April 2007. He said the price of a 200-litre drum of diesel fuel was $215 from $132 a year ago. He said prices were forcing many people to buy sometimes 50 to 70 percent less than what they would normally buy while inflation was pushing many families close to starvation, he said.
  7. Good for Africa ,, i hope they will not fight over it.
  8. Wax aan laga go'i karin ma jiraan ,,,,, i think i should try it and show ppl that i can quit ...
  9. Tell him he doesn't have a place in Somaliland ...
  10. ADADO, 30 April 2008 (IRIN) - Together with hundreds of other drought-stricken residents of central Somalia, Fadumo Hussein, 35, arrived in the town of Adado on 28 April with her seven children, weak from lack of food and water. She and her family lost all their livestock - 150 goats and sheep and three transport camels. Rescuers, sent by elders to the surrounding villages, had picked her up from her homestead, half a day's walk from the town. She is now living in a makeshift camp for nomads who lost their livestock on the outskirts of Adado, in Galgadud region, central Somalia. "We lost the camels three days ago. The goats and sheep were already gone. My husband walked to Adado to get some help but he collapsed on the way and was found by the people from the town. He is alive. "We would have left earlier but were afraid the children might not survive such a walk. "We were brought here yesterday [28 April] with another five families who also lost their livestock. We came with nothing. Last night we spent under a tree. "The townspeople are today trying to set up a temporary shelter but there are so many of us so I don't know if we will get one or not but at least we have water. It is as if everybody in Badiyaha [rural area] has moved to town. "Three of my children are sick and I am worried they will not survive. We have had one meal since we arrived, but it is still better than nothing. "I don't know what we will do now. The life we knew is over and I don't know what to expect next. I cannot imagine going back [to her rural home]. There is nothing to go back to. Staying there would have meant certain death for the children and probably for us too. "All I want now is for my children to grow up and not be hungry or thirsty all the time. "God willing, and if we get some help, I want my children to go and learn so they can have a better life than we had and don't have to experience this kind of life."
  11. Haye ,, afsoomaali ma lagu sheegi karaa alaabtaas ??? ,, Never heard of it .....
  12. You simply need to learn the religion to get out of the confusion ,,,,, that is why it is important for eveybody to learn something, at least something so that he/she can go to the library and make a research on specific subject to help him/her make his/her decision. Juwairiah, i don't understand that condition ,,, why looking at her hair (or elsewhere) if he is going to marry her anyways ??? ,,, looking at those places is to help him make the decision if he likes her or not ,,,,
  13. loooooooooooooooooooooool ,,,,
  14. Maalintii la ii keenay waxa aan mooday in ay miridh kasta wax noqon karto. Waxa la iigu dhiibay kartuush si cad loogu muujiyay ‘Walax jabi og, fadlan dhankan u taag’. Tabtii la iigu sheegay, ee aan farriinta meesha ku qoranna ka akhriyay ayaan kartuushkii u qotomiyay. Habeenkii koowaad ee kartuushkaasi u hoydo dukaankayga il iyo baal isuma keenin, waan werweray, aroortiina neef weyn baa iga soo boodday markaan hubsaday inuu weli halkiisii yaallo oo sidii kor ugu jeedo. Habeenkii xigay tabtii oo kale, oo kii xigay, oo toddobaad iyo mid kale, iyo bil iyo sannad iyo sannado badan, kartuushkii halkiisii uun buu soo yaallaa, kor u jeedaa, waxba kuma kordhaan waxna kama dhacaan. Aroortii dambe ayaa waxa booqasho kedis ah iigu yimi Fajac, oday aannu weligayo jaar ahayn se aan meheradda sidii aan u furay food soo gelin. Waa Fajac oo naaxay, aad u naaxay, kolkii hore inuu bararay ayaan mooday, markii se aan neefneefsigiisa iyo kelyaha xaydhu haraacyaynayso arkay ayaan gartay sida xaajo tahay, ninkuba wuxuu la cifanayaa baruur. “Waar Daahir bal warran?” ayuu cod dirqi kaga soo baxay igu bariidshay, oo kadinkii dukaanka isku soo maqiiqay. “Waa nabad Fajac ee soo dhaaf” “Oo maxaan soo dhaafaa meeshu waa cidhiidhiye, maxaad albaabka intan le’eg meheradda ugu samaysay?” ayuu isaga oo hadba sin kadinkii ku soo jujuubaya yidhi. Waxa aan ku sigtay inaan idhaahdo ‘adigu maxaad sidaas ugu naaxday? Sow tan magaaladu wada caatada engegan ah, ma guurti baad noqotay?’ Haddana kuma aan dhicin, waxa aan is idhi ninkaas macmiisha cusub ah ha iska eryin, waxa kale oo aan ka werweray in aan nabadda dukaanku hayo waxyeelleeyo. “Soo fadhiiso Fajac” ayaan ku idhi oo caagad kuwa saliidda ah oo ii kursi ahayd uga kacay. “Waar miyaan meesha kursi kuu oollin?” ayuu igu yidhi. “Maya, laakiin jawaan baan dhulka kuu gogli karaa” “Sidaas baa la qaatay” intuu yidhi ayuu isaga oo gacantiisa midig cuskanaya sidii dayuuradihii Ruushka ee taangiyada waaweyn qaadi jiray si laxaad leh, se hab iyo maamul ka muuqdo dhulka u badhi dhigtay. Uuuuf! Naqas baa iga soo booday, in odaygaas dhulka ku sii socdaa habaas kiciyo oo habaaskaasi nabadda kartuushka shelefka saaran ku jirta waxyeelleeyo ayaan ka baqayay, ma se dhicin. Mijin xun oo baarixi u eg ayuu docda kala soo baxay oo halkan barbarkiisa ah ku daadsaday. Intii uu meesha fadhiyay qof keli ahi dukaanka ma soo gelin kolka laga reebo gabadh xarragoonaysa oo afka iyo wejigaba casaysatay oo intay soo gashay xammuurad, diyaana iyo qasil i weydiisay, markaan idhi ma hayona degdeg u baxday. “Ma Xaraf baan ku arkay mise Hargeysa Kilaab?” ayuu aniga oo aan fahmin waxa uu ujeedo i weydiiyay. Aniguna baqdin aan ka qabo in aan nabadda waxyeelleeyo awgeed ayaan ku idhi: “Labadaba” Beryahaas odaygu i bartay ayaa laba yaryar oo ciyaal ahna la igu salliday. Dukaanka kadinkiisa iyaga oo ku gabbanaya ayuun baan maalinwalba arkaa. Maalintii dambe ayaan meel rukun ah ugu gabbaday oo mid ka mid ah dhab siiyay. Qaylo ayuu ka tolay. “Maxaa dukaankayga kugu salliday?” markaan idhi, “bisadda soo gashay ayaannu eryanaynay” ayuu iigu warceliyay. “Aabbahaa iyo bisaddaba kud ee maalin dambe haddii aan dukaankayga kadinkiisa kugu qabto waad arki doontaa” ayaan ugu hanjebay oo sii daayay. “Way inoo tahay” ayuu iigu hanjebay isna. Armuu dayuuskaas yari nabadda waxyeelleeyaa, ayaan ku fekeray. Waa Fajac haddana, wuu sii naaxay, intii toddobaad ka hor aan ku ogaa saddex laabkeed ayuu le’eg yahay, waar sidaas maxaa ka dhigay ayaan is idhi. “Waar Daahirow bal warran?” ayuu igu bariidshay. “Nabad weeye Fajac” waxa aan ka yaabay jawaanka qaadi doona ee uu mijintiisa dayuusadda ah ku cuni doono maanta. “Waar sidani si maaha ee meheradda laba ferdedood ka dhig” ayuu talo igu siiyay. Oo ma adigaa macmiil laba ferdedood ka soo gashaba haysta, muxuu kaa waalayaa tolow. Maalintaas dukaanka kadinkiisa ayuu iskaga qayilay, aniguna arrinkii labada ferdedood ayaan aad uga fekeray. Sidani si aan ku jiri karo maaha, haddii uu Fajac booqashada badiyo, maalinwalbana baruur hor lihi sii fuusho, miyaad jawaan debedda loo dhigo ku wadi karaysaa? Sow arrintaasi nabadda waxyeellaynmayso? Hammigaas aniga oo maskaxdayda ku kobcinaya ayaa labadii dayuus ee yaryaraa halkaas ka soo muuqdeen. Waa la jabay, dukaanka kadinkiisu wuu furan yahay, haddii ay dalaq yidhaahdaan oo halkaas nabaddu saaran tahay toos u abbaaraan sow meeshaas ceebi ka dhicimayso, ka hor tag ayaan go’aansaday. Dhenged halkan iigu tiirsan ayaan la balaw idhi oo ciyaalkii cagta cagta u saaray. Cabbaar markaan eryay ee Oryantalka weydaariyay ayaan iskaga soo hadhay. “Waar maxaa kula haaday?” “Kuwaas yaryar ee dayuusiinta ah ayaa i ogaaday oo aan dukaanka ka eryayaa” “Dee bisaddooda usoo saar” “Bisaddee?” “Tii dukaanka gashay” Waar odaygu miyuu waashay, oo sowdigii kadinka eegayay maaha ma bisad baa ku dhaaftay. Waar wuu indhadarreeyay odaygu. “Adeer bisadi inama dhaafin” “Jaw, wallaahay dukaankay ku jirtaa” Waa la ba’ay, haddaa nabaddii go’day. Intaan hararaf idhi ayaan dukaankii isku shubay mise wallaahay bisad barabaro leh oo dhako buuran ayaa shelefkii nabaddu saarrayd dul yuururta. Qaaaaaaaaaaaaaaaq budh halkan ii yaallay ayaan kula haliilay oo is idhi madaxa dhalfiifaha kaga dhig, oo waa bisade way ii jartay, oo aan nabadda agteedii ku bashaaqiyay. Naxdin baa wadnihii iskay taagi gaadhay. Miyaaaw! Halkaas meel ah ayay indho guluub shidan la moodo igaga soo ifisay. Budhka kula kac ayaan ka fekeray, misna xusuustay ceebtii aan meesha ka dhigi gaadhay. Wax aan sameeyo aniga oo garan la’ ayuu Fajac oo debedda fadhiyaa ii dhawaaqay: “Waar Daahir maxaa ku helay ee aad la sanqadhaysaa?” “Fajacow waa bisaddii oo aan isleeyahay dukaanka ka saar” “Waar bisaddu jiirka meesha ka soo galay bay eryanaysaa ee iska daa oo soo fadhiiso” Fajac fajac badanaa, ma jiir baa dukaankayga ku jira. Aniga oo yaabban ayaan iska soo fadhiistay. Kolkaan salka dhigay ayaa bisaddii oo soconaysaa i dhaaftay. Markay dukaanka rukunkiisa ka sii leexanaysay ayay isoo eegtay, wejigeeda waxa aan ka akhriyay ‘dayuus wallee waanan kaa neefin ilaa aan jiirkayga dukaankaaga kala soo baxo’, aniguna in aan afgartay waxa ay ujeeddo oo aanan cid nabadda waxyeellaysa oggolayn ayaan indhaha uga sheegay. Sidii aan ka baqayay Fajac booqashadiisii way igu badatay, aakhirkii waxa ay noqotay in aan ninkan odayga ahi debedda ku qayili karin maalinwalba, aniguna dukaanka iyo nabadda baylihin karin, sidaas aawadeed in albaabka ferdedihiisa la kordhiyo ayay ka fursanweyday. Ceeb kale ayaa dhacday, odaygii Fajac wuu sii naaxayaa uun, ilaa maalintii dambe ay kelliftay in albaabkii labada ferdedood ahaa afar laga dhigo, afartiina lix laga dhigo, lixdiina siddeed, siddeeddiina toban ilaa dukaanka wajahaddiisii oo dhammi albaab noqotay. Bal haddaba waa taase yaa nabaddii kartuushka ku jirtay isha ku haynaya? Galabtii dambe goor casar ah oo aan maalintii oo dhanna dukaanka fadhiyay ayaa Fajac oo oday kale oo isna buuran wataa ii yimi. “Daahirow bal warran?” “Waa nabad Fajac” “Ninkanna waa saaxiibkay Amankaag, waa xoghayaha gaarka ah ee guddoomiye ku xigeenka kow iyo tobnaad ee golaha guurtida” ayuu hadal muujinaya in odayga kalena meel loo goglo iigu akhriyey. Maxaa aniga iyo xoghaye isu soo kaaya arkay, oo sow annagan odaygii guurtida uun ahaa isla liidanna maaha, haddii xoghaye yimaaddo sow guddoomiyena berri soo raacimaayo, oo maalinta xigtana odayadii oo dhammi imanmaayaan, miyaan dukaanka shaqadiisa, ilaalinta nabadda iyo marxabbaynta odayada isugu taag helayaa? Ma nin intaas oo meelood ka wada hoora baan ahay? Anigu ma gu baan noqon karayaa? Waar adeer xays aan iska ahaado marna da’a marna la waayo ee gu aanan biyihiisa iyo baaxaddiisa midna keenayn ha igu dirqiyina. Bal se si uun bay noqonne horta labadan iska sii debber baan is idhi. “Amankaag, soo dhowow adeer” intaan odaygii bariidinayay ayaan arkay bisaddii aannu is haynay oo iyana bisad kale soo kaxaysatay oo dukaanka soo gelaysa; “Ii yara kaadsha” intaan odayadii ku idhi ayaan dhankii bisadaha isu sii daayay. Bal ammuurtan kaalaya, bisaddii awel markay i aragto taw odhan jirtay ayuun baa isku soo kay mutuxday. Naftaydii ayaanba u baqay, waar adeer maxaa si ah. Odayadii baan dib usoo jalleecay, waxa aan maqlay Fajac oo i xamanaya: “Ninku waa nin wanaagsan, laakiin xilkan dheeraadka ah ee uu nabadda aan cidina muraad ka lahayn iska saarayo ayaa wareeriyay” ayuu ku yidhi Amankaag. “Oo imika xagguu u orday?” “Labadaas bisadood ee dukaanka soo galay ayay mid is hayaan, maalmahaasba way isugu jirtay, kolkaas iyagii buu ku ordayaa” “Oo maxaad arrinta wax uga qabanweyday sow nabadgelyada waxyeelimayso?” “Nabadgelyadu imika waa taam oo shuqashuqaynta waxba kuma noqoto, haddii aan dakhar ku dhicin oo aan lagaga dhiijin ruxmimayso, haddii ay ruxmiweydona risiqeennu wuxuu gelayaa **** jiir iyo cadaad. Sidaas aawadeed nabadgelyo niik caarak, ha iska **** xumaatee waxa ay u baahan tahay in la qaawiyo oo meeshan uu ku khabbaynayo debedda laga soo dhigo” ayuu ku dooday Fajac. “Waan gartay, oo waxa aad leedahay ninkani nimankii hore bahasha waa kaga fara adag yahay?” “Waar waa nin aan la qabsan xeerarka nabadda, wuxuu u haystaa inay nabaddu beed tahay, sidaas uun buu u koolkoolinayaa, inay ka dhacdo wax aan ka jecelahay wallaahay baanay u jirin, bisaddaas ayaan is lahaa way soo ridi doontaa kartuushka xun oo iyana waa mid segegerad ah, inay muruudka fadhiya masaajidka weyn wax isu yihiin baan u haystay ee bahashuba waa reer sariibadoole, bal aan ta ay maanta soo kaxaysatay eegno” Waxa ay ku hadlayaan oo dhan waan maqlayaa. Oo ninkan Fajac waxa aan u haystay oday weyn oo macruuf ah oo aniga wax ila wadee, oo ninku inuu nabadda ila ilaalinayo ayaan u haystaye, waar bal hooggan kaalaya. Halkaas marka xaalkaygii marayay ayaa talo igu caddaatay. Nabaddii oo halis ku jirta, bisadihii oo aan iga baqaynba, iyo odayadii oo gadhku gadhka aad moodday maaha igu noqday. Talo ayaan doondoonay, bisadaha la heshii ayaan ku goostay. “Naa heedhe bisadyahay inaadeer haddii aynu is afgaranno ka warran? Kalluun juuna la yidhaahdo oo wallaahay macaankiisa aad dhegaha qiiq ka keenayso ayaan kuu hayaa, bal ka warran haddii aynu heshiis saxeexanno?” “Waxba kama qabo, laakiin waa inaad saaxiibaddayna xisaabta ku dartaa” Waar heedhe billee bad isku faruurtay, oo awel heshiis bisado iyo dad dhexmaray hore ma u maqashay? Oo maxaa kaa galay wixii nabaddu ku badbaadayso yeel. “Waa hagaag, adiga iyo saaxiibaddaaba heshiis baynu yeelanaynaa, kalluun baana idiin qoran idinkuna nabadda kartuushkaas ku jirta ila ilaaliya” Waxba kama qabno intay igu yidhaahdeen ayay markay dhawr qasacadood oo kalluun ah ka saareen miiskii dukaanka iska dul seexdeen. Dhankaas dhan dheh. Halkaas markaan xal ka gaadhay oo aan is idhi nabaddii dhinacaas waa ka nabad ayaa cillad kale soo korodhay, ciyaalkii oo intii hore ka soo batay ayaa yimi. “Adeerayaal maxaa doonaysaan” ayaan ku idhi intaan qaar kala hor tegay, awel dhagac bay odhan jireen maanta se waa isa soo mutuxeen, col kaa shax waar yaa kaa dammiinta. “Bisadahayaga ayaannu doonaynaa” “Dee heshiis baannu bisadaha kala saxeexannay” “Heshiis annaga la’aantayo soconaya oo bisaduhu geli karaan baan jirin” Talo ayaa iga kala duushay, yaryarku biqimaayaan, bisadihiina way dhergeen oo iimaba jeedaan, odayadiina jaadkii baa ku duxay oo go’aankii ay kalfadhiga 125aad la tegi lahaayeen oo aan weli la isku waafaqin ayay ku murmayaan. Waxaas oo dhanba wax baa ka daran, dukaanku imika waa waddo halaq oo kadinkii yaraa ee aan ilaalin jiray maaha, albaabkiisu mid aan cidba ka celin karo maaha, nabaddii waa taas bannaanka taal. Adigu xiniinyo wixii igaga hadhay, intii bisadaha iyo odayadu iga saareen maahee, ayaan isku buuray oo yaryarkii heshiis la galay, nacnac joogto ah inay leeyihiin baannu isku raacnay. Waxa se arrintaas iga raacday waqdhac weyn, kun ciyaal ah ayaa meeshii isugu yimi oo wada macaandoon ah. Arrintaasi waxa ay ka cadhaysiisay bisadihii oo iyaguna kun bisadood oo kale keenay. Xaalkii wuxuu noqday halis, in nabaddu faraha ka baxdo ayaa xaajo ku sigatay. Meeshu waa dukaankaygii. Arrimaha maamulkiisa aniga ayaa iska leh. Magan wixii ii ah sida nabaddaas kartuushka ku jirta in aan ilaaliyo, dhiiggayga u huro, u dagaal iyo dedaal galo waa xil i saaran. Haddaba waxa aan idiin sheegayaa bisado iyo ciyaalow ii dhaafa dukaankayga inta aanay nabaddu faraha ka bixin. “Waar arrintan annaga ayaa Daahirow dhexgelayna ee nagu daa” ayay Fajac iyo Amankaag si wadajir ah u yidhaahdeen. “Idinku nimanka dunida igu kharribay baad tihiin, ma nimankiinna dukaankaygii albaabka keli ah ee aan ilaashan karo lahaa intaas le’ekaysiiyay baa maanta talo kale iisoo jeedinaya? Wallaahay waashmaan baan qoranayaa in aan ciyaal iyo bisado toona soo dhowaanayn” Taladaydii ayaan ku socday. Oday idaacadda Hargeysa Ingiriiskii qoray oo afaf badan ku hadla, laakiin imika asaasaqay oo weli in Ingiriis boqortooyo ballaadhan yahay u haysta, oo had iyo jeer kanaalkii Suweys iyo Naasir aan kaala dhammaanayn, se waashmaannimada aad ugu wanaagsan oo golihii murtida iyo madadaalada ee Muqdisho ilaalin jiray ayaan iska qortay. Xisaabtaba kuma darin in ciyaalku bisadaha eryan doonaan, bisaduhuna dukaanka dhex yaaci doonaan, odayguna duq dhacaya yahay oo turunturroon doono. Miridhkii ugu horreeyay ee uu shaqada bilaabay ayaa bisad xumi mid ciyaal ah u hanjebtay, isna wuu kula booday, halkaasay ka qaraxday, ilaahay baan ku dhaartee meeshaas waxa siigo iyo galaayuus ka dhacay waxa aad moodays seyladdii hilibka ee Hargeysa. Bisadihii iyo ciyaalkii waxa u dagantay guul aanay filaynba, kibir bay sii qaadeenba. Bisadihii waxa ay yidhaahdeen annagu hilibkan kalluunka ee qasacadaha ku huuray ma rabno, waa in kalluun nool oo boodboodaya oo aannu inta aanaan cunin eryanno naloo keenaa. Ciyaalkiina waa ka sii dareen, nacnac dambe oo aannu aqbalaynaa ma jiro ayay yidhaahdeen, waa in xalwad joogto ah nala siiyaa, Jimce kastana shaaglaydh dhooqo u eg Yurub na looga doonaa. Arrimahaasi wax aan qaadan karo way noqonwaayeen, nabadda in halis la geliyo ma oggoli. Talo kale ayaan goostay. Waxa aan samaystay ilaalo hub fiican oo wax dila sidata. Si kale oo nabadda lagu ilaalin karo ayaa ii muuqanweyday. Konton ninka ugu liitaa axmaq shiishka yaqaan yahay ayaan soo qortay. Dukaankii oo dhan baan ku xeeray. Ceeb kale ayaa se dhacday, in dalka oo dhammi wada ciyaal iyo bisado yahay xisaabtaba kuma darin. Aroortii dambe ayaan ku toosay dukaanka iyo agaagaarkiisii oo dhan oo wada ciyaal iyo bisado ah. Ilaaladii oo aan awelba ku ogaa geesinnimo ayaa iyana derbiyadii dukaanka qoryahoodii la fuulay. Fajac iyo Amankaag oo jaadkoodii iska cunaya ayaa iyaguna xiisadda meesha ka oogantay ku war helay, talo gabowday ayay iisoo jeediyeen: “Aannu talo ku siinnee albaabada dukaanka kordhi” Intaan labada dhegood faraha geliyay ayaan ilaaladii ku amray inay ciyaalka iyo bisadaha shaqo ka qabtaan. Rasaas aan la isu miidaan deyin ayaa hawadii oo dhan qabsatay. Show bisadaha rasaasta lalama helo, ciyaalkii adigu askaxooda ayaannu gurray laakiin bisadihii dayuusiinta ahaa rasaastii lala waa. Sidii ilaaladii, wixii ciyaalkii ka hadhay iyo bisadihii, oo aan mid qudhi wax ka noqon, isu baacsanayeen ayaa rasaastii naga go’day, waar illayn hoog lama qarsado. Tii aan ka baqayay ayuun baa dhacday. Ciyaalkii iyo bisadihii oo isbaacsanaya ayaa dukaankii isla soo daf yidhi. Anigana taladaydii waxa ay noqotay kartuushkii nabaddu ku jirtay uun beegso. Amankaag baa la isugu kay keenay markaan arkay bisadihii oo aan kartuushkaba u jeedin iyo ciyaalkii oo bisadaha uun eryanaya. Sidii la isu daba meeraysanayay ayaa bisadihii oo midwaliba jiir naaxay, oo aad wallaahay Fajac oo dhal ah mooddid, sidataa dukaankii ka fushay, ciyaalkii wixii ka noolaana mid iyo bisad ayay tuurta ugu qaateen. Waxa isku soo hadhay anigii oo fajacsan, Fajac oo fajacsan, Amankaag oo amankaagsan iyo kartuushkii oo gees u ciiray. “Waar bal nabaddii aan ka wardayo” ayaan labadii oday ku idhi oo kartuushkii furay mise nag. Waa madhan yahay. Waxa aan kula dhacay qoorta mise konton dalool oo jiirkii naaxay ee bisaduhu qaateen ku sameeyay ayaa ka furan. Waxa aan aad ula yaabay oo weli madaxayga ka degi la waxa nabaddii aan dukaankayga ku hayay ee ilaalinayay ku dhacay. “Waar Fajac xaggaad u malaynaysaa inay u digarogatay?” ayuu Amankaag weydiiyay Fajac. “Horta aan u xiiqtirtee i sug. Kollay waxkasta oo dhaca nin Daahir uga lexejeclo badan helimaynee” Wax alla wax ay isweydiinayaan ma aan garan, mid se waan hubaa oo nabad waxa ay ka tashanayeen ma ay ahayn. Col kaa shax waar maxay bahashu soo jeed iyo werwer i badday, oo sow waxa aan dukaankaba u furtay hawl aan dhammaanayn. Xus: Maandooriyuhu degdegga uu maanka u doorin karaa waxa ay ku xidhan tahay xaddigiisa, qaabka uu yahay, iyo barta uu dhiigga maskaxda qabanaya ka raaco. Haddii uu qiiq yahay wuxuu raacayaa hawada la falgasha dhiigga wadnuhu tuuro, haddii uu yahay mid dareere ah oo lagu muday xidid dhiiggu xawdaa hayo wuxuu raacayaa dhiiggii. Haddii uu yahay mid lagu muday goob u dhow xidid maskaxda toos ugu xidhan, sida dareemayaasha sanka gudihiisa ku yaal, wuxuu maanka u istaadhayaa si degdeg ah. Nooc kasta oo uu yahay xaraaraddiisu way kacdaa, soo na degtaa. Siyaasadda, qabyaaladda iyo nabaddu ma u malaynaysaa inay qaabkaas oo kale u tarmaan, wax u dhimaan, waxna u anfacaan? Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK
  15. looooooooooooooooooooool@internal plumbing ,,, in that case i'm happy to be the Plumber ,,
  16. looooooooooooooooooool@Mr.downtown ,,
  17. Charlie walks into his bedroom with a sheep under his arm and says: "Darling, this is the pig I have sex with when you have a headache." His wife is lying in bed and replies: "I think you'll find that's a sheep, you !d!ot." The man says: "I think you'll find that I wasn't talking to you."
  18. He will get another slap as soon as he comes back ,,,,,, i think it is even a kick in his behind this time ,,
  19. Faro ka ciyaar ,,, iyo sheekadii meel dheer baad gayseen dee ,,, Meel kele ka ciyaarkii uun baa hadhay inaad ka hadashaan ,,, looooooooool
  20. whoever Northerner is with should win the game ,,, i don't want that guy inuu intuu cadhoodo ciyaalka kala laayo ,,,
  21. The topic has been talked about it since the Taabi'is ...... some ppl think it started on SOL ,,, loooooooool
  22. You just need to read the details of their arguments and debates ,,,,,,