Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. Odayaasha Dhaqanka Beesha ****** ayaa shaaca ka qaaday in maamulo u gaar ah dadka soomaaliyeed ay samaystaan islamrkaana ka madax banaan dowlada KMG ah si ay u noloshooda u seefe gareeyaan . Afhayeenka Odayaasha dhaqanka beesha ****** Axmed diiriye cali oo saxaafada U warmayey ayaa shaaca ka qaaday inay taagersan yihiin maamulo gaar ah oo ay samaystaan Umada soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku abtirsada Beesha ****** . Axmed diiriye oo ay saxaafdu weydiisay su,aalo ay kamdi ahaayeen hadii maamulo ka madax Banaan dowlada KMG ah sow taasi Noqonmayso Mid dowlada kasoo horjeeda ayuu waxuu ku jawaabay ,adeer waxaan u malaynayaa inaysan Jirin dowlad macno badal lihi waayo waxayba u taag la,dahay goobihii ay joogtayu marka inta laga gaarayo Dowlad dalka soomaaliya u dhalata waxaa haboon in maamulo dadku inay samaystaan si Loo Helo deris wanaag iyo nabad . Hadalka nabadoon axmed diiriye ayaa kusoo beegmaya Xili ay Magaalada cadaado lagaga dhawaaqay maamul ka madax banaan dowlada KMG ah oo ay samaysteen dadka ku dhaqan deegaankaasi islamrkaana ay taageereen Odayaasha dhaqanka beesha ****** . Iskusoo Wada Duuboo maaha markii Ugu Horaysay ee ay ka hor Yimaadaan siyaasada dowlada Odayaasha dhaqanka beesha ****** iyadoo ay kal Hore ay sidan u cambaareeyeen Cidiamada shisheeye ee dalka ku sugan iyo dowlada KMG ah inaysan marnaba xal U keenayn Umada soomaaliyeed iyadoo ay shacabka la Gudboon tahay inay aayahooda ka tashadaan. afnugaal.com
  2. Buuxo, waxaas oo cambuulo ah iska kala daa hadaanad bun iyo daango helaynin ,, North, and where is your other half bal ?? ,, she shouldn't let you handle this mar hadaad sidaa tahay ,,,
  3. Being power hungry is enough justification to get elected ??? Yaa ka kicinaya hadhow markaa ??
  4. Kismayu: Huuraale's thugs place roadblocks at every corner To enhance the security ,,, maybe ??
  5. looooooooooool@ibti ,,,, why all of you is not helpful bal ,,, abu geeljire is a pure and plain coward, that is why he thinks i work for the intelligence ,,,, The rest are more cowards and that is why you all avoid clicking the REPLAY button thinking you will fall in the FBI/CIA's trap ,,,,, alla kuwani fuleysanaa. Even my local sheikhs are fulayaal and they run away once you mention ALQA ...... they don't even let you finish the sentence ,, I think i should simply call the FBI and ask for details ,,,,,
  6. Waar niyow arladu waa iska roobban tahay ,,,neecawduna way ka dhacaysaa ,, shaahna waa la fuuqayaa ,,, dhulkuna naq waa leeyahay ,,
  7. GUUDH MORNING DADKAYGOOW ,,,,,,,,,,,,
  8. ,,, waan iska garanayay ,,looooooool
  9. Iyadoo muddo hadda gaadhaysa saddex isbuuc uu Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland C/raxmaan maxamed C/laahi (cirro) uu waday dhexdhexaadin ku saabsan sidii ay isku fahmi lahaayeen asxaabta mucaardka iyo xukuumada Somaliland ayaa waxa ay ku dhamaatay guul darro. Waxaa maanta ku dhawaaqay mar uu shir saxaafadeed soo saaray Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland C/raxmaan maxamed C/laahi (cirro) in uu ku guul daraystay inuu dhameeyo khilaafkii siyaasadeed ee dhexyaalay xukuumada Somaliland iyo asxaabta mucaaradka ah oo uu ku soo jiray muudo saddex isbuuc gaadhaysa. Arintan ayaa waxa uu ku tilmaamay inay ka dhamaan wayday kadib markii uu madaxwaynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin uu diiday inuu si kafool kafool ah ay isu hor fadhiistaan asxaabta Mucaaradka ee Kulmiye iyo UCID si ay uga wada hadlaan xaalada dalka iyo sida lagu dhamayn karo. Gudoomiyaha ayaa waxa uu intaasi ku daray in hadda ay gabi ahaanba istaagtay arinkaasi uu ka dhexwaday xukuumada Somaliland iyo asxaabta mucaardaka haddana aysan jirin cid wadda taas oo ahayd mid ay dadka shacabka ahi aysi wayn uga dhur sugayeen waxa kasoo baxa. Dhanka kale shir saxaafadeed uu soo saaray Madaxwaynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa waxa uu ku tilmaamay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland hawshii uu waday uusan ilaa hadda wax xal ah ka gaadhin isagoo sheegay inuu sugayay arin cad oo ku saabsan mowqifka asxaabta ee ku aadan sharciga Guurtidu gaadhay waxa ay ka qabaan. Madaxwaynaha ayaa waxa uu intaasi ku daray inaysan jirin kulan uu diiday oo ku saabsanaa dhexdhewxaadintaasi laakiin uu sugayay war bixin uu ka sugayay Gudoomiyaha oo ahayd su’aal aan waydiiyay oo ahayd maxay ka qabaan sharciga uu gaadhay Golaha Guurtida Somaliland ee ku aadan muudo kordhinta sanadka ah kaas oo uusan ilaa hadda igu soo celin. Hadaba Madaxwaynaha Somaliland ayaa waxa uu ka digay in ay qabtaan asxaabta mucaardka inay banaanbaxyo kasoo horjeeda nabada Somaliland ee 17 jirsatay ciddii qabatana la hor gayn doono shaciga Somaliland iyadoo taas oo muujinaysa in aysan dhici doonin mudaharaadyo ka dhaca Somaliland marka la gaadho 15 may ee soo socda ayna qabtaan asxaabta mucaardku. Afnugaal News Desk
  10. your fired, no i quit first. xalada TFG
  11. Waar odayga imikaa iigu horaysa ,,,, Maasha Allah
  12. yuu kamkam Che ,,, Xiin, farxad baanad seexan karayn malaa caawa ,,
  13. I'm not sure North inuu fahmay gabayga oo dhan ,,,
  14. Madaxweynaha Somaliland oo Faah Faahin Ka Bixiyay Hawshii dhex-dhexaadinta ee uu G. Cirro Waday Hargeysa (Qaran)- Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa Maanta Faah faahin ka bixiyay Hawlihii dhex dhexaadinta ee uu Gudoomiye Cirro Waday. sida ay u socdeen iyo sida ay wax u dhaceen. Madaxweynuhu waxa uu hadalkiisa ku bilaabay ‘’Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo uu weheliyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID , ayaa ii yimid muddo laga joogo laba toddobaad , wuxuu la socday Gudoomiyuhu inuu isu soo dhaweeyo dedaalkiisa in la soo afjaro khilaafaadka , waxaan waydiiyay Gudoomiyaha Xisbiga UCID ma ogol yahay sharciyada Guurtidu fulisay , Jawaabtii uu Gudoomiyuhu bixiyay ‘’Cirro’’ iyagoo wada jooga waxay ahayd Haa , sidaa ayaan hawshii inuu galo ku siiyay ogolaansho. Waxa hawshaa bar bar socotay oo soo taxnayd oo uu ku dhex dhexaadinayay xubno Asxaabta Mucaaridka iyo xubno Wasiiro ah oo ka tirsan xukuumada iyo UDUB. Natiijo ilaa hadda laysla gaadhay oo uu ii keenay Gudoomiyaha golaha Wakiiladu iyadoo aanay jirin , ayuu shalay oo ay bishu ahayd 11/05/2008 ii yimid waxaani igu yidhi ‘’Waxaan rabaa inaad aragto labada Gudoomiye xisbi Mucaarid’’, waxaanan u celiyay Maxaad isla soo gaadheen oo go’aan idinka ah , wuxuu ku jawaabay saddexdiina ayaa isla meel dhigi , waa arrintii uu mudada dheer ku soo jiray ee uu wakhtiga badan ku lumiyay. Waxaan ku idhi mar haddii aanu jirin go’aan aad ka sido hawlihi dhex dhexaadinta aad isu xil saartay ana aan kaa ogolaaday isla mar ahaantaa aad ii sheegtay inay ay diidan yihiin qodobkii sharciyada korodhsiimada mudada xilka ee xukuumada ee Guurtida , ma waxaad doonaysaa in aan hortaada ku murano. Intaas waxa dheer oo aan Dadweynaha ku war gelinayaa in: In uu ila kulan siiyay Gudoomiyuhu Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha UCID 29/04/2008 oo aanu ku heshiinay in dhex dhexaadinta Gudoomiyaha Golaha Wakiilada la shaqayno , iyagoo qirsan sharciyada Korodhsiimada. In Akaadamida Nabadu ii yimaadeen iguna war galiyeen inay la kulmeen Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE igana codsadeen in aan la kulmo ana aan aqbalay , ballan aan u qabtay habeenkii Sabti ee bishu ahayd 10/05/2008. Waxa Subaxnimadii Sabtida ku soo baxay saxaafada , KULMIYE oo Madaxweynaha ku diiday kulan , waxana akaadamiyada 09-kii subaxnimo lagu war geliyay inay kulmiye ka baxay codsigii la kulanka Madaxweynaha Somaliland. Akaadamiyada Nabadu waxay cadaysay in kulmiye diiday la kulankii Madaxweynaha ee ay hore u codsadeen. Sidaa daraadeed, waxaan cadaynayaa oo aan dadweynaha u sheegayaa in Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu marnaba la imanin mudadaas uu ku hawlanaa wax la taaban karo oo ay ahayd inuu isagu go’aan gaadho wax ku ool ah , mar haddii uu qaatay xil dhex dhexaadineed , balse arrintiisu waxay dhaafi wayday wixii ay qabeen Gudoomiyayaasha Asxaabta Mucaaridku , oo ah dafiraada xilka dastuuriga ee Guurtida , taa lafteeda oo uu aaminsan yahay isagu , isagoo ahy Gudoomiyaha Golaha sharci dejinta Koowaad’’.
  15. hadhwanaag 2008-05-12 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cabdiraxmaan Cirro] ayaa maanta si rasmiya shaaca uga qaaday inuu fara madhan ka taagan yahay hawshii dhex-dhexaadinta ahayd ee uu ka dhex waday Xukuummada Madaxweyne Rayaale iyo Axsaabta Mucaaridka [KULMIYE iyo UCID] mudada afarta todobaad ah, isla markaana uu faraha ka qaaday hawshiisi. Oo cidii kale ee Gar ka galaysa ay u madax banaan tahay. Isaga oo ku sababeeyey joojinta dhexdhexaadinta inuu Madaxweyne Rayaale ka diiday inay si toos ah wada hadal isugu soo horfadhiistaan Madaxweynaha Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin iyo labada Gudoomiye Xisbi Mucaarid KULMIYE iyo UCID Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] iyo Faysal Cali Waraabe, si loo soo af jaro khilaafka ka dhashay muddo kordhinta halka sanadood ah ee ay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay Golaha Guurtidu ay ugu kordhiyeen. Sida waxa uu Gudoomiyuhu ka sheegay qoraal dheer oo uu ka jeediyey fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada Somaliland ay ku yeesheen Xarunta Golahaasi. ”Anniga oo jecel inaan soo af jaro khilaafkan, soona gunaanado dhexdhexaadintii aan waday, waxaan la kulmay shalay, Axad, 11.5.2008, Md Dahir Rayaale Kahin, Madaxweynaha JSL oo aan u soo bandhigay inay anniga iigu muuqato in sida keliya ee khilaafkan lagu soo afjari karaa heshiiskan la isuguna waafiqi karaa tahay inay Madaxweynaha iyo labada Gudoomiye ee labada Xisbi Md Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Md Faysal Cali waraabe si toos u kulmaan kana wada hadlaan sidii heshiis looga gaadhi lahaa , loona soo afjari lahaa khilaafka siyaasiga ah iyo kan dastuuriga ah ee ka jira Somaliland.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro. Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu Cadeeyey Inay isa soo hor-fadhiistaan ay ogolaadeen labada Gudoomiye Xisbiga Mucaarid, balse uu diiday Madaxweyne Rayaale, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Labada Gudoomiye ee KULMIYE iyo UCID waxay ii cadeeyeen inay diyaar u yihiin inay si toos ah ula kulmaan Madaxweynaha JSL oo aysan wax shuruud ku xidhayn kulankaas. Madaxweynuhu soo jeedintaas igama aqbalin, waxaannu ii cadeeyey inaanu la kulmayn labada Gudoomiye.” Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi ”Sidaa darted, anniga oo ixtiraamaya mowqifka xukuumadda iyo ka Axaabtaba, waxaan go’aansaday maanta oo taariikhdu tahay isniin, 12.5.2008 inaan joojiyo dhexdhexaadintii aan ka dhex waday xukuumadda iyo labada Xisbi qaran kaalintaasna u baneeyo cid kasta oo u diyaar ah inay sii wado, haddii ay tahay Academy-ga, salaadiinta, culimada, aqoon yahanada, iyo cidii kale ee tuhunsan inay hawshan sidii wadi karto, CALAADANA meesha ka saari karto.” Gudoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu ku sheegay qoraalkiisa dheer ee uu Golaha ka horjeediyey inay dhibaatadu tahay Xukuummada oo rabta inay marka hore Xisbiyada Mucaaridku [KULMIYE iyo UCID] ay aqoonsadaan muddo kordhinta halka sanadood ah ee ay Golaha Guurtidu u kordhiyeen xilka mudada madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, marka ay dhamaato mudadoodi shanta sanadood ahayd ee hore loogu soo doortay 15 bishan May. In muddo kordhintaasi sharci tahay horena sharci u ahayd. Sidoo kale gudoomiye Cirro waxa uu ku dooday inay labada Xisbi Mucaarid [KULMIYE iyo UCID] inay dhinacooda aaminsan yihiin in muddo kordhinta halka sanadood ah ee xilka mudada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisu aanay sharci ahayn, maadaama duruufo nabadgelyo daro aanay ka jirin Somaliland, taasi oo ah waxa kaliya ee muddo kordhin loogu sameyn karo. Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada Somaliland u jeediyey in muddadii afarta todobaad ahayd oo uu sheegay inuu isaga dab-qaadayey Xukuummada iyo labada Xisbi mucaarid ah, isaga oo cadeeyey in qodobo 8 ah oo uu soo dhex dhigay labada dhinac si gooni gooni ah inay qodobadaa badidooda lagu heshiiyey, laakin ay Xukuummadu ku adkeysatay inay Mucaaridku marka hore qiraan inay Golaha Guurtidu yihiin Gole Dastuuri ah go’aamada ka soo baxaana ay sharci yihiin. Wuxuu sheegay Cirro inay deeq bixiyayaasha Caalamiga ee maalgelinayey diwaangelinta cod bixiyayaasha Somaliland ay isaga u soo sheegeen inay joojiyeen lacag 8 Malyuun ah oo Dolar ah oo ay ugu tala galeen diwaangelinta cod bixiyayasha ee la filayey in la qabto doorashooyinka ka hor. Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro] waxa ku dardaarmay oo uu yidhi “Yuu xaalku inaga noqon haddii aan wax kasta laga heshiin, heshiis ma dhicin [if every thing is not agrea, there is no agreement]. Waxaan ugu baaqayaa xukuumadda iyo labada Xisbi mucaarad inay u diyaar noqdaan inayna wada heli Karin waxa ay doonayaan dhamaantood , hase yeshee , ay danta shacbiga iyo danta guud uga tagaan arrimo ay gar , xaq iyo sharci u leeyihiin. Ilaahay xaqa iyo dawga ha ina garansiiyo arrimahan ha inoo fududeeyo, Somaliland ha guuleysato.” Si kastaba ha ahaatee labada Xisbi Mucaarid ee KULMIYE iyo UCID Md. Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] iyo Faysal Cali Waraabe ayaa waxay hore u sheegeen inaanay aqoon sanayn Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Kuxigeenkiisa Md. Axmed Yuusuf Yaasin 15 Bisha May oo ku beegan maalinta Khamiista ee soo socoata oo ay ku eegtahay mudada shanta sanadood ahayd ee hore loogu soo doortay.
  16. He is not going to be the president even if he wins in the party.
  17. It is true ,, i want to join them ,,,,
  18. It is going to rain in probably few minutes here ,,,,,, I love when it is raining during the evening coz i will have a good excuse not to go for my classes ,,,,,
  19. Strange how an African country can be moving from prolonged chaos to violent collapse and no one in the world notices until a couple of European boats get seized by armed gunmen. War-ravaged Somalia is in the worst shape it has been in for years - which, for this devastated country that has not had a proper government for nearly a generation, is really saying something. Yet, neither of the two resolutions currently in preparation at the UN Security Council mention the 85 dead in Mogadishu last weekend, or the exodus of newly displaced persons from that city, or Ethiopian shelling of civilian areas or the dwindling international humanitarian response. Instead, one of the resolutions proposed by France, the United States and Britain is a reaction to the hijacking of a French yacht and a Spanish fishing vessel, and would authorize countries to fight piracy off Somalia's coast. It is like watching flames engulf your neighbor's house and calling in the fire brigade to help you wash your car. The death and displacement in Somalia is caused by the violent confrontation between the evaporating transitional government troops and its Ethiopian allies on the one hand, and insurgents on the other. Officials in African and western capitals shrug their shoulders when confronted with the dire situation in Somalia. A lack of political will, investment and imagination has made Somalia a hopeless case in their eyes. Realizing no one in power cares in the slightest, most international media have also been ignoring Somalia, barely mentioning the recent heavy fighting in Mogadishu for example. Ethiopian troops have been accused of having targeted mosques and killing religious leaders and civilians in the north of the capital. Whole areas of Mogadishu were sealed off, leaving outsiders only to guess the gravity of the plight in those sectors. Did anyone hear about any of this? But pirates taking a French luxury yacht? That story was hard to miss. According to the United Nations, 2.5 million people are in urgent need of assistance in Somalia. 750,000 alone were displaced from Mogadishu over the last 15 months. Critical water shortages and a severe drought have befallen central and northern Somalia further aggravating the hardship for the civilian population. The verdict seems to be clear: combined Ethiopian, African Union troops and transitional government forces have failed to establish security in the capital Mogadishu, or any other part of the country. Islamist al-Shabaab militants in southern and central Somalia are combining their military operations with political outreach. Ultimately, the rise and consolidation of an Islamist movement pursuing a regional and international agenda will create a growing threat to the rest of the Horn of Africa. A narrow window of opportunity has emerged in the form of Somali Prime Minister Nur Hassan Hussein's recent offer to negotiate with both the internal and external opposition, including al-Shabaab, many members of which belong to the clan controlling Mogadishu, the ******. This bold political initiative led by a widely respected figure, if seized upon, could potentially usher in an inclusive Somali national political dialogue. But it now faces a steep hurdle, if not a fatal blow, from the U.S. designation of al-Shabaab as a terrorist organization. Whether well founded or otherwise, the U.S. move - preceded by the latest American air strikes on Dobley in southern Somalia - could undercut the prime minister's initiative, widen the rift between the president and the prime minister and undermine local and international efforts to facilitate a political resolution to the Somali crisis. The lack of strategic engagement by the international community is a significant obstacle to progress. The efforts of the UN special representative, Ahmedou Ould-Abdallah, to build greater cohesion among members of the international community should be encouraged, and he should be supported to build a strategy for a meaningful peace process. This new political process should work to achieve an end to the current insurgency. The first point on the agenda for negotiation should be a cease-fire. Involved parties need to be given security guarantees in order to agree to it and truly engage in political dialogue. For the opposition this might involve a clear plan and timeline for phased Ethiopian withdrawal supported and monitored by the international community. The Ethiopians would be given guarantees about greater Somalia claims and other security concerns. The negotiations should include an agreement on the borders of the federal state, its internal divisions and the devolution of powers between states and central government. Also, a national reconciliation process should put an end to the cycle of revenge that has ruined the country for over two decades. The incentive for the parties to discuss this issue would be accountability mechanisms that would apply to perpetrators of crimes committed by all sides of the conflict. Finally, there must be an agreement on an electoral process leading to a democratic election of political leaders. All this may seem quite a reach for a collapsed state like Somalia. But if world leaders and the international media gave this the kind of priority they have given the pirates, then progress would be far easier. Daniela Kroslak and Andrew Stroehlein in the International Herald Tribune web page
  20. TORONTO hadhwanaag 2008-05-12 (Hadhwanaagnews) Toronto-(HWN)- Xafladda sanad guurada ee Gooni isku taga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa laga xusayaa aduunka oo dhan waxaana Magaalada Toronto ee dalka Canada ay tahay meelaha xafladaha sida aad ka ah looga qadariyo amaba looga xuso maadaama ay dad badani oo reer Somaliland ahi deganyihiin, sida caadiga ah waxaa xafladaha qaban qabiya hadba Xafiiska ay leeyahiin Community- gaasi, hadaba Xafladan sanadkan 2008 waxaa qabanqaabinaya xafiiska Somaliland Canadian Society. Sida ay ii sheegeen Somaliland Canadian Society gudida qaban qabada xaflada ee magaalo weyntan Toronto iney sanadkan ay ku tala jiraan si ka heersareysa sanadadii hore iyagoo tixgalinayaa maalintan qiimaha ay leedahay kuna raali galinaya dadweynaha degan Toronto iyo agagarkeeda soona bandhigi doona waxyaabo cusub siiba waxa anfaca da’yarta iyo dadweynaha jecel taariikhda dalkooda. Mar aan la kulmay fanaaniinta qaarkamid ah sida Fanaanka weyn ee caanka ah C/Qaadir Juba oo hoogaamin doona fanaaniinta habaynkaasi waxa uu iisheegay inuu u diyaargaroobey soo bandhigida habaynkasi si hagar la’aan ah kuna soo darayo Alban Cusub dadkuna ay daremi doonaan inay tahay maalin farxadeed ama maalin ciideed, dhinaca kale waxaa isna aan lakulmay Fanaanka kale ee Caanka ah C/Jibaar Al-Khaliiji waxa uu isna ii sheegay in dhankiisa diyaar uyahay muujinna doono wacdaro sidoo kalena uu soo bandhigi doono Heeso cusub uu habaankaasi ka tumi doono goobtasi, waxaa iyadana aan wax ka weydiiyay fanaanada caanka ah Shamis Qardajeex iney wax iiga sheegto siday ugu diyaargarowday xafladaasi 18 May oo dhici doonta sabtidan fooda inagu soo haysa waa 17 May 2008. “Xaflaada habaynkasi waxay noqondoontaa Xaflad Qaran dadkuna ay qiimeeyaan” Hadalkasi waxaa tidhi Fanaanada Shamis Qardajeex. Sikastiba ha ahatee xafladu waxay u muuqataa habaynkaasi in ay noqondoonto Xaflad si heer Qaran ah loosoo agaasimay Waxaana ka muuqata gudida qabanqabinaysa inay yihiin dhalinyaro u hagar baxday xilka ay umada u hayaan waa community-ga’e oo si firfircoon xilkooda u gudanaya, iskusoo wada duuboo waa inoo iyo sabtida soosocata taarikhduna tahay 17 May 2008 iyo magaalada Toronto.
  21. TORONTO hadhwanaag 2008-05-12 (Hadhwanaagnews) Toronto-(HWN)- Xafladda sanad guurada ee Gooni isku taga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa laga xusayaa aduunka oo dhan waxaana Magaalada Toronto ee dalka Canada ay tahay meelaha xafladaha sida aad ka ah looga qadariyo amaba looga xuso maadaama ay dad badani oo reer Somaliland ahi deganyihiin, sida caadiga ah waxaa xafladaha qaban qabiya hadba Xafiiska ay leeyahiin Community- gaasi, hadaba Xafladan sanadkan 2008 waxaa qabanqaabinaya xafiiska Somaliland Canadian Society. Sida ay ii sheegeen Somaliland Canadian Society gudida qaban qabada xaflada ee magaalo weyntan Toronto iney sanadkan ay ku tala jiraan si ka heersareysa sanadadii hore iyagoo tixgalinayaa maalintan qiimaha ay leedahay kuna raali galinaya dadweynaha degan Toronto iyo agagarkeeda soona bandhigi doona waxyaabo cusub siiba waxa anfaca da’yarta iyo dadweynaha jecel taariikhda dalkooda. Mar aan la kulmay fanaaniinta qaarkamid ah sida Fanaanka weyn ee caanka ah C/Qaadir Juba oo hoogaamin doona fanaaniinta habaynkaasi waxa uu iisheegay inuu u diyaargaroobey soo bandhigida habaynkasi si hagar la’aan ah kuna soo darayo Alban Cusub dadkuna ay daremi doonaan inay tahay maalin farxadeed ama maalin ciideed, dhinaca kale waxaa isna aan lakulmay Fanaanka kale ee Caanka ah C/Jibaar Al-Khaliiji waxa uu isna ii sheegay in dhankiisa diyaar uyahay muujinna doono wacdaro sidoo kalena uu soo bandhigi doono Heeso cusub uu habaankaasi ka tumi doono goobtasi, waxaa iyadana aan wax ka weydiiyay fanaanada caanka ah Shamis Qardajeex iney wax iiga sheegto siday ugu diyaargarowday xafladaasi 18 May oo dhici doonta sabtidan fooda inagu soo haysa waa 17 May 2008. “Xaflaada habaynkasi waxay noqondoontaa Xaflad Qaran dadkuna ay qiimeeyaan” Hadalkasi waxaa tidhi Fanaanada Shamis Qardajeex. Sikastiba ha ahatee xafladu waxay u muuqataa habaynkaasi in ay noqondoonto Xaflad si heer Qaran ah loosoo agaasimay Waxaana ka muuqata gudida qabanqabinaysa inay yihiin dhalinyaro u hagar baxday xilka ay umada u hayaan waa community-ga’e oo si firfircoon xilkooda u gudanaya, iskusoo wada duuboo waa inoo iyo sabtida soosocata taarikhduna tahay 17 May 2008 iyo magaalada Toronto.
  22. Well, i want to join this group. That is what i think these days. How many of you want to join them ? How can one join them horta ?? ,,, online applications or underground interviews ??