
Jacaylbaro
Nomads-
Content Count
44,142 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jacaylbaro
-
I just wish they will not separate again ,,,,
-
ANOTHER GOBOL CUSUB hadhwanaag 2008-05-14 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin ayaa digreeto Madaxweyne ku magacaabay Gobolka Cusub oo la yidhaahdo Howd oo ay magaalo madax u tahay Degmada Baligubadle ee Gobolka Maroodi jeex. Sida waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu caawa soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge oo nuqulka mid ahi soo gaadhay Xafiiska shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com ee Magaalada Hargeysa. Warsaxaafadeedkaasina waxa uu u qornaa sidan:- “Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin waxa uu digreeto Madaxwayne oo uu maanta soo saaray uu ku magacaabay gobolka Howd oo ay magaalo madax u noqon doonto degmada Balaygubadle,ka dib markii madax dhaqameedyada iyo waxgaradka gobolkaasi ay codsadeen gobolkan, isla markaana Wasiirka Arrimaha Guduhu uu soo jeediyay. Waxa si dhakhso ah loo magacaabi doonaa degmooyinka Gobolkan oo noqon doono Gobolka 13aad ee uu ka kooban yahay dalka Jamhuuriyada Somaliland”.
-
Garaad's Coallition Failed ------ Devision is in the Making
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
-
Shir beryahanba uga socdey tuulada Tukaraq ee gobolka Sool,qaar ka mid ah garaadada iyo odayo-dhaqameedka kale ee gobolada Sool,Sanag iyo Buuhoodle ayaa odayashii halkaas ku sugnaa ku kala qaybsmeen fikirka siyaasadeed. Odayaashaas oo ahaa taageerayaasha Puntland ayaa dhowaan ka soo cadhooday Garoowe oo 6 bilood ku sugnaayeen,kadib markii ay quus ka istageen maamulkii ay ka rajaynayeen in uu ku celin doono Laascaanood oo cid ka hor taagani aanay jirin. Odyaasha ku sugaan Tukaraq oo hada badankoodii dib ugu noqdeen Garoowe,qaarna u ambabaxeen dhulkoodii ayaa waxay u kala qaybsameen qaar aaminsan in wadahadal lala galo maamulka Somaliland,iyo qaar aad u taageersan Puntland oo heshiis gaar ah kala dhexeeyo raga madaxda ka ah maamulkaas. Shirkan ayaa burburay kadib markii 5 garaad soo jeediyeen in wadahadal lala galo maamulka Somaliland,maadaama dadku kala qaybsan yahay,maamulka Puntlandna aanu dan ka lahayn dhulka SSC,taasoo ay ku gacan saydheen qoladii taageersanayd maamulka Puntland,halkaasna ay ka bilaabtay bur bur guud oo ku yimaada shirkii odayaasha. Dhanka kale qaar ka mid ah odayaashii halkaas ku sugnaa ayaa waxay isla markiiba la xidhiidheen madaxda maamulka Puntland,iyaga oo u sheegay in garaadada qaarkood heshiis hoose la galeen Somaliland,taasina waxay keentay in uu maamulka Puntland uu soo saaro qoraal uu ku war gelinayo odayaasha inay ka guuraan Tukaraq. Odayaashaas oo ay ku jiraan Garaado si weyn looga qadariyo deegaankaas ayaa waxay qayb ka noqdeen siyaasadaah foosha xun ee ka tagan Soomaaliya,iyagoo ilaaway in xilka dadku u doortay aanu ahayn mid siyaasadeed,balse uu yahay mid dhaqan iyo nabad raadineed. Odayaasha Tukaraq ku kala tegey ayaa waxay hada ka hor ka soo saareen magaalada Boocame go'aamo u badnaa in la dagaalamo,kuwaas oo aan marnaba hirgelin,maadaama dadka SSC oo yaqaan waxa uu dagaal yahay,iyo dhibaatadiisa aanay dheg jalaq u siin in iyaga oo kala qaybsan la isku hubeeyo oo reerka dhexdiisa colaad laga abuuro. Si kastaba ha ahaatee waxaa hada u socda qaar ka mid ah Garaadada *********** iyo maamulka Somaliland wada hadalo horudhac ah oo lagu wada xidhiidhayo khadka taleefoonka,waxaana la filayaa in wadahadal toos ah la iclaamiyo dhowaan. Afnugaal.com
-
Ma ingiriis buu ahaa ?
-
Yeah, i think he is already there ...... last day of the week here ,,, and it is a really long weekend ,,,, 4 days including the lovely 18th May ,,
-
THEY HAVE ALREADY STARTED IN LONDON ,,,,,,, Waxay ku biilaabmatay qosal iyo kaftan, iyo sawiro laga soo qaaday Jaamacada Burco, waxa xaflada isugu yimi dad tiro badan oo aad u xiiseeynayey daabaldega sanad guuradii 17naad ee markii ay Somaliland xornimada la soo noqotey. Waxa ka hadlay mudanayaal badan oo kala duwan oo ka kala socda bulshada reer Somaliland qaybaheeda kala duwan iyo dad ajinabi ahba oo dhashaywadamo kale oo dunida ka mid ah. Goobtaa waxa ka hadley dad wax garad iyo aqoonyahano ah. Xafalda oo lugu xusayay sanadguuradii 17naad ee ka soo waregtay markii ay S/land xornimadeeda la soo noqotay, ayaa lagu bilaabay aayado quuran ah oo uu akhriyay "Axmed Cadare" ka dibna waxa macrafoonka, kusoo dhawaatay qaban qaabiyaha xaflada "Shankaroon Ayaan M Cashuur iyo A/Rahmaan Abdillaahi" Gudoomiyaha "Somaliland Society in Europe (SSE)". Oo ku soo dhaaweeyeen dadkii halkaa isugu yimid sanad guuradii 17aad ee S/land. Waa Mahad eebe ayay Shankaroon ku bilawday, haday manta halkan isugu yiimadeen caruur iyo ciirolaba ku soo dhaawada Xaflada oo aad ka heli doontaan, oo isugu jirta gabayo iyo heesaba. A/rahaman wuxuu intaa ku daray waxa maanta xaflada ku caawin doona Jaamacada Burco gar ahaan Centre for Somali Studies. Dr Sacad Ali Shire oo ka war bixiyay jaamacada iyo halkay maanta marayso, Jamacada waxaa wax ka dhigta 331 arday, taasoo ay ku kala jiraan. * 89 -Business Administration * 55 -Islamic Studies * 150-Peer-service Teacher Training Program (females 106) * 37- Veterinary Medicine Jaamacada oo iminka 4 Sano jirtay waxay gaadhay guul aad u balaadhan. Waxaanan ilaahay ka baryayaa caawitaankan aad caawa cawiinaysaan in uu noqdo mid anfaca waxbadanaku soo kordhiya jaamacada. Waxa halkaa ka hadlay Xildhiiban A/Qadir Jirde wuxuuna hadalkiisa ku bilaabey "S/land waxay soo martay maraxalado kala duwan, waa ilahay maahadii halkay maanta marayso, isaga oo hadalkiis sii wata wuxuu yidhi waxa ay manta S/land uu baahantahay midi midi ku taag maaha ee waxay uu baahan tahay nabad iyo horumar. Maxamed Haashi oo ka mid ah ururka aan wali la sharciyayn ee "Qaran"ayaa isna ka hadlay taariikhdii SNM iyo S/land halka ay manta marayso, waxa uu yidhi ma aha reerkayaga waxa la siiyay waasir ee maxa uu qaban karaa wasiirku. Imisa wasaaradood ayaa furan oo aan cidina joogin, waxanu ku soo gunanaday hadalkiisii dadka reer Awdal, haa raacina Madax waynaha Riyaalel ee waxa ogaataan dalku in uu dalkiini yahay. Prof I. M. Lewis, oo ah khabiir ku dheer S/land ayaa isna halkaasi ka yiri S/land waxay qabsatay East Africa oo dhan may gaadhin, waxay ka muuqataa horumarkeeda ha noqato xaga isgaadhsiinta amaba xaga dimuqraadiyada iwm, waa wax loogu hanbalyeeyo dadka reer Somaliland.Gabagabadii waxa halkaa laga tiriyay gabayo badan oo dadka galiyey qiiro aad uu badan, heesaha iyo majajiladu waxay ka mid ahaayeen mid ka muuqatay xaflada. Fanaaniita halkaa joogatay waxa ka mid ahaa Maryam Mursal iyo Nimco Yaasin, Faysal Yusuf, A/fataax Tacabir iyo Mustafa TT.
-
Food Aid from Ethiopia ----- Would you Accept it or Not ??
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Gudoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Beesha ****** maxamed Xasan xaad ayaa gaashaanka u daruuray Islamrkaana dadka shacabka Uga digay raashin la sheegay in loo qaybiyey dadka Ku dhaqan deegaanka degmada dayniile iyo meelo kale isagoo raashinkaas ay qaybiyeen ciidamada Ethiopia . Maxamed xasan xaad oo saxaafada la hadlayey ayaa raashinkas oo U badnaa waxoogaa mesago ah ku tilmaamay Mid xaaraan ah islamrkaana ay ciidamada Ethiopia ku sumaynayaan dadka shacabka ah isagoo Cod dheer ku sheegay in Laga feejignaado raashin dambe oo ay Bixiyaan Ciidamada Ethiopia . Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa farta ku Fiiqay in cidamada Ethiopia ay colaad Guun ahi ka dhaxayso Laakiin aysan Jirin wanaag ay u samaynayaan taasoo uu Tilmaamay inay dadka shacabka ah u maleegayaan Siyaasad sun ah oo doonayaan in warbaahinta laga sheego ciidao ethiopian ah ayaa raashin U qaybiyey dadka tabaalaysan . Xaad Oo Hadaladiisa ay caro Xoogani ka Muuqato ayaa ugu dambayntii Uga digay shacabka soomaaliyeed gaar ahaan kan ku dhaqan Magaalada caasimada Muqdisho inay ka feejignaadaan rashinka Sunta ah ee ay Qaybinayaan Ciidamada Ethiopia oo hore u gaystay xasuuqa waa siduu hadalka u dhigaye . Hadalka Gudoomiyaha dhaqanka odayasha beesha ****** ayaa kusoo beegmay xili ay Hore Ciidamada Ethiopia Ugu gaysteen Masjidka Al-hidaaya iyo Meelo kale Xasuuq ay ku sameeyeen Culimo-udiin iyo weliba dad shacab ah oo ka madax banaan dagaalada u dhexeeya Xoogaga diidan jogitaanka ethiopianka iyo siyaasada dowlada iyo Ciidamada isku jirka ah ee ethiopia iyo dowlada Xafiiska Shabkada afnugaal ee muqdisho -
MOGADISHU, May 14 (Reuters) - Dozens of Ethiopian troops donated food aid for the first time in Mogadishu in a move aimed at winning public support in the chaotic country, witnesses said on Wednesday. Ethiopian snipers stood by as hundreds of Somalis gathered at the former defence headquarters where the Ethiopians, who are protecting the interim government, are staying. The soldiers said they bought the 40 bags of cereal with their own money, and distributed it to hundreds of hungry residents -- already struggling with inflation and local traders' rejection of old Somali notes for food purchases. "This is unprecedented," resident Abdifatah Abdikadir told Reuters. "Ethiopian troops were only known to shoot people. This act of goodwill is the talk of the town. Everyone is wondering what message they are trying pass." Many Somalis resent the presence of the soldiers from Ethiopia, an ancient rival of Somalia, despite the fact the interim government invited them in to help take control of the capital Mogadishu. The Ethiopians have also developed a reputation for ruthlessness in quelling violence in one of the world's most dangerous and heavily-armed cities. HAPPY BUT CAUTIOUS Awrala Abdi, an old Somali woman who got some of the food, was happy but cautious: "We don't know if we will eat this food in peace. Islamist insurgents will not be impressed by this gesture. They might attack the Ethiopians who live across from us and we might die." Meanwhile, in the southern port city of Kismayu, a woman died and two men were seriously wounded when a guard opened fire on refugees trying to loot food aid, residents said. The government and their Ethiopian allies are facing a year-old Islamist-led insurgency in the bombed-out Somali capital that has already claimed nearly 7,000 lives and uprooted tens of thousands. Somalia plunged into anarchy in 1991 after former dictator Mohamed Siad Barre was ousted by clan militias. The interim government -- formed in 2004 -- is struggling to assert its authority.
-
congratulations ONLF and WSDP ..........
-
Ku: Dhammaan Isimada SSC ee DG Puntland Fadhigooda Ku: Cuqaasha, Odayaasha iyo Waxgaradka SSC ee DGPuntland Fadhigooda Ku: Taliska Ciidanka Daraawiishta ee Jiida Hore Tukaraq Og: Madaxweyne ku sime iyo Golaha Xukuumadda Puntland Garoowe Og: Golaha Wakiillada DGPuntland Garoowe Ujeeddo: Wargelin Iyo Codsi Mudanka iyo madaxda DGPL ee warqadani ku socoto, marka hore naga guddooma Salaanta Islaamka – Assalaamu CalaykumWaraxmatu Laahi Wa Barakaatuhu. Marka labaad naga guddooma aniga iyo ciidanka daraawiishta Puntland xurmada iyo qaddarinta aad naga mudan tihiin. Mudanayaal, muddo ilaa afartan beri ah Shirkii Issimada, Cuqaasha iyoWaxgaradka Gobollada SSC uga socday tuulada Tukaraq wuxuu ku bilowday jawi farxad, dhiirrigelin iyo rajo wayn ku abuuray shacbiga reer Puntland oo dhan, gaar ahaan Ciidanka Daraawiishta ee difaaca uga jira Jiidda Gambadhe-Tukaraq, isuna diyaarinaya waajibka xoraynta dalka. Taliska Guud iyo Ciidanka jiidda hore oo si buuxda ugu kalsoon hadafka guurtida iyo ujeeddada ay shirkaas ugu qabteen dayac jiidda hore, iyagoo Caasimadda Puntland ka heli kara goobo kaga habboonaa oo diyaar u ah. Isla markaas iyadoo la hubo in ciidanku wax badan ka faa’idey shirkaasi muddadii uu socday, xag mooraal iyo dhiirrigelin, iyo xag taakuleyn guud iyo dhaqaale hoose oo dhalinyaradu ka heleen guurtidii dhex joogtay. Haddana waxaan maanta ku khasbanahay inaan idinku wargelino dhibaato halis ku ah ciidanka iyo difaaca ay ku jiraan oo baryahan dambe dareen nagu soo kordhisay. Sida la ogyahay shir kasta oo looga doodayo maslaxadda guud wuxuu maraa marxalado kala duwan oo lagu rogrogayo ajendaha shirka, waxaana sida badan soo baxa afkaar iyo aragtiyo kala duwan oo doodo kulul dhaliya, ama eedo xamaasadi keentay la isu jeediyo, laakiin sida badan dhammaada heshiis iyo natiijo midaysan. Shirka Tukaraq oo maalmahan marxalado caynkaas ah soo maray iyo doodihiisii furnaa waxay dhexqaadeen, xamaasadiina u gudbiyeen ciidanka jiidda hore ee difaaca, waxayna dhaliyeen shaki iyo su’aalo badan oo halis ku ah mooraalka iyo midnimada hadafka difaaca iyo xoreynta ee ay rafaadka u fadhiyaan. Haddaba Taliska Guud Ee Ciidanka Daraawiishta iyo Talisyada Colalka jiidda hore ee difaaca ku jira markay qiimeeyeen Marxaladda Shirka Tukarraq marayo iyo halista uu ku noqon karo Ciidanka iyo Ujeeddada uu jiiddaas u fadhiyo uu ku sugayoba. Annagoo markastaba ku kalsoon hadafka shirka iyo inuu ugu dambaynta talo loo dhan yahay iyp guul loo aayo ku dhammaan doono, haddana “ Diqsigu inta la isu dhiibayuu dhintaaye” waxaa na cabsi geliyey guuxa maalmahan ka abuurmay doodihii ugu dambeeyey ee shirka ka dhacay. Saas darteed, waxaan si xurmo iyo qadarin leh uga codsanaynaa Issimada, Cuqaasha, Waxgaradka iyo Golayaasha dawladdaba in shirkaas laga joojiyo Jiidda hore iyo Ciidanka dhexdiisa, loona beddelo meeshii iyo qaabkii kale ee uu kaga habboon yahay. Mar kale Mudanka iyo Madaxda waxaan u celinaynaa Salaan Mahadnaq, iyo Raalligelin haddii ay jirto cid nagu dhibsan karta codsigaan. S/Guuto Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Cabdirisaaq Shiikh Cismaan
-
MMA, wax baa ka yara khaldan ereybixintaas ,, Hadhow baan faahfaahin doonaa IA ,,,,,,,
-
Waxaa maanta dib uga duulay garoonka diyaaradaha ee Jabuuti Ergadii mucaaradka ee kooxda Asmara kuwaas oo ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay lana sugayay inay kulamo kala gedisan la qaataan Dawlada KMG ah ee Somalia si xal loogu helo dhibaatada ka taagan Somalia. Egada maanta dib uduushay kuna sugnayd magaalada Jabuuti ayaa waxaa hogaaminayay C/raxmaan Cabdi Shakuur waxaana ay dib ugu laabteen xarunta mucaaradka Dawlada KMG ah ee Somalia ee Asmara iyadoo ilaa hadda aan la ogayn ujeedada dhabta ah ee ka danbaysa socdaalkoodan ay dib ugu laabteen Asmara. mar uu waraysi siiyay BBC-da laanta afka Soomaaliga C/raxmaan ayaa waxa uu sheegay inaysan Jabuuti u imaan sidii ay ula kulmi lahaayeen Dawlada KMG ah ee Somalia ee ay u yimaadeen sidii ay ula shiri lahaayeen Q.M ayna lana shireen kalana hadleen sidii ciidamada Ethiopia uga bixi lahaayeen dalka Somalia oo ay ku hayaan dhibaatooyin badan ayna kula noqonayaan masuuliyiintoodii isagoo intaasi ku daray inaysan awood ulahayn inay la shiraan Dawlada xogtana ku celin doonaan masuuliyiinta. Socdaalkan maanta ay kaga anbabaxeen magaalada Jabuuti wafdidii mucaaradaka Dawlada KMG ah ee Somalia ayaa waxa ay noqotay arin si wayn ay dadku ula yaabeen una hadal hayaan iyadoo arinkani loo aanaynayo muran soo kala dhex galay kooxda Asmara taasna ay keentay inay dib ulaabtaan. Dhanka kale waxaan wali war kasoo saarin tagista ay tageen mucaardka Asmara, Dawlada KMG ah ee Somalia oo ay halkaasi ka joogaan wafdi uu hogaaminayo wasiirka dib u heshiisiinta C/risaaq Ashkir Cabdi iyadoo sidoo kalena ay socdaalka wafdidani si wayn uga yaabisay ergadii Beesha Caalamka iyo waliba msuuliyiinta Jabuuti. Afnugaal News Desk
-
War deg deg ah : Kooxaha ka soo horjeeda DFKMG ee Soomaaliya oo ka dhoofay Jabuuti. 14. maj 2008 Jabuuti(AllPuntland)- Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Fadhigooduna yahay Magaalada Asmara ayaa ka baxay Wada hadalo Nabadeed ka socday Magaalada Jabuuti. Sida ay sheegayaan Warar Madax banaan Ergadii Kooxda Asmara usoo dirtay Magaalada Jabuuti ayaa ka baxay Magaalada Jabuuti ,waxaana qaaday Diyaarad laga leeyahay dalka Ay degan yihiin. Masuuliyiin ka tirsan Safaarada Soomaalida ee Jabuuti magacoodana diiday in la sheego ayaa ay ka soo xigatey AllPuntland in ay arimahan oo dhan ka dambeeyaan markii galabta loo balansanaa wada hadalo ay yeeshaan dhinacyada Soomaaliya. Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midowbay uqaabilsan arimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla oo la kulmayey Ergada dawladda Soomaaliya ayaa markii uu ka warhelay tagida kooxdan waxa ay ku noqotey mid filan waa ah. Tagitaanka Kooxdan ayaa ku soo beegmaya markii ay maanta Saxaafada ka sheegeen in ay usoo dhamaatey howshii ay ku yimaadeen Magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti ,waxa ayna arimahan sidoo kale ku soo beegmayaan xili ay Xukuumada Asmara Cadaadis saartey Xubnahaasi. F. C. Geylan AllPuntland
-
Wararka aan kahelayno caasimada Somaliland ee Hargeysa waxay sheegayaan in caawa ay heshiis horudhac ah oo lagu soo afjarayo khilaafkii siyaasadeed ee gilgilay Somaliland ay wada gaadheen madaxweyne rayaale,iyo labada xisbi ee mucaaradka ah. Kulamadan ayaa bilowday kadib markii wasiirka maaliyada Mr Ducaale uu Siilaanyo ku garaacay gurigiisa oo uu booqday,kadibna ay isu soo raaceen xarunta madaxtooyada,iyagoo horay u sii kaxaystay Faysal Cali Waraabe,kadibna Rayaale la casheeyey. Wadahadaladan oo aan weli la shaacin ayaa waxay caawa ka abuureen magaalada Hargeysa jawi nabadeed iyo mid farxadeed,iyadoo laga cabsi qabay in khalkhal nabadeed uu ka dhaco Somaliland maalinta 16 may oo ah maalintii ay ugu ekeyd Rayaalle wakhtiga intaan loo kordhin sanad kale. Faysal Cali Waraabe oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in uu fariin u dirayo cadowga Somaliland."Waxaan idiin sheegayaa in aan is afgaranay,dalka iyo dadkayagana aan u shaqaynayno"ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo farxadi ka muuqato.Waxaa sidoo kale dad goob joog ah noo sheegeen in caawa uu Siilaanyo iyo Rayaale oo isla qoslaya ay ka soo baxeen xarunta madaxtooyada,iyadoo wejiyadooda laga dheehan karo inuu jiro heshiis ay gaadheen. Berito ayaa la waxa laqaban doonaa xaflad ay ka soo qayb geli doonaan xubno ka socda dawlada iyo xubni=o ka socda mucaaradka,iyadoo la saxeexi doono heshiisyada la isla qaatay. Murankan siyaasadeed ayaa yimid kadib markii xukuumada Rayaale golaha guurtidu u kordhiyey sanad danbe. Wararka heshiiska ay gaadheen xukuumada Somaliland iyo mucaaradku,kala soco Afnugaal saacadaha soo socda hadii ilaahay idmo. Afnugaal News Desk.
-
8 pages in one day ,,,,,,,, I knew this will happen when Ibti and CL are on at the same time ,,,, the best trollers ever , anigana way iga daran yihiin ,,, Good morning ,,,,,,,,, it is a great day and the situation here is a bit tense ,,, i mean politically ,,,, but all is good.
-
loooooooooooooooooooooooool@all of you ,,, crazy people ,, Lakin it is good to know rag aan libaaxyo u haystan (ama iska dhigayay) are showing their true colors ,,, fuleynimo that is ,,, cowards fooqal khaa'ifiin ,,,,,, With all those stories by Emperor ,,, it is clear that he is really afraid ,,, what is special with G-bay bal ??? ,,,,, Hunguri, niyow adiga waan kaa yaabay ,,, ma carabtaa ku soo beegsan baad is leedahay ,, cajiib looooool@Ibti ,,, i'm glad you know how fuleyiin are these ppl oo markay politics section ka joogaan look like they can destroy that cirka and demolish the dhulka ,,,, Koolkat,,, looool ,, kaalay dee xagii kalaad ii dirtaye ,, waxaan war ka rabay xagga kele ,,,
-
Hargeisa (QARAN) - The President of Somaliland, Mudane Dahir Rayale Kahin, and the two leaders of Somaliland's opposition parties KULMIYE and UCID, Mudane Ahmed Mohamed Mahamud and Mudane Faisal Ali Warabe this evening met at the Presidency in Hargeisa. The meeting took place in order to begin discussions on issues relating to Somaliland's political arena, including efforts to revive the failed mediation talks between all three Somaliland parties regarding the delay in the Presidential and local elections, the extension of the President's mandate by the Somaliland House of Elders and other areas of mutual interest. Mediation processes led by the Somaliland speaker of parliament, Mudane Abdirahman Mohamed Abdillahi had failed and as a result the need for a new attempt in resolving the issues facing the Somaliland political parties appears to have been revived by the meeting between the three party heads in Hargeisa. According to reliable resources these discussions are expected to continue tomorrow with a luncheon to be attended by the three party leaders, followed by a press conference tomorrow, Thursday, the 15th of May. According to these same sources, the chair of the UCID party, Mudane Faisal Ali Warabe stated that these talks have borne fruit "Which will reassure the people of Somaliland and our friends across the globe that Somaliland has once again resolved its internal issues through dialogue and consensus". These talks come at a time when the opposition parties, KULMIYE and UCID had been adamant in their opposition to the extension of the President's term for an additional year by the Somaliland House of Elders. The President's five year term expires on the 15th of May, 2008. Source Qarannews.
-
Thanks for the info ...
-
amaan darrada muqdisho ka waran ?? ,,,,
-
Ciidamada nabdsugida Puntland ee loo so gaabiyo magacooda PIS,dadkuna u yaqaan (Ashadaado la diririka) ayaa haysta dhakhtar Somali-Kenyan ah,oo ka hawlgali jirey xarunta caafimaadka Salaama Medical Centre ee magaalada Boosaaso. Dhakhtarkaas oo lagu magacaabo Dr. Ibraahim Gorija Cali ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso isagoo ku sii jeeday reerkiisa oo ku nool magaalada Nayroobi,iyadoo ragii qabanayey ay ku eedeeyen in uu xidhiidh la leeyahay argagixisada. Ciidamada CID-a Puntland ayaa beryahaan wada hawlo ay ku ugaadhsanayaan dadka soomaaliyeed ee martida ku ah Puntland,waxayna iyaga oo la shaqaynaya gacanta u geliyeen cadowga tigreega rag badan oo isugu jirey culimo,ganacsato,iyo weliba rag muruq maal ah oo denbiga keliya ee ay galeen uu yahay inay ka yimaadeen ********iya. Dhakhtarkan ayaa wararkii ugu danbeeyey sheegayaan in uu sitay laba baasaboor oo sida caadiga ah midna Kenyaati yahay midna Soomaali yahay,taasoo badanaa ay soomaalidu laba basaboor isticmaalaan. Xaaska u dhaxday Dhakhtarkan lagu eedeeyey inuu yahay argagixiso Balqiisa Saciid Baana,ayaa sheegtay in aan ninkeedu wax argagixiso ah shaqo ku lahayn,halkaana uu u joogay inuu fuliyo hawlo qalitaan,oo uu shaqo u tegey,markuu dad badan qalayna uu u soo socday gurigiisii. "Waxaa markii hore la ugaadhsanayey dadka reer ********iya,hadana waxaa bilaabatay ugaadhsiga dadka reer NFD," sidaas waxaa yidhi nin reer Boosaaso ah oo ka mid ah shaqaalaha xarunta caafimaadka ee Salaama Medical Centre oo naga codsaday inaan magaciisa la shaacin,isaga oo u baqaya amingiisa. Afnugaal news Desk
-
Well, let it be then ,,, Let's all celebrate ,,,,,,,,
-
OSLO Dhamaan dadka reer Somaliland ee ku dhaqan Oslo iyo agagaarkeeda waxaaa lagu wargelinayaa in la qabanaayo munaasabad lagu xusayo sannad guuradii 17-aad ee ka soo wareegtay gooni isutaaga J.Somaliland oo ku beegan Axada 18 May 2008. Munaasada Xafladaha lagu xusayo waxa loo kala qabanayaa sidan soo socota: * Tar-tan Kubadda Cagta ah oo dhawr kooxood ku tartami doonaan. Kooxdii ku guulaysatana la guddoonsiin doono koob loogu talagalay munaasibadan. * Xaflad habeenkii ah oo lagu soo bandhigi doono Khudbado ka hadlaya maalintan iyo qiimaheeda. Waxaa kaloo goobta ku diyaara dhalintii fanka iyo hidaha oo iyana dhanka maaweelada daadihin doona. Tar-tanka kubada cagtu wuxu dhacayaa maalinimada Axada 18/05, isagoo bilaaban doona 11:00 baraqnimo. waxaana lagu qabanayaa garoonka Dæhlenenga idrettsanlegg, Malmøgt. Halka xaflada fiidnimadu ka dhaceyso Tøyenbekken, Grønland. Waxaanay soconaysaa inta u dhaxeysa saacadaha 17:00 - 01.00. Allaa Mahad Leh Gudiga Qaban-qaabada