Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. That should teach you a lesson yaaa Naxar ,,,,
  2. Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka ah Oo Markii Ugu Horeysay ka Hadlay Natiijada Kulamadii Ay La Yeesheen Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa hadhwanaag 2008-05-16 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Labada Gudoomiye Xisbi Mucaarid ee KULMIYE iyo UCID Axmed Maxamuud [siilaanyo] iyo Eng.Faysal Cali Waraabe,ayaa markii ugu horeysay ka warbixiyay kulamadii kala duwanaa ee ay la yeesheen Madaxweynaha iyo Xisbigiisa Udub,isla markaana waxa ay sheegeen in ay rejo fiican qabaanb, balse wax heshiis ah oo ay isla gaadheen aanay jirin. Mar ay maanta u waramayeen labada Guddoomiye Wariye ka tirsan Shabakada wararka ee Hadhwaagnews.com, oo ku booqday Aqaladooda. Isla markaana waxa ay gudoomiyaashani ku doodeen in aanay jirin heshiis kama dambays ah oo ay wada gaadheen Xukuumadda oo uu ka dhexeeyay khilaaf sadeed oo ba’an. Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa isagu si gaar ah u eedeeyay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, isaga oo ku tilmaamay nin ka hordhacay waxyaabihii laga wada-hadlayay iyo inuu ka baxay heshiiskii ahaa in aanay warbaahinta kagaga hadal wax ku saabsan arrimaha ay ka wada-hadleen, isla markaana waxa uu sheegay Guddoomiyaha Kulmiye in aanay go’aankii Guurtida marnaba ku qanacsanayn, kuna qanacsanaan doonin, diyaarna u yihiin in xal dhakhso ah lagaga gaadho khilaafyada siyaasadeed. “Waa dhab in wada hadal noo socday [Xukuummada], mowqifka haddii aanu axsaabta mucaaridka ah taagnayn waxa uu ahaa wakhtigii Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka la doortay dhamaad ayey joogaan, waa in doorashada la qabtaa sabab kasta ha ahaatee, inkasta oo aanu xagooda dawlada u badinayno arrinta diwaangelinta iyo habab badan oo la xidhiidhay dib u dhacooda”ayuu yidhi Axmed Siilaanyo. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Inay doorashaqada qabtaan Madaxweynaha iyo dawlada ayuu xil ka saarnaa, kuwaasina wakhtiyaashoodii dib ayay uga dhaceen muddo badan. Intaa aanu wakhtigu dhamaan [Mudada Xilka Madaxweynaha iyo kuxigeenka] in wada hadal iyo is faham la isugu yimaado, arrintaasi muddo badan ayey socotay aakhirkii markii ay maalini ka hadhay [shantii sanadood ee loo doortay Madaxweyne Rayaale] waxa noo suurta gashay in ay arrintaasi hirgasho oo hadalo badan ayaanu is nidhi” “Waxyaabaha balanka noo ahaa waxa weeyaan mudada wada hadalku uu noo socdo in waxa aanu gudahayaga ku hadlayno mooyaane, aanaan wax wax-yeelayn kara ama iska xog-waran ahi aanu naga dhicin” ayuu yidhi Siilaanyo. Isaga oo si gaar ah Guddoomiyaha Kulmiye ula hadlaya Madaxweeyne Ku-xigeenka Somaliland waxa uu yidhi, “Waxa ayaan daro ah anagu heshiiskii ayaanu ku joognaa, waxa ayaan daro in waxyaalaha Madaxweyne Kuxigeenka laga gudbiyey ay yihiin anagu waxaanu taaganay halkii Guurtidu goosatay oo sharciya, anaguna waxaanu u sheegnaa inaan go’aankii Guurtida ee ku saabsaanaa kordhinta muddada Madaxweynaha horena aanaan u aqbalin, imikana aanan aqbalin, mustaqbalkana aanan aqbali doonin, hadaanay duruufihii iyo sharciyadii aanay meesha jirin, markaa ma jecli in yooyootankayagu warbaahinta maro.” Mar uu Gudoomiye Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] ka hadlayey waxa ka soo baxay kulamadii ay axsaabta mucaaridka iyo Xukuummadu isuku soo horfadhiisteen waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay ilaa wakhtigan aynu taaganay wax isla ogolaanshiya ah oo aanu gaadhnay ma jirto, oon ka ahayn wada hadalkii, wada hadalkiina uu noo socdaa” Isaga oo hadalkiisa sii watanna waxa uu yidhi “Markaa ilaa imikadaa anaguna isma dhiibin [Mucaaridka] iyaguna isma dhiibin oo waa been ninka yidhaahda cid ayaa is-dhiibtay.” Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] waxa uu IIlaahay ka beryey in guul laga gaadho wada hadalada loo balansan yahay inay dhexmaraan Xukuumada iyo Axsaabta mucaaridka maalinta Isniinta ah oo ku beegan 19-ka bishan, oo sidoo kale maalin ka dib ah maalintii Somaliland lagu dhawaaqay ee 18-ka Mayah. Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in ay ku rajo wayn yihiin in ay guulo wax ku ool ah ka gaadhi doonaan waxyaabihii ay isku khilaafsanaayeen dhinacyadad siyaasada iskaga soo horjeeda ee Mucaaridka iyo Xukuumadda Somaliland. Ugu horeyn Faysal mar la waydiiyay waxyaabaha ilaa hadad uga soo baxay wada-hadaladoodii foolka-foolka ahaa waxa uu yidhi, “Horta anaga reer Somaliland anaga ayaa is dhex-dhexaadinta, oo dibad iyo cid shisheeye nooga timaada kuma tashano. Fadhigii shalay ilaa xalay, habeenkii ka horeysayna waxay ahayd salaan iyo inaanu jawiga sii diyaar-garayno, ilaa hadana waxaanu isku diidanahay ma jirto. Waxaananu jecelahay marka aanu ka soo noqono Jimcahan maanta iyo dabaal-dega 18-ka May, oo anigu aan doonayo inaan reer Boorama la soo ciido, ka dib inaanu 19-ka bisha aanu isku soo noqono, waxayagana sidii caadada noo ahaan jirtay aanu ku dhamaysano wanaag iyo is-afgarad.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe. Sidoo kale Mar Guddoomiyaha la sii waydiiyay wax shuruuda ah oo ay isula yimaadeen inay jiraan iyo hadii ay jiraan waxa ay yihiin, ee lagu xidhay Mucaarid ahaan iyo kuwa ay ku xidheen iyagu dhinaca Xukuumadda, waxa uu ku jawaabay, “wax shuruuda ahi ma jiraan, qodobada aanu wada-hadalka ka leenahay ee anagu mucaarid ahaan aanu jecelahay in nalaga qanciyo, oo anaanu isugu nimaadno meel dhexe ayuun baanu qodobaynay. Laakiin wax kale oo shuruuda ah oo ay qolo sidataa ma jirto, arrintuna maanta waxay ahayd in qolo waliba nafisto, oo waxa ay ka cabanayaan sharci ahaan la isu soo bandhigo, taas ayaanu wadnay, si jawi wanaagsana way noogu socotay, waxaananu diyaar u nahay inaanu arrimahayaga dhamaysano hadii Illaahay yidhaahdo.” Faysal waxa kale oo la sii waydiiyay waxyaabaha dhinacooda lagu qanciyay iyo waxa ay iyagu dhinaca Xukuumadda ku qanciyeen, maadaama ay qolo waliba wax ku dhaganayd markii hore, isgaa oo su’aashaa ka jawaabayana waxa uu yidhi “Labadayada dhinac, qof kastaaba siduu u akhristay qodobkaa 83-aad ayaanu wada haysanaa, anagu markaa Mucaarid ahaan waxaanu leenahay duruuf muddo laguugu kordhiyaa ma jirto, doorashan way dhacaysaa. Markaa koox kastaa aragtidoodii way sheegeen. Marrkii dambena waxaanu nidhi waar maxaa inoo dan ah, ‘waxananu isnidhi waxa inoo dan ah in aynu samayno sidii doorasho inoogu hirgali lahayd, taasina waxay noqotay inaga oo aan iska luminin . markaa waxaanu go’aan sanay inaanu mudnaanta siino sidii doorashada xalaal ah oo dhacda looga wada hadli lahaa., ka dibna wakhtiga ay Komishanku soo sameeyaan ayaanu isla eegaynaa hadii Illaahay yidhaahdo.” Waxaanu sheegay in ay ka wada doodayeen wax sharci ah, isla markaana ay rajaynayaan in ay si guul ah wax ugu dhamaadaan.
  3. It will happen soon IA ,,,,, it is nothing more than a lil bit political rag tag ,,,,, I might win some positions at the time ,
  4. looooool@malika,, these odayaal were part of the tensions as well ,,
  5. loooooool ,,, whenever i meet an ethiopian i probably ask them their clan ,, last time when i went to Addis, i was asking their clans ,, some were Oromos, some where Habashis, others were tigree and others were some other clans.
  6. "Oxford Wordpower Dictionary" ,,,, can someone donate me this plz ?? ,,
  7. Can you summirize the story plz ?? ,,, i can't watch youtube today. Just a lil problem with the connection ,,
  8. goormuu dhashay ?? Good Saturday ladies and gentlemen ,,,, how is da day goin with ya ??
  9. I'm sure you can do that Malika Cadeey ,,,,,
  10. looooool ,, i'm sure intay igu soo leexdaan inay odhan lahaayeen walaal magacaa, ka waran hadaynu is barano, xagee lagaa helaa, blah blah blah ,,
  11. Hadal macaan weeyaan ,, she should be happy with that ,,, unless she is the type of women who likes the rude aka qarafaadhug ,,,,,
  12. She should just say THANK YOU and go on ... what is the big deal ?
  13. Someone told me that someone told him that his awoowo said that he heard from his awoowo you can never please a woman ,,,,, Sweetie bal maxaa looga xanaaqayaa , i thought inay kuba farxi lahaayeen and would say waa nin wanaagsan. Next time waa inuu wixii Black American ku hablaha ugu yeedhi jireen ugu yeedho ,,, hehe ,
  14. Somalia has been in a state of hopeless conflict for many years (Somali refugees speak of horrific war crimes, May 7). The current US-led war on terror approach is creating a space in which extremist groups such as al-Shabab have become legitimate political actors, while policy failures have enabled the local insurgency to find support and develop recruitment bases. These include aerial bombings, support for the Ethiopian troop presence, and the badly timed terrorist designation of al-Shabab. The international community must work with the prime minister, Nur Hassan Hussein, and the UN representative for Somalia, Ahmedou Ould-Abdallah, both of whom have made singular efforts at genuine peace and stability amid high levels of corruption and self-interest. As the president cannot claim a similar contribution, his intransigence must be neutralised and his replacement supported internationally. A top priority is recognition for Somaliland. The semi-autonomous region is a shining example of the Somali potential for stability. International actors need to recognise its achievements as an independent administration and reward them accordingly. Its success should be promoted as a model for peace for Somalia's future. Paul Burton Director of policy analysis, Senlis Council Source: The Guardian
  15. hadhwanaag 2008-05-15 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Kulankii labaad ee ay isku soo hor fadhiistaan Madaxweyne Rayaale iyo Hogaamiyayaasha labada Xisbi Mucaarid ee Kulmiye iyo Ucid, ayaa mar dhawayd oo caawa ah lagu soo geba-gabeeyay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Hargeysa, waxaana kulankaas lagaga wada-hadlay qodobo door ah, oo khuseeya xaalada khilaafaadyada siyaasadeed ee dalka ka jira. Kulankan, oo ahaa wajigii labaad ee ay isugu yimaadaan dhinacyada siyaasada iskaga soo horjeeda (Mucaaridka iyo Muxaafidka) dalka Somaliland, ayaa la sheegay inuu jawi aad u fiican ku bilaabmay, isla markaana uu ku dhamaaday. Hasee ahaatee ma jirin wax go’aamo ah oo ka soo baxay. kulankan ayaa daba socday kulan ay xalay Masuuliyiintani ku yeesheen isla Qasriga Madaxtooyada, iyada oo wajigiisa saddexaad loo balamay in la isugu yimaado maalinta Isniinta ah oo ku beegan 19 bishan May. Isu imashada Kulankan oo bilaabmay maanta 1:30-kii Duhurnimo, ayaa socday wakhti ka badan shan saacadood, iyaga oo xubnaha kulanka isku hor fadhiyay ay si xidhiidh ah uga wada-hadayeen xal u helida khilaafyada siyaasadeed. Hase ahaatee, Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdi-qaadir iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga kale ee Mucaaridka ah ee Ucid Maxamed Xasan Baashe (Talaata-codle), , ayaa Saxaafadda u sheegay in kulankan lagaga wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin muddo kordhinta Guurtu samaysay iyo qaabka loo wajahayo Madaxweyne Rayaale, oo muddadii la doortay, isla markaana xilka loo dhaariyay ay kaga ekayd, maanta oo bishu ahayd 15. Isla markaana, waxa ay intaa ku dareen in kulanka saddexaad la isugu imanayo maalinta Isniinta ah ee 19-ka bishan, maadaama ay berri tahay maaliin Jimce ah, oo guud ahaana ummada Islaamku fasax tahay, Sabtida iyo Axadana loo debaal-degayo 18-ka May ee sannad-guuradii 17’aad ee ka soo wareegtay maalitnii Somaliland dib ula soo noqotay xornimadeeda, isla markaana lagu dhawaaqay gooni-isutaaga Somaliland, 1991-kii, oo ay si buuxda Somaliland uga soo go’day dalwaynihii la isku odhan jiray Jamhuuriyada Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee waxay dadka siyaasada u dhuun daloola aad u naaqishayaan waxa uu Madaxweyne Rayaale la shir iman doono khudbada sanad-guurada 17-aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland Xornimada dib ula soo noqotay oo ku beegan 18 May
  16. looooooooool Niyow i don't know the cost of the marduuf ,,,, and even the kilo of the qaad. But last time the 5 littres of Petrol did cost me 4 Dollars ,,, and sometimes 4.5 .........
  17. looooooool@ma jb baad i mooday Maye it took you much time to search this from the archieves than you would start one of your own, ,,,, You were probably bored
  18. looooooool@ma jb baad i mooday Maye it took you much time to search this from the archieves than you would start one of your own, ,,,, You were probably bored
  19. I heard this on the BBC Somali section and it was unfurtunate coz that is what they grew up in and they know nothing else from life. The reporter was interviewing some of them and it was amazing how they think in one hand then you feel sorry according to the situation they are raised. Those who were interviewed were only 11 and 10 years old meaning they were born during the war. So what do you expect ??
  20. loooooooooooooool@CL ,,,,,, FB, why a thread from 2005 bal ??
  21. Well, finally it is raining ..... means i have to stay here for more hours just to hide from the heavy rain.
  22. Maya , way i khusaysaa ,, markaa iskagama dhex bixi karo
  23. Originally posted by Abu_Geeljire: No difference........it's like albaab furan and the owner is fighting with his relatives in the house..oo better, nin hurda oo albaabki and windowski iska furtey........ Taasba i dheh ,,,,,,,,,,,,
  24. Somaliland waxa ugu ayaan daran ninka dagaal ku dhawaaqa ,,,, waxaanuu ku dambeeyaa useless meelahaa war wareega oo dadkiisa ka dhex baxa sida kuwii horeba ku dhacday. Hadii aanay maanta ayay fursad haystaane ka soo noqona sidaasay ku dambaynayaan believe me. Xabbad hadii ay ridaana kuwa ugu horeeya ee iska hor imanayaa waa iyaga ,,, taasna way og yihiin. Now don't get me wrong ,, kuwaas waxa ku jira kuwa dad iigu dhow qabiil ahaan oo aanu isku abtirsano ,, lakin waa unfortunate inay halkaas maraan wayse qoomanayn doonaan hadaanay miyirkooda ku soo laaban.
  25. and what is it different from those who are in place right now ,, i mean the africans ?? and what is it different from what happened in 1993 with UNISOM ??