Marka hore waxa aan salaamayaa dhamaan walaalada reer Somaliland, meelaksta oo ay caalmaka ka joogaanba gaar ahaan waxa aan salaan gaar ah u gudbinayaa mujaahidka weyn ee ka mid ah inta inagu sii hadhsan, ee hada nool ee Ilahay fursada inoo siiyay in ay wax inoo soo qoraan ama inoo soo bandhigaan waxa aan aad iyo aad uga helay qoraalkiisii uu dhawaan shaaciyay Mujaahidku oo taabananaayay dhinacyo badan meelaha qaarkoodna ay haboontahay in lagaga daydo meelaha qaarkoodna in wax lagu qaato isku soo duuboo waxa uu ahaa wax ku ool.
Hadaba aniga oo ah gabadh Somalilander-ah kuna nool dalka Ingriiska gaar ahaan magaalda London, waxa aan aad iyo aad ula yaabay qoraal uu soo mal maluuqay ninka la yidhaa Cismaan Abolor,oo aan u qaadan waayay in uu maanta isu rogo cadawga Somaliland, waa ayaan daro iyo nasiib xumo xaga uu ku danbeeyay Cismaan, waxa uu ku hadaaqaayo.
Cismaan waxa aanu isku ahaan jirnay ururkii aan soo bixin ee la odhan jiray Ilayska Somaliland, xiliyadaqaarkood waxa uu noo ahaa gudoomiye, Cismaan waxa uu ka mid ahaa amaba uu ahaa asaasihii ururkaasi Ilayska Somaliland, waloo markii danbe daaqada laga tuuray edeb xumo siyaasadeed awgeed lakiin marnaba ismaan lahayn ilaa Somaliweyn oo kuwii ka horeeyayba ay ka soo waasheen ama ay ka shaahayn wayeen ayuu dabada sii qabsan doonaa.
Waxa aan xasuustaa maalin maalmaha ka mid ah oo Cismaan Abokor uu qudbad uu noo akhriyaayay isga oo jooga bariga magaalda Lonmdon, hadaladiisii waxa ka mid ahaa. Adeeradayo, Cismaan Kaluun, Ina Buubaa, iyo Jamacyare midna ka aqbalimayno in ay Somaliweyn ay nagu afduubaan mana soconayso midnimadii Somaliyeed ee fashilantay ee beenta ahayd, mana doonayno in aanu abidkayo la midowno Somaliya, hadii la waayay 5 Somaliyeed Somalilan-na mar danbe kuma noqonayso hantaaqadii ay soo martay, ayaantaas qudbadiisa waxa uu ku soo gabo gabeeyay, Mar i dage Alle ha dago mar labadse i dage anaa isu dagay.
Waxa kale oo aan xasuustaa maalintii la saxeexaayay sharciga ururkii Ilayska Somaliland, qodobada ugu waaweynaa ee lagu dhisay ama lagu dajiyay waxa ka mid ahayd midnimada iyo gooni isu taaga Somaliland, qofkii ka soo hor jeedsadana waa danbiile qaran waana in sharciga lala tiigsadaa, qofkii wax Somaliland ka dhan ah ku dhaqaaqana waa beenaale iyo waliba in uu si toos ah ugu xadgudbay xuquuqda qaranka iyo jiritankeeda.
Hadaba Cismaanku Cismaankaan aqaanay miyaanu ahayn hadma ayuu waashay sowkii doorashooyinkii ina dhaafay u ololaynaayay xisbiga Kulmiye ee waliba gudoomiyaha si shaqsiyan ah ugu ahaa gacanyarahiisa, ma xisbigii uu sheegaayay Sifir ee uu lahaa Kulmiye waxa ku dhex jira qaar bada oo aaminsan midnimada Somaliweyn, ayuu Cismaan ka mid ayahay, dee waynu aragnaaba yaanan taas saarin calamatul su'aalba, ee wax aan ka codsanayaa Cismaan Abokor in aanu noo qarin saaxiibadiisa Kulmiye ee ku jira gudaha ee uu hada umada u shaaciyo, waxa aanan kugula dar daarmayaa, in aanand jar iska tuurin waxa aad is mooday wax aanad ahayn, sidaas Somaliland ay kuu soo nacday ee kuu dooran wayday kii ku soo dhawaystayna aad u khiyaamaysay ayaa ta aad ku socotana kuu taala.
Waxa kale oo aan kuu sheegayaa ragii aad ku caayi jirtay halka aad hada ku danbaysay waxa ay kaaga fadhiyaan xaal iyo cafis aad waydiisatid hadii kale halaas ayay taar lugaha kaaga xidhi doonaan, Abaheena Ibrahimna anagaa xaal siinay adigoo kale ma aha in uu u jawaabo, qoraalkiisuna adiga oo kale kugumuu soconin ee cidlaad ka halabsatay ee is hubso.
Sahra Muse
London
UK