Qorax

Nomads
  • Content Count

    284
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Qorax


  1. War anaa daawaday ee i weydiiya. Waa film waangsan. qofkii calool jilicsana horey ha u sii qaato masar ama shukumaan ilmada isaga tirtiro. Murugo ma jirto aan ahayn filmkan calooljileec.net


  2. ^Xornimo waad gareysa haddii raggoo dhan ninba meel xaabo uraadi la yiraa dherigana hal meel dabka ku saarataan si wadajira (xornimada)caqli aya la raba taatiko soconeysa maha sida hadda walaal. Kuwa ku jira amxaarada hala gorgortamen Meles waxa laga raba jidadkii, dugsiyadii, dhisidii kaabayaasha kuwa hubeysana waxaa iyana laga rabaa in cadaadis halka ka sii wadan oo aay dhahan marnaba hubka dhigimayno. Maxaa hadda socda in ONLFtu disho qofkii u aragto inu la shaqeenayo sida ardayda jaamacadaha, macalimiinta, dhaqaatiirta iwm sidaa horumar laguma gaaro.


  3. Mahadsanid Gheelle.T. Netbookga ayaan rabay balse waa la iga naxsahoo la yiri ka fagoow bateriga ayaa durba dhamaanaya, programyo qaarkood ma qaadi karo wareer nin buka kun u talsay ayan noqday. Bal aan eego reer sol ka kale waxa aay dhahaan.

     

    GDWonder,

    Mahadsanid walaal. kan ma netbook ba mise laptop caadiya? Acerka waa shinees ba layiri waana culeys badan yihiin taa ka waran? kan aad hadda soo dhigtay link ma leeyahay aan arki karo sawirkiisa.


  4. war wa naag waalan maka taqaan in aay isku meel istaagi lahayen dibadbaxa ugu soo horeya? Waxa u fiican ayadoo indho-shareer ninka usoo xirto oo gacmaha inta la isqabsado sheekadooda si fiican loo kala bogtaa.

     

    Horta waaba yaabe shababku sidee ayagu wax ku jeclaadaan mise jacaylka waa laga talaalayo qudhoodu jacaylba ma karo?


  5. Sxb, aniga kombiyuter hal kama aqaani waxaana doonayaa in aan laptop gato dadkana qofki aragtidba waxun bu ku sheegaya kaa iska daa kaas gado ee bal ilatali walaal oo laptopke igula talin lahayd bal?

     

    Waxan donayaa mid fiicanoo waxwalba u dhan yihiin haddana raqiis ah. Marka la gadanayo maxa baaso laga eegaa aan ka eegee bal? HB aya ugu fiican mayee DELL ayaa ka sita, War Toshiba dhinac ha u dhaafin iyo ACER ka carar wan ku wareeray ee maxaa dhihi lahayd. Celcelis ahaan isticmaalkaygu waa iska email furfuris, akhbaar akhrin-akhrin iyo kormeer kormeer guud sida halka sol.

     

    Wareer badanaa ;)

     

    Dwye