-
Content Count
17,713 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
326
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Originally posted by Dabshid: MMA, Ma noo sheegi kartaa sababta keentay dadkaas oo dhan in lagu laayo Mogadishu? Maxaa keenay? Mise dadka ama generalada wadanka intiisa kale degan faaiido ma leh, oo wadaniyiiin maaha? Ma qabo anigu in amxaaro dilaysay? dadkaa liska ku jira oo dhan soomaali baa laysay.In la raadsho oo maxkamad la soo taago weeye. Xamar magaalo weyn oo laba milyan waaye, oo meel lagu dhuunto iyo meel lagu dhex dhumo ayee leedahay both, unlike degmooyinka kale. Dadkaas saraakiisha ahna la wada dilay hal qabiil kama tirsanayn, oo Soomaalida qabiilkooda dhan ayee lahayeen. Uma maleynaayi degmooyinka kale inay saraakiil badan deganyihiin, oo haddii la dilana qofkii dilo isla markiiba la ogaan karo, maadaama meel and dad lagu dhex dhuunto jirin. Aniga dadka kala la dilay qolo kuma sheegi kari, laakiin waxaan hubaa saraakiisha dilkooda inay Xabashadda ka dambeyso, oo Soomaali ay soo tababartay u sameynaayo, mise kuwa iyaga ah Soomaali bartay. Dad kale iyagana Galbeedka iyo mowqifkooda kasoo horjeedo ayaa jiro, una arkaan kuwa reer Galbeedka hay'adahooda ku xiran in la qaarjiyo, sida kuwa ka dambeeye dilkii C/qaadir Yaxye iyo Istarliin Caruush, inkastoo the latter lagu dilay Nayroobi.
-
Originally posted by roobleh: quote: City = magaalo Town = degmo Village = tuulo Hamlet = buulo Boorama is a degmo . Having said that, it looks good. MMA, I am afraid you did not get it right this time. If this was a guess, then you guessed it wrong. Borame is a not only a city, but is the capital city of Awdal . Following is the definition of a city from Barron's Dictionary from answers.com "In general: subdivision of a state, with its own local government. According to the U.S. Bureau of the Census, the average population of a city is 5000. Several cities can constitute a county. A city is usually chartered by the state." BARRON'SBoorama is not magaalo; it never fitted a magaalo discription, either pre-war and post-war Soomaaliya. Neither is it 'magaalo madax.' There is only one magaalo madax in Soomaali sense and that is Muqdisho. What you meant, however, is xarunta gobolka Awdal, which Boorama is not either. The last I knew in pre-war, it is some place called Baki. The reason aan loogu dhigin xarun, unlike most other gobolo's largest degmooyin, I think, has to do it being too close to Soomaali Galbeed and thus out of Itoobiya since there was always wars involved with them. All other gobolo had xarun laga xukumo, not 'magaalo madax' or 'capital city.' The classical definition of 'city' [magaalo] -- not the American government's definition of it, which has a political meaning behind it -- is a place that has at least 100,000 people. A 'town' [degmo] has less than that and between 10,000 [and sometimes 5,000]. A 'village' [tuulo] is between anywhere from five hundred to upto 5,000. A few hundred or tens is a hamlet [buulo]. Anybody can put anything on wikipedia. You shouldn't have quoted it.
-
Originally posted by Dhubad: Military group (ciidanka dalka) · General yuusuf ahmed talan hotel sahafi, muqdisho Oct 18 2000. · Colonel. Abdulahi Mohamed Warsame “Nero”, Lafoole. April 2003. · Captain. Mohamed Adan, Xamarweyne April 2003. · Colonel. Mohamed Ismail “Gure”, Aug 14, 2004. · Police: Colonel Ismail Haji Osman. Gurigiisa, degmada Howlwadaag. Aug 14, 2004. · General. Maxamed Cabdi Maxamed, degmada Shibis, sep 11, 2004. · Colonel. Ahmed Ugaas “Foodey”, Oct 2004. · S/Gaas. Maxamed Xaashi Gaani Asoo meyda laga heley hotelka uu daganaa, Nairobi Kenya Oct 18, 2004 · Colonel. Maxamuud Abdinuur Aadan “Bataar”, Degmada Howlwadaag, Oct 26, 2004. · Police: General Yusuf Ahmed Sarinle, degmada Wardhiigley, Jan 23, 2005. · Colonel Xirsi Maxamuud Cumar ”Xirsi Dhoore”, degmada Yaaqshiid, Jan 31, 2005. · Police Officer: Cabdullaahi Kaahiye Cali, Afisyoone, March 07, 2005. · Police. Colonel: Maxamed Saciid Maxamed, degmada Yaqshiid, may 21, 2005. · Police. Colonel: Max'ed Cusmaan Coon, Three Biano, July 31, 2005. · Colonel maxamed xasan maxamuud “cadaawe” Jan, 21 2006 · Taliyaha Maleshiyada X.Bootan Ciise, Saciid Axmed Sangaab iyo Xaaskisa, March 1, 2006. · Marines Colonel Abuukar Maxamed Xusen (Abukar Dheere) Degmada Wardhigley, March 16, 2006. Toddoba ama lix kale oo ciidanka Qaranka ka tirsanaan jiray ayaa la dilay since then, almost all since Xabashadda Xamar qabsadeen four months ago. There was a gap and lull between these murders the few months Maxkamadaha ka talinaayeen Xamar, perhaps the assassinators laying low. I always wanted to document them, mar walbana iloowi jiray. Inkastoo dadkaas la wada dilay ay ka dambeyn hal group, hadana dadka ciidamadda ugaarsanaayo inay Xabashadda tahay taas la iskuma haayo. Dalka inay ka dhigto ayee rabtaa saraakiil la'aan oo difaac la'. Mana dilaan dadkaas ciidamadda ugaarsado dadka la yaqaano ee caanka ah maxaa yeelay attention ayee usoo jiidayaan, mana dilaan dadka garaadadooda yartahay oo muhiim ma'aha dadkaas, kaliya waxee ugaarsadaan kuwa dhexda ku jiro oo gaashaanle, gaashaanledhexe iyo gaashaanglesare wada ah. Dad kale iyagana waxgaradka iyo aqoonyahanadda, sida C/qaadir Yaxye, ugaarsado ayaa jiro, kuwaas qolooyin kale waaye oo dan kale leh. Kuwa kalena aargudasho, qabiilnimo iyo lacag ayaa loo dilay. Kuwa si kadis ayee shil ugu dhinteen. Saas oo tahay, ciidamadda Qaranka kuwa ayaa ugaarsado, oo taas shaki kuma jirto.
-
Adigana offside maku dhacday? Kamoon, dadkaan ayaa iska baacso isdhahaaye. Aabahooda ayaa sawirka ka qaaday oo u labisay, si fiican u dhisay; laakiin ciyaalka, haa, reer Kitchener waaye.
-
Daa'uud, ha quursan duqa. Despairnimada waa laga baxaa maalintee ahaato. NB - Since I see you liking archival pictures from the golden years of '60s, I got some unscanned ones of my father and the then government activities he was member of. I might share it with you, especially a Soomaali parliament delegation to Shiinaha in 1968. We had hundreds of pictures like that, including my old man with C/rashiid and Aaden Cadde too and other world leaders. We have lost much and the few we have is divided between each sibling that lives around the world. I will try to scan that parliament one in Shiinaha, Eebbe ha idmo.
-
Originally posted by buuxo: ^^^please tell me this is some joke. they look like kids. i can usually tell a cilin from others but they have such young faces. MMA please explain?? They are real. You can see it shaashka u saaran iyo sujuuda ka muuqato nooh. Waxee deganyihiin meel la yiraahdo Kitchener, Ontario. Magacoodana Awgambar iyo Aydhujoog ayaa la dhahaa.
-
Originally posted by Geel_Jire12: One the flip side, Shariif and co never invited any "Christians" to kill fellow Muslims in Somalia.On the flip side, Shariff and co never said Somali nomads should be bombarded b Americna gunships. They don't have a history of bringing Ethiopian army to Somalia, everytime one engages in a military confrontation....... Ku dar oo u sheeg Eratareeya is not currently in carnage and massacring poor civilians of Xamar. Ku dar oo u sheeg Eratareeya does not occupy Soomaali Galbeed. Ku dar oo u sheeg Soomaaliya iyo Eratareeya dagaal waligeed kama dhaxeynin. Ku dar oo u sheeg ninkii waday qaska Soomaaliya the last 16 years, midba hub iskugu dhiibaayo inuu ahayn Eratareeyaan. Ku dar u sheeg kuwa cadowtinimo soo jiritaanka ahaa ka dhaceeyo inay ahayn Eratareyaan. U sheeg qaska iyo qaxarka kuwa ka waday 16 sano dalkeena in uu ahayn Eratareeyaan. U sheeg Eratareeya inay ahayn the current occupier of Soomaaliya. U sheeg ...
-
Tell me about Mire Waqaf, baroortiis wali ma socotaa asagana?
-
Kan iga koreeyo, hokey if I edit your post to show you how your 'freedom of expression' can be curtailed too, will you advocate and accept that as well? Especially you 'stirring the pot' in a 'sensitive' [your very word] period like this. Don't you think you are abusing [or in your word, 'using'] and 'taking advantage' of SOL space advocating Xabasho flattening Xamar and massacring its residents, including SOLer's own relatives that live in that besieged city? As much as we detest what you mindlessly utter -- i.e. wanting eagerly the complete destruction of Xamar and genocidal crimes against its residents by Xabashadda -- you still have a platform to say whatever you want since we are not Xabasho. We still respect your opinion, as unbelievable, sickening and inciting hatred as it is. Dad ayaa Xamar inoo degan, not dugaag, ee ka fiirso intaa leedahay "I welcome its flattening," which supposedly includes its residents.
-
The latest siyaaro to Adisababa took almost two months after the last one because it was considerably delayed by dagaaladda Xamar ka socdo and the unsafe landing and taking off of planes, plus the Junior Master, the Xabash foreign minister had been in Xamar twice, supposedly bringing the instructions with him. Nonetheless, it could not be delayed any other longer since the Senior Master at Adisababa needs the updates from the Frail Stooge himself. No body knew where the Frail Stooge of Xabashadda flew to since secret flight flew out of Xamar at dawn four days ago, and no body, including the warbaahinta, knew where he went to. He just vanished. Today, suddenly, he appeared at his Master's palace in Adisababa. Very fitting. Siyaaro thread will always chronicle the Stooge's visits and ventures to his Master's residence each time, regardless hadduu isqariyo or not, we will always know soon and report. ------------ [Abriil 20, 07] - Madaxweynaha dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ayaa ka Hadley dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho, isaga oo tilmaamay in dagaalka looga soo horjeedo kooxaha argagixisada ah. Wakaalada Wararka Itoobiya ee ENA ayaa shaacisay in madaxweynaha dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed iyo ra?isal wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ay ka wada hadleen dagaalka looga soo horjeeda waxa ay ugu yeeraan aargagixisada. Labada mas'uul ayaa sheegay in ay sii soconayaan dagaalada, ayna xooga saari doonaan sidii ay u sifeyn lahaayeen kooxaha ka soo horjeeda oo ay u aqoonsan yihiin aragagixiso. Labadan mas'uul ayaa la sheegay inay si weyn uga doodeen dagaallada ka socda Muqdisho iyo qaabka uu u socdo, waxayna sheegeen inay sii wadayaan inta ay ka xaqiijinayaan nabadda Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ku ammaanay dowladda Ethiopia iyo madaxdeeda sida ay u garab taagan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ENA u sheegay in dowladdiisu ay dagaallada joojinayso marka ay xaqiijiso in Muqdisho laga saaray kooxaha ka soo horjeeda Dowladda. Ra'iisul wasaaraha Ethiopia ayaa sheegay in ciidammadiisa ku sugan Muqdisho ay sii wadayaan dagaallada inta ay ka xaqiijinayaan inay ka saareen Muqdsiho kooxo uu ugu yeeray inay yihiin Argagaxiso ku dhuumaaleysanaysa Muqdisho, isagoo sheegay inay heegan u yihiin taas xaqiijinteen ciidammadooda ku sugan Muqdisho. Markacaddeey
-
I am very, very sad to report the couple have finally separated with no children. After three long, golden and prosperous years of guur, they have finally decided they were not meant for one another. Awgambar [the man] was finally given his bacmadoow by Aydhuljoog two weeks ago. After two long, toilsome, arduous waanwaan and xaalraadis by elders in the last two weeks, Aydhuljoog's insistence would not be overcome, rendering her sorrowful decision as a final. The reasons were not disclosed publically and we have no intention to violate their utmost privacy by speculating or assuming. We hope them the best. Best of luck Awgambaroow iyo Aydhuljoogeey.
-
Shells land in compound of SOS Children's Village
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to xiinfaniin's topic in Politics
To those who are not familiar or not been to SOOS, there it is. A SOLer took that picture in 2005, which she shared with us. It still looks beautiful, SOOS along with Isbitaal Madiina being few public institutions that escaped from the wrath and descruction of dagaallada sokeeye. -
Wadaadkii qunyarsocodka ahaa ar maxaa helay? Badgaduudoow, widaayoow, waa isqarxisee. Shib dheh anaga waa muqalnay yaah ee ha isa sii caarifin yaah. Illeen qof ayaa gurey ahaa. I am even more surprised supposedly your innocent 'left hand' comments that the girls would get it. Illeen maxaa dirty minds meesha ka buuxaa, be it girls or boys.
-
Daa'uud, we only keep talking about dagaaladda sokeeye dhibaatadda ay u geysteen dadweynaha iyo dhaqaalaha, laakiin, yeah, a lot of duugjoog ayaa ayaa ku baaba'ay, some native only to Soomaaliya iyo deegaanadee Soomaalida degaan. Well-known duurjooga such as sagaaro, deer, maroodi, dameerfaloow, gari, jeer, shabeel, goronyo, daanyeerkaroow, libaax. Waa yartahay in la arko hal degan dhulkeena maanta. Most NFD Keenyatiga xooga ku heysto u qaxeen iyo beyond, oo xoolaha maankoodaba waa qabaan. You are hard-pressed to find a goronyo [ostrich], which was native to dhulkee Soomaalida degto, like this today in Soomaaliya. Biciid (oryx). Sagaaro, deer, maroodi, dameerfaloow, gari, jeer, shabeel, goronyo, daanyeerkaroow, libaax I was talking about.
-
Xariifkaan gaari gacan muu soo saarnaa mise ... Sadex sano uu inta fadhiye markaas ayuu hadana leeyahay waan cusbahay. Yihooy soo dhaaf, Gaashaanle. Garaada bilaash ah maxaa la isku taxay meeshaan.
-
Easy on the 'dhafoorqiiq' term, baliis, since it is pejorative word. SSDF meeshaan ma joogaan, which makes some to refer it to a certain clan.
-
Why was poor Buubaa sacked by the Junior Stooge of Xabashadda? The past few weeks, Buubaa himself tried to dismiss, oo jagadda ka qaado Junior of Xabashada Geedi's cousin, who is so-called danjiraha Nayroobi u fadhiyo dowlad ku sheega. Poor Buubaa, xaa u geeye waxaas. Iska dulqaado dowlad ku sheegaan meel ma u socoto, duqa. Buubaa with Geedi's cousin, Max'ed Cali Ameeriko ------------- Safiirkii u fadhiyey Soomaaliya dalka Kenya oo xilkii laga qaaday Nayroobi (Maarso 28, 2007): Maxamed Cali Ameeriko oo ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa laga xayuubiyey xilkaas. Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Mr. Buubaa ayaa sheegay in uu xilkii ka qaaday safiirkii hore u fadhiyey dalka Kenya isagoo sheegay inuu shaqadiisii kasoo bixi waayey "howlgabnimo". Ma jiro safiir xusub oo uu magacaabay hase yeeshee waxaa la sheegay in tani ay ka mid tahay isbadel lagu sameynayo safiiradda dalka Soomaaliya. Warar kale ayaa sheegaya in xil ka qaadista safiirka dalka Kenya ay la xiriirto khilaaf beryahan u dhaxeeyey raysul wasaaraha Soomaaliya prof. Geedi oo ay isku heyb yihiin safiirka iyo Wasiirka A. Dibadda Buubaa. Sida laga soo xigtay safiirka xilka laga qaaday ayaa sheegay inuusan arag qoraal xilka looga qaaday loona sheegin, wlina uu yahay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya. Afdheer ------------ Buubaa oo sheegay in uu xilkii ka qaaday Ameeriko 28, Mar, 2007 - Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cusmaaciil Hurre Maxamuud "Buubaa" ayaa wareegto uu soo saaray xilkii Safiirnimo kaga xayuubiyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya. Mr Buubaa oo saxaafada uga warbixiyay Xilka qaadista uu ku sameeyay Maxamed Cali Ameeriko ayaa ku tilmaamay in ay tahay mid uu is bedelo lagu sameynayo Safaaradaha Dibadda. "Xilka qaadistaas waxa ay aheyd mid isku shaandheyn iyo mid is bedelba oo aan ku sameeyay Safaardaha Dibadda Safiirada u fadhiya"ayuu yiri Buubaa. Wararka ayaa sheegaya in sababaha uu uga qaaday Buubaa Maxamed Cali Ameeriko Safiirnimadiisa ay tahay khilaaf soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaaraha iyo isaga. Geeddi iyo Maxamed Cali Ameeriko ayaa ah dad si aad ah isugu dhow, isla markaana ka dhaxeysa saaxibtinimo weyn, waxaana la tilmaamay in xil ka qaadista lagu sameeyay ay tahay khilaafka adag ee soo kala dhex galay Geeddi iyo Buuba. Dhanka Kale Maxamed Cali Ameeriko ayaa beeniyay Wararka sheegaya in laga qaaday xilkiisa, isagoo sheegay in aysan jirin warqad la soo gaarsiiyay isaga, wuxuuna xusay inuu sii wadayo howlaha shaqo ee Safaarada Soomaaliya Nairobi ku leedahay. Xamardaye ------------- Cali mahdi oo ka codsaday Ismaaciil Buubaa in uu ka laabto xil ka qaadistii uu ku sameeyey safiirka Kenya Sabti, Abriil 14, 2007 - Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamigaa xukuumada federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Ismaaciil Max’uud Hurre (Buubaa) oo dhowr cisho ka hor qoraal uu u qoray Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ku sheegay in magacaabista safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya ay tahay mid sharci darro ah oo uusan waxba kala socon, kana codsaday dowladda Kenya in Max’ed Cali (Ameerika) laga wareejiyo xarunta safaarada, isla markaana uu xilkaasi si KMG ah ugu magacaabay Max’ed Jaamac (MJ) ayaa fiidnimadi markii uu soo dhamaaday shirkii golaha wasiirada arrimaha dibedda IGAD wuxuu la kulmay guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaran Cali Mahdi Max’ed oo ka codsaday Buubaa in uu ka laabto xil ka qaadista uu ku sameeyey Max’ed Cali (Ameerika), iyadoo ilaa shalayna la arkayey Ameerika oo ku lamaansan wasiirka, isla markaana intii uu shirku socday goob kasta la taagan, iyadoo mararka qaarna la arkayey Buubaa in uusan wax qiimeyn ah siineyn daba socodka Ameerika. Wasiirka arrimaha dibedda ayaa si weyn uga carooday qaabka uu ula dhaqmay Ameerika mas’uulkii uu ku bedelay, kadib markii sawirkiisa lagu dhejiyey albaabka safaaradda, amarna lagu siiyey ilaalada albaabka xarunta safaaradda inay ceyriyaan hadduu albaabka soo istaago, waxaana laga soo xigtay Ameerika markii xilka qaadistiisa lagu dhawaaqay in uu yiri “ Aniga seedigeey ayaa ah ra’isul wasaare, Buubaana hadduu isku dayo in uu xilka iga qaado isagaa laga qaadayaa ." [ Badanaa ma rumeysto waxee qoraan shabakadaas Waagacusub, laakiin run ayeeba noqotay.] Maxamed Cali Ameerika mudadii uu xilkaas safiirnimo hayay wuxuu noqday nin astaan u noqday musuqmaasuqa iyadoo dacwad cabasho ah ay ka qortay Wasaaradda Arrimaha dibada ee keenya,taas oo la xiriirtay inuu iska iibsado viisooyinka dal ku galka ah ee kenya. Xigasho ------------------ Ismaaciil Buubaa oo xilkii safiirnimo ka qaaday Maxamed Cali Ameeriko Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cusmaaciil Hurre Maxamuud "Buubaa" ayaa wareegto uu soo saaray xilkii Safiirnimo kaga xayuubiyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya. Mr Buubaa oo saxaafada uga warbixiyay Xilka qaadista uu ku sameeyay Maxamed Cali Ameeriko ayaa ku tilmaamay in ay tahay mid uu is bedelo lagu sameynayo Safaaradaha Dibadda. "Xilka qaadistaas waxa ay aheyd mid isku shaandheyn iyo mid is bedelba oo aan ku sameeyay Safaardaha Dibadda Safiirada u fadhiya"ayuu yiri Buubaa. Wararka ayaa sheegaya in sababaha uu uga qaaday Buubaa Maxamed Cali Ameeriko Safiirnimadiisa ay tahay khilaaf soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaaraha iyo isaga. Geeddi iyo Maxamed Cali Ameeriko ayaa ah dad si aad ah isugu dhow, isla markaana ka dhaxeysa saaxibtinimo weyn, waxaana la tilmaamay in xil ka qaadista lagu sameeyay ay tahay khilaafka adag ee soo kala dhex galay Geeddi iyo Buuba. Dhanka Kale Maxamed Cali Ameeriko ayaa beeniyay Wararka sheegaya in laga qaaday xilkiisa, isagoo sheegay in aysan jirin warqad la soo gaarsiiyay isaga, wuxuuna xusay inuu sii wadayo howlaha shaqo ee Safaarada Soomaaliya Nairobi ku leedahay. Mareeg ---------- Muqdisho - Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo sheegtay inuu Maxamed Cali America weli yahay Safiirka Safaarada ay Soomaaliya ku leedahay dalka Keenya. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtey in Maxamed Cali America uu sii Hayndoono howlaha safaarada Soomaalida ay ku leedahay wadanka Kenya tan iyo inta ay dowladda ay cid u soo magacaabeyso safaaradaasi. Wasiirka arrimaha dibada ee dowladda Federaalka Soomaaliya Ismaaciil M. Hurre Buubaa ayaa sheegay in safiirka looga yeeray gudaha dalka islamarkaana tan iyo inta cid ay uu usoo magacaabaayo safaarada uu xilka sii hayndoono agaasimihii guud ee wasaarada arrimaha dibada ee Dowlada Soomaliya. Wasiirka arrimaha dibada ee dowladda Federaalka Soomaaliya ismaaciil M. Hurre Buubaa wuxuu qeexay in arrimahaani ay qeyb ka yihiin dib uhabeyn dhinaca Maamulada safaarada Soomaalidu ay ku leedahay dalka dibadiisa. Wasiirka waxaa kale oo uu ka hadlay arrimaha xaduudaha wadanka Kenya iyo is dhexmar la,aanta taasoo uu sheegay in dowladda ay dadaal ugu jirto sidii dib loogu furi lahaa xaduudaha islamarkaana dowladda Kenya ay u qafiifin lahayd xayiraadaha dhinaca hawada iyo xuduuda ay Soomaaliya la wadaagto.Siduu kale wuxuu Wasiirku soo hadal qaaday shirka wadamada islaamka ugu socoda Magalaada Riyaad ee wadanka Sacuudiga oo uu sheegay in dhanka dowladda uga qeyb galayo Ray’sal wasaare Cali Maxamed Geeddi waxaana uu tilmaamey in isaga uu ka mid ahaa wafuudii halkaasi lagu casuumay balse markii uu shirka bilaamey uu joogay Magaalada Baydhabo islamarkaana ay ka baaqatay diyaarad uu sheegay inay kasoo qaadi lahayd meeshaas. Muqdisho Times
-
Horta in badan ayaan arkay Soomaalida isku qaldeyso some terms about cities and towns and villages. City = magaalo Town = degmo Village = tuulo Hamlet = buulo Boorama is a degmo. Having said that, it looks good.
-
Idinkaaba ka daran giving a platform and free publicity such said sites. Limit giving the site's url an exposure, and to those who have already listed, it is good idinkoo tirtirtiin magaca shabakadda, that is if you still can. [Teeda kale what gives that notorious site, whose existence does not pass more than a few months each time, yet are visited by hundreds of thousands in that short-lived bracket. It is one more reason why mar alle markii la xiro loo furaa. It has, unfortunately, an 'audience' eager to follow and participate, which says more about 'us' Soomaalis on the net in general than about the ill-famed owner of the site.] Some of those pictures, especially the utmost private ones, gabdhaheena lagu xumeeyo are posted by none other than their fellow girl 'friends' that xumaan ku kala tagay, thus xaasidnimo, aargudasho ama maseernimo daradeed usoo giliyo. Sickening and malicious? Indeed, yes. Despiteful? Truly. Soomaalida teeda kalena have this needless and unreasonable paranoia aad iyo aad u fiigsan anything about the internet, all the time wiswis ka qabo wax walba. A picture on a site, there is absolutely nothing wrong, even if it was uploaded said notorious sites. Qof ishuba, oo asturan should worry about nothing. To others -- be female or male -- iyagoo qaawan sawir galay awalba, even if it was intended for private viewing, well, I don't have nothing to say to those. Blame solely rests on them, none but themselves for first daringly taking that picture and then keeping it around, xataa in safest of their private rooms. They should not calaacal now that it was exposed to the world. It reminded me an exposure episode where some gabdho aan Mareykanka isla nimid, and were new to the country, who took almost-nuudo images of themselves and kept them in the sanctuary of their rooms. Some of you may already think nothing wrong with that. Fortunately -- or unfortunately -- the innocent kids found the images when they were not at home and brought the them to living room to show, excitedly, to their mother. Long story short and after a lot of qeylo, sawiradaas waa laga jeexjeexay gabdhahaas, I think. [And I am sure they retook new ones after a few months, now learning their ugly lessons nonetheless.] To those who are contemplating taking a semi-nude picture and intending to keep it around, always keep in mind that picture will one day be seen by a retina other than your own, if it was intended to yours only to be begin with.
-
The Phenomena of the Somali Euro-trash
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Jamster's topic in General
A visual description on the scene of the actual event the writer is talking about. The writer's sawir is on the second menu list -- Sheeko Launch -- too; however, I hope I am not revealing anything. But calling people 'trash,' that is a bit stretched. Hala isdhowro oo la isixtiraamo, baliis, maadaama Soomaali la wadayahay. -
Old news, yep; nonetheless, it is still shocking to hear it again. ------------- Dr. Cali Khaliif Galeyr oo Shaaca ka qaaday in Xuseen Ceydiid, C/llaahi Yuusuf iyo Cigaal ay waligood Mareykanka ka dhaadhicin jireen sidii ay u weerari lahaayeen Goobo ay Bakaaraha kamid tahay [/b] Taariikhda Soomaaliya waa tariikh aad u yaab badan iyadoo taasi ay jirto ayaa hadana waxaa kasii daran in taariikhda dadka sameeya ay kasii yaab badan yihiin. Hadaba Dr. Cali Khaliif Galeyr oo dhowaan ka qeyb galay Kulan ka dhacay Dalka Britain isla markaana ay iskugu yimaadeen Soomaali aad u fara badan ayaa Mr.Galeyr waxa uu halkaasi kusoo bandhigay Cadeymo Muddo ay Shacabka Sugayeen in Shaaca laga qaado. Galeyr oo Khudbad halkaasi uu ka jeediyay kaga hadlay Arrimo aad u fara badan ayaa waxaa kamid ahaa Kudbaddiisii dhinaca uu kaga hadlay Xilli uu Booqasho kutagay Dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalooyinka Washington iyo New York xilligii ay qaraxyadu ka dhaceen kadib ayaa waxa uu sheegay in halkaasi uu kala soo kulmay wax aad u yaab badan. Waxa uu sheegay in Mareykanka ay u geeyeen 3 shaqsi oo Soomaali ah kana mid ahaa Hoggaamiye Kooxeedyadii Soomaaliya waraaqo ay ku sheegayaan Goobaha loo baahan yahay in laga duqeeyo Soomaaliya kuwaasi oo kala ah Xuseen Ceydiid, C/llaahi Yuusuf iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Allaha u Naxariistee. " Waxaan anigu tegay Ayaamo kabacdi Washington iyo New York September 11, Washington baan tegay wasaaradda arrimaha dibadda baa wafdi aanu soconay Meesha ku tagnay, waxaa nalagu yiri idinku hadal baad heysaan oo waxaad leedihiin aanu wax wada qabsanee hadaanu nahay waaxdii arrimaha dibadda arrintani waa naga wareegtay file-ka soomaaliya wasaaradda Gaashaandhigga baa loo gudbiyay, wasaaraddu gaashaandhiggana waxay kala xulaneysaa meelaha la garaaci doono ee Soomaaliya , war bal u kaadiya ugu horeyn meelaheed garaaceysaa Nin baa lasoo baxay File oo wuxuu yiri Camuud, Garoowe, Boosaaso, Shimbiraale, Laascaanood, yaabka waxaa lahaa Bakaaraha, Raaskambooni, Ceelwaaq ," ayuu yiri Dr. Galeyr oo Dadkii kasoo qeyb galay Kulanka sirtaasi culus uga sheekeynayay. Wuxuu yiri Mr. Galeyr isagoo ka dambqaday Garaacista lala damcay Bakaaraha “War yaa Alle yaqaan, sideed Bakaaro u garaaci kartaan, waxyar baan ka gil gilay oo waxaan ku iri bal intaydan bakaaro garaacin markii aad intaasi oo dhanna aad garaadaan oo 24-saac kadib aanan la oran Maxaynu garaacnay ee inagu ayaaba horey isku garaacnay iskana duduminayee guryaheennii bal Media u dira oo warbaahintiina iyo TV-yadiina u dira markaasi ayay direen” ayuu yiri Dr.Galeyr. Waxa uu sheegay markii ay wariyeyaashoodii soo direen in ay booqdeen raaskambooni oo ay sawiro kasoo qaadeen waxayna halkaasi kusoo arkeen 4-cooshadood oo yar yar iyo sidoo kale Shimbiraale halkaasi oo markii ay warbaahintu aadeen ay aad ula yaabeen. Waxa uu sheegay Galeyr in yaabka yaabkiisa kale ay leeyihiin dadka Liiskaasi bixinaya oo leh hala weeraro halkaasi oo kala ah Maxamed Ibraahim Cigaal Allaha u Naxariisto, C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid, waana dadka liiskaasi bixinayay oo si aad ah u jeclaa in la duqeeyo goobaha ay tilmaameen. Sirtani uu shaaca ka qaaday Dr.Cali Khaliif Galeyr ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo Cadeyneysa in raggani ay waligood gaalo ka rajeyn jireen in ay ka dhigan Mustaqbalka Madaxda Soomaaliya iyadoo midkood uu baxay inkastoo labadii soo hartayna ay iminka u muuqdaan in ay iska soo horjeesteen lakin aanan la hubin. Boondheere Qudbadda oo cod ah inta ka dhageyso. Aniga qudbadda ma dhageysan, marka ma hubi in uu Galeyr dhab ka hadlaayo iyo in kale, but the news does not surprise me, especially Shimbiraale oo CNN iyo NBC wariyaal ka socda tageen 2002 markuu that Frail Stooge idaacadaha caalamka ka lahaa 'argagaxiso' ayaa joogaan tuuladaas.
-
The kidnapping of Cabdiqaadir Nadaara
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
War muxuu moodaa kaas afhayeen ku sheega ee Idamaale la dhaho wariyaasha iska xiranaayo. Meesha shabakadiis idamaale.com muu moodaa? Waxaan ayaa jago dowlad ku sheeg sheeganaayo. -
Wariye Cabdiqaadir Nadaara oo u shaqeeya Telefishinka Universal oo Muqdisho lagu jirdilay lana xiray [/b] 08 Abriil 2007 Waxaa maanta Muqdisho si xun loogu jirdilay Xabsigana la dhigay Wariyaal ka tirsan telefishinka Caalamiga ah ee Universal uuna ka mid yahay Agaasimaha Telefishinkaas Cabdiqaadir Maxamed Cashar Nadaara iyadoo Maleeshiyada ka tirsan kuwa Dowlada ee Muqdisho ku sugan ay si xun u jirdileen Xabsigana u taxaabeen markii uu amar ku bixiyay Ninka lagu magacaabo Xuubsireed oo sheektay in uu yahya Afhayeenka Cabdilahi Yuusuf Cabdiqaadir Nadaara iyo Wariyayaasha la socda ayaa sida aanu wararka ku heleyno waxaa uu xiritaankoodu dhashay kadib markii Cabdiqaadir su-aalo kul kulul uu waydiiyay ina Xuubsireed [idamaale] oo shir Jaraa'id ku qabanayay Hotel Ambasador isagoo ku eedeeyay in su-aalahaas ay ahayeen kuwa loo dhiibay Nadaara,Wuxuuna Qirtay inuu isaga amray in la xiro. Wuxuu kal oo Xuubsireed Saxaafadda u sheegay in Nadaara loo xiray dimbiyo la xiriira wareeysi uu la yeeshay Askari reer Puntlanad ah oo Muqdisho lagu jiidjiiday dagaalkii ugu horeeyay ee Wasaaradda Gaashaandhiga. Ururo iyo warbaahino qaarkood ayaa cambaareeyaya Xariga Nadaar waxana ka mid ah ONKOD NEWS AGENCY iyo Ururka isu taga ee suxufiyiinta ee markii la soo gaabiyo loo yaqaano ASOJ iyo wariyaal fara badan oo soomlaiyeed waxayna ka codsadeen Dowlada KMG in si deg deg a ay u soo daayaan wariye Nadaara. Onkod ----------- Wariye Maxamed Cabdi Cashir Nadaara oo Muqdisho mudda ku xiran Saxafi lagu magacaabo Maxamed Cabdi Cashir Nadaaro ayaa Axadii aynu soo dhaafnay ciidamada Dowlada KMGS Soomaaliya ku xireen magaalada Muqdisho xili uu halkaasi howlo shaqo u tagay. Wariye Maxamed Cabdi Cashir Nadaara ayaa xiran maalintii labaad isagoo aan la ogeyn halka ay ciidamada Dowlada ku hayaan balse waxaa la sheegay in xabsi sir ah oo ku yaala gudaha eleboorka saxafiga lagu xiray. Wariyahaan ayaa u shaqeeya Univesal TV, isagoo la sheegay inuu hotel utagay howlo shaqo oo shabakadaasi u dirtay. Wariye Maxamed Cabdi Cashir Nadaara ayaa sheegay in markii ay gaareen hotel uu kusugnaa afhayeenka madaxweynaha ayka kaxeesteen ciidamada Dowlada qaarkood ay wariyaha dhaheen Nadaara soo ma tihid kadibna ay wateen isaga iyo labo qof oo lasocotay mid kaamiriiste iyo darawalkiisa waxaa wax mooga sheegay dhacdadaas nin ushaqeeya TV oo layiraahdo maxamed qaliif ayaa sidoo kale sheegay in Wariyaha markii uu diiday inuu raaco ciidamada Dolwada KMG ka tirsan ay jirdil u geysteen isla markaana ay ka qaateen qalabkii uu ku shaqeynayay oo aysiteen. Waxa uu halkaasi u tagay inuu kasoo tabiyo warar ku saabsan xaaladda imaatinka madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha iyo wareysiyo muhiim ah oo uu doonayay in laga soo daayo TV, sida ay sheegeen weriyayaal uu la hadlay intii uusan ka ambabixin xafiiska TV Muqdisho. Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in weriyaha weli lagu hayo xabsi iyada oo laga qaatay Islamarkaana laga jejebiyay Kaamiro, MP3 iyo Mobile uu watay. Ilaa hada lama yaqaan sababaha rasmiga ah oo ay ciidamada Dowlada u xireyn Saxafigaan balse warar ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada waayadii ugu dambeeyay Saxafigaan ay raadinayeen iyagoo ugu shakisan inuu xiriir la lahaa Madaxdii Maxkamadaha Islaamiga oo wararkooda inta badan uu tabin jiray, iyadoo la sheegay in ciidamada Dowlada KMG ay jir dil xoogan u geysteen saxafigaasi. Ururada Bulshada Rayidka kuwa Xaquuqda Aadanaha U Dooda iyo Ururka Suxufiyiinta Somalia ee ASOJ ayaa cambaareeyay xariga loo geystay Wariye Mxamed cabdi cashir nadaara iyagoo ugu baaqay in si deg deg ah Saxafigaasi xoriyadiisa dib loogu celiyo. Shabeelladdahoose ----------- Maalintii labaad oo uu xabsi ugu jiro dowladda agaasimihii TV-ga Universal Agaasimaha TV-ga Universal C/qaadir Max’ed Cashir Nadaara iyo labo ka mid ah kalkaaliyeyaashiisa ayaa shalay la dhigay xabsi ku yaala garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho isagoo ku guda jiray howlihiisa suxufinimo. C/qaadir Nadaara iyo dhalinyarada la socotay ayaa la sheegay in afhayeenka madaxweynaha Xuseen Xuubsireed [idamaale] uu ku soo war geliyay inuu qabanayo shir jaraa’id ayna yimaadaan hotelka Naasahablood, iyadoo markii ay tageen hotelkana ay la kulmeen Mr. Xuubsireed [idamaale]. Markii la guda galay su’aalihii shirkiisa jaraa’id ayaa waxaa sul’aalo ad adag la weydiiyay afhayeenka madaxweynaha kuwaasoo u badnaa xusuuqii afarta maalmood ee shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyadoo qaarna uu ka jawaabay afhayeenka qaarkoodna uu aad u dhibsaday isla markaana amray in la xiro agaasimaha qeybta Soomaaliya ee TV-ga Universal C/qaadir Max’ed Cashir Nadaara. Maalintii labaad ayaa waxa uu ku xiran yahay C/qaadir Nadaara iyo dhalinyaradii kal kaaliyeyaashiisa aheyd ee la socotay xabsi ku yaala gudaha garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, mana jiraan wax mas’uul dowladeed ah oo ka hadlay, waxayna arrintani ku soo beegmeysaa xilli la jir dilay kuwona la xabsiyeeyey qaar ka mid ah suxufiyiinta ka howlgasha warbaahinta Muqdisho. Ceelbuur ------------ TV-GA UNIVERSAL OO KA FIIRSANAYA IN UU SI GAAR AH UGA DACWEEYO XUUB-SIREED DALKA BRITAIN 13 Abriil 2007 Warar aan rasmi ahayn oo laga helayo ilo ku dhowdhow Xarunta TV-ga Universal ee magaalada London ayaa sheegaya in maamulka TV-gu ay qaadanayaan talooyin xagga sharciga ah oo ku saabsan inay dacwad ku furaan nin haysta dhalashada dalka Britain oo lagu eedeeyey inuu afduub ku haysto 3 weriye oo uu ku jiro C/qaaadir Nadaara. Warar laga helayo Muqdisho ayaa sheegaya in koox ka tirsan shaqaalaha Telefishanka Universal ee magaalada Muqdisho ay muddo todobaad ah ku xiran yihiin magaalada Muqdisho, waxaana weriyaashaas la sheegayaa inay u xiran yihiin afhayeenka C/hi Yuusuf Xuseen Xuubsireed [idamaale] oo maliishiya ka amar qaadata ku dalbadey. TV-ga Universal ayaa la sheegayaa inuu ka fiirsanayo inuu si gaar ah dalkan uga dacweeyo Xuub-Sireed oo ay ku eedeynayaan inuu shaqaalahooda isagu qof ahaan u afduubtey, oo aysan u xirnayn dawladda markii baaritaan la sameeyeyna arrintaas lagu ogaadey. Dhagaxtuur
-
Dadkii Ka barakacay magaalada Muqdisho oo loo diiday in ay galaan magaalada Baydhabo Dadka maalmihii ugu danbeeyay ka barakacayay magaalada Muqdisho oo qaarkood isku dayay in ay galaan magaalada Baydhabo ayaa laga hor istaagay,sababo ay ku sheegeen ciidamada dowladda FS dhinaca Amaanka,sida ay inoo sheegeen ehelada dad halkaasi laga soo celshay. Cabdoow Xuseen oo kamid ah ehalada dad u barakacay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in qoyskiisa loo diiday in ay galaan magaalada Baydhabo inta ay ka heliyaan cid damiinata isla markaana ka taqaana magaalada Baydhabo gudaheeda. Ciidamada dowladda FS ayaa jidgooyooyin fara badan ka sameystay goobaha laga soo galo magaalada iyagoona su'aalo weydiinaya dadka soo galaya maalin waliba magaalada Baydhabo,iyagoo wax ka weydiiyay ula jeedka socodkooda iyo halkii ay kasoo tageen. Mar aanu Cabdow wax ka weydiinay hadii dhamaan dadka loo diidayo magaalada ayuu sheegay in kaliya laga soo horjeedo dadka kasoo tagay magaalada Muqdisho,waxaana ay ciidamada dowladda ka cabsi qabaan howlgallo ka dhan ah danaha dowlada in ay ka dhacaan fariisimaha dowladda. Dadka lasoo celiyay oo qoysas fara badan ka kooban ayaa kusoo laabtay qaarkood degmada Buur Hakaba halka kuwo kalena ay iska dageen daafaha magaalada Baydhabo,mana jirto cid halkaasi ku daryeesha sida ay xaqiijinayaan wararka nasoo gaaraya. Dowrkii dowladda FS ee ku aadanaa daryeelka dadkeed ayaa meesha ka baxay iyadoo aysan muuqan talaabo ay masuuliyiinta dowladda wax uga qabanayaan dadka maatida ah ee hoos degan geedaha oo mararka qaar masasku ay cunaan,iyo kuwa kale ee daafooyinka magaalooyinka degan. Markacaddeey
-
Khilaaf ba’an ayaa soo kala dhex galay Hey’adaha Samafalka ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka. Khilaafkani ayaa yimid kadib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere) laga diiday in Dowladda ay gacanteeda ku qeybiso Deeqaha ay Hey’adaha Samafalka ugu talagaleen Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka barakacay Magaalada Muqdisho. Gacmadheere ayaa ku andacoonaya in Hey’adaha ay ku amreen in raashiinka inta aanan la qeybinin la baaro taasi oo uu sheegay in ay ka diideen Hey’adahaasi ayna sababtay in Wasaaraddiisu ay amar kubixiso in ogolaanshiyo aanan soo marin wasaaraddiisu aanu wax hawl ah laga fulin Karin Magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay in ay qeybiyaan Raashin dhacay iyo wax qurmay iyagoo sidoo kale waxa ay qeybinayaanna kusheegay Gacmadheere in uu yahay wax aad u yar oo loo qeybinayo dad aad u fara badan. Mr.Gacmadheere ayaa ugu dambeyntii sheegay in dhowaan ay soo bandhigi doonaan sababta dhabta ah ee ay u diideen in Hey’adaha Samfalka ay raashiin kaga qeybiyaan Magaalada Muqdisho iyo goobaha loo barakacay . Iyadoo ay arrimahaasi isku heystaan Hey’adaha Samafalka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hadana waxaa taagan dhibaato xoogan oo ku aadan gaajo iyo macluul soo wajahday dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho ee kusugan Waddooyinka Magaalada looga boxo isla markaana aysan heysanin wax ay quutaan. Jowhar
