Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,713
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    326

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Soomaalina, however, will love to read this: "SOMALI NATIONAL TV (SNTV) was OFF AIR in 20 years but today i'm telling you friends the TV will be on air next week... Thank God we're coming back. Soon i'll tell you guys where you can watch it Frequency and stuff..." That is what the host of Wargelin Show posted on his facebook page. He is in Xamar.
  2. Lahjadihii Xamari iyo Xaayoow maala isku qaldooyaa. At least he tried and came close. Cajaladaha Awkoombe soo dhadhageyso, waa soo barbaranee Xamari si fiican markaas. Or better yet Marshaale jilaaga ah oo Yunifersal (Universal) kasoo galo mar mar fiirso asagaa kasii baranee.
  3. Qashin badan waa aqriye for the sake of reading, laakiin qashin tan la mid ah is a league of its own.
  4. Ay dhoont noow weer to boost dis, bat eniwej, hiya it is. ____________________ DFKMG oo Magaca ka bedeleysa Dugsigii Xaawo Taako Tallaabo iila muuqata gaf laga galayo taariikhda iyo halgankii dadkii dhiiggooda u daadiday Dalka iyo Dadka Somalia ayay dawladda magac ahaanta haattan u jirta qaadatay waa go'aan la ii sheegay inuu ka yimid madaxwaynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uuna soo marsiiyay Wasiirkiisa Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Dr C/nuur Sheekh Maxamed, sida aan ka xogsaday saraakiil ka tirsan waxbarashada . Xaawa Cismaan (Xaawa Taako) oo lagu garto halgankii la dagaallanka Gumaysiga waxay ka mid tahay astaamaha xornimo u dirirka Dalka, Dawladdihii xalaasha ahaa waxay u sameeyeen xasuus waarta waxaa kaalinta xasuus reebka dadkii halganka usoo galay dalka kaalin mug leh ku lahaan jirtay wasaaradii waxbarasho. Maanta oo ay dawladda Soomaaliya isugu soo aruurtay afar xaafadood oo xamar ka mid ah ayay go, aan ku gaartay inay magacii iyo maamuuskii ka xayuubiso Xaawo Taako , wasaaradda waxbarashada ayaa maaggan inay Iskoolka Xaawa Taako ka dhigto xarun lagu xanaaneeyo Caruurta Agoonta ah , waxaa la ii sheegay inuu Madaxwayne Shariif u sheegay Wasiirka Tacliinta inuu Iskoolkaas u bixiyo Prof Caddow, wasiirkii Tacliinta ee Shaamoow lagu dilay Qarax . Wuu mudan yahay Caddow in loogu magac daro iskool iyo wax ka wayn laakiin ma qurxana in Hooyadii dhiigeeda u daadisay Ummadda Somaliyeed iyadoo waliba hor taaggan Gumaysi Gaamuray dalka iyo dadkana xoog ku haysta in magaceeda loo tir tiro taasi waxay hordhac fiican u noqon kartaa in gurboodka yar yar si sahlan looga masaxo taariikhdii halganka xornimo u dagaallankii mudda dheerna aan soo harsanay asii maanta naga maqan tahay oo aan heer ka xun kii maantaa xaawo uu Gumaysiga arxanka daran ku daadiyay dhiiggeeda . Ma filayo inay Xukuumadda haattan Villa Somalia daggan haysato dhaqaale xumo ay ku dhisto xarun agoomeed magacii la doono markaa ha loo baxshee laakiin waxaa dhab ah in Magaca Iskoolka Xaawa Taako doorintiisu tahay gaf wayn oo laga galay halgankii xornima u darirkii lagu Dhaliyay J. Soomaaliya, in la doooriyo magaca iskoolka Xaawo Taako wuxuu ka dhigan yahay astaanta Qaranka oo la badalay. Xaawo waa astaan qaran una taagan halgankii xoraynta dalka. Xigasho _______________ Qoraalka waa tifaftiray.
  5. Hilowloow, maxaa ka ogtahay waxee soo kordhin karaan. Kasoo horjeedida aad ciyoow kasoo horjeedid iska dhaaf, horta hubso ama la sug waxee kusoo kordhiyaan. Mise inay Shariifka meesha ka saaraan ka cabsanee? Ma saasaa Shariifka ula safantahay. Shariifka waa shaqsi, berina waa baxaa, wuuna baxaa ee jagadaas asaga malahee. Wax walba oo xaalka Soomaaliya nabad u keenaayo, samatabixinaayo waa soo dhaweynaa. Taas isweydiin maleh.
  6. Nuunka mee ku dhahayn. Dhinaceena aa ka galnay iga dheh. Laakiin shiishooyinka meeshaan miyaa mise shiisho dhan saas u urto. Yaq, meeshaan ur kaliya shiishadee cabaan. Waaba lagu lalaboonaa markaa gishid guri saa'id loogu cabo oo leersan. Bahashaas ebidkey ma cabin, mana cabi dooni. ________________ Today's blog: A family feast.
  7. Askar ugu wac? Askarta iyaga hilfaha loo qaadaa. A whole block leeyihiin oo masaajidkooda ku yaalo. Nuunka knows masaajidkaas asagaaba ku tukan jiray. Mar walba mid isla muranaa guriga imaado, suu u amanaayo dhiigkar ku kaco anaga sheekadooda nama marsiin karee. Rag rag dhalay u aqaan kulahaa kuwaas. Ar daraad waala dhameeye, dad badan reerka yaqaanaan oo qaraabo kore la yahayna laga dilay ama laga dhaawacay oo Barbaarta ku jirtay. Xaalkooda waa siibtay labadaan beri, saas Maadeey Maadkeer u aamusanyahay ogoow. Inta kale howl kale waxaas ka daran u joogaa. Koley inta barafka socdo waa sii joogaa, Eebba ha idmo. Speaking of shiisho, meeshaan ayaa shiisho qalad laga fahmay. Mid walba iyo dhoore walba caboyso. Uff. Urkeeda guryaha laga cabo markaa gishid yaabeysaa. Waligey ma cabin bahashaas, haddana markaa inta ku arkay saan loogu isticmaalo waaba sii nacay. Maalin guri tagay, gabdhahoo fadhiyo oo bahasha cabaayo soo fadhiiso aboowe kulahaa, oo nala cab. Jaadaa ii dhaamo anoo cuno ku iri, maxaana kulahaa. Saas waaye iri.
  8. Aboosto, xaaji. Bash bash, barbaar iyo barwaaqo. Kooyaasee?
  9. Ani a cup of French Vanilla or Icecap from Tim Hortons per day igu filan. Wax kale kaama rabi. Marka baraf kuugu dhamaado meesha rabtaa yaah? Awalba B. C. baraf badan ma lahayn, I guess.
  10. Amiin Caamir dacaayad raqiis loo joogin uu iska galaa. Dadka ka qosolsii ee ka tahay, mar mar dhab ayee u baahantahay wuxuu gacanta ku sawiro. Dadkaan hadda lee soo baxeen in uu saas u dacaayadeeyo waaba iska raqiis. It says more about him than anything else. Wax walba sawir ahaan ugu soo horjeedaa, anigana nabadda Kanadana waaku noolaanaa ma soconeyso. Qashin isku badalee marka wixiisa.
  11. Waxaa ka jeclaan lahaa inay dowladda la wareegto isbitaalka dhan. Dowladdaan aad u dadaaleysaa, bilaash difooso uguma ihi in Islii. Kuwa Barbaarta taageero joogo meeshaan inkastoo loogu badanyahay. Eebba ha u garabgalo dowladaan.
  12. Kaabalaadar noocee ka dhigee hee. Butus Baanjar, Salaamasee, Yuulka Disgoo, Shakti. Soo sheeg hee.
  13. Cawaale, sheekada kuwaas camal ku socotaa, walaahi. Haddii wax laga qaban xaalka waa xumaan doonaa. _______________ Today's blog. Islii has apartment blogs with funny, eccentric nicknames. Dadka Islii ula baxay, waana wada caan. Waxaa kamid ah those apartments Burcadbadeed, Tifqaaye, Muuse Suudi iyo Jiniboqor. Tan Burcadbadeed loo bixiye waxaa ugu wacan a few years ago markii la degaaye it was one of the most expensive apartments built in Islii at that time. And two months of deposit la shubaaye, plus korontada lacagteeda iyo other fees. Therefore qaalinimo ahayd only a 'burcadbadeed' can afford la yiri. Tan Tifqaaye ah iyada wasaq ahaanteeda loogu bixiye. Dharka dadka kor degan waxee ku waraayaan dhexda oo kor xarko ku leh, dharkii oo qooyan tifiq tifiq iyagoo lehna dadka hoos maraayo qooyaan. Kuwa Muuse Suudi iyo Jiniboqor ma ogi sababaha, dadka loogu magac darayna malaha, waligoodna ma arkin.
  14. Ururkaan waaba ka helay, dad aan aad u xishmeeyana wey ku jiraan. I hope mid dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisa wax u taro noqdo. Waaba ku biiraa ururkaan, Rabi ha idmee.
  15. Xisbi siyaasadeed ay horboodayaan dad caan ah oo xaflad gogolxaar ah loogu sameeyay London Xaafadda Wembley ee magaalada London ayaa shalay lagu qabtay xaflad loogu gogol-xaarayay xisbi siyaasadeed cusub oo lagu magacaabay Hiil-Qaran, kaasi oo ay qaabeyntiisa hor-boodayaan rag si weyn looga yaqaano Soomaaliya oo siyaasiyiin iyo aqoonyahanno isugu jira. Halka lagu qabtay Xafladda ayaa waxaa ka soo xaadiray dad badan, inkastoo masraxa shirka ay fadhiyeen dad si weyn loogu ixtiraamo siyaasadda Soomaaliya sida Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen iyo Cusmaan Jaamac Cali Kalluun, Danjire Maxamed Shariif iyo C/qaadir Aadan Shiikh Jengeli. Liibaan Daahir Nuur oo ka mid ah Ardayda wax-ka-barata Jaamacadda London, isla markaana shirkaas ka qeybgalay ayaa qaabkii shirkaas uu u dhacay waxaa uu uga warramay Laanta Afka Soomaalida ee BBC-da, wuxuuna sheegay in Xisbiga Hiil-Qaran ee shirka loogu gogol-xaarayay uu ula muuqday mid in muddo ah laga soo shaqeynayay oo hadda wixii ka dambeeya la doonayo in la shaaciyo, isagoo xusay in daadiyihii shirka oo ahaa Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar uu mar ka dhawaajiyay in Dhuuxa Xisbigan uu yahay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen. Waxaa uu intaas ku daray Liibaan Daahir in Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen oo shirka ka hadlay uu sheegay in ay muhiim tahay in Soomaalida isu tagto, isla markaana ay sameystaan wax ay wada leeyihiin oo aan ahayn Dowlad dalka dibaddiisa lagu soo dhisay ama sida uu u yiri ay wadaan dowlado shisheeye ah. Xisbigan Siyaasadeed ee magaciisu yahay Hiil-Qaran ayaa haddii si rasmi ah loo shaaciyo, waxaa uu noqonayaa xisbi siyaasadeedkii ugu horreeyay oo ay hoggaankiisa hayaan dad Qurbo-joog ahaa, kuwaasi oo si weyn looga yaqaano Soomaaliya gudaheeda iyo dibaddeeda, waxaase is-weydiin leh sida Xisbigan uu lugta u soo gashan doono siyaasadda jaha-wareersan ee Soomaaliya, taasi oo aan hadda maareynteeda gacanta ugu jirin sida la wada ogyahay dadka Soomaaliyeed. Xigasho Shabakadooda waa tan.
  16. Somalina;698137 wrote: Law student jailed in UK for posting terrorist propaganda online By The Associated Press (CP) – 1 day ago LONDON — A London court has sentenced a law student who posted Islamic terrorist propaganda on the Internet to five years in jail. Judge David Paget said Friday Mohammed Gul was "thoroughly radicalized" and that the sentence must serve as a deterrent to others . The 23-year-old was found guilty of five counts of distributing terrorist publications. The charges related to 30 videos posted online where Gul added jihadi songs to clips from al-Qaida, the Taliban and Iraqi media sites. Gul told the court he did not support terrorism but acted out of curiosity and his political beliefs. Scotland Yard took six months to review the data on Gul's laptop. The investigation involved the most extensive data review done by the anti-terrorist branch of the police organization. Copyright © 2011 The Canadian Press. All rights reserved. ----- Polanyi Soomaliya aad oo kaalmey your brothers. Maadeey Maanuur maaka cabsii isleedahay. Hayeey. ______________ M/weyne Shariif oo booqday goobihii Shabaab lagala wareegay Waa wareey, war ninkii ciidamo loo soo dhisay. They look professional. Asagiina African statesman la iska dhigooyaa, bakoorad lagu xaragoonooyaaba.
  17. Soomaalina, kuwaas downtown joogi jiray 'jokoro' ayaa la dhahaa, loomana ogola magaalada hoose, awalba wey ku yaraayeen. Hadda Islii ee joogaan qaarkood. Waardiyo ijaarkiisa xaa ku falee? Koley kama badnaanaayo boqol doolar, qaarkood even less than konton doolar waaye. Anaa free bodyguard kugu ahaanaayo iskeen. Sawirada xaafadaas kale waa tagay, waayadii hore inta joogay iyo haddaba, sawiro aan kasoo qaadayna dad ayaa ku jiro, marka masoo gilin kari inta. Laakiin sawir magaalada hoteel aan aroos u aaday on Boxing Day back in Diseembar ayaan haayaa oo hoteelka Grand Regency (aka Laico) kaga dhex qaaday. Kaas soo gilinaa next time. And speaking of South C, meeshaas guryo balaayo laga dhisay. All new gated communities and estates, oo quiet ah, oo wada Soomaali leh, gadatay, degana. Aad heersare u yihiin. Laakiin maxee kugu taalaa waa biyo la'aan. Fancy estates without biyo maxee sheegayaan. Islii ayaaba dhaanto oo ceelal u qodonyihiin some of the newly built apartments, including ours. Biyo la'aan maba dareeno. Haye, goormaa laga yaabaa imaatid oo rajeynee? Malika, LooooooL, runtii waa iga qosolsiisay and you reminded me what we Ciyaal Xamar used to do back in the day. As for a pet, we used to have pigeons (qooleey) and the more qooleey one had, the more protective one felt. So we used to hang bottles full of salty sea water on the top of qooleey's little homes, called saxaarad. So the evil eyes wouldn't harm the qooleey we loved.
  18. Hollywood iska dhaafee Soomaali u noqo jilaa horta. Wax xirfad ama karti aad u baahantahay maleh, xoogaaga lee kaa xigo iyo afmiinshaarnimadaada. Haye, diyaar ma u tahay?
  19. Bilowga dagaalka Warbaahinta ee Muqdisho iyo Dowladda oo aamusiisay Idaacadda Shabaab Waa bilow kale oo dhinaca dagaalka Warbaahinta ee horay uga dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Kooxda ka soo horjeeda ee Shabaab, iyadoo loolanka dhanka dagaalada uu sii kululeeyay dagaalka dhanka afka ee Barobagaandada labada dhinac. Tan iyo markii dagaalada ka bilowdeen Caasimada Muqdisho horaantii todobaadkan, isla markaana Dowladda KMG ay qaaday hujuum ballaaran ayaa waxaa waji kale sii yeeshay dagaalka dhanka warbaahinta. Muqdisho waxaa ka howl galla Idaacado kala duwan oo qaarna madax banaan, kuwana ku kala hadlay afafka dhinacyada isku haya Caasimada. Dadka Muqdisho waxay todobaadkan ku jahwareersanaayeen hadalada is khilaafsan ee Idaacadaha ka sii deynayeen dhinacyada dagaalka ku lugta leh oo guulo ka kala sheeganayeen. Idaacada ku hadasha afka Shabaab ee IQK ayaa soo gudbinaya macluumaadka dagaalada, iyadoo wariyeyaasheeda ay jiidaha dagaalka ku sugnaayeen, Idaacada waxay gashay xaalad dagaal, barnaamijyadii caadiga ayaa noqday mid bedela xaaladaha dagaalka, waxaa sii wehliya Nashiido, iyo suugaano gabayo ah oo ka hadlay guubaabada dagaalka. Radio Muqdisho Idaacada afka Dowladda ku hadasha ayaa iyana ahaa kuwo la saan qaadayay dagaalka, waxay dib u soo nooleeyeen Heesihii wadaniga xilligii gumeystaha, iyo suugaano guubaabo ah, kaas oo bilow u ahaa duulaanka qorsheysan ee Dowladda. Labada warbaahin weerarkooda dagaalka afka waa sii xoogeystay labadii maalmood ee u dambeeysay, dadkana waxay ahaayeen kuwo hadba mar dhagaha u raaricinaya, si xaalada ay ugala socdaan. Balse maanta ayaa markii u horeysay abaarihii 11-tii barqanimo la waayay codkii IQK, iyadoo mowjada Idaacada ay ka soo gashay la dul saaray Radio Muqdisho, waa tallaabo dhanka dagaalka iyo moraalka Ciidamada ay u qaadeen, kadib markii si rasmi u aamusiyeen Idaacadaas. Mowjada FM-ka ay ka soo gasho IQK ee 102,5MHZ, waxaa la dul saaray Mowjada kale ee Radio Muqdisho ka soo gasho, ee dhirirkeedu yahay 90.00MHZ, tiiyo xaalada sidaas u muuqata ayaa labada mowjadood waxaa isku qabsaday Wariyeyaasha ka hadlay Radio Muqdisho. Xeyndaabka Dowladda oo si weyn loogaga dhageysanayay IQK ayaa waxaa banaday Dowladda oo dulsaartay mowjadeeda Raadiyaha codkeeda ku hadla, waana ficil kale oo dhanka dagaalka warbaahinta u qaaday. Arrintan ayay Dowladda macno badan uga dhigan tahay, taas oo dadka la socda arrimaha warbaahinta sheegayaan in dagaalka warbaahinta uu yahay mid qeyb lixaad leh ka qaadan kara dhanka dagaalada tooska iyo niyada ciidamada, si loo jahwareeriyo dhanka kale guulihiisa is daba jooga hadii ay noqdaan in lagu soo gudbiyo Iclaamka. Xigasho
  20. Maadeey Maanuur Maadkeer waa isku dhex yaacee. Hoobaa Hilowloow (heesta Sulfa lee kusoo xasuustaa magacaan) oo shaf qabin uu shaf aad leedahay yiri, Soomaalina oo shuf lahayna shuf kugu yaalo yiri. Wareer ahaa hee taas.
  21. Jacbaro ka qalee. The burgeoning Soomaali gangs of Islii. Wax ku bilowday ciyaal isbaheysi is seriously damaging the overall security of Islii, which was not that much to begin with. Nowadays, certain areas are no go-go on certain times of the night, otherwise gangs of Soomaalis would target you. They will violently punch or slap you hard, in your disorientation jeebabkaaga baaranaayo and ifyou resist, jirdil xun kuu sii geysanaayo. Some are armed with baangado. Mostly, the cellphones rabaan. They go together up to 12 in a group. They used to target one another, but now waa tuugnimo cad oo cabsi lahayn. Booliiska Islii ka yaraaday ugu wacan, but saan haddii lagu socdo booliis waa imaanaa and guess who will be targeted -- Soomaalida dhan, of course, oo waaba la iska qab qabsanaa awalba lacagtooda lagu noolaa markii la qabto bixiyaan. They just targeted two guys I know in the past two nights, in same exact area. One was on his mobile phone and talking when out of no where a guy slapped hard with his very phone pressed on his ear. He dropped it, and they took it. Weyba u qaleeyaan. Not the other guy, a brother to a girl I know. Xaley jugta ka giliyeen when he tried to resist of giving up his mobile. Asagoo buus buusan gurigood la geeye. Reer Islii certainly doesn't want Ciyaal Faaycali wannabe on the streets of Islii. Certainly not.
  22. Meeqo barbaar oo ciyaal ah oo maskaxa laga duufsaday dagaaladaan ku hoobtay? Taas markaa ka jawaabtid meyd kale ka hadal. Soomaaliya 14 ilaa 20 jir aad ugu tirtirmooyaan, xasuuq tartiib tartiib ah, waana la ogyahay kuwa ka dambeeyo.