Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,655
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. BAAQ NABADDOON Shir ay isugu yimaaddeen xubnaha ka tirsan ururka "Kooxda u Hawlgalka Nabadda iyo Dibuheshiisiinta Soomaaliyeed ee Yurub" bishan Juun 1-3, 1994, waxay soo jeedinayaan baaqan nabadeed ee hoos ku qoran: Gogol dhig: Muddu hadda afar sano ku dhawaad ah, ummadda soomaaliyeed waxay ku sugantahay xaalad lagu tilmaami karo, hoog iyo haantaawilif, ama haad geed waayey; boqollaal kun baa la laayey, boqollaal kun baa cudur iyo dan darro u dhimatay, hal iyo bar ilaa laba malyan dad lagu qiyaasay, ayaa dalka ka firdhaday kuna kala baahsan maanta adduunka afartiisa geesood, dhibaatooyinka haystana aan qoraal iyo hadal midna lagu soo koobi karin. Kumaankun kalana meel ay ku suganyihiin lama yaqaan. Qarankii Soomaaliyeed waa burburay, xeer dawladeed, mid diineed, iyo mid dhaqanba waa laga tillaabsaday, dalkiina wuxuu gacanta u galay koox intaba caydh ka ah. Dadkii soomaaliyeedna inta dalkii ku hartay, iyaga ayaa cudhaadh u haysta; dhaqaalihii dalka mid dawladeed, iyo mid dad weynaba waa la baabi'yey Warshado, Maashaariic iyo Beero, Dugsiyo, Xafiisyo iyo is gaadhsiin, dhismo caafimaad, taallooyin qaran iyo goobo taariikhi ahba, kayd qoraal cilmi ah iyo cajalado dhaqan iyo taariikh; intaaba maanta waxba kama noola. Qarankii soomaaliyeedna maanta jiritaankiisii baa halis ku jira. Beelihii soomaaliyeed waxaa laysugu diray Koox Koox, Reer Reer iyo Qof Qof; waxaana maanta in badan oo ka mid ah la gaarsiiyey heer wax xira iyo wax ay ka caagganyihiin midna aysan jirin. Waa dhaqan guur aad u qoto dheer, waana dhibaatada ugu weyn ee shacbi ku imaan karta. Inkasta oo dhibaatadaa aan kor ku soo xusnay ay shacbiga soomaaliyeed ku habsatay, haddana ma yarayn dadaalka la sameeyey dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, si xal meel mar ah loogu helo dhibaatadaas. Dalka gudihiisa: Waxaa si joogta ah intaas uga socday dalka gudihiisa shirar iyo kulammo xal nabadeed lagu raadinayay, haba ku dhisnaadeen badanaaba qaab qabiile, waxaana ka mid ahaa: - Berbera 1992. - Boorama 1993. - Kismaanyo 1993 iyo 1994. - Garoowe 1994. - Xamar 1994. - Boonkay 1994. Dalka dibaddiisa: Waxaa la dhisay ururro dalka dibaddiisa ka jira oo aan kooxna ku tiirsanayn kuna shaqaynaya fikrad iyo mabaadi' Qarannimo in badanna isku hawlay xal u helidda dhibaatadaas; Ururradaas dibdjoogta ah waxaa ka mid ah: - Kooxda u hawlgalka nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya - Yurub (Groupe d'action pour la paix et la rconciliation en Somalie - Europe), 1992. - Ergo - North America, 1992. - The somali challenge: Peace, Resources, and Reconstruction, 1992, Geneva iyo U.S.A. - Somali Canadian Youth Society, 1992, Ottawa, Canada. - Golaha wax Garadka Soomaaliyeed (Somali Intellectuals Forum) 1993, Addis Ababa, Ethiopia - Guddiga isku dubba ridka ururrada soomaaliyeed ee jarmalka (Coordination committee of somali organization in Germany) 1993, Bonn, Germany. Shirka ay abaabuleen ururrada dibadjoogta ah: Ururradaasi waxay abaabuleen kulammo shirar, doodo meelo kala duwanna lagu kala qabtay, kullina loogu gogol xaarayey xal u helidda dhibaatada soomaaliyeed, shirarkaas iyo kulammadaas waxaa ka mid ah: - Kulankii Roma, 15-19 Febraayo 1991,( Forum Roma 1991). - Kulankii Paris "Dagaalka sokeeye ee soomaaliya: goorma? sidee? maxaa keenay?" Paris 7-8 Abriil 1992, (Forum Palis 1992) . - The Somali Challenge: Peace, Resources, and Reconstruction, Geneva 10-14 Luuliyo 1992. - Kulankii nabadda iyo dib u dhiska soomaaliya, Paris, 15-17 Abriil 1993, (Fol~um Paris 1993). The role of the United Nation in Somalia, present crisis and possible solutions"; Ottawa, 13-14 Agosto 1993. - "Somali studies", SOAS London, 23-25 Sebtembar 1993. - "Somali studies", Worcester & Boston, Disembar 1993. - Somali contribution to peace and Reconstruction, Bonn, 11-14 Maarso 1994. Ururrada caalamiga ah iyo waddamada saaxiibka la yahay: Ururrada caalamiga ah iyo dawladaha saaxiibka la yahay waxay iyaguna xil weyn iska saareen xal u laadinta dhibaatada soomaaliyeed; waxaa ka mid UruIka Qarammada Midoobay, Ulurka Midowga Afrika, Kulanka Islaamka, Suuqa Baayac mushtariga reer Yurub, Dawladaha Djibouti, Etoobiya, Keenya, Masar, Maraykanka iyo Talyaaniga, kuwaasoo abaabulay shirar iyo kulammo ay ka mid yihiin: - Jabuuti, jJuun iyo Luuliyo 1991. - Seychelles, 1992. - Addis Abeba, Jannaayo, Maarso iyo Nofeember 1993. - Qaahira, Abriil 1994. - Nairobi, May iyo Juun 1994. Intaas oo dadaal ah oo la sameeyey haddana weli nabad waa la xasilin la'yahay; waxaana laga xasilin la'yahay Koox yar oo hubaysan, dan dhaaqaalo iyo mid siyaasana ugu jirto in dagaalku waaro haddaan xukunku gacantooda gelin. Xaaladdan oo kalana, murtiyo soomaaliyeed ayaa ku soo arooray, waxaana ka mid ah Maahmaahdan afarreyda ah: "Colaad waa mahtalako waanwaan baa u miciin ah nabad baa ka macaan waxaynase waxba ugu fillayn nin dhagar galay" (Mursal Saddexle) Arintaa raagtay oo xal degdeg ah u baahan, qaabka ay tahayna ku buuxda maahmaahda soomaaliyeed ee odhanaysa ®Ceelna uma qodna cidna uma maqna," shirar dhaqan, codsiyo la baahsho, iyo tuugmo shisheeye wax yar bey ka tari karaan; sidaas awgeed waa in dadka soomaaliyeed ee wax garadka ah ay la wareegaan xilkooda, si toos ah oo nafti huridnimo ahna ugu istaagaan badbaadinta dalkooda iyo wixii ka haray dadkooda. Haddaba su'aasha imanaysa waxaa weeye: Soomaaliya maxay maanta u baahantahay? Jawaabta kooban ee su'aashaas waxay noqonaysaa: - Xasilin hadda ah . - Badbaado . - Dhismo nabad gelyo. - Is afgarad heer qaran. - Dhismo hay'ad "Ku meel gaar ah" ee maamul iyada oo laysla oggolaaday dhawr mabda' oo guud.
  2. These guys were posting on discussion boards in 1994. And some of them were even posting in 1992! That is labaatan sano kahor. And I am sure some of them are around online still. Online was real back then, though. Qof walba had his or her real name and university-provided email. Taloow 1992 ama '94 yaa internet iyo waxaasba maqlay oo SOL ku jiro.
  3. Now "Koonfurians" are Reer Maafiya, with their corrupted culture. Haye, maxaa kale.
  4. Hoggaanka Faransiiska iyo Jarmalka fursad weyn ayee u heleen inay Yurubtaas kale horseed balaaran u noqdaan. Iyagaa isku soo koobay hoggaanka Reer Yurub maanta. Ingiriiska intuu lacagtiisa ganiga ahayd ilaalsanaaye banaanka qaboob ku dilay, Faransiiska iyo Jarmalkana ka faa'ideysanaayo, bullying others into their policies. Talyaaniga ha sheegin, waaba loo taliyaa maanta.
  5. Somalia;763617 wrote: @Nin Yaaban, the best bit is when the girl runs away and comes charging back - from 1:48 @Aaliyah, it's a tuulo called Leicester up in North England. Leicester tuulo ma'aha, umana dhawo. Have you been to it? I have and it was magaalo iska quiet ah with a large university. Soomaalida degana badankooda Yurubta kale kasoo guureen. No wonder these girls' names are spelled in Soomaali, that tells you Yurubta kale ka imaadeen. As it was the game, marka Ingiriiska la iska dhiibaayo magaca waala Soomaaliyeeyaa. Hadduu "Mohamed" loo qoraaye markuu qofka deganaa Holland, Ingiriiska markuu iska dhiibo "Maxamed" laga dhigaa. "Sadia" waa Sacdiya, "Habiba" waa Xabiibo. "Omar" waa Cumar. Qamri duli ayaa cabo iyo wax isnacay. Gabdhahaas walaalaheena haku tusaale qaataan in qamri qeyr lahayn, oo dad isnacay oo wax ma fasho ah bas cabo. N. B. - Cajalka doesn't tell everything that happened on there that night. Were the girls being insulted and harassed beforehand? Did it start from somewhere with no other CCTV?
  6. Nice try, but dal kale oo 'lbs' isku miisaamo dadkooda maa jiro?
  7. Tim Hortons weyba kibreen, high-end franchises iska dhigoyaan, Starbucks iska dhig dhig bilaabeen, with their fancy lattes, mochas, cappuccino suppremes. And it is a bit expensive.
  8. Eebba ha sahlo amuuraha. Intii la dilayna Eebba ha u raxmado. Dagaal jufo jufo goormaa laga gudbi doonaa.
  9. No wonder the place looks like a fast food joint, too.
  10. *Soo guuree Gaabooy goobta imaawee Gacalkaaga i galee Ma iga go'ayee Godka inta la iga geeyee* Yaa salaam, heestii Shariif Killer wax yar laga badalay waaye heestaan. Cod ayee leedahay Xaawo Kiin, Rabi ha u daayo codkeeda. Rabi ha u raxmada Shariif Killer.
  11. So it is like xaflad aan lagaaga wicin inaa baaq kasoo saartid, saying you are not going to attend. Oh, maxaa la dhahaaye markaan camal. Yes, isqor bilaa liis. Markii laguu waco ama meel lagaaga martiqaado wax ka dheh, hala i maqlo ma'ahee adigoo laguu wicin. Or perhaps this is intended as a crying call of hala ii waco anigana. Marka ciyaar hooseed la ciyaarayaa.
  12. Maxee ahayd maahmaahdii Maryooleeyda ku maahmaahi jireen? Haa, nin daad qaaday xunbo cuskay. Run ahaa.
  13. Ninkaan maxaa magaciisa maqlay in '80s. Asaga iyo Siiko (Zico). First Ciyaaraha Adduunka aan xasuusto waa in '86 edition, Faransiiska v Barasiil. Oh, Balatiini difooso u ahaa and I was so glad to see Zico miss his penalty.
  14. He is a kaansar socdo himself. Mareykanka will never be the same because of him and his outlandish policies.
  15. Other nations with top rankings are Denmark, Finland, Sweden, Norway... The usual suspects. Always top seven ku jiraan any quality survey la qaado Scandinavian countries. I have my utmost respect to those countries. And no wonder, they are not struggling economy-wise, albeit being small economies and in population. Iyadoo saas sii tahay haddana dadkooda wax walba ka caawiyaan, generous welfare state, benefits and universal healthcare. Kuwii six to 20 times ka dhaqaalo iyo dad badnaana are struggling and failing badly.
  16. Qarxiska weynaa ahaa. I knew in saan loo fashilmaayo on here. Of all countries, Malaysia ayeeba doorteen inay ka been sheegaan. Malaysia is one of the very few countries that accepts baasaboorka Soomaaliya without any conditions, maba oga miyaa taas.
  17. Maalintii madooweyd aan la iloowi karin. Maalin aad u murugo badneed. Waxaa xasuustaa meeshaa fadhiye markaa aqriye qaraxaan. London ayaana ku sugnaa maalintaas. Subax sadex saac iyo bar aroornimo meelahaas ayee ahayd. Warka Soomaaliya iska fiiri islahaa, waxaaba iga hor imaaday qaraxaan. Naxdin, siiba Qamar magaceeda markaa aqriye. Intii lagu xasuuqay qaraxaas iyo qaraxyadii ka horeeye iyo kuwa ka dambeeyaba oo waxba galabsan Eebba ha u wada raxmado, janadiisana haka waraabiyo -- aamiin, aamiin.
  18. Shuud, my poor Jarmal. But dhagaha ayee ka garaacaayaan Ronaldo iyo xulafadiisa, Robben iyo Dutchkiisa iyo Bendtner iyo Danishkiisa.
  19. ...oo meesha yaala. Dadka barakacyaasha markee hadlaayaan iyo quusigooda -- aad iyo aad u dareemi karaa dhibkee ku jiraan. Eebboow, Eebboow raxmaanoow ummadeena wada ba'ba'san u gargaar adigaa deeq iyo gargaarba wada haayee.
  20. Awkoombe waxaas dhahay, "Haddee fakatayna maala soo qabto, wax soo qabto maala waayena."
  21. Whoa, just checked. Major changes.
  22. When did they change? Let me checkba.
  23. Haddee hal cod ku hadli lahaayeen waxaan ma dhaceen. Hal hal loola kulmaa; Soomaalida dacwoonayaana and lobby gareynaayo hal hal ula kulmooyaan to their politicians, according to qoraalka. War hal cod ku hadla, hal urur xawaaladaha u hadla sameysta. Darn it.
  24. Matt Bryden is a corrupt himself, one among scores who profited and still profit from the two decades of misfortune that is Soomaaliya. He also famously advocates the dismemberment of Soomaaliya and is a paid cahoot of a certain goosashodoon folks. Just google his name. Yes, Soomaalida hoggaanka Soomaaliyeed sheegto waa corrupt aad u ba'an. There is no doubt about that. But foreign men like Mr. Bryden financially benefit from this same corruption as well in the name of think-tanks, international reports, monitoring and whatnot.