Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,683
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    325

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Waa qofka kaliya Soomaali isku wada ah sida jilaa, heesaa, abwaan, majaajiliiste, murtiile, alifle, sheekeeye, soosaare... Markuu lahaa Soomaaliyeey Taxadir sanadkii 2000 wuu ogaa waxa soo socdo oo imaan doono, waana tan maanta socoto. Magaceena Soomaali Mushtamaceena Islaam Mawaadiniinta dadkeena Midab oo kala sooco Mabda' loo kala qaado Meesha iigama muuqato Midigteena kitaabka Mahuraanka islaamka Iyo mowqifka diinta Baan ku mideeysanehee Waxa meesha iiga muuqda Oo masiibada keenay Iyo macaluusha kordheeyso Maamul iyo kursi waaye Muran taa kama joogtee Maanka hanoo taliyo Maskaxdana ha shaqeyso In Soomaali maseerto Midnimo loo hanqaltaago Meesha waa ku jirtaa Mar haddeey madaxdeena Madasha toos u furaan Murunka soo afjaraan Muujiyaan iswalaashi Iyo mowduuc nabadeed Maslaxo caam ah dhisaan Masaakiinta caruurta Maatida heer tabareedka In mudnaanta la siiyo Midnimo loogu adeego Moxogoodana u xirtaan Wax macaan badan waaye Oon ku miirsan kareyno Maskaxdeen ku dageysoo Muraalkeen ku dhismaayo Muuse shaah iga dhiib Macoow haashka isii Maaxi koostar isaar Maanaboolyo igeey Muxudiin alif keen Maadeey qaam iska baar Mursal ii macbileey xaajiyayaasha midood ood macruufo tihiin Madiinaan u socdaa Ama meel uun ku sheeg Maska diirta cambuulo Iyo madaalka galeey Inaan maanta niraahno Mehered noo noqon meyso Mustaqbalaa la rabaa Rajo muuqan kareysoo Miraheed la cunaayo Masaariifta caruurta Mugdi beey ku jirtaa Marasho, madaxsaar Iyo minan ijaar ma awoodno Mushaar meel laga dhiibo Oo maciishadda suuqda Maamulka qoyska Lagu moodi karaayo Mar horaa u dambeysay Inaan meesha yuurarnoo Maalin daa'in marqaano Waa marduuf ama qeyb Majin iyo qoriyaal maskaxdeen ku duqeyno Meherad noo noqon meyso Mustaqbalaa la rabaa Rajo muuqan kareysoo Miraheed la cunaayo Mufumeento la'aanta Mashaalkilka taagan Macbuudoow naga mooti Maslaxo caam ah nasii Inaan maanta niraahno Meesha waa ku jirtaa Mindi daab an laheyn Madax dooro ma goyso Xataa malaay sarsaroow Ma awoodi kareyso Midigta & bidixdeeda Ismagan sashadooda Waa muhiimadda guusha Mowqifkeena israaca Midnimo iyo xasilooni Maslaxo iyo nabad waarta Wax kaloo na maraaya Ineey meesha oolin Wa iska muuqan kartaa...
  2. Showqi;815509 wrote: PS. MMA asaga Geel maxaas ka kasaa Qooleey lee u sheeg,,, Adiga iyo Blessed qofkaa igu qaldoysiin ma'ogi laakiin anaga lafteena qabiilkeeda magaca 'gaal' ayaaba ku jirto. Not only gaal but xataa inay geelka jecelyihiin. Markaas maa geelahaan am gaalahaan la igula doodaa yaa leh. Therefore reerkaas guuraaga sawiran anagee naga dhasheen. Daliisha waa tan aan hadda kor ku xusay.
  3. Madaxweynaha ayaa waxa uu si gaar ah usoo eegay dhismooyin isugu jira Isbitaal,College Waxbarasho iyo xarun loogu talagalay quudinta kuwaasi oo hada dhismahoodu ka socdo nawaaxiga warshadii Kabka ee degmada Hodan waxaana uu Madaxweynuhu indha indheeyey sida dhismayaashaasi ay u socdaan isagoo dhanka kalena warbixinno ka dhageystay mas’uuliyiin iyo injineero ka tirsan Turkiga oo uga warbixiyey halka ay howlahaasi mashaariicda lagu hirgelinayo marayaan. Maarso 31 Assuming nawaaxiga is part of the land of that former warshad, tuugga indhaha madoow dhul uunan waligiisa yeelan oo dowladii lahayd ayuu sheeganoyaa. Tuug waligiisa ma daahiro. Sheekadii Qoryooleey aa ku dhashay iyo Marka anagaa degno uu wadaa. I don't know why he is still relevant. Kooxdii isku maafiyada ahaayeen daadkii la sheegaaye qaadee.
  4. How come no neo-qabyaaladists isweydiiye yet dadkee yihiin reerkaan. 'Waa qolodee' ma jirto miyaa. Reerkaan guuraaga ah waa in lasoo ogaadaa reerkooda.
  5. Waa runteed. 'Garee' Afsoomaali kuma jiro, wuxuuna ereygaan Afsoomaaliga iyo Ingiriiska midkoodna ahayn soo baxay sagaashameydii. Waxaana caan kasii dhigay ciyaalka Afsoomaaliga ku adkaa. Marka dagaalada kahor Afsoomaaliga kuma jirin ereygaan, ilaa haddana kuma jiro oo dalka looguma hadlo ka ahayn qurbaha ereyada Ingiriiska la raacsiyaa suu u fududeeyo dhawaaqooda, ee Afsoomaaliga shuqul kuma laha. About 'wale,' Afsoomaali kuma jiro. Wade ku qaldeysaa. Gaariwade waaye, not 'gaariwale.'
  6. Is there a 'certified' African DNA? Sheeko cusub tan ii ahaa. There is no such thing as 'African' language either.
  7. We can understand why Arabic and Italian dominate the Somali language Dominate? Oh, baliis. Ereyo afaf kale waa lala wadaagi karaa. Waa iska caadi. We have words we share with afka Sawaaxiliga too, words like hoodi hoodi, jiko.
  8. Che -Guevara;814854 wrote: It's OK-just say they are not from Somaliland and hope people would know the difference. Aad iiga qosolsiisay. Shaah aan cabaaye ku margan lahaaba ama isku daadin lahaa, but luckily just a few seconds kahor dhunjiye.
  9. Howlwadaag Hoose/dhexe. Baashi ayaa isku dhawayn iskoolada. Asaga Xasan Qariidi ayuu dhigan jiray which was next to our school, wall to wall. Laakiin loodkii naga sareeye ayuu ahaa oo isku lood ma ahayn. Here is a the full funeral. It starts at 15:05
  10. Waagee Soomaali sharaf lahayd, si sharfana isku duugeysay. Yaa nool yaa dhintay ka muuqdo cajalka. Cowke sidiisa u egyahay wali asagana. Waxaa xasuustaa Qabuuraha Qaranka oo Tarbuunka ku yaalay waagaa yareen agmari jirnay on our way playing banooni in Tarbuunka dhanka Digfeer. Mar marna qabuurahaas iska gali jirnay for no reason. C/rashiid Cali Sharmaarke iyo marxuumooyin kale sharaf lahaa ku duugnaa, Eebbe ha u wada raxmadee. Anagoo yar yar ayaa sharfi jirnay oo markaa galno xabaalahaas kuma ciyaari jirin, kuma or ordi jirin, si degana waa ugu soo bixi jirnay. Remembering now, I think it was subconscious.
  11. So, abaayadiis, do you speak like this guy? He appears at 8:37 in the clip. What a true garamgaram. I used to hear about them, but had never seen iyagoo hadlaayo until this guy.
  12. Kuraastii Nayroobi isku garaacayeen caag ma ahayn, weyna isku garaaceen kuwaas. Marka caag or not waxmagaratadaas intee 'xildhibaano' yihiin wey isgaraacayaan.
  13. GaroweGal;814816 wrote: Sambuus-Sambuus Baaji--- Somali Bajiyo I think! Sabuun-- Saabuun. Also Sabun is the Chinese word for soap according to my Chinese friend. Ajanabi- Ajanabi stranger although this is an Arabic word! Kuwaan waa wada Carabi, Hindida iyo Bakistaanta naftirkooda kasoo deensaday Carabiga.
  14. Meeshaan ayaa baarlamaan quman u eg. Finally dowladda Waqooyi meel quman ayee dhistay. I hope kuwa Xamar joogo kuraasta caagaga ku fadhiyo inay dhisaan baarlamaan sidaan oo kale u eg.
  15. Why the need to change the 1960 axdi horta? That was a perfect one as far as Soomaalida is concerned. Haddii loo badalaayo iskutagnimada (federalism), qeyb ayaa loogu dari karay but completely revamping it is useless. Then again Soomaali ma qorin, sida kii 2004 Nayroobi lagu qoray dad kale qoray waxaan. Soomaalidii ayeeba kala bixinayaan haddii la raaco kii 2004 la sameeye. Kii Gaarisa ku dhashay ama tii Qalaafe ku dhalatay Soomaali ma'aha ayaa la dhihi doonaa maanta.
  16. Fiqikhayre;654145 wrote: What we know so far: 1.The report on the ground is five to six MP's dead after armed group raided the Hotel in which MP's lodged. Death toll over 30 now including civilians, raiders and the soldiers guarding the MP's lodge. 2.The gunned down MP's only arrived yesterday at their lodge/hotel. 3. The Hotel mainly house MP's, Ministers and Officers from Puntland. 4. So far the dead MP's three are from Puntland and two from Somaliland. 5. The hotel's security could not be impeached so easily as it is only 20 meter's away from Villa Somalia. 6. It is assumed that it was an inside job instigated from the Villa itself as the men who attacked and raided the hotel could not that easily break the security into the hotel/lodge of the MP's as it is only a short walk away from heavily fortified Villa Somalia. 7. Two men managed to get into the Hotel and kill and wound all the people inside after that one blew themselves up in a room. 8. Al Shabaab claim the attack as a suicide mission in which they managed to kill scores of MP's, 'Ministers' and 'Army Officers' (not verifiable yet). Yea, yea, down with 'inside jobers.' I can't believe they stroke again today.
  17. Reer Biljam used to be pioneers of Soomaalida internetka in '90s. Now waxa ku dhacay ma'ogi. Mise Ingiriiska u wada guureen filaa.
  18. Libaax, LoL. Buuggaas ogoow hee 1971 la qoree, waa kahor inta Afsoomaaliga si dhab ah loo qorin. Soomaalicentric, sister. watch this clip. Do you speak like him in that terrible Soomaali accent he is acting in? Just kidding.
  19. That link has a lot of useful books that was published in '70s. It is really helpful. If you read some books on there completely you will learn much more. N. B. - I am only an ardey myself. Anaaba u baahan wax sii barto.
  20. Carafaad taloow dadkaan muxuu u balanqaadoyaa?
  21. Dad badan Soomaaliyeed aaminsan si badownimo ku jirto in afkeena Soomaaliyeed naxwe iyo tiir lagu raaco midkood lahayn. Dadkaan badankooda waa ciyaal qurbo ku koray ama kuwa dagaalada ku dhashay. Buugga Aasaaska Naxwaha Afsoomaaliga oo la daabacay 1971 ayaa si fiican u kala shar sharxay. [Mahad gaar ah Nuunka ayaa leh oo shabakadaas SOL kusoo dhajiye hadda kahor.] Buuggaas sawirkaan ayaa ku yaalay. Waxee u dhigmaan noun, verb, adjective, adverb... Yaa isku aadin karo ereyadaas iyo kuwa Ingiriiska?
  22. Waxaan dadka afka Carabta ka dambeeyo qoray. Ereyo badan, aad iyo aad waliba u badan Carabi aanan loo baahneen oo dhigooda Soomaaliyeed la adeegsan karo. Maqaasid? Dastuur? Shuruud? Jadwal?
  23. Magaca cusub ee Islii: Dhalaal iyo Dhoobo. Fiirsada cajalkaan gaaban.
  24. Oh, kaftanleey weynaatay waaye. Lahjadaha Soomaalidana aad u taqaan, inkastoo kan ciyaalka xaafadda ku hadleyso. I used to hear a lot of people used to listen BBC Soomaali solely because of her voice and sheekooyin. Waaba run ileen.
  25. Barnaamijkaan aad iyo aad u xiiso leeyahay. Si fiican la iskugu dabariday. Ina Libaaxsankataabte Ina Libaaxkorkafuulay Ina Libaaxkadulbooday