-
Content Count
17,649 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Waxba Imaaraadka haku dhago hadlin adigoo cabsaneysid ee runta u sheeg Xasanoow. Xasan oo si dadban u duray Imaaraadka Carabta, digniin culus-na u diray dalal kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markale ka hadlay heshiiskii Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa soo hadal qaaday dalalka sida weyn ula saftay Soomaaliya iyo kuwa ka dhuumanaya weli inay mowqifkooda cadeeyaan. Dalalka saaxiibka dhow la ah Villa Somalia ee ka dhuuntay heshiiskan oo aan illaa hadda mowqifkooda cadeynin waxaa kale oo kamid ah Dowladda Imaaraadka Carabta. Xasan ayaa Jimcihii si adag ula hadlay dalalka weli ka dhuumanaya inay cadeeyaan mowqifkooda qaddiyadan, isaga oo uga digay dalalka caalamka ee weli ka hadlin arrinkaan in aysan taageeri karin xad-gudub ka dhan ah Soomaaliya. Waxa uu sheegay madaxweyne Xasan in keliya dalalkaasi ay isku xumaan karaan Soomaaliya, balse ay cid kale siin karin ama xitaa ku taageeri karin dhul Soomaaliyeed. Sidoo kale madaxweynaha waxa uu xusay in dalalka Soomaaliya la saftay marxaladan adag ay waligood xasuusan doonaan, ayna maalintooda garab istaagi doonaan. “Dowladaha caalamka ah ee saaxiibada ah waa ku mahadsan yihiin kuwii Soomaaliya midnimadeeda, xuduudahooda iyo dhulkeeda ilaalintiisa ka hadlay oo na garab istaagay aad iyo aad u mahadsan yihiin waa saaxiibo jira,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxa uu intaas kusii daray “Kuwa kale ee aamusan ee meelaha ku gabanaya waxaa leenahay ma dhaceyso, Soomaaliya unba isku xumaan kartaan oo cid kale ama dal kale dhulka Soomaaliya ma siin kartaan, kumana taageeri kartaan.” Xigasho
-
Imaaraadka oo sabab yaab leh uga aamusan heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya Tan iyo markii uu soo baxay heshiiska is-afgarad ee Addis Ababa ay ku gaareen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, waxaa iska soo daba baxayay bayaano caalami ah oo la xiriira xiisadda ka dhalatay heshiiskan. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiskaasi, ayada oo Soomaaliya ay garab istaag ay muujiyeen ururro iyo dalal aan la filayey, halka kuwa kalena ay ka aamuuseen. Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah dalalka weli ka aamusan xiisadda taagan, xilli uu si weyn u daneeyo Soomaaliya, waxaana la is weydiinaya sababta dalkaan saaxiibka la ah Soomaaliya uusan uga hadlin heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ku gaareen Addis Ababa. Maxay tahay sababta uu Imaaraadka uga aamusan yahay arrinkaan? Axmed Saki Faarax Iidle oo ka faallooda xiriirka caalamiga ah ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta uu heshiiskan uga aamusan yahay isaga oo eeganaya danahiisa dhaqaale ee Somaliland. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Itoobiya iyo Imaaraadka ay ku wada biireen ururkan BRICS oo ay hogaamiyaan Ruushka, Shiinaha, Hindiya, Koonfur Afrika iyo Brazil, ayna taasi keenayso in uu si weyn uga fiirsado oo uusan ku deg degin ka hadalka xiisaddan. “Imaaraadku waa dalka kaliya ee maal-geliyey dowladda Somaliland ee u dhisay dekaddan Berbera marka iskaashigooda awgii waxay u muuqataa in ay Imaaraatku u yar dhowyihiin Somaliland iyo Itoobiya,” ayuu yiri Axmed Saki Faarax. Sidoo kale waxa uu qabaa in haddii uu Imaaraadka ka hadlo xiisadda taagan ee ka dhalatay heshiiskii Addis Ababa “in Itoobiya uu taageero ayaa uga dhow in uu Soomaaliya ku taageero khilaafka ka dhex aloosan labada dhinac, ee ka dhashay xad-gudubka Itoobiya. Marka laga imaado aamusnaanta Imaaraadka, waxaa Soomaaliya si weyn ugu muujiyay garab istaagay dalal uu kamid yahay Mareykanka oo ah dowladda casrigan ugu quwada weyn adduunka, ayada oo laaday heshiiskii ka dhacay Addis Ababa, islamarkaana xoojisay inay ixtiraamka madax-banaanida Soomaaliya. Midowga Yurub ayaa sidoo kale ganafka ku dhuftay is-afgaradkii uu Muuse Biixi isku dayay inuu Itoobiya ku siiyo qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya, isaga oo og in weli Somaliland ay hoostagto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, marka laga tago gadoodka ay ku maqan yihiin 30-ka sanno. Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay taageero caalami ah ugu heli laheyd difaaca dhulkeeda, kadib markii ay maalmo kahor burisay heshiiskii Muuse Biixi uu Addis Ababa kula gaaray Abiy Axmed. Xigasho
-
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Safarada Xasan Socdaal ee dalxiiska ah: Imaaraadka - 10/06/2022 Turkiga - 03/07/2022 Eritareeya - 10/07/2022 Kiinya - 15/07/2022 Jabuuti - 16/07/2022 Masar - 24/07/2022 Ugaandha - 08/08/2022 Tansaaniya - 15/08/2022 Kiinya (2nd time) - 12/09/2022 Mareykanka - 15/09/2022 Ingiriiska - 18/09/2022 (rushed back from Mareykanka for the islaantii aaskeeda) Mareykanka (2nd time) - 20/09/2022 (back to Mareykanka for Qaramada Midoobay sessions) Itoobiya - 28/09/2022 Ugaandha (2nd time) - 08/10/2022 Jabuuti (2nd time) - 22/10/2022 Suudaan - 01/11/2022 Aljeeriya - 02/11/2022 Masar (2nd time) - 06/11/2022 Eritareeya (2nd time) - 10/11/2022 Jabuuti (3rd time) - 08/12/2022 Sacuudiga - 09/12/2022 Mareykanka (3rd time) - 12/12/2022 Talyaaniga - 08/02/2023 Imaaraadka (2nd time) - 22/02/2023 Qadar - 04/03/2023 Eritareeya (3rd time) - 13/03/2023 Jabuuti (4th time) - 15/03/2023 Ugaandha (3rd time) - 18/03/2023 Itoobiya (2nd time) - 14/04/2023 Ugaandha (4th time) - 27/04/2023 Qadar (3rd time) - 17/05/2023 Sacuudiga (2nd time) - 18/05/2023 Imaaraadka (3rd known time) - 21/05/2023 Turkiga (2nd time) - 02/06/2023 Jabuuti (5th time) - 11/06/2023 Mareykanka (4th time) - 20/06/2023 Talyaaniga (2nd time) - 23/07/2023 Jabuuti (6th time) - 22/09/2023 Eritareeya (4th time) - 08/10/2023 Biljam - 24/10/2023 Imaaraadka (4th known time) - 30/10/2023 Sacuudiga (3rd time) - 09/11/2023 Burundi (1st time) - 15/11/2023 Ingiriiska (2nd time) - 19/11/2023 Tansaaniya (2nd time) - 23/11/2023 Imaaraadka (5th time) - 30/11/2023 Jabuuti (7th time) - 08/12/2023 Mareykanka (5th time) - 10/12/2023 Ugaandha (5th time) - 15/12/2023 Kuweyd (1st time) - 19/12/2023 Jabuuti (8th official time) - 28/12/2023 Eritareeya (5th time) - 08/01/2024 _________________ Updated. -
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
The only ever socdaal Xasan Socdaal galay aan taageersanahay. Ha ogaado saaxiibtimada dhabta ah kuwee yihiin. -
Kibirkooda adiga iyo inta kula fikir ah qol isku ooday haddana dadkaan qolka soo gishtay ila jooga tiri. Hala yaabin hadduu kula sheegto isla qolkaas. Bal ii sheeg why did Oromada target inay si xad dhaaf ah u degaan magaalooyinka Waqooyi Galbeed (Hargeysa, Berbera) iyo Waqooyi Bari (Boosaaso) and not Koonfurta. Nabadda kaliya ma'aha. Xamar waala degnaan karaa, but they never tried. Meesha dan ayaa laga leeyahay.
-
Sheekada waa wuxuu Cali Yare sheegaaye. Wuxuu soo qoray shalay haddee kuwa ka soo jeedo Garoowe aynan midkood ku guuleysan doonin ama u muuqan inay fursad heystaan codadka ee heystaan Deni ayee ugu shubaayaan and have another chance in five years, instead of siiyaan codadkooda kuwa tolkooda ah and have zero chance in five years. Very selfsishnimo. Sidii ayee u egtahay inay dhacday.
-
Somalia cuts diplomatic ties with Kenya citing interference
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Deeq A.'s topic in Politics
Waayihii cadowga waxee yihiin la tusinaaye. Dowladii hore expelled Kiikuuyo daljire and banned jaadkooda for wax aad ugu yar tan ee Xabashada sameyneyso maanta. Xasan Socdaal daciifsanaa, madax ka daciifsan Soomaaliya sooma marin. -
Waa maalintii lixaad and Imaaraadka are wtill mum iyo shibeey shib. Will Xasan Socdaal finally see them as who they truly are - enemies of horumarka Soomaaliya? And when is he going to kick out Xabashi airline, especially since they are involved in this deal? We need and must have a national airline. Dal walba shirkado diyaarad qarameed leeyahay.
-
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
When travelling is justified and necessary to shore up international support, he is staying put. Sababta? Labadii dal uu ku noq noqon jiray - Imaaraadka iyo Jabuuti - waaka aamuseen, secretly siding with Xabashada. He himself probably is secretly siding with Xabashada. Waala la laaluushay Xasan Socdaal. Shame, shame, shame. Also wasiir arrimo dibad lama haayo, meesha gabadhiisa iyo mid ilma adeerkiisa ah ayaa iskaga xaar xaarooyo. In fact, they are going after all diplomatic personnel nominated and appointed by former foreign minister. They sent a letter THIS WEEK (of all weeks) to all embassies requesting all those appointed by Huruuse to come back to Xamar, so they can be fired by ina Culusoow. Wasiirkii gaashaandhigga is AWOL aa well, lama arkin toddobaadyo, probably in Imaaraadka. Shaking my head. -
Israel Humbled as America sends more weapons
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
-
Israel Humbled as America sends more weapons
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
History literally repeating itself. -
The nation of traders of Somaliland feel the pain
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Duufaan's topic in Politics
Link is broken. -
The irirism continuous hooley in the building
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Game changer's topic in Politics
Finally nijaaskaan gaalshire la dhigay markuu Xamar asagoo joogo warbaahinta la soo hor istaagay Xabashi ha qaadato baddeena. Wali beenbeentii inay socoto moodaa. Si fiican la yeelay. -
Ethiopia vs Somalia population growth
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Duufaan's topic in Politics
Ma aaminsani inay Xabashada yihiin 120 milyan oo qof. Haddee u badato waa 95 milyan. -
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
All these useless trips to Jabuuti waa lagu qasaaray. Xasan siyaasad aanan jeebkiisa ahayn ma yaqaano. -
Qadar and Turkiga are among the first countries to support Soomaaliya iyo kidnimadeeda. Xasan kuwa uu ku qafiifay - Jabuuti iyo Imaaraadka - waaka aamuseen u gambiyeen ikaa iyo hadda. In fact, Jabuuti supports Xabashada via GAD statement. Ha arko Xasan waxee yihiin oo inuu dantooda kaliya fulinaaye. Xasanoow ku waano qaado tan.