Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,712
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    326

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Kenya oo shidaal baarista kawada aagga ay maxkamaddda ICJ go'aanka horey ugasoo saartay Dowladda Kenya ayaa xoojisay howlihii shidaal baarista ee gobolka xeebta ee Lamu, ku dhawaad sanad kadib markii ay diiday go’aankii maxkamadda caddaalada adduunka ee la xiriirtay muranka ay galisay badda Soomaaliya. Guddoomiyaha batroolka James Ng’ang’a ayaa sheegay in shirkadda ENI Kenya Business Venture (BV) oo hore u ahaan jirtay Agip ay bishii hore ka bilaawday qodista ceelka Mlima-1 oo sidoo kale loo yaqaan Block L11B. Tani waxay daba socotaa sahanno qoto dheer ah oo daaha ka qaaday in aaggu leeyahay awood shidaal iyo gaas. Shirkaddu waxay sheegtay in ay rajaynaysao inay siidaayaan natiijooyinka kaydka block-ga labada bilood ee soo socda. Tan iyo bishii April ee sannadkii hore, Kenya waxa ay samaynaysay khariidadda kaydka saliidda iyo gaasta ee Lamu, in kasta oo uu muran xuduudeed ka taagan yahay aaggaas. Goobta ay Kenya ka sameynayso shidaal baarista waxay ku taal dhulka lagu muransanaa ee maxkamadda ICJ go’aanka kasoo saartay march 2021. Arrintaas oo sabab u ahayd khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sanadkii hore sheegay in Kenya aysan ku wareejin doonin Soomaaliya xitaa taako ka mid ah dhulka laga xukumay, isagoo muujiyay sida ay Kenya uga go’an tahay inay ilaaliso wadada ay ku noqon karto waddan shidaal soo saara.
  2. Rooblaawe muxuu la soo shirtagay in AMISOM Filla Soomaaliya ku soo noqdaan? Tusbaxyaraha kalsooni daranaa. Shir maafiyada Xalane fadhiso doolar loogu cuno ahaa.
  3. Wararkii ugu dambeeyay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee maanta doodiisu adkaatay Waxaa goordhaw soo gabagaboobay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maalintii afaraad oo xiriir ah ka socda teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho. Shirka wadatashiga Qaran ayaa maanta mar ku sigtay inuu ku dhamaado fashil iyo natiijo la'aan, kadib markii madaxda Golaha wadatashiga ay isku khilaafeen arrinta amniga dalka in lagu wareejiyo ra'iisal wasaare Rooble, taasoo keentay madaxda qaar in shirka isaga baxaan walow markii dambe dadaalo dheeraad ah ay madaxda qaarkood sameeyeen shirka dib u bilawday. Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirka Golaha wadatashiga Qaran maanta si weyn uga doodeen arrimaha amniga dalka iyo dardar gelinta hufnaanta doorashada. "Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho ayaa galay maalintii 4aad, iyadoo madaxdu ka arrinsanayaan qodobbada ajandaha shirka oo sii socon doona inta la isla meel dhigayo dhammaan qodobbada muhiimka ah ee la xiriira doorashooyinka dalka" ayuu yiri wasiir Alcadaala. Shirka wadatashiga qaran ayaa maanta si weyn uga duwan shirarkii sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ay isku hor fariisanayeen madaxda Golaha wadatashiga qaran, waxaana la filaayay in shirka uu maanta soo gabagaboobo, hayeeshee dooda oo aad u adkaatay ayaa sababtay in shirka lasoo gunaanadi waayo. Shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya ayaa il gaar ah ku wada eegaya natiijada kasoo bixi doonta shirkan u dhaxeeya Raysal wasaare Rooble, shanta madaxweyne goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
  4. Wuxuu axdiga qaranka awood u siinin ayuu rabaa qaato, a move no prior prime minister had ever pulled since 1960. War ninka muxuu ismooday.
  5. Beesha Lixaad mafia want to force their agenda openly this time. Beesha caalamka oo ku biirtay shirka golaha wadatashiga ee ka socda Muqdisho Xubnaha golaha wadatashiga qaran oo ka kooban ra’iisul wasaaraha, madax goboleedyada dalka iyo duqa Muqdisho ayaa maanta kulan la yeeshay wakiilada beesha caalamka oo ku biiray wada-hadallada uga socdo Teendhada Afisyoone. Shirka oo shalay soo billowday ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo sidoo kale muranada xoogan ee hareeyey doorashooyinka ka socda dalka. Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada-hadleen taageerada iyo doorka wakiilada beesha caalamka ee ku aadan dardargelinta doorashooyinka, gaar ahaan mida golaha shacabka Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiskra ra’iisul wasaaraha. “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Xubnaha kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen dardargalinta doorashooyinka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka. Warka kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa intaasi kusii daray “Ra’ iisul Wasaare Maxamed Rooble waxaa ka go’an in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gebogebeeyo doorashada, iyadoo turxaan bixinta iyo toosinta wixii ka soo laabtay lagala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso sida Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo daneeeyeyaasha kale,”. Wada-hadallada ayaa sidoo kale sii soconaya, waxaana sidoo kale ku biiri doono xubnaha mucaaradka iyo bulshada rayidka ah, si ay talooyinkooda ugu biirayaan madasha. Xukuumadda Soomaaliya oo iyadu garwadeen ka ah shirkani ayaa rajeyneysa inay guul ku soo dhammaadaan wada-hadallada socda oo ku soo aaday, xilli aad loogu baahnaa. Si kastaba, xaaladda dalka uu maraayo ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana dadka Soomaaliyeed ay isha ku wada-hayaan qodobada ka soo baxa shirka golaha wadatashiga.
  6. Jenaraal Tareedishe oo ka hadlay dagaalo ka dhacay gudaha iyo duuleedka magaalada Baledweyne Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 27-aad Jenaraal Axmed Maxamed Calasoow Tareedishe ayaa ka hadlay dagaalkii dhawaan deegaanka Qowlad ee duuleedka magaalada Baledweyne ku dhexmaray ciidamada dowladda, kuwa Hirshabeelle iyo ciidamada ay hoggaamiyaan Jenaraal Xuud iyo Korneyl Nuur Dheere. Taliyaha ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid xabada lagu bilaabay ciidanka xoogga dalka xili ay kusii socdeen howgalo la dhan Al-shabaab. "Ciidanka xoogga oo ku socda howlgalo lagula dagaalamayo ayaa xabad lagu bilaabay, waxaana kasii horeysay kolanyo uu hoggaaminaayay guddoomiyaha gobolka Hiiraan sidaaso kale xabad lagu bilaabay,marka waxaan leyahay waxii siyaasad ah siyaasadu ha xaliso waxii dhaqan ahna dhaqanka ha xaliyo" ayuu yiri Jenaraal Tareedishe. Waxuu intaasi ku daray taliyaha ciidanka xoogga dalka qeybta 27-aad in la qaboojiyo xiisada oo uu sheegay iney hurinteeda qeyb weeyn ka qaadanayaan dadka isticmaala baraha Bulshada. Hadalkaan kasoo yeeray Jenaraal Tareedishe ayaa imaana xili ciidamadii ay kula dagaalameen duuleedka magaalada Baledweyne ay haatan ku sugan yihiin gudaha magaalada Baledweyne gaar ahaan xaafada kooshin, kadib markii odayaasha dhaqanka ku guuleysteen heshiis hordhac ah oo xabad joojin iyo in ciidanka is horfadhiyay la kala qaado ah. Xaalada magaalada Baledweyne saacadahii lasoo dhaafay waxay aheyd mid degan oo kasoo kabsaneysa xiisadii taagneyd ee dagaalada iyo banaanbaxyada kala xiray dhamaan dhaqdhaqaaqyadii ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.
  7. Haaruun, in addition being a paid reporter of U.S. mouthpiece news agency, was a paid informer/analyze of a private intelligence agency based in U.S. His name, among many, including C/raxmaan Ceynte of Heritage Institute, was exposed a few years ago online. He was also investigated by hay'adda Nabadsugidda two years ago. Here pictured with him is that anti-Soomaaliya, secessionist-paid lobbyist neocon, the infamous Peter Pham:
  8. Xasan Daahir: “Farmaajo iyo Xuseen Caydiid waxay u maree 30 sano ka hor Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka falceliyey wareysi uu dhawaan bixiyey Siyaasiga Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo sheegay in Farmaajo aan lala dagaali karin oo xabad uusan ridin ka Xuseen ahaan aysan Muqdisho ka dhici karin. Xasan Daahir ayaa sheegay inuu dhageystay wareysigaas, isla markaana ay u soo baxday in Xuseen Ceydiid uu soo maraayo meel mar hore lasoo dhaafay, sidoo kale Farmaajo ayuu ku tilmaamay nin lamid ah Xuseen Ceydiid oo aan is biday awood uusan laheyn. Sheekh Xasan ayaa sheegay in mar lagu sirmay Xuseen Caydiid oo loo maleynayey inuu leeyahay kartidii Aabihiis oo kale, balse hadda ay u joogto halkii la maraayey waayihii lagu sirmay. “Waxaan is dhahay Xuseen meel uu siyaasadda ka soo galo ayuu raadinayaa, markaasuu ka hadlay meel 30 sano ka hor laga soo tegay, laakiin dadku dadkii maaha oo waqtigu waqtigii maaha,” ayuu yiri Xasan Daahir. Sheekh Xasan ayaa beesha **** uga mahad celiyey inay iska aamusiyeen dadkii la midka ahaa Xuseen Ceydiid oo uu ka carabaabay Cali Maxamed Geedi iyo Salaad Cali Jeelle, “Walow aad hoosta ku heysataan Shariif oo diintii inta calaanjiyey tufay,” ayuu yiri. Sidoo kale Xasan Daahir oo la hadlay Farmaajo ayaa sheegay in awood aan jirin ay maskada uga jirto, isagoo u fekeraya sidii uu u fekeri jiray Maxamed Siyaad Barre, sida uu sheegay Xasan Daahir. “Waxaan la hadlayaa Farmaajo, madaxa waxaa kaaga qunfulan caqliyadii Maxamed Siyaad Barre oo kale, adiga ina Ceydiid isku mid ayaa tihiin, waxaad ku fekeree in caqliyadii Maxamed Siyaad oo kale aad hir-geliso, taasina hadda suurta gal maaha,” ayuu yiri. Xasan Daahir ayaa Farmaajo ku dhaliilay sababta uu ula dagaalayo Ra’iisul wasaare Rooble oo isagu uu keensaday markii hore, isagoo sheegay in dadka hadii aan laga xishoon si kasta oo ay u qabowyihiin ay ugu dambeyntii qarxayaan oo wax kasta haleeyaan. “Farmaajo ninkaan adigaa keensaday, maba aanaan aqoon anagu, sida adigaba uu Shariif kuu keensaday oo kale, marka shaqadaan adigaa ku wareejiyey, isagaana masuul ka ah ee ka leexo, maxaad u qashqashaadeysaa? Waaba nin iska dabacsane” ayuu yiri Xasan Daahir.
  9. Ciidamada Badbaado Hiiraan iyo kuwa Golaha Kacdoonka Hiiraan oo Caawa gudaha u galay magaalada Baledweyne Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Caawa gudaha u galeen magaalada Baledweyne ciidamada la baxay Badbaado Hiiraan ee uu hoggaamiyo Korneyl Nuur Dheere iyo ciidamada Golaha Kacdoonka Hiiraan ee uu hoggaamiyo Jenaraal Abuukar Xuud oo iskaashanaya. Ciidamadan Caawa lagu dhex arkay gudaha Baledweyne ayaa maanta gelinkii hore waxa uu dagaal ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Hirshabeelle deegaanka Qawlad ee dhaca duuleedka Waqooyi bari Baledweyne. Imaashaha ciidankan Caawa gudaha usoo galay Baledweyne ayaa kusoo beegmaysa xili ciidankii dowladda iyo kuwa Hirshabeelle ee maanta kula dagaalamay deegaanka Qowlad aysan wali dib ugu soo laaban gudaha magaalada Baledweyne. Muqaalo lagu soo bandhigay baraha bulshada ayaa lagu arkaayay Korneyl Nuur Dheere iyo ciidamadiisa oo dhex lugeynaya wadada laamiga ee halbowlaha u ah isku socodka magaalada Baledweyne. Dadweyne farabadan oo taageersan ciidamadan kasoo horjeeda Hirshabeelle ee Caawa lagu dhex arkay gudaha Baledweyne ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Baledweyne. Gabagabadii ciidankaan Caawa lagu dhex arkaayo gudaha magaalada Baledweyne ayaa waxay kusoo aadeysa xili galabta guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte uu sheegay in magaalada Baledweyne Caawa Bandow tahay si loo xaqiijiyo amaanka magaalada Baledweyne.
  10. Xaalada Beledweyn Oo Saaka Degan Iyo Dhinacyadii Dagaalamay Oo Ka Hadlay Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xaalada magaalada Beledweyn, halkaasoo shalay ku dagaalameen ciidamo taabacsan maamulka Hirshabelle iyo kuwo ka soo horjeedo oo bilihii la soo dhaafay isku uruursanayay magaalada. Sida wararku sheegayaan, dagaalka oo ahaa mid culus waxa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Qowlad oo qiyaastii 12km waqooyi uga beegan xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne. Janaraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo ah sarkaalka hogaaminayay ciidanka weerarka lagu qaaday ee ka soo horjeeda Hirshabeelle, ayaa ku goodiyay iney jawaab ka bixinayaan weerarka dhankooda lagu soo qaaday, isagoo ka gaabsaday inuu bixiyo xog ku saabsan khasaaraha gaaray. Xigasho
  11. Banaanbaxyo waa weyn oo ka bilaawday magaalada Baledweyne Banaanbaxyo waa weyn oo looga soo horjeedo maamulka Hirshabeelle ayaa ka soconaya gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Banaanbaxa ayaa waxaa dhigaya boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid guud ahaan xaafadaha magaalada Baledweyne, kuwaas oo kasoo horjeeda weerar saaka ciidamada dowladda iyo kuwa Hirshabeelle ay ku qaadeen ciidamo uu hoggaaminaayo sarkaal lagu magacaabo Korneyl Nuur Dheere. Banaanbaxayaasha ayaa kala xiray guud ahaan isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha iyo ganacsiga magaalada Baledweyne, kuwaas oo dhagaxaan iyo geedo ku dhex daadiyay wadooyinka muhiimka ah ee soo gala kana baxa gudaha Baledweyne. Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinaya erayo ay ka mid yihiin Hirshabeelle dooni meyno Cali Guudlaawe dooni meyno Dabageed dooni meyno Cali Jeyte dooni meyno iyo erayo kale oo ka dhan ah maamulka Hirshabeelle. Ma ahan markii ugu horeysay oo banaanbaxyo noocaan oo kale ah oo looga soo horjeedo Hirshabeelle ay ka dhacaan gudaha magaalada Baledweyne, waxaa xusid mudan in shacabka reer Baledweyne gaar ahaan Beesha Xawaadle ay si weyn u diidan tahay jiritaanka maamulka Hirshabeelle tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed. Xigasho
  12. The personalities are not inseparable from their lies, widaay. For a long time, these deceptive grifters used their pens and institutions (International Crisis Group among them) against Soomaali state. International organs like the U.N. and Western media repeated their lies. Some still do. Plus, they are wanted in Soomaaliya and sentence in absentia. They cannot stand seeing a strong and united Soomaaliya.
  13. Wariyaasha Soomaalida waa inay ogaadaan sirta qaarkood in la soo bandhigi karin.
  14. Faarax Galoleey inuu dhahay u maleynaa Reer Canjeex kursi ha u dhiiban, sida loogu fujiyaa adag. Waaba tanaa iyadoo cad. Nin xil sii haye ah ayaa saan u dhaqmaayo.
  15. Wretched secessionists aggressions and xadgudubkooda ma dhamaado miyaa?
  16. So-called 'Badbaado Qaran' ayaa u socon weysay, now Badbaado Galmudug waaye sheekada, waxaana wato qof xildhibaanimadiisa waaye. Gole Badbaado ‘oo looga dhawaaqayo’ Galmudug Golaha Badbaadada iyo Hoggaantoosinta Galmudug ayaa dhawaan lagu dhawaaqaya, sida uu shaaciyey Wasiirkii hore amniga ee maamulkaas, Axmed Macalin Fiqi. Axmed Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa bulshada reer Galmudug iyo siyaasiyiinteeda ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan Golahaas oo lagu badbaadinayo maamulkaas oo uu raagadiyey hogaan xumo iyo colaado soo noq-noqday. Madaxweyne Qoorqoor oo asagu hoggaamiyo maamulka Galmudug ayaa lagu eedeynaya in uu si weyn uga gaabiyay hogaaminta maamulkaas iyo in deegaanada uu ka taliyo uga mashquulay rabitaanka madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qoor-Qoor ayaa inta badan waqti ku qaata magaalada Muqdisho oo xilligana uu ku sugan yahay, wuxuuna juhdi badan ku bixiyaa hoos u dhigista culesyada soo wajaha Villa Somalia oo la fahamsan yahay inay xilkaaas geysatay. Tan iyo markii uu hogaaminta Galmudug la wareegay waxaa ragaadiyay colaado soo noq-noqday iyo xiisado uu ku guul dareystay wax ka qabashadooda. Dhaq-dhaqaaqan cusub ee looga soo horjeedo hogaaminta Qoor-Qoor ma aha midkii u horeeyay ee lagu dhawaaqo, waxaana hore u jiray dadaalo maamul kale loogu sameynayo Galmudug, kaasi oo ka baxsan gacanta Qoor-Qoor. 9-kii bishan unbey aheyd markii magaalada Caabudwaaq lagu qabtay shir looga soo horjeedo maamulka Galmudug, kaasi oo beelaha Waqooyiga Galgaduud uga tashaneayeen sidii maamul cusub u sameysan lahaayeen. Shirkaas oo xilligaas ay ka qeyb-galeen Odayaasha, Waxgaradka iyo Aqoonyahanka beelahaas ayaa waxay sheegen in maamulka Galmudug uu ku fashilmay isku haynta beelaha dega deegaanadaas, islamarkaana ay ka waayeen xuquuqdoodii. Qoor-Qoor ayaa lagu eedeynayaa inuu dhageysan waayey tabashada beelaha maamulkaas, si weyna uu ugu gaabiyay adeegyadii aas-aasiga ahaa iyo dhismaha Galmudug loo wada dhan yahay. Arrimahan oo dhan ayaa qeyb ka noqonaya dhibaatooyin dhowr ah oo maamulka Galmudug oo u wajahaya, kuwaasi oo ah dhanka amniga iyo maamulka ah oo uu horseed u yahay maamulka madaxweyne Qoor-Qoor. Xigasho
  17. Qoorqoor oo shaaciyey xalka xiisada Villa Somalia, kadib kulankii Kate Foster Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo haatan ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la qaatay Danjiraha UK u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, Kate Foster. Qoorqoor iyo Kate Foster ayaa ka wada-hadlay xaaladihii u dambeeyey ee soo kordhay iyo arrimaha doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Galmudug. Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay inay labada dhinac isla garteen inay tahay in la soo gebagebeeyo doorashada, una arkaan xalka kaliya ee looga gudbi karo xiisada taagan. “Waxaan hoosta ka xariiqnay baahida deg-degga ah ee loo qabo xilligan in ay tahay in la soo gebagebeeyo doorashada ayna tahay xalka kaliya ee Soomaaliya,” ayuu yiri Qoorqoor. Madaxweynaha dowlad goboleedka Glamudug oo todobaadkan soo gaaray caasimada ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadda Villa Soomaaliya. Waxaa kale oo uu ka qeyb-geli doonaan shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee u dhexeeyo ra’iisul wasaaraha iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada dalka. Xaaladda Soomaaliya ayaa haatan cakiran, waxayna kasii dartay markii uu soo laba kacleeyey khilaafka u dhexeeyo Farmaajo iyo Rooble. Si kastaba, lama oga sida wax noqon doonaan, waxaase beesha caalamku cadaadis saareysaa madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo, si uu faraha ugala baxo doorashada.
  18. Wararka suuqa maanta. Sheeko sheeko ahaa: Qoorqoor, Kheyre iyo Shariif oo wada dadaal ay ku bad-baadinayaan Farmaajo Mowqifka Musharaxiinta kala ah Sheekh Sharif Axmed iyo Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ku yimid isbeddel weyn saacadihii la soo dhaafay, kadib markii ay kulan is-afgarad ku soo dhamaaday la qaateen madaxweynaha dowlad Goboleedka Galamudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor. Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijisay in kulankii galabti Talaadada ka dhacay hoyga Qoor Qoor la isla meel dhigay in laga hortago dagaalka la doonayo in Villa Somalia looga saaro madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qoorqoor ayaa kulanka ka xusay in uusan oggolaan doonin mas’uul ay isku heyb yihiin oo uga saameyn bata siyaasadda xilligan, sidaas darteed ay tahay sababta uu Farmaajo u difaacayo. “Rooble haddii wax walba gacanta loo geliyo awooddiisa waxaa ka faa’ideysanaya Cabdikariin Guuleed, Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo dagaalka ku gacan siiyay,” ayuu Qoor Qoor ku kaftamay, sida aan kasoo xiganay xubno ku dhow kulanka. Sheekh Sharif oo Xasan Kheyra ku kaftamaya ayaa Rooble ku tilmaamay “Saddex sano shacbiyad aad ku sameyn weysay ayuu maalmo kooban ku sameeyey.” Saddexda masuul ayaa kala qaatay howlaha ay ku fulinayaan qorshahooda, si loo badbaadiyo Farmaajo. 1- Xasan Cali Kheyre iyo Ciidanka Siigaale Ciidamado dhowr iyo toban gaari ah oo warbaahinta la hadlay gelinkii dambe ee Isniinta oo u badan beesha Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo xarun ka sameystay deegaanka Siigaale ee ku dhow madaxtooyada ayaa laga saaray aagagii ay ka yimaadeen, ayada oo la rumeysan yahay in Kheyre uu arrintaas ka shaqeeyay. Arrintaan ayaa su’aal gelineysa awoodda ciidanka Badbaado Qaran oo la aaminsan yahay inay yihiin waxa ugu badan oo cadaadiska ku hayey Farmaajo, balse qorshahan ayaa sabab u noqon kara in awoodda Farmaajo ay dib u soo laabato. 2- Kulanka Sharif iyo Rooble Madaxweynihii hore Sharif Sheekh Axmed ayaa isla habeenkii Talaadada kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Rooble, isaga oo geeyay farriintii kulankii Qoorqoor kasoo baxday. Kulanka oo saacad iyo bar socday ayuu Shariif ku dadaalay in uu xog badan ka helo qorshaha xiga ee Rooble, isaga oo aan u furin arrinka wada-hadalka Farmaajo, balse sida aan ku ogaanay xogta markii uu ku laabtay Qoor Qoor ayuu sheegay in “Rooble yahay nin fogaaday oo ay tahay in Farmaajo la caawiyo.” Sidoo kale howsha Shariif loo diray ayaa waxaa kamid ahayd arrimaha ciidamada. Tallaabooyinkan ay billaabeen labada musharrax oo ku qancay in ay awoodda Rooble la xaddido ayaa xagal daacin kara dadaallaada Midowga Musharaxiinta ee ahaa in Farmaajo laga saaro Villa Somalia kahor doorashada, iyada oo dhanka kale laga yaabo in ay taageero badan ku waayaan maadaama ay u muuqato in Rooble uusan wadahadal geli doonin. Rooble ayaa waxaa ka go’an in Farmaajo laga saaro Villa Somalia, si ay doorasho u dhacdo, wuxuuna qaataa go’aan ah inaysan labadooda dalka wada xukumi karin, balse waxa uu wajahayaa dhabar-jebinta Qoor Qoor, Kheyre iyo Shariif, haddii aan loo midoobin sidii looga badbaadi lahaa. Xigasho
  19. This is a historical speech of the young sareeye guuto from yesterday. If we only had a few more disciplined leaders like him in the military.
  20. Taliska NISA oo kasoo jawaab celiyay warbixintii la xariirtay xaalada Mukhtaar Rooboow Taliska ku meel gaarka ee hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa kasoo jawaab celiyay, warbixin la xariirtay xariga iyo xaalada Mukhtaar Rooboow oo dhameystiran oo Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ka dalbatay. War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska taliyaha kumeel gaarka ee NISA Yaasiin Fareey ayaa lagu sheegay in xaalada Caafimaad ee Mukhtaar Rooboow ay tahay mid wanaagsan, islamarkaana uu leeyahay dhaqaatiir si joogta ah ula socota Caafimaadkiisa, uuna yahay arday dhigta Jaamacada heerkeeda labaad ee Master Degree. Qoraalka NISA kasoo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in nolosha Mukhtaar Rooboow iyo qoyskiisaba bil walba ay ku baxdo maareynteeda lacag dhan 7,000 kun oo dollar, sababta uu wali u xiran yahayna ay tahay maadama uu horay Shabaab u ahaa walina uusan buuxin sharuudaha isa soo dhiibaha loo dajiyay, in waajib yahay sugitaanka amaankiisa.
  21. Here is the full interview. It is weird when idaacadda Shabeelle and Xuseen Caydiid are peacemakers in the last of years. Shabeelle did really change into a high quality programming network.
  22. Xuseen Caydiid: Farmaajo dagaal wax loogama qaadayo Siyaasiga Xuseen Faarax Caydiid ayaa sheegay in Farmaajo uu doorasho ku yimid, doorashana uu ku baxi doono, balse dagaal aan waxaba looga qaadi doonin, sida hadalkiisa uu u dhigay. Xuseen ayaa sheegay in arrinta hadda taagan aan la dhihi karin khilaaf soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha, balse ay iska tahay caadooyinka shaqada socota markaas. Sidoo kale Xuseen Caydiid ayaa sheegay in khilaafkaan iyo cakirnaantaan doorashada ay tahay mid horay loo sii filaayey, kadib markii dowlad goboleedyadu ay si xun u maareeyeen doorashadii Aqalka Sare oo ay sameeyeen waxa uu ugu yeeray Malxiis. “Mas’uuliyiintii hoggaanka doorashada loo dhiibay oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu ugu horeeyo waxay daahinayaan doorashada, shaki badan ayey arrintaas gelisay adduunweynaha, shacabka Soomaaliyeed iyo musharaxiinta,” ayuu yiri Xuseen Ceydiid. Sidoo kale Xuseen ayaa sheegay in mas’uulidda jiitanka doorashada uu leeyahay Ra’iisul Wasaare Rooble, “Waxaan leenahay xabad lama qaadan karo Madaxweynaha, loomana qaadan karo, Ra’iisul Wasaaraha,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in Farmaajo yahay Madaxweynaha dalka oo qori iyo eedeyn aan looga saari doonin madaxtooyada, isla markaana aysan hadooneyn in la dhexgalo waxyaabaha ka dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaarihiisa. “Farmaajo qori isagoon qaadan Farmaajo wixii uu tabanaayo in warqadka wiifto ah uu ku soo saaro xaquu u leeyahay, Ra’iisul wasaarahaa laga rabaa inuu u tago oo dhaho Madaxweyne maxaad uiga rabtaa?” ayuu yiri. Sidoo kale Xuseen Ceydiid ayaa shaaciyey in shalay uu u tegay Madaxweynaha, “Shalay waxaan u tegay Madaxweyne Farmaajo, wuxuu igu yiri ila taliya maxaan sameeyaa, berri waxaan la balansanay ra’iisul wasaaraha waan u sheegeynaa, qaladka jira iyo xalkiisa,” ayuu yiri Xuseen. Xuseen Ceydiid ayaa Farmaajo aad ugu amaanay inuu soo magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble oo nin aad u wanaagsan uu ku sifeeyey, isagoo sharaxay sababaha. “Ra’iisul wasaaraha dhamaanteen waa naga qabiirsan yahay waa nin Soomaaliya mudo dheer kasoo shaqeynayey, waxuu ogyahay shacabka dhibaatada heysata, nasiib weyn ayaan leenahay, Farmaajana waa noogu hiiliyey inuu soo doorto nin Habargidir ah oo Sacad ah, anigu aad ayaan u aqaan Rooble waa nin culumo ah,” ayuu yiri Xuseen Ceydiid. Xuseen ayaa sidoo kale sheegay in Rooble markii uu xanaaqo uusan wax badan xeerin oo talaabadii uu doono uu qaadan karo, “Arrintaasna kuma jirto siyaasadda,” ayuu yiri waxuu sheegay in Rooble uu yahay nin aan xakameyn karin xanaaqiisa. Xuseen Ceydiid ayaa dowladda ka dalbaday in doorashada ay masuulka ka tahay ay dedejiso, “Waxaan ka digaa in aan nala kala qeybin, in wasiir ciidan soo abaabulo oo yiraahdo hala weeraro madaxtooyada suurta gal ma ahan.”