Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,712
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    326

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Alshabaab oo sheegatay qaraxii lala eegtay kolonyo ciiddan oo galbinaysay madaxweynaha Puntland Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax maanta lagu weeraray kolonyo ciidan oo galbinaysay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, xilli madaxweynaha iyo wafdi la socday ay gudaha usii galayeen magaalada Boosaaso. War kooban oo kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay, in beegsigooda uu ahaa madaxweynaha Puntland, balse uu ka badbaaday weerarkaas, waxayna sheegeen inay ku dileen askar kamid ah ilaalada gaarka ah ee madaxweyne Deni. Qaraxa Boosaaso ka dhacay ayaa kusoo aaday xilli ammaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay islamarkaana ay magaalada ku suganyihiin siyaasiyiin doonaya in xildhibaanno loo doorto. Qaraxa maanta ka dhacay Bosaso oo ahaa mid lagusii qariyay laamiga dhinaciisa ayaa haleelay mid kamid ah gaadiidka ciiddan ee sugayay amniga madaxweynaha Puntland. Ugu yaraan labo askari oo lagu kala magacaabo, Fanax iyo Maxamed Dheere, ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen qaraxa, afar kalena ku dhaawacmeen. Laamaha amniga ayaa ku guul daraystay in ay wax ka qabtaan qaraxyada Boosaaso kusii kordhaya.
  2. Qarax miino oo lagu weeraray Kolonyo galbineysay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni Kolonyo ciiddan oo galbinaysay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu weeraray Qarax miino, iyagoo sii galayay magaalada Boosaaso. Qaraxan oo ahaa mid horey loosii diyaariyay ayaa haleelay mid kamid ah gaadiidka ciiddan ee sugayay amniga madaxweynaha Puntland, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Labo askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen qaraxan, tiro kaloo intaas ka badan ayaa ku dhaawacmeen, waxaana qaraxa kadib rasaas furay ciidanka, lamase oga khasaaraha ka dhashay. Waa markii ugu horraysay oo madaxweyne Deni qarax lagu weeraro, waxaana arrintaas ay kusoo aadaysaa xilli magaalada Boosaaso xaaladdeeda amniga ay sii xumaanayso. Alshabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyay weeraro qaraxyo ah ka geysanaysay magaalada Boosaaso. Xigasho
  3. Xildhibaanadii ugu badnaa oo maanta usoo baxay Farmaajo Waxaa maanta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan lagu doortay xildhibaanadii u horeeyay ee deegaan doorashada labaad ee maamulka HirShabelle, waxaana ku soo baxay xubno ay wataan garabka Farmaajo. Kuraasta lagu doortay maanta Beledweyne oo ahaa lix kursi ayaa waxaa la rumeysan yahay in u gacan gelinta kooxda Farmaajo ay ka dambeeyaan madaxda HirShabelle oo gacan saar la leh madaxweynaha muddo xileedkiisu dhaamaday. Kursiga 1-aad HOP#086: Waxaa ku soo baxay saaxiibka weyn ee Farmaajo ahna La-taliyihiisa amniga qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo sidoo kale hore u ahaa Taliyihii NISA, waxaana kursigaan ka taagneyd dood badan, hase yeeshe ugu dambeyntii waxaa qaatay Fahad. Kursiga 2-aad HOP#015: Waxaa dib ugu soo laabatay kursigaan Marwo Xiis Xasan Aadan oo hore ugu fadhiday, waxayna kamid ah xubnaha loo xiray ee taageerada ka helay xulafada Farmaajo. Kursiga 3-aad HOP#008: Waxaa kursigaan kusoo baxay Maxamed Deeq Barre Cumar (Fiyoore) oo ah mulkiilaha Radio Danan ee magaalada Muqdisho, sidoo kale waxaa ninkaan wata kooxda Farmaajo. Kursiga 4-aad HOP#274: Kursigaan ayaa waxaa kusoo baxay Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux, oo markii hore uu ku fadhiyay, wuxuuna taageero ka helay kooxda Farmaajo, asaga oo aan taageero ka haysan beesha iska leh kursiga. Kursiga 5-aad HOP#109: Waxaa kusoo baxay Cabdifatax Qaasim Maxamuud oo hore ugu fadhiyay kursigaan, ahna Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga, wuxuuna taageero weyn u yahay Fahad Yaasiin, saaxiibka Farmaajo. Kursiga 6-aad HOP#074: Kursigan oo ahaa midka u dambeeyay ee maanta la qabtay ayaa waxaa kusoo baxay Cabdikariin Cumar Xuseen, waxaana meesha laga saaray Wasiir kuxigeenkii hore ee Gaashaandhiga Cabdullaahi Colaad Rooble oo ay kooxda Farmaajo ku tuhuntay in uu xiriir la leeyahay qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta. Doorashada Golaha Shacabka ee dalka ka socota ayaa inta badan u muuqata mid magaca ka sidata doorasho, waxaana ku soo baxa dooranayaal hore loo sii ogaa guushooda. Xigasho
  4. Musharaxa madaxweyne ee kaliya ee u hambalyeeyey xildhibaan Fahad Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa noqday musharaxii ugu horreeyey iyo kan kaliya ee uu u hambaleeyey xildhibaan Fahad Daahir Axmed oo maanta lagu doortay Beledweyne. Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Waxaan u hambalyeynayaa Xildhibaannada lagu doortay magaalooyinka Kismaayo iyo Beledweyne ee ka mid noqonaya Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Waxaan Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo waajibaadka ka saaran ummadda Soomaaliyeed.” Qoraalka ayaa waxaa raacsanaa muuqaal ay ka muuqdaan sawirada xildhibaanada maanta la doortay, oo uu ku jiro sawirka Fahad. Tallaabada uu qaaday Kheyre oo ka duwan xubnaha Golaha Midowga Musharaxiinta, oo uu ka tirsan yahay, ayaa dhalin karta su’aalo horleh oo ku saabsan xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo Fahad. Fahad ayaa xubno badan oo musharaxiin madaxweyne ah waxay ka tirsanayaan cadaadis xooggan iyo dhibaatooyin, waayna u arkaan inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay xadgudubyadii uu Farmaajo dalka ka gaystay shanti sano ee uu madaxweyne ka ahaa. Kheyre ayaa horey waxaa loogu xantay inuu weli ku xiran yahay Fahad, islamarkaana laga yaabo inuu taageero ka helo haddii uu gadmi waayo Farmaajo. Waxaa sidoo kale jirtay eedeymo ku saabsan inuu yahay isha Fahad u dhex fadhisay Golaha Midowga Musharaxiinta, oo uu xogtooda uu u gudbiyo, waxaana hambalyadiisa maanta ay xoojineysaa tuhunadaas. Tallaabo ka duwan Kheyre, waxaa qaaday musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo weerar ku qaaday Fahad kadib markii maanta la doortay. “Horta Baarlamaankii shalay hor muuqadkiisa la diiday, maanta ka mid noqoshadiisa badbaado ma laga doonay? Dadkii la iska qarinayey, isla sawirkoodu ma loo baahday? Xildhibaanadii taleefanada lagu dhagaysan jiray, garbo buuxis ma laga doonay? horta sow lagama quusan xukun baqdin gelin iyo kalitalis? In halkaa lagu soo dhaco, halgan adag oo naf, hanti, waqti iyo tamar ku kacay ayaa laga soo maray,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
  5. He is ignoring too tahriibiyaasha ka buuxo jeelalka Liibiya. The majority of the returned ones by dowladda dhexe to Xamar are Reer Waqooyi. Heck kuwii maalin dhawayd xadka Turkiga iyo Giriiga qaboowga ku dilaaye qaarkood were Reer Waqooyi dhalinyaro tahriib ku socday.
  6. Che, now you see how he is slowly coming out little by little, step by step. I knew from day one howshiisa iyo meesha uu u socdo after two decades of experience in here SOL with failed movement that is Waqooyi secessionism. They start googling all negative stories about the south of the country, while bringing at the same time all best of Hargeysa and the triangle. A leopard never changes its spot.
  7. Another foreign-dominated 'institute.' Soomaaliya has been a cash cow to many of these 'intellectual' mercenaries in the last three decades. Rashiid Cabdi iyo tuugii kale wanted Canadian ahaa ka koow yihiin. So who are Hiraal's board 'advisors?' Richard Barrett: Richard Barrett is Director of The Global Strategy Network. He is also a fellow at the Royal United Services Institute in London, New America in Washington and the Centre for Research and Security Studies in Islamabad. He is an Adjunct Professor of Law and Financial Integrity at Case Western Reserve University in Ohio. He sits on the advisory boards of several institutions, including the International Centre for Counter Terrorism – The Hague; the Global Center on Cooperative Security in Washington; Women Without Borders in Vienna; the Soufan Center in New York, and the Institute for Strategic Dialogue in London. He is a member of the Independent Review Panel of the Global Community Engagement and Resilience Fund (GCERF) in Geneva and of the International Advisory Board of Hedayah in Abu Dhabi. From 2004 to 2012, he was Coordinator of the Al-Qaida and Taliban Monitoring Team at the United Nations in New York, appointed by the UN Secretary-General. In 2005 he helped establish the UN Counter Terrorism Implementation Task Force, now known as the Office of Counter Terrorism, where he led on radicalisation, terrorist use of the Internet, and the Financing of Terrorism. He worked previously for the British Government both at home and overseas with postings in Canada, Jordan, Turkey, and at the United Kingdom Mission to the United Nations in New York. Bronwen Morrison: Bronwen Morrison has over 25 years of experience in donor funded stabilization and UN peacekeeping operations in conflict and post conflict countries. Her country experience includes Somalia, Liberia, Mozambique, Sudan, Iraq, Yemen, Afghanistan, Cambodia, East Timor, Bosnia-Herzegovina, Kosovo, El Salvador, and Colombia. Ms. Morrison’s skill set includes civil-military relations and operations, security sector reform, population- centric counter terrorism, conflict research and analysis, stabilization and strategic communications. Most recently, Ms. Morrison served as the National Security Advisor to the Office of the President in Mogadishu, Somalia and Security Sector Advisor to the Office of Prime Minister. Previously, in her role leading civil military programs, she developed and oversaw strategic and operational campaign level population engagement programs to gain support against insurgencies in support of Trans Sahel Counter Terrorism Partnership program. Ms. Morrison also served in United Nations Peacekeeping missions as an embedded political-military officer in UNTAC (Cambodia), ONUSAL (El Salvador), ONUMOZ (Mozambique), and UNPROFOR (Bosnia-Hercegovina). Ms. Morrison is a former Peace Corps volunteer and speaks Spanish fluently. Mary Harper: Mary Harper is the Africa Editor at BBC World Service News. She has reported on Africa for two decades, and has a special interest in the Horn of Africa, especially Somalia, where she spends much of her time. Much of her work focuses on violent radical Islam in Africa, and sea piracy off its shores. She has reported from many conflict zones including Sierra Leone, Liberia, Sudan, South Sudan, Algeria and the two Congos. Mary is the author of Getting Somalia Wrong? Faith, War and Hope in a Shattered State and is writing a book about the East African jihadist group Al Shabaab. She has written for The Economist, Granta, The Guardian, The Times and The Washington Post and is a regular speaker and moderator at universities, conferences and literary festivals. She has served on the Advisory Boards of European Commission and other projects related to migration, Islamist extremism and the Horn of Africa, and is a Trustee of a number of Somalia-based organisations. Mary is an expert witness in Somali-related legal cases and is a fellow of The Rift Valley Institute and The Heritage Institute for Policy Studies. She has degrees from Cambridge University and the School of Oriental and African Studies. And one of the authors of this 'report' is anti-ciidamada qaranka, writing on Twitter:
  8. Shirwac, qaacinka uu noo amaanaayo is even terrorizing Reer Boosaaso, using qaraxyo ee Imaaraadka u soo dhiibeen. Waa wax aanan hore loo arag, openly committing argagaxisnimo. Wasiir Jamaal: Waa in baaritaan degdeg ah oo madax bannaan lagu sameeyaa qaraxa Boosaaso ka dhacay Wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ku baaqay in baaritaan dgedeg ah oo madax bannaan lagu sameeyay qarax ka dhacay Boosaaso oo labo nabadoon ku geeriyoodeen. Wasiirka qorshaynta ayaa hadalkaan ka sheegay kadib markii uu booqasho ugu tagay dadkii ku dhaawacmay qaraxa, kuwaas oo u badnaa wafdi isaga la socday oo Bosaso u tagay shirar dhawaan lagu taageerayay musharraxnimadiisa xildhibaan. “Arrimahan dhacay waxay ahaayeen arrimo aan horey uga dignay oo qalqal ku keenaya amniga shacabka halkan deggen. Haddana waxaan codsanaynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan baaritaan madax bannaan loo sameeyo, oo sidii horey u dhici jirtay aan cid madaxa loo galin,” ayuu yiri wasiir Jamaal. Xildhibaan Jamaal ayaa sheegay in dadka qaraxa ku dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ay yihiin dadka arrimaha doorashadiisa ku lug lahaa, isagoo tilmaamay in qaraxa lala beegsaday saacado kadib markii ay jeediyeen baaq ay kagasoo horjeedaan in doorashada la boobo. Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa Boosaaso. Inkastoo qaraxyo nuucaan oo kale ay Alshabaab magaalada Boosaaso ka geysteen bishaan iyo bishii horeba.
  9. Fahad Yaasiin oo kamid noqday baarlamaanka Soomaaliya Fahad Daahir Axmed (Fahad Yaasiin) ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop086 ee xubinnimada Golaha Shacabka baarlamanka Soomaaliya, isagoo helay codad gaaraya 70 cod. Musharraxa la tartamayay Fahad Yaasiin oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Axmed, ayaa heley 24-cod. Lataliyaha amniga ee madaxweyne Farmaajo ahna taliyihii hore ee hay’adda nabad sugida ee NISA, Fahad Yaasiin, ayaa doorashadiisa waxay guul u tahay Villa Soomaaliya. Doorashada Fahad Yaasiin,l ayaa waxay qeyb ka tahay qorshe ku aadan in Fahad Yaasiin uu tartan u galo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Soomaaliya. Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey oo xilka guddoomiye ku xigeenka labo jeer soo noqday, ayaa laga reebay inuu difaacdo kursigiisa barlamaanka, waxaana taas ay fursad weyn u siinayaa in Fahad Yaasiin uu noqdo musharrax kaliya ee ku guulaysan kara kursigan. Fursada labaad ee uu Fahad Yaasiin haysto waxay tahay, kursiga uu ku guulaystay waxaa ku fadhiyay xildhibaan Faarax Sheekh Cabduqaadir, oo isna barlamaanka bannaanka ka joogidoona.
  10. What an ultimate igu sawir picture by a former regime (Tigray) supporter, too. Worse using people affected by abaarahaan. All this because inuu Abtigiisa ku xumeeyo rabaa.
  11. Ahahaha. Kaa caabudid Garoowe fadhiyo is the one doing this oo ka koow ah. He and xulafadiisa are the ones ka soo horjeestay doorasho qof iyo cod. Waa iyaga kuwa ka soo horjeestay xulasho 300 ergo delagates voting for each seat. It he and kii kale Kismaayo fadhiyo who started (s)elections with malxiis candidates and his driver. Shaqsi waligey ma taageerin and waa ka soo horjeedaa waxa aan qalad u arko. Inta Soomaaliya horumarkeeda wadana waa taageeraa, not shaqsi, dusty tuulo and deegaan qabiileed.
  12. Really, secessionist? What was this: Anyway, Soomaaliya hore ayee u socotaa, regardless how aad maalin walba useless habaar ula daba socotid. Your dusty tuulo will remail dusty and aqoonsiless regardless.
  13. Kursi uu waaye la yiri ninkaan markaas rabaa hantida dalka iyo ummadda Soomaaliyeed gato si aargudasho ah.
  14. Baahane Rooblaawe wuxuu ku mashquulsanyahay bariiskii iyo baastadii uu Imaaraadka la soo baryey.
  15. Sawirkiisa aan arko igu horeysay was around 2002-03. Sawirkaan hoose ahaa oo qoraalada uu ku soo daabici jiray Soomaalitalk la socdeen.
  16. Hirshabeelle oo ka hortimid go’aanka lagu hakiyey kursiga loo xiray Fahad Yaasiin Guddiga doorashada maamulka HirShabelle ayaa ku gacan sayray go’aan kasoo baxay guddiga doorashada heer federal oo lagu hakiyey doorashada kursiga HOP#086 ee loo xiray Fahad Yaasiin, taasi oo la filayo inay dhacdo Axadda. Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada HirShabelle ayaa lagu sheegay in warqadda kasoo baxday guddiga heer federal ay tahay mid been abuur ah, islamarkaana aysan jirin cabasho kasoo gaartay kursiga HOP#086. “Kaddib markii Guddiga maamulka doorashada Hirshabelle GMDHDX iyo dhammaan wakiillada Guddiyada heer Federal iyo Xalinta Khilaafaadka arkeen warqad lagu baahiyay baraha bulshada ee faraysay in la hakiyo Kursiga HOP#086 oo aan wadan wax faahfaahin ah iyo sababo lagu hakin karo kursi qabashadiisa la shaaciyay, Guddiga Doorashada HirShabelle asagoo gudanaya waajibaadkiisa Qaran iyo heshiisyadii Madasha wadatashiga qaran iyo dhammaan habraacyadii doorashada dalka waxa ay idiin xaqiijinayaan in guddigu uusan soo gaarin wax cabasha ah ee ka timid kursiga kor ku xusan,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga HirShabelle. “Guddiga Maamulka Doorashada Dadban ee HirShabelle waxuu sii dardargelinayaa qabashada kuraasta la jadwaleeyay, oo uu kamid yahay HOP#086 si waafaqsan habraacyada iyo heshiisyada doorashooyinka, mana jirto sabab loo hakiyo kursigaas maadaama la xaqiijiyay odayaasha dhaqanka ee soo xulaya oo uu ku jiro odaygii saxiixa u ahaay doorashadii 2016.” Qoraal kasoo baxay guddiga heer federal ayaa lagu yiri “Kadib markii Guddiga Hiirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ay soo gaareen cabashooyin ka yimid nabadoonnada iyo oday dhaqameedyada jufada iska Ieh kursiga sumaddiisu tahay HOP#086. Waxaa lagu wargalinayaa Labada Guddi ee warqaddani ku socoto inay hakiyaan qabashada Kursiga kor ku xusan inta laga xalinayo cabashada laga soo gudbiyay.” Qoraalkaas ayaa sax ahaanshihiisa waxaa xaqiijsay Caasimada Online, hase yeeshee waxaa kadib la isku dayey in jahwareer lagu sameeyo warqaddaas. Xubno ka mid ah guddiga oo ku xiran Villa Somalia ayaa la wareegay gacan ku haynta bogga facebook ee guddiga, halkaas oo lagu beeniyey warqadda kadibna lasoo dhigay warqad kale oo lagu sheegay inaan la hakin kursiga HOP#086. Guddiga doorashada heer federal ayaa qoraal uu ku faafiyey barta twitter-ka iyo warbaahinta qaranka ku xaqiijiyey in la afduubtay bartooda facebook, waxayna ku adkeysteen inay sax tahay warqadda lagu hakiyey doorashada HOP#086.
  17. 'Gacan kale galay' kulahaa. Waala jabsaday la garayee gacan kalena maxee ahayd. Is the most recent Fahad Yaasiin sawir? Sawirkiisa si fudud looguma qaado.
  18. Laftagareen blocked Muudeey to reach Baraawe. Qoorqoor blocked Cali Yare to Dhuusamareeb. Deni couldn't do this, I guess Boosaasa gacantiisa wey ka baxday.
  19. Kheyre is an effective communicator and also knows how to deal with his ministers. He was also a hands-on prime minister, modernized many of the ministry buildings and prime minister's office as well as creating his own communications team and a dedicated wariye (Nasro Bashiir Cali, whom Rooble uses still). He also has good relationships with Laftagareen, Qoorqoor iyo Axmed Madoobe. He will probably get the second most votes. Anything can happen in the third round and kuwa haray's xildhibaanno might choose him.
  20. When they were signing this, what was Madoobe of all expecting? Ma indha sircaad ayaa lagu siray? Mise Janan isku haleynaaye inuu deegaankaas u qabto. The best he can do is inuu soo xusho kuwa tartami karo dhaqaalo heysto reer deegaanka dhabta ah. These seats waxaa ku jiro oo kale Reer Baardheere, Reer Luuq iyo Ceelwaaq oo kaliya Reer Garbahaareey iyo Buuloxaawo ma'aha.
  21. Poor Muudeey. Doorashada kursigii uu ku fadhiyey C/weli Muudeey iyo kuraas kale oo laqabtay Magaalada Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka. Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah:-Hop-045, Hop-145, Hop-162 iyo Hop-148, Hop-256, Hop-143 iyo Hop-163 waxaana ku jira kursigii uu horey ugu fadhiyey Cabdiweli Sh. Ibraahim Muudeey oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Soomaaliya. Kursiga Hop-145 ee uu ku fadhiyey guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa kusoo baxay Maxamed Cabdalla Axmed oo helay codad gaaraya 76-cod, halka musharaxii la tartamayey C/llaahi Ahmed Cabdi uu heley 12-cod, waxaa hallaabay 2 cod. Guusha Cabdalla ayaa aheyd mid la filayey, wuxuuna si dhow ugu xiran yahay Villa Soomaaliya oo iyadu dadaal xoogan gelisay, sidii meesha looga saari lahaa Muudeey. Sidoo kale waxaa kursiga Hop-045 ku guuleystay Maxamuud Axmed Maxamed oo helay codad gaaraya 90 cod, halka musharaxii la tartamayey uu heley illaa 8 cod. Kursiga hop-62 waxaa sidoo kale kusoo baxay Maxamed Cismaan Cumar, isaga oo helay codad gaaraya 74 cod, halka musharaxii la tartamayey uu heley 17 cod. Waxaa sidoo kale kursiga Hop-148 wku guuleysatay Calwiya Siid Cabdullahi oo heshay 88 cod, halka musharixii la tartamaysay Sacdiyo Maxamed Cabduqaadir ay heshay 10 cod. Suhuur Xaaji Culusow ayaa sidoo kale ku guuleysatay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-256 iyadoo heshay 87 cod, halka musharaxii la tartamaysay Jiijo Axmed Iikow ay heshay 12 cod. Cali Shekh Maxamed Nuur ayaa isna ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-143 ee xubinnimada Golaha Shacabka isagoo heley codad gaaraya 90 cod, halka musharaxii la tartamayey Cabduqaadir Maxamed Cabdulaahi uu heley 11 cod. Kursiga todobaad Hop-163 ee ugu dambeeya waxa kusoo baxay Isaaq Maxamed Maxamuud oo helay 86 cod halka musharaxii la tartamayey uu heley 10 cod. Xigasho
  22. Haye Mr. Secessionist, you want koonfurta Soomaaliya to fail yaah? You are not the first secessionist that wishes this on this site in the last two decades. Join the long list of failed secessionists' wishes. Runta maala isku sheego.