Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,655
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Easier said than done, widaay. Arresting Rooblaawe would be a disastrous move. These same isbaarodoon maleeshiyo will do far worse damage. Rooblaawahaan tuuga weynka ah asagaa gacantiisa ku keensaday, tusbaxiisa siray. Haka saarto. Inta xulashada dhaceyso meesha qofna yaanan laga tuurin.
  2. Always godka Siigaale oo isgoyska Dabka u dhow ku ordaan. Since kuwaan waalan think godka Siigaale was what broke Caydiid Sr. in 1992, so it can break any dowlad.
  3. Tuugii waa iscaddeeye. It is now clear he was and is a paid Tigrey mouthpiece.
  4. Why whenever he comes back from Jabuuti uu qas iyo qalalaase siyaasadeed u bilaabaa Rooblaawahaan? Laba shilin loo soo dhiibaa suu dhibkaan u bilaabo.
  5. He is now begging, via his nominated, illegal so-called ministers, the military not to interfere. Xilli wax la kala diro lama joogo runtii.
  6. He doesn't want to investigated. Yaaka yeelaayo sheekadaan. Ra’iisul Wasaare Rooble oo qaaday tallaabo xeelad ah iskuna beddelay laba wasiir Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa isku beddelay wasiirada gaashaandhigga iyo cadaaladda xukuumadda federaalka, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa. “Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Gaashaandhigga JFS ugu magacaabay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo horay u ahaa Wasiirka Caddaaladda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo horay ahaa Wasiirka Gaashaandhigga XFS u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JFS,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray xafiiska Rooble Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray labada wasiir ee la isku baddelay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan xilalka ula kala wareegaan. Tallaabada uu qaaday Rooble ayaa loo arkaa mid xeeladeed, ayada oo Cabduqaadir Maxamed Nuur uu ka mid yahay wasiirada aadka ugu dhow Rooble, lana safnaa dhowrkii dagaal ee uu la galay Farmaajo. Wasaaradda Gaashaandhigga ee loo dhiibay Cabdulqaadir ayaa loo arkaa mid muhiim ah, ayada oo laga cabsi qabo in dalka uu galo dagaal mar kale ka dhasha damaca muddo kororsi ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji ayaa dhowr maalmood kahor soo saaray warqad u muuqatay mid gef ku ah ra’iisul wasaraaha kadib markii uu amray in la baaro dhul boob uu taliyaha ciidamada badda ku eedeeyey Rooble. Xasan Xuseen ayaa mar dambe ka laabtay qoraalkaas, isaga oo sheegay inuu ula jeeday in la baaro gefka uu taliyaha u gaystay Rooble, hase yeeshee sida muuqata waxyeelada ay gaysatay warqadiisa ayuu xilka ku waayey.
  7. Madaxweynaha seems kalsooni buuxdo inuu meesha ku joogo now, judging from his latest actions. It seems more like kalsooni ka baxsan tii sanadkii hore lagu arkay. Is he emboldened by the the thousands of Eritrea-trained troops that recently arrived in Muqdisho? Also the elite military force from Turkiga as well? It seems like Farmaajo wax ayuu isku ogyahay.
  8. Hiiraanonline waxee la safatay ra'iisul wasaaraha, I see. Ra'iisal wasaare Rooble oo war kasoo saaray shaqo joojinta lagu sameeyay iyo ciidamo Xafiiskiisa la duldhigay Raysal wasaaraha xilgaarsiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka jawaab celiyay war qoraal ahaa oo uu madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku sheegay inuu shaqo joojin uu ku sameeyay raysal wasaare Rooble iyo waliba ciidan la duldhigay xafiiskiisa. War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa talaabooyinka uu qaaday saacadahii lasoo dhaafay iney yihiin kuwa baal marsan Dastuurka dalka, islamarkaana uu bilaabay inuu awood ciidan kula wareego Xafiiskiisa wax walba oo masuuliyad daro ah oo yimaada uu dusha saaran doono madaxweyne Farmaajo. "Warka ka soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee khuseeya shaqada Ra’iisul Wasaaraha iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waa tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka, mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo"ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska raysal wasaare Rooble Raysal wasaare Rooble ayaa sidoo kale sheegay iney ka go'an tahay sii wadashada shaqadiisa uusan marnaba gudashada waajibaadkiisa shaqo cidna uga heybeysan doonin. "Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska raysal wasaare Rooble. Si kastaba ha ahaatee 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay waxaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaayay khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble oo ugu dambeyn sababay in gudaha madaxtooyada laga dareemo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo cabsi badan ku abuurtay shacabka Soomaaliyeed.
  9. Madaxweynaha should blame none but himself. Asagaa keensaday ninkaan jeebkiisa u daran (after Qoorqoor consultation). Haka saarto marka. Nin u daacad ahaa sadex sano iyo bar - Kheyre - ayuu deg deg ku ceyriyey markuu arkay inuu hami musharaxnimo soo galay. He shouldn't have done that. Kheyre wax waa lagu eedeyn karaa but nothing close to this masuqmaasuq lagu arkay Rooblaawahaan oo tuugnimo iyo jeebkiisa buuxsado meesha u joogo. His jago should have ended six months ago.
  10. Mr. 30/30: Cabdullaahi Maxamed Nuur ma Farmaajo ayuu u galay? Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa cambaareyn xooggan kala kulmay inuu maanta Farmaajo ugu yeeray “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,” kadib muddo uu inkirsanaa. Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kahor inta aan wasiirka amniga loo magacaabin, ee uu socday loolankii u dhaxeeyey Farmaajo iyo mucaaradkii Badbaado Qaran, wuxuu Farmaajo ugu yeeri jiray “Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.” Cabdullaahi ayaa xitaa kasii fogaa xubnaha kale ee mucaaradka oo Farmaajo ugu yeera madaxweynaha muddo xileedksiiu dhammaaday, isaga oo si cad u sheegi jiray inuu si sharci darro ah ku joogo Villa Somalia. Wuxuu sidoo kale ugu yeeray “hoggaamiye kooxeed kaligii taliye ah.” Hase yeeshee munaasabad maanta ka dhacday Muqdisho, oo loogu dabaal-degayey sanad-guuradii 78-aad ee aas-aaska ciidamada booliska Soomaaliya, ayuu Cabdullaahi Maxamed Nuur ayada oo ay daawanayaan boqoaal qof, wuxuu Farmaajo ugu wacay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.” Hadalkaas ayaa niyad jabiyey dad badan oo taageersanaa wasiirka ama ka mid ah mucaaradka Farmaajo, kuwaas oo aad ugu dhaleeceeyey baraha bulshada. Waxay ugu yeeraan siyaasi aan mabda’ laheyn, oo wixii uu markii horeba u qeylinayey uu ahaa kursiga, kaasi oo hadda oo uu helay ay ka dhigtay inuu hilmaamo qofkii uu shalay ahaa. Ka sokow hadalka kasoo yeeray Cabdullaahi, waxaa maalmahan jiray warar sheegaya inuu xulufo la noqday madaxweynaha, oo ka furtay ra’iisul wasaare Rooble oo dagaal xooggan oo la xiriiray magacaabista wasiirka kala kulmay Farmaajo. Hadalka maanta kasoo yeeray Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo wararka suuqa ugu jira waxay tusaale u yihiin in Soomaalida ay ku yar yihiin siyaasiyiin mabda’ iyo qiyam leh, oo dhammaantood ay mucaaradnimadooda iyo muxaafadnimadooda uu saldhig u yahay kaliya kursiga.
  11. BAAQ KU SAABSAN DHAB-U-JIHEYNTA DOORASHOOYINKA Diseembar 26, 2021. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo; Markuu dib u eegay Xeerkii Madaxweyne ee uu ku magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble taas oo lagu faray in uu dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka u horseedda doorasho nabdoon; Markuu arkay heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ee ay wada gaareen Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaas oo uu Barlamaanka labadiisa Aqal ansixiyay, Madaxweynuhuna uu kusoo saaray Sharciga Lam. 30 (Law No. 30), Markuu arkay habraacyadii hirgelinta doorashooyinka iyo xeerarkii lagu dhisay guddiyada heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee soo baxay 1-dii Oktoobar 2020; Markuu tixraacay khudbaddii uu Madaxweynuhu ka horjeediyay Golaha Shacabka 1-dii May 2021 taas oo masuuliyadda hoggaaminta doorashooyinka uu u igmaday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble; Markii ay u caddaatay in 14 bilood keddib saxiixii Heshiiskii 17ka Sebteembar 2020 in aysan wali dhammeystirmin doorashooyinka dalka; Markuu arkay inuu Wasiirka Koowaad ka gaabiyay hogaaminta iyo hirgelinta doorashooyinkii uu u xilsaaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sidii ku caddayd khudbaddii uu Madaxweynuhu ka horjeediyay Golaha Shacabka 1-dii May, 2021. Markii ay caddaatay in Ra’iisul Wasaarahu uu ka leexday dhibbihii hirgelinta doorashada isaga oo kala dhantaalay wadajirka guddiyadii loo igmaday fulinta iyo qabashada doorashooyinka kuna xadgubay madaxbannaanidooda shaqo. Markuu arkay in Ra’iisul Wasaaraha uu soosaarayo go’aanno kaligiis u gaar ah oo ay ka dhalanayaan caqabdo khatar ku ah geeddi socodka doorashooyinka; Wuxuu Madaxweynuhu xeeriyay qodobadan; 1. In Ra’iisul Wasaaruha uu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday ee ahaa hogaaminta doorasho ku dhisan Heshiiskii 17kii Sebtember 2020 iyo habraacyadii dhammeystirayay ee soo baxay 1-dii Oktobar 2020; 2. Madaxweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la isugu yimaado shir wadatashi ah oo lagu saxayo jihaynta doorashooyinka kaas oo ay kasoo qeybgalayaan Goleyaasha Dowladda ee Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si la isugu waafaqo hoggaan awood u leh hirgelinta doorasho dhammeystiran oo si hufan dalka uga dhacdo. 3. Madaxweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la dhagaysto talooyinka waxgaradka, siyaasiyiinta, iyo bulshada rayidka ah ee qaba tabashooyinka la xiriira doorashooyinka si loo helo hannaan doorasho oo ku dhammaada jawi nabdoon oo loo siman yahay. - Filla Soomaaliya
  12. Madaxweyne Farmaajo oo ka digay in wax ka beddel lagu sameeyo heshiiskii 17 Siteembar Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galayay sannad guuradii 78-aad ee aas aaskii ciiddanka booliiska Soomaaliyeed, ayaa ka digay in wax laga beddelo heshiiskii 17 Siteembar ee aas aaska u ah hirgalinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in heshiiska 17 Siteembar uu yahay heshiis aad looga fekeray, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la iska ilaaliyo in wax laga beddelo. Wuxuu madaxweynuhu sheegay in loo baahan yahay in la dardar galiyo doorashada xidlhibaannada aqalka hoose, wuxuuna raysal wasaaaraha iyo guddiyada doorashada ugu baaqay in ay qabtaan doorasho hufan oo lagu qanacsan yahay. Guddoomiyaha barlamaanka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo isna ka qeyb galay sannad guurada ciiddanka booliiska, ayaa mar uu ka hadlayay arrimaha doorashada wuxuu sheegay, sida ay haatan ku socoto doorashada golaha shacabka, in aanay ahayn mid waqti dhow qaadan karta, marka loo eego tirada hartay. Mursal ayaa sheegay in heshiiska 17 Siteembar oo lagu jihaynayo doorashooyinka hadda socda uu ku egyahay dhammaadka 2021, isagoo sheegay haddii heshiiskaas uu dhaco inuu jiro qodob dastuuriya oo barlamaanka hadda jira u oggolaanaya inuu shaqada sii wato illaa baarlamaanka cusub uu yimaado oo la dhaariyo. Hadalada madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiye Mursal kasoo baxay ayaa kusoo beegmaya, iyadoo hadda uu jiro khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay guddiga heer federal ee hirgalinta doorashooyinka. Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo inuu ka dambeeyo khilaafka Rooble iyo guddiyada doorashada, sababtuna ay tahay in doorashada la cuuryaamiyo. Xigasho
  13. Guddoomiyihii guddiga doorashada heer federal oo beeniyay in xil ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka heer Federaal, Maxamed Xasan Cirro ayaa beeniyay in xil ka qaadis lagu sameeyey, sida ay sheegeen qaar katirsan guddigiisa. Maanta ayay ahayd markii xubno katirsan guddiga doorashada ay kasoo muuqdeen shir jaraa’id oo ay ku sheegeen in ay xilkii kaga qaadeen guddoomiye Cirro, iyagoo ku eedeeyay inuu lumiyay madax bannaanidii iyo dhex dhexaadnimadii guddiyada doorashada. Guddoomiyaha oo caawa warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in aanay jirin wax kulan ah oo ay yeesheen guddiga doorashada oo xilka looga qaaday. Cirro wuxuu sheegay in ay doorashada haysato caqabad siyaasadeed oo loo baahan yahay in laga fardumaamiyo, wuxuuna xusay in mar walba weerar lagu yahay madax bannaanida guddiyada doorashad. “Doorashadu waxay ku socon kartaa inay madax bannaani helaan dadka ka shaqeynaya iyo hannaanka loo marayo. waa sida kaliya ee doorashadu ku socon karto laguna xallin karo wax kasta oo tabasho ah oo ka jira,” ayuu yiri guddoomiye Cirro. Khilaafka guddiga doorashada heer federal ayaa kusoo beegmaya xilli guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed ay isku diyaarinayaan in ay qabtaan doorashooyinka aqalka hoose, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafkooda uu dib u dhac ku keeno doorashada.
  14. Guddoomiyahii Guddiga Doorashada heer Fedaraal oo goordhaw xilkii laga qaaday Xubno ka tirsan guddiga doorashada heer Fedaraal oo uu shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada heer Fedaraal Mowliid Mataan ayaa xil ka qaadis waxay ku sameyeen guddoomiyahii guddiga doorashada heer Fedaraal Maxamed Xasan Cirro. Xubnaha guddiga doorashada ka tirsan ee goordhaw shaaciyay iney xilkii ka qaadeen guddoomiye Cirro ayaa gaarayay 18 xubnood oo ka mid ahaa guddiga doorashada heer Fedaraal, waxaana shir guddoon u ahaa guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada heer Fedaraal Mowliid Mataan. Xubnahan xilka qaadista ku sameeyay guddoomiyahoodii ayaa warbaahinta u sheegay in guddoomiye Cirro uu noqday shaqsi ku dhex milmay siyaasada, musuq maasuq, xil gudasho la'aan, islamarkaana uu ahaa shaqsi aanan la tashan xubnaha kale ee guddiga. Mowliid Mataan oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada heer Fedaraal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xilkii ay si rasmi ah uga qaadeen guddoonkii guddiga doorashada heer Fedaraal, kadib baaris ay waqti dheer ku sameynayeen. Si kastaba ha ahaatee xubnaha guddiga doorashada ee maanta xilka qaadista ku sameeyay guddoomiyahii guddiga doorashada majirto cid kale oo ay u doorteen xilka guddoomiyenimo, waxaana xilka qaadistaan imaaneysa xili arrimaha doorashooyinka dalka ay hareeyeen caqabado badan oo sababay in doorashada lagu tilmaamo mid boob ku saleysan.
  15. Baaqooda nabadeed mala dhageysan doonaa? Cumar Cabdirashiid, Faroole iyo Cabdiweli Gaas oo gaaray Garoowe si ay qeyb uga noqdaan dhamaynta khilaafka Puntland iyo PSF Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo madaxweynayaashii hore ee Puntand oo ay wehliyaan siyaasiyiin iyo Isimo ayaa gaaray magaalada Garoowe, si ay qeyb uga noqdaan dadaallada lagusoo afjarayo khilaafka ka dhex taagan Puntland iyo hay’adda PSF. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay nabad ku baaqay, isagoo caddeeyay inuu diyaar u yahay heshiiska kasta oo xal lagaga gaarayo colaadda ka dhalatay xil ka qaadistii uu ku sameeyay agaasimihii PSF. Wafdigaan ayaa kulan kooban madaxtooyada kula qaatay madaxweyne Deni iyo guddoonka golaha barlamaanka Puntland, waxayna maalmaha soo socda tegidoonaan magaalada Boosaaso, si ay ula kulmaan saraakiisha PSF. Kadib hadalkii madaxweyne Deni uu xalay ka jeediyay magaalada Garowe, waxaa maanta magaalada Boosaaso dib ugu laabtay boqolaal qoys oo horey uga barakacay colaadda Boosaaso, kuwaas oo u badnaa qoysas danyar ah. Madaxweyne Deni ayaa bogaadin iyo soo dhowayn ku helay go’aaanka nabadeed ee uu qaatay, inkastoo dadka dhaliila ay sheegeen in loo baahnaa in go’aankaas colaadda ka hor.
  16. Farmaajo as a prime minister was the one who exposed the forgotten Somali aviation centre, based in Nairobi, that controlled and misused the collected fees from airlines that used our airspace. It was in 2011; I was in Islii, too, when that happened. Farmaajo asked them to move to Muqdisho as well as all UN agencies that were suppoaed to work for Soomaaliya. He was unsurprisingly swiftly replaced by the conning and conniving tuugo, the two Shariifs. To this day, they have not paid back lacagtee aruursadeen from 1994 to 2018, which was tens of millions of dollars. They were supposed u keydiyaan dowladdii Soomaaliya u imaan doonto.
  17. Ethiopian Forces captured Sekota and marching north In about five weeks after the Ethiopian Forces launched an offensive, TPLF forces are pushed back more than 700 kilometres. Sekota is adjacent to the Tigray region The Ethiopian government on Wednesday announced that Ethiopian Forces have captured the town of Sekota, which is the seat of Waghumra zone administration of the Amhara region. Most of the areas in the zone ( it is adjacent to the Tigray region of Ethiopia) are cleared from TPLF forces whose leader, Debretsion Gebremichael, on Sunday, announced that he has ordered their withdrawal from the Afar and Amhara regions of Ethiopia. According to Ethiopian government communication affairs ministry, militia forces in Waghumra played a crucial role in the battle to clear the area from the designated terrorist forces. Local communities also helped facilitate the effort to clear the area from TPLF forces. Unconfirmed sources on social media indicate that the Ethiopian forces advanced further to the north and took control of the Abergele area which is said to be only fifty kilometres away from Tigray. Kobo Front In the Kobo front, Ethiopian forces (the Defence force, regional special forces including from Afar, Fano and militia) wreak havoc on the TPLF forces in the locality of Waja and Timuga. They are closer to Alamata town, which is about 30 kilometres from Kobo. Ethiopian forces are also advancing from Tekulesh direction in the area and marching to Korem where there is a junction leading to Sekota. A little further north from Korem is Maychew – part of the Tigray region where Ethiopian forces battled fascist Italy in the 1940’s. The speculation is that Ethiopian forces will take control of Mekelle, capital of Tigray region of Ethiopia, in a matter of days. Earlier this week, important towns alike Woldia, Kobo and Lalibela were freed after TPLF suffered crashing defeats in Mersa and Gashena areas. Is there a future for TPLF in Tigray? As reported in the past, the Ethiopian parliament declared TPLF a terrorist organization. It means that it has no legitimacy to run the Tigray region of Ethiopia. Because of the war the TPLF had triggered when it attacked the northern command of the Ethiopian Defence Force, in November 2020, hundreds of thousands of people had been killed and properties (both public and private) estimated to be worth hundreds of billions of Ethiopian birr was destroyed. Apart from attacking the Ethiopian Defense Force, the TPLF carried out multiple of massacre against innocent civilians in the Afar and Amhara regions, and raped hundreds of women including an 85 years of nun in the Shewarobit area. Xigasho
  18. Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay iney si deg deg ah loo joojiyo dagaalka Boosaaso Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay inuu ka tiiraanyaysan yahay shaqaaqada iyo dagaalka ka socda magaalada Boosaaso ee sababay dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac muwaadiniin aan waxba galabsan. Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay inuu ku baaqayo in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Boosaaso, isagoona sheegay inuu dhiiragalinaayo dadaalada iyo nabadeynta ay wadaan isimada iyo dhaqan Puntland. "Waxaan ku kalsoonahay xilkasnimada iyo garashada isimada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo gacan ka hadalka, lana abbaaro dhabbaha nabadda si loo helo xal waara. waxa dhiirrigelinayaa dadaallada nabadaynta iyo wadahadalka ku dhisan ee ay wadaan isimada iyo dhaqanka Puntland ee u istaagay sidii loo joojin lahaa shaqaaqadan, looguna danayn lahaa xasilloonida deegaanka iyo danta bulshada reer Puntland" ayaa yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoodey dagaalka ka dhacay magaalada Boosaaso, isagoo dadkii ku dhaawacmay alle uga baryayay inuu deg deg ugu booga dhayo, waxaana hadalka madaxweyne Farmaajo uu imaanaya xili labadii maalmood ee lasoo dhaafay uu dagaal culus ka socday magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso.
  19. Cabdiraxmaan Faroole oo ku eedeeyay Isimada gobolka Bari in ay huriyeen colaadda Boosaaso Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ku eedeeyay Isimada gobolka Bari in ay qeyb ka leeyihiin colaadda magaalada Boosaaso. Senator Cabdiraxmaan Faroole oo saakay la hadlayay BBC Somali ayaa sheegay, Isimadu in ay faraha lasoo galeen arrimo siyaasadeed oo ay ahayd in ay maamulka uga dambeeyaan. Faroole wuxuu sheegay Isimadu in ay leeyihiin in ay sulux wax ku xalliyaan, balse aysan wax door ah ku lahayn arrimaha siyaasada iyo maamulka. “Isimadii qoraalka soo saaray iyagaa wax sii fogeeyay, ma aysan qaadan doorkii ay lahaayeen. Waxaad moodaa inay isku ku qasan yihiin doorka ay leeyihiin Isimada iyo doorka dowladda,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole. Faroole iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Puntland, sida Cabdwali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid, ayaa kulan ay shalay Nayrobi ku yeesheen waxay ku baaqeen in colaadda loo joojiyo. Siyaasiyiinta ayaa sheegay in ay sharci tahay xil ka qaadista lagu sameeyay agaasimaha PSF, balse madaxweyne Deni iyo maamulkiisa waxay ugu baaqeen in hab nabad ah loo wajaho sidii loo dhamayn lahaa colaadda magaalada Boosaaso.
  20. Madaxtooyada Puntland iyo taliska PSF oo midba midka kale ku eedeeyay colaadda Boosaaso Madaxtooyada Puntland ayaa ku eedeysay agaasimihii hore PSF, Gen Maxamuud Cismaan Diyaano, inuu hurinayo colaadda ka jirta Magaalada Boosaaso, waxayna sheegtay in si aan kala sooc lahayn ciiddamdiisu ay magaalada Boosaaso ugu duqeynayaan Hoobiyaal. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in ay Puntland wakhti siinayso dadaalada loogu jiro in si nabad ah lagu dhammeeyo xaaladda Boosaaso, waxayna raacisay in ay qaadayso wixii tillaabooyin ah oo lagu fududeynayo dadaalada socda. “Si loo dhiirigeliyo sidii xal nabadeed loogu dhammeyn lahaa xaaladda xil wareejinta masuuliyadda iyo hantida PSF, Dowladda Puntland waxay ku celinaysaa in ay wakhti siinayso dadaalada loogu jiro in si nabad ah lagu dhammeeyo xaaladda Boosaaso,” ayaa lagu yiri warka madaxtooyada.” Warka kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa kusoo aadaya, iyadoo magaalada Boosaaso uu weli ka socdo dagaal u dhaxeeya ciiddanka Puntland iyo kuwa PSF, kaasoo xalay saqdii dhexe ka bilowday fariisimihii la isku horfadhiyay. Dhinaca taliska ciiddanka PSF oo dhankooda soo saaray qoraal kooban, ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland in ay jebiyeen ballantii xabbad joojinta ahayd, waxayna sheegeen in lagusoo qaaday weerar ayna iska difaaceen. PSF waxay ku eedeeysay wasiiradda loo xilsaaray arrinta magaalada Boosaaso in ay sii hurinayaan colaadda iyo barakacinta dadka shacabka ah, Sidoo kale waxay sheegeen in aan la xushmayn baaqyadii kasoo baxayay Isimada iyo culimada Puntland. Xigasho
  21. Reer Hargeysa haddeeba saan ugu doodayaan this topic, xoogahoo waa ilbaxeen.