Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,713
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    326

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Kiikuuyos are happy, too: Optimism grows for return of Kenya miraa to Somalia Miraa traders have expressed optimism that the regime change in Somalia on Sunday will revive trade relations with Kenya and salvage the dwindling fortunes of khat. Somalia closed access to its market for Kenya in 2020 following a political fallout. The ban led to a loss of more than 50 tonnes of Kenyan khat valued at more than Sh20 million a day. The return of former president Hassan Sheikh Mohamud, who was re-elected into office on Sunday night following an intense contest with the incumbent Mohamed Abdullahi Farmaajo, has raised optimism of a resumption of normalcy in relations with Somalia. “As an industry, we are happy that Mohamed Farmaajo has been voted out. The Kenya-Somalia relations worsened during his reign. We hope the channels of dialogue will re-open under President Mohamud,” Nyambene Miraa Traders Association (Nyamita) chairman Kimathi Munjuri said. Somalia currently allows Ethiopia to export its khat to the country, locking out Kenya in a deal in which Mogadishu sells its fish to Addis Ababa. Mr Munjuri accused the Kenyan government of mishandling the relations between the two neighbours. “The next government should employ a better strategy that will not cost us business. We should also separate diplomatic rows from trade,” he said. Further, the Nyamita chairman said traders were ready to negotiate with the Somalia government to secure business privately. He noted that the loss of the market had cost the country and miraa farmers billions of shillings leading to dire socio-economic consequences. Business Daily
  2. Reer Hiiraan actually like one-gobol maamul goboleed, reasoning Hiiraan has always been the only intact undivided gobol from 1960.They always wanted that oo madaxweyne, xarunta maamul goboleedka isku helaayaan. Xasan Sh. ayaa ku qasbay inay ku biiraan Shabeellaha Dhexe.
  3. This thread will, Rabi ha idmee, document all known and alleged corruptions of this new Xasan Sh. regime. It has already committed several transgressions. The following post was posted on Facebook by a concerned Soomaali: Kaliya labadii toddobaad ee laso dhaafay dhacdooyinkii la diiwaangaliyay: 1. Dhulkii Ciidanka Cirka oo uu Rooble qaatay ugu dambayntii 2. Lacagtii musharaxiinta madaxweynaha laga qaaday oo qaar kamid ah lala baxay 3. Midowga yurub oo loo ogolaaday qorshihii ay lacagta ku cuni jireen ee Burcad badeedka 4. Heshiiska Coastline oo sharciyad loo raadinayo 5. Markabkii dhuxusha oo la sii daayay 6. Hay'adii NISA oo magacii laga badalay & 6 sargaal oo NiSA ah oo xabsi loo taxaabay 7. Sargaalkii $9.6m ku qabtay garoobka adan cadde oo asaguna xabsi lagu abaalmariyay!! 8. Ciidankii NISA oo garoonka laga qaaday & baaritaankii garoonka ayka samayn jireen oo la joojiyay 9. Guriga Fahad yaasiin oo weerar saaka, lagana qaatay baabuur & agabyo kale 10. Maamulka Gobolka banaadir oo qaylo dhaan afka furtay kadib dhul boob si xowli ah u bilowday Hadaba hadii laba asbuuc kaliya intaas oo dhacdo ay dhaceen maxa la filan karaa afarta sano ee so socota?
  4. Dhulkii danta guud masaakiin iska dhisteen ciyoow boob lagu bilaabay:
  5. Afkiisa iyo camalkiisa waa inay isla dheelitirnaadaan:
  6. Shabeellaha Hoose dhan ma rabo markaan. Under the misguided advice from his neo-qabyaaladists, he wants to create a new Greater Banaadir region, an expanded Banaadir, created from carved deegaano from Shabeellaha regions. The map below shows what he and his neo-qabyaaladist delusionally think they can get. He wants to create a new Banaadir state for Xaayoow speakers from as far as Warsheekh in the east, as far as Balcad in the northeast, as far as Lambar Konton and Bariire to the southwest and as far as Afgooye to north. They think this is the 'historical' Banaadir that was created by gumeystihii Talyaaniga. What a delusion. He failed in 2014 wanting to separate Shabeellaha Hoose from KG and he will fail again miserably.
  7. This dude, Daahir Calasoow, Mahad Salaad, Darbaweyne and co. are neo-qabyaaladist extremist. Darbaweyne and co. at least barfasoornimo ma sheegtaan.
  8. This foreign-obedient geeljire is already trying to destroy the little achievement and progress this nascent NISA made. Wuxuu sirdoon iyo habkee u shaqeeyaan ka ogyahay iska yar, instead of ugaarsasho bilaabay. Xubno ka tirsan NISA oo xabsiga la dhigay iyo sifeyn xoogan oo ka socota hay’adda Tan iyo markii uu xilka la wareegay taliyaha cusub ee NISA Mahad Maxamed Salaad, waxaa taliska nabad sugida ka billowday isbadalo lagu sameynaayo shaqaalaha iyo xilalka, sida ay ogaatay Caasimada Online Tallaabadii ugu horreysay ayaa noqotay in xilalkii laga qaaday taliyeyaashii garoonka diyaaraddaha Muqdisho, gobolka Banaadir iyo maaliyadda. Dhamaan boosaskaasi ayaa waxaa loo magacaabay xubno cusub.Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir waxaa loo magacaabay Muxuddiin Warbac Shadoor, Taliyaha garoonka Aadan Cadde Xamdi Xasan Maxamuud iyo hoggaanka maaliyadda NISA oo loo magacaabay Iimaan Elman. Dhinaca kale, hoggaanka cusub ee NISA ayaa billaabay inuu bartilmaameedsado xubno loo arko inay aad ugu dhowaayeen taliskii hore iyo kooxdii Nabad iyo Nolol, waxaana xabsiga la dhigay ilaa saddax sarkaal oo laamaha kala duwan ee NISA ka howlgala. Saraakiisha la bartilmaameedsaday ee shaqada laga eryay islamarkaana xabsiga la dhigay waxaa ka mid ah Jeylaane Maxamed oo NISA u joogay qeybta Scan-ka garoonka diyaaraddaha Muqdisho. Lama oga sababta rasmiga ah ee sarkaalkaasi loo xiray inay xiriir la leedahay eryida taliyihii garoonka oo laga tirsanayay eed la xiriirto fulinta amaradii lagu dhibaateyn jiray madaxdii mucaaradka xiliyada garoonka kasoo degayeen ama ka dhoofayeen. Ugu danbeyntii, waxaa la filayaa in taliska cusub ee NISA uu sii wadi doono shaqo ka eryida iyo magacaabida xilal cusub, waxayna shaqaalaha badankood ay farta wadnaha ku hayaan inay seefta qaadi doonto iyo in kale.
  9. Kuwa afka duuban kaliya jidadka uma xirno. Fat belly ganacsato own all these Kiikuuyo-registered airlines, shirkado jecel inay jidadkaan Koonfurta ku yaalo iska sii xirnaadaan. They indirectly lobby for these roads wax howl ah laga qaban. It is maafiyonimo now.
  10. Dad aanan garaneynin habdhaqanka warbaahinta qaran ayaa loo dhiibay laantii afka madaxweynaha ku hadleysay dhan. The new ABB ceeb badnaa.
  11. You know, Shirwac, madaxtooyada labaad ee Soomaaliya ku taali jirtay Baydhabo. Meel beeraha (Beeraha Carabta) ka sareyso ku taali jirtay, oo aqal weyn shub ah ahaa oo aad u qurxoon. It is even beautiful than this one and was surrounded by farms, Isha Baydhabo and large qumbo trees. Its foundation still stands. Siyaad Barre nasashada u aadi jiray. If I was Laftagareen, taas ayaa dayactiri lahaa instead of building this one because meel sare leer leh ayee ku taalaa.
  12. Saciid Deni iyo ku xigeenkiisa oo heshiis gaaray Wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegaya in xal waara laga gaaray khilaafkii siyaasadeed ee u dhexeeyey Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Deni iyo Axmed Karaash oo isku qabtay arrimaha maamulka. Wada-hadallo ay garwadeen ka ahaayeen xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Puntland iyo Isimada maamulkaasi,kadib ayaa lagu guuleystay in lasoo afjaro khilaafka labada nin oo gaaray meeshii ugu sarreysay, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Deni iyio Karaash ayaa khilaafkooda wuxuu ka bilowday arrimaha Dastuurka, kadib markii Madaxweyne ku xigeenka uu shaaciyey inuu la wareegay awooda maamulka, ka gadaal markii uu Deni isku soo sharraxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo looga guuleystay. Sidoo kale waxaa arrinta uga sii daray, kadib markii uu Karaash qaaday tallaabooyin isugu jiray xil ka qaadis iyo magacaabis, taas oo isna ka hor yimid Madaxweyne Saciid Deni. Dhanka kale wararka ayaa sheegaya in haatan is faham laga gaaray xiisadda labada dhinac, waxaana la filayaa in Axmed Karaash uu maanta ka qayb-galo soo dhowaynta Siciid Deni oo tegaya Garoowe kadib safarkiisii Muqdisho oo uu uga sii gudbay caasimada Nairobi. Sida ay ogaatay Caasimada Online labada nin ayaa sidoo kale si wadajir ah saaxafadda ula hadli doono marka ay isugu tegaan Garoowe, si ay u shaaciyaan in la dhameeyey khilaafkii dhexdooda ahaa, loona sii amba qaado howlaha maamulka iyo hore u socodka Puntland. Heshiiskan ayaa waxaa durbo soo dhoweeyey qaybaha kala duwan ee bulshada degaanada Puntland oo ugu baaqay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa inay wada shaqeeyaan. Si kastaba, Puntland ayaa haatan wajaheyso xaalado is biirsaday oo ka dhashay is qab-qabisiga siyaasadeed ee hogaanka maamulka iyo kuwa kale oo la xiriira bani’aadanimada.
  13. Xasan Sh. is being honoured to officially open this new KG State House.
  14. Even if Xasan Sh. wanted to push Laftagareen, it wouldn't be possible. Unlike corrupt Shariif Xasan who was pushed out quickly, Laftagareen has thousands of loyal army, trained by Ingiriiska. He is also an RRA veteran. Corrupt Shariif Xasan did not trust clan army of his since his clan are not traditionally armed ones, so he never built one and did not care any development of KG, instead investing his ill-gained money in Turkiga, Kiinya iyo Imaaraadka. One classic point is the failure of Baraawe airport, which he pocketed the funds and the poorly-built, sand-covered runway is there all to see. By the way, suddenly Sh. Aaden Madoobe and Laftagareen are close now, due to encroachment of Maxamed Cismaan Jawaari, who is very close to Xasan Sheekh and wants to get back his seat. Sh. Aaden Madoobe and Xasan Sh. suddenly are not trusting one another.
  15. Madaxweyne Xasan Sheekh oo berri booqasho ku tegaya Baydhabo Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu bilaabo safaro kala duwan oo uu kala bixinayo qaar ka mid ah xarumaha dowlad goboleedyada ka jira dalka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Xasan ayaa berri booqashadiisii ugu horreysay ku tegaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo uu wada-hadallo kula yeelan doono Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia. Waxaa maanta magaalada Baydhaba gaaray wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Qaranka Xuseen Shekh Maxamuud oo ay wefdigiisa qeyb ay ka ahayeen Xildhibaano iyo Saraakiil ka socday Madaxtooyada Qaranka. Wafdigaan maanta gaaray Baydhaba ayaa hordhac u ah booqashada uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu wado inuu berri ku tago Baydhaba. Madaxweyne Xasan iyo lafta-gareen ayaa la sheegay inay diiradda saari doonaan isbedalka ka dhacay dalka, kadib doorashadii Madaxweynaha ee la qabtay 15-kii May, taas oo uu ku guuleystay Xasan Sheekh, waxaana Lafta Gareen uu ka mid ahaa taageerayaashii Madaxweynihii hore dalka. Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in kulanka lagu soo qaadi doono wada-shaqeynta labada dhinac ee ku aadan dhismaha dowladda cusub ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa la filayaa in Lafta Gareen uu Madaxweynaha cusub la wadaago xaaladda siyaasadeed ee uu wajahayo maamulkiisa iyo abaabulka ka socda magaalada Muqdisho. Safarka Baydhabo, kadib Madaxweynaha dowladda federaalka ayaa tegi doono magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah. Ujeedka ayaa ah sidii uu Madaxweynaja u qaboojin lahaa xiisada & kala aragti duwanaanta maamullada qaar, gaar ahaan kuwii taabacsanaa Madaxweynihii laga adkaaday, Farmaajo. Si kastaba, Madaxweynaha cusub ayaa ku howlan dhismaha dowladdiisa, wuxuuna horey u ballan qaaday in uusan jiri doonin aargoosi lagu beegsanayo kuwa ka fikirka duwan. Xigasho