Xargaga

Nomads
  • Content Count

    366
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Xargaga

  1. I was impreessed by this thread and decided to do more research . In my effort i found this long Taarikh. In a way i learned that during those times peopple were more wise and tolerant to each other especialy qolooyinka wadadega. unlike present times. Despite minor conflicts they still coexisted and shared alot. Just take time and read this. http://aftahan.com/taariik*****cledetail.php?aaid=3 Sorry the link wont work cause the deleted alphabets are synonom to qabiil name . anyways you can get this article in detail at aftahan.com just go to the search engine type gabayo and click the drop list, choose taarikh and go to the link that says Taarikhdii Cismaan Gun iyo Baar eeg 1902-1980. Otherwise read this copy and paste. Article Name: Suugaantii iyo Taariikh Nololeedkii -1902-1980 Suugaantii iyo Taariikh Nololeedkii(1902-1980) Abwaan Cusman Adam Ismaaciil – Gun iyo Baar Eeg Hordhac: Abwaan Cisman Adam Dibi oo loo yaqiin “Gun iyo Baar Eeg” wuxuu ku dhashay deegaanka gobolka Togdheer, gaar ahaan magaalada Beer xilli ku beegnayd 1902. Cusman xilliga uu barbaaray waxay ahayd xilli ay taagnayd tartan iyo xifaalo suugaaneed oo ka jiray jiidda uu ka dhashay oo u dhexeeya beeshiisa iyo beesha bariga ka xigta. Abwaanku wuxuu gabayada bilaabay isaga oo aad u da’yar. Gabaygu wuxuu ahaa mid uu hiddaysanayo maadaama aabbihii Adam Dibbi uu ahaa nin gabyaa ah oo leh gabayo iyo murti badan oo dhaxal gal ah. Sidoo kale walaalkii Cumar Aadam Dibbi ayaa isna ahaa gabyaa weyn. Haddii aan qaar ka soo qaadano gabayada aabbihii iyo walaalkii, iyada oo ay Soomalidu tahay xoolo dhaqato reer guura ah noloshooduna ku xidhan tahay xoolaha ayaa xanaanada iyo ilaalinta xooluhu waxay ahayd shaqada ugu badan ee dadku qabtaan. Xoolo raacistu may ahayn mid dadku ka hawl gabaan ee qofku waliba sida uu xoolaha ugu foogan yahay ayuu ku dhiman jiray. Waxaa dhacday in Aadam Dibbi oo odoyoobay, itaalkiisii iyo waxtarkiisiina gabaabsiyay uu maalin maalmaha ka mida uu inankiisii Cumar ku yidhi aabo maanta geela raac, Aadan Dibi isagoo tixgelinaya codsigii wiilkiisa ayuu maalintii sidii geela kuraacay. Odaygii oo maalintii tacab u soo dhammaaday ayaa habeenkii markii uu geelii soo xereeyey intuu dab weyn shiday wiilkiisii Cumar iyo raggii kale ee guryaha joogay isugu yeedhay, ka dibna u mariyay gabay uu kaga warramo cimriga uu joogo, hawsha loo diray ee geel raacista iyo dhibaatadii ka soo gaadhay, isagoo dhinaca kalena raggiisii xasuusinaya iyo wiilasha facooda ah ee beeshooda ka tirsani aanay aabayashood geel u dirin. Wuxuu Aadam Dibi yidhi: Nimanyahaw gankaan ahay ragbaa geel iraacsadaye. Sida gallowga iyo fiinta oon gelis ka yaabaynin Sidii aan goblamay foodhidaan giida ku hayaaye Gacmahayga kama tuujiyeen goror habeedaade. Wallee gabanaddii aan dhaloow gacaladay reeban. Markii Cumar Adam Dibi oo ahaa ninkii odayga maalintaa geela u diray uu gabaygii dhegaystay ayuu isaga oo is difaacaya ayuu gabaygan aabihiis ugu jawaabay. Cumar wuxuu tusaale u soo qaadanayaa odayaal aabihiis la gado ah oo beeshooda ah oo aan geela maalin keli ah ka hadhin kana dhexbixin: Guntigawma furo Ciise Goray goor iyo allayle Cawad Sowdhe gabanka uma diro gaagaxsiin yaha'e. Goobaar la mood Maxamed Madar gooxuu yuururaye. Gurigiyo carruurtaba ninkii gaadhi kari waayey , Gucladii u dhigay Aw Siciid gacalo weeyaane Aabbow gartana waad taqaan guuna waa tahay Ama geedka joog maalinta rag is gadhxiiraayo Ama geela raac talo adduun gurubsi weeyaane Murtida iyo abwaanimada Gun iyo Baar Eege waxay dhaxalsiisay inay ku hal qabsadaan marar baddana ku taamaan raggii kale ee abwaanada ahaa ee beeshiisa iyo beelaha kaleba ka kacay ee ay isku xiliga ahayeen iyo kuwii ka dambeeyay labaduba. Abwaankii weynaa ee Salaan Carrabay isaga oo u baanaya beesha Cali Dhuux oo xifaaltan gabay ka dhaxeeyay wuxuu xusay in ragga beeshiisa ka mid ah ee uu aad ugu kalsoon yahay uu safka hore kaga jiro Gun iyo Baar eeg. Mar uu Salaan Carrabey u goodiyayaay beesha Cali Dhuux waakii lahaa isagoo tilmaamaya, kartida suugaaneed ee guniyo baar’eeg sidatan. Intooda gabayda oo idil hadii laysu wada Geeyo. Gammuutiyo keliyaa igaga filan Gun iyo Baar Eeg". Sidoo kale Gabyaagii Cabdi Gahayr oo ay isu gabyeen nin abwaan ahaa oo la odhan jiray Mire Gudhidin oo ka soo jeeday beesha (Gun iyo Baar Eeg) ayaa muujiyay inuu jeclaan lahaa inuu gabay la wadaago Gun iyo Baar Eeg ayaa isna yidhi : Haddaan Guniyo Gaar'eeg afxumo guuna laga keenin. Gundhidin iyo gabaygiisu waa geed iskaga laale. Sida la sheegay markii gabaygaasi soo baxay ayaa Gundhidin geed koray wuxuuna sheegay inaanu geedka ka soo degyen ilaa iyo inta Gun iyo Baar Eeg gabaygaa Cabdi Gahayr wax ka odhanayo. Cismaan Aadam Dibi oo ah Guniyo Baar'eeg, ayaa ugu jawaabay Cabdi Gahayr gabay dheer oo ay ku jireen midhahani: Intaad aniga igu geedi tahay ama I goobaysid. Gudhidin iyo gabaygiisu waa gummuc rasaaseede. Maxaad geed kulaashaa, illaah kugu gallooleeye. Nin ka mid ah abawaanada dambe oo magaciisa la yidhaaho Maxamuud saleebaan xirsi laguna naanayso (Ina Walad Baas) oo ka hadlaya murtida iyo ragga ilaahay dhaxalka u siisyay ayaa isna wuxuu yidhi Ina Weled Baas. Afartaa daruur gaaxatiyo.galalacdaydii dheh. Onkod galaba, jibin goohday iyo garasho waayeel dheh. Gurxankii Salaaniyo naxwihii,Guniyo Baar'eeg dheh. Guniyo baar'eeg suugaantiisa iyo halkaraanimadiisu way qotodheerayd wuxuu kaloo abwaanku taabtay dhinaca suugtaanta jacaylka lafteeda qayb ayuu kulahaa,maruu gabay kula hadlayey gabadh ay ilmaabti ahaayeen,oo la odhan jirey Ugaaso Nuur Qaaje gabaygaas inaabtidii uukula hadlaayay oo ahaa gabay aad uqiimo badan somaaliya oo dhana caan ka noqday, iyadoo gabaygaas markii danbe fanaaniinta soomaliyeed qaarood intay laxankii muusikada saareen ay uleexiyeen sidii hees jacayl oo kale loogu luuqeeyey. hadaba anoon gabaygii halkan kusookoobi doonin dhamaantii hadana waxaan idiinsoo qabtay dhadhankii gabayga oo uu kubilaabay abwaanku sidatan. Alayl dhexe illayskii imaray ababa'daan mooday. Ma Ugaaso nuur baa qalbiga waanka oogsadaye. Inaabtaay nin aragaaaga jecel kuuna imanwaayay. Oo eed sokeeyiyo kabaqay ubatiyo qaylo Oo' oodi kaga meersantahay Aqalka aad joogto. Arin sidaad ukala laasataan adiga uun baa og. Geeluba ugaasooy markuu ayda miranaayo. Abeerkiisa naaxiyo markuu aaranku iswaayo. Iasaguba makala Aamusee waysu ololaaye. Inaabtay nin aragaaga jecel kuuna iman waayey. Sidaan idiin sheegayba gabaygani intan kumawada dhama waxaanse ugu talagalnay qormadan inaan idinku dareensiino qiimihii iyo wanaagii ay lahayd suugaanta abwaanku inaan wax idinka taabsiino. Sida Magacu ugu Baxay Xilliga uu Cisman Adam Dibi noolaa waxay ahayd xilli inanta guurkeeda laga eegi jiray beesha ay ka soo jeedo oo qiimaynta kowaad ay lahayd qabiilka inantu ka dhalato. Cisman Adam markii ay gashay hawo guur ayuu bilaabay inuu indho indheeyo reerkii uu ka guursan lahaa isaga oo si gaara isha ugu hayay beelihii markaa la kala guursan jiray ee ay isku deegaanka ahaayeen. Muddo markii uu guur u meer ahaa, ayuu Cisman tiriyay gabay aad u dheer oo uu faalo kaga bixinayo hablaha reerihii uu yaqaanay. Waxa uu gabaygaa ku xusayaa qabiil walba god daloolooyinka uu hablahooda ku arkay ee aanu ku doornayn. Waxa uu si gaara ugu fogaaday qabaa’ilka dega bariga Somaliland oo ahayd halkii uu ku dhashay kuwaas oo uu iyaga jilibjilib u faalleeyay halka uu beelaha kale duuduub isugu qaaday. Habka gabaygu u dhacayo waxay ahayd inuu marka hore qabiilka uu ka faalloonayo magacaaabo isagoo ku xijinayay tuduca ah "….Gabdhahooda waaweyn haddaan gun iyo baar eegay". Tuducaas oo ahaa (hooriska gabayga amaba dhextaalka ) ayaa ahayd halka ay ka soo jeedo naanaysta abwaanka ee (Gun iyo Baar Eeg.) . Cusman isla gabaygaa wuxuu kula baxay naanays kale oo uu abwaanku can ku ahaa ahaydna (Dhulqas). Kuwaasoo hadheeyey magaciisii dhabtaa ahaa ee Cisman Adam Dibbi. Waxa la yidhi xilliga uu Cismaan gabaygaa tiriyay waxay ahayd xilli beelaha dega Burco ay colaadi dhexmartay, xakuumadii Ingriiska ee dalka ka talin jirtayna ay soo rogtay sharci xaaraantimaynaaya in la tiriyo gabayada ay ku jiraan magacyada qabiilku maadaama uu gabaygu ahaa shay dadka kiciya oo sii shidi kara colaadaha. Markii gabayga abwaanku fiday ee la maqlay waa la soo xidhay. Hase yeeshee markii gabaygii la fasiray waxa loo aqoonsaday inuu yahay gabay aan fidmo wadin laba qabiil oo keli ahna aan xusayne ay dhammaan qabaa’ilka Somaliland kuwada xusan yihiin. Sidaasaana abwaanka lagu sii daayay. Guurkii Gun iyo Baar Eeg Cisman Gun iyo Baar Eeg oo gabaygiisii uu hablaha qabiilooyinka ku faalleeyay weli cusub yahay lana hadal hayo bal reerka uu ka guursan doono ayaa maalintii dambe u soo geed fadhiistay gabadh la yidhaaho Ina Cadood oo qabiilkeedu ahaa Reer Hagar. Taasi dad badan ayay fajiciso ku noqotay waayo reerka ay gabadhu ka dhalatay waxay ka mid ahaayeen beelihii uu hablahooda lahaa “guur u dayan maayo”. Abawaanku markii uu faalleynaayay qabaa’iilka waxa uu ka yidhi reerka uu gabadha ka doonay: Gabdhaha reer hagar hadaan guniyo baar eegay Gaag lagama hayn naaganhay Ganacsanaayeene. Guumihii Hayaag loo hayiyo gaban yar weeyaane Iyana guulahaybaa jiree guur u dayan maayo." Cismaan markii la weydiiyay sababta uu uga guursaday reer Hagar wuxuu ku jawaabay "gabantii yarayd ayaa soo kortay" Sidii dhaqanku ahaa markii uu usoo geed fadhiistay nin layidhaahdo Cadood oo uu kasoo doonay gabadh, waxa Cismaan lagu xidhay inuu keeno boqol halaad oo yarad ah. Iskuma xiline wuxuu markiiba soo tubay boqolkii halaad. Hase yeeshee markii geelii la keenay gurigii reerka inanta laga doonaayay ayay nimankii ay inantu ka dhalatay oo si fiican u yaqaanay geela reer Adam Dibbi isla markaana filaayay hal ka tilmaanayd geela oo la odhan jiray Maahir in yaradka la soo raaciyo ayaa arkay hashii Maahir oo aan geela yaradka loo wado ku jirin. Cismaan markuu maqlay iyada oo la leeyahay “oo geela hashii Maahir kuma jirtee waa sidee” wuxuu markiiba dib ugu soo noqday aabbihii si uu hashaa ugu soo kordhiyo geela. Waxa uu tiriyay gabay uu marka hore odayga kaga dhaadhicinayo gabadha uu doonay isagoo xagga dambe ee gabaygana ku soo daraya in waxa hadda gabadhaa intaas oo ammaana uu ka sheegay ka hortaagani ay tahay hasha Maahir. Gabaygiina waa kan: Aaboow malaa waanad arag midab haldhaaleye. Aaboow mankii Faarax iyo madaxdi weeyaane. Aaboow ma meermeeri karo mayaynasoo hoorye. Aaboow Midgaankuna sidaa igaga miisroone Aaboow qabiiliga madhwayn haygu madiyeyne Aaboow marbaa igu hadhoo mooshinkii ridaye. Aaboow inlay meheriyaan maanka kuhayaaye. Aaboow rag manidiisu waw madhax samaataaye. Aaboow hashii Maahir baa magacu saarraaye. Cismaan markii uu aqal galay wuxuu noqday nin inan layaal ah oo ladegan reerkii uu gabadha ka guursaday,Markii uu todoba baxay wuxuu damcay inuu tijaabiyo xaaskiisa iyadoo ragu meelo badan gabadha katijaabin jireen wuxuu usheegay xaaskiisa inuu tegaayo xagaa iyo reerahoodii mudana kumaqnaanayo waxaase lasheegay inaanay ka ahayn dhab ee uu rabay gabadha uun inuu jirabo, subaxnimadii ayuu dhaqaaqay gabadhiina kuyidhi waan tegeyaaye aabahaa sidaa ugu sheeg. Guniyo Baar'eeg markuu libdhay mudo saacad kudhowna uu maqnaa oo uu fadhiistay geed aan kafogayn guriga ayay ina Cadood oo ahayd xaaskiisa ay dhaqaaqday iyana oo ay uwereegtay reerkoodii kuna tidhi odaygii saakuu naga tegey oo uu aaday xagaa iyo reerahoodii. Abwaanku waa intuu rabay gabadhii markay kabaxday aqalkii ayuu usoo daba marey maalintii oo dhana wuxuu joogay aqalkii oo sidii ayuu gabalku ugu dhacay. Marwadii abwaanku oo ah Ina Cadood weli waxay kulaalan tahay xagii gurigii hooyadeed,markii shaacu madoobaaday ayaa hooyadeed waxay ku tidhi orod hooyo habluhuna caawa xagaa hakula joogaane gurigii tagoo bal dabka shido. Marwadii abwaanku waxay kasoo hormartay hablihii oo ay kutidhi iga daba kaalaya aad caawa ii wehel yeesheene waxaay kusoo laabatay aqalkeedii oo ay maantoo dhan kamaqnayd oo madoow,waxay hulaaqisay dabkii. Guniyo Baar'eegna wuxuu maantoo dhan ku fadhiyey suradii aqalka markay iftiimisay aqalkii waxay dareentay in aqalka lagu jiro oo dhaqdhaqaaq ayay dareentay waxay aragtay odaygii oo kufadhiya surada aqalka kadibna waxay waydiisay “oo hadaad soo noqtay ana aan maqnaa maxaad gogosha ula soo kala bixi wayday”,markii ay u soo qaaday gogoshii oo ay rabto inay kala bixiso ayuu gabaygan tiriyey wuxuuna yidhi: Anigoo dhibtii socod qaboo dhereran oo taagan. Waa dhimasho gogoshaad hadeer dhigo tidhaahdaaye. Dhawaaq laguma karo naagaha dhamacda Daaroode Dhashooda iyo way jecel yihiin dhaqanka xoolaha,e Dhegta kama maqlaan ruux haduu maalka dhaafsado,e. Dhafka aniga hay moodin iyo dhoobi iyo saare,e. Sidii reero dhiniciina yaal hay Dhulbahantayne. Dhirbaaxaan indhaha kaaga jari dhiif anoo qabo,e Dabadeedna dhaartii cuslayd wayga dhowdahaye. Guniyo Baar'eeg iyo Cali Dhuux Xilli lagu jiro abaartii la baxday Baaha oo dadka qaarna u yaqaaniin Maadh Gembiya oo ku beegnayd 1928kii ayaa dawladii Ingriiska ee berigaa maamuli jirtay Somaliland waxay samasay xarun ay isugu keentay dadkii xoolahu ka baxeen oo ku tiil tuulada Beer. Cali Dhuux Adam oo ay Salaan Carrabay hoos ka tuur lahaayeen ayaa markii loo sheegay in beeshii Salaan abaari xuni ku dhufatay dadkii oo aad u jilicsanna lagu ururiyay Beer, u soo socdaalay xagaa iyo Beer si uu indhihiisa ugu soo arko xaalada dadku ku sugan yihiin malaha markaa ka dibna uu gabay ka tiriyo. Waxa la yidhi Cali Dhuux markii uu Beer yimi wuxuu soo galay makhaayad rag aad u badan oo uu Gun iyo Baar Eeg ka mid yahay fadhiyeen. Cali Dhuux markii uu raggii salaamay oo fadhiistay ayuu inta shaah dalbday raggii ku yidhi “waar Salaan meel ku sheega”. Salaan Carrabay isagu xilligaa wuxuu ku maqnaa Nairobi. Gun iyo Baar Eeg markiiba wuxuu gartay sababta uu maanta Cali u socdo wuxuuna goostay inuu gabayga kaga horreeyo Cali Dhuux. Waxa la yidhi markii inankii makhaayada ka shaqaynayey uu Cali Dhuux shaahii u soo dhigay ayuu Gun iyo Baar Eeg soo hor fadhiistay oo gabaygan soo socda u mariyay. Cismaan gabayga waxa uu kaga hadlayaa xooluhu siday u baxeen gaar ahaan nugulka isla markaas waxa uu sheegayaa in geelu yahay ka ugu qiimaha badan duunyada Somaliadu dhaqato. Gabayga oo meelo badan taabtay ayaad moodaa inay dadku ka qabsadeen ereyga ah (******* siduu beri ahaa loo dad qalatowye). Waanakan gabaygii iyo taariikhdii uu soo baxay ookusinaa abaarta lagu riiqmay eelamagac baxday Maadhgembiya amaba Baaha kolba sida loo yaqaano Gabaygani waxa uu ka mid yahay oo aan ka qoray(Research materials of the late Muse Galal) Waxa la tiriyey abaarta la magac baxday “Maadh-gembiya” dadka qaarkiisna u yaqaan “Baaha” ee dhacday 1928. Abwaanku wuxuu aad ugu talaxtegey amaanta geela oo uuku taabanayo inuu yahay geelu xoolaha nool ee la dhaqdo kan ugu sita uguna qiimaha badan, akhristayaasha qiimaha lahoow gabaygani waa gabay aad udheer waxaanse idiinka soo qabtay rubuc ahaan waxaanan uga danleeyahay si'aan shaqsiga akhrisanaya qoraalkan taariikheed ugu caajisin duxda qoraalkana aanu udiidin. halkana kuma wada dhama gabaygani waana gabay aad udheer. tixdii waatane Dirirkii gugii ee arligan, dayrta laga waayey Ee ay daruur soo kacdaa, dibiq ku siin weydey Ee laba diraacood abaar, laysku daayimiyey Ee deyrka xoolaha nin gelin, diiq ku yahay caawa Ee debedda adhi looga baxay, duunyo noqon waaye Dibnahaba ha kala qaadin baa, iiga debecrone Dalaamista bani-aadmigii, daynse kariwaaye Aan dig siiyo gabay waanigii, daabax ku ahaaye Nafta dooji mooyee xarago, laga dawaareeye Kefedaa dalooliyo mindaa, daabka la hayaaye Nin dilaal u baxay bay xishood, kala dawaafeene Wax arsaaqad laga doonayaa, daasad gudaheede ******* siduu beri ahaa, loo dad-qalalowye Aqalada dixdaa laga dhisaad, dabato moodayso Danbaa meesha keentay xarrago, looma soo degine Cali Dhuux markii uu gabaygii si fiican u dhegaysatay ayuu isagoon jawaab ka bixin dib u noqday. Salaan Carrabay markii uu soo noqday ayaa looga warramay safarkii Cali Dhuux iyo gabaygii uu Gun iyo Baar Eeg mariyay. Salaan oo ay laf dhuun gashay ku noqotay tuduc ku jiray gabay uu Ducaale Dheere beri hore u mariyay oo ahayd " ****** sal fududaa wuxuu sugayay muu dhowro" ayaa markii uu gabayga marayay "****** siduu beri ahaa loo dad qaltowye" ku tiraabey "waar waa kaa eraygaan weligay doonaayay". Waxa Salaan laga hayaa in haddii uu ogaan lahaa in ereygaasi maskaxda Gun iyo Baar Eeg ku jiro uu ka siisan lahaa konton qaalmood. Iyada oo xilli nabada lagu jiro ayaa ciidan darawiish ahi weerar ku qaaday beel deggenayd Buuhoodle oo ka tirsanayd beesha Cali Dhuux. Waxa la yidhi ciidankii daraawiishta inta si xun loo jebiyey ayaa hubkii ay siteenna lagala hadhay. Maalinta dagaalkaasi dhacy waxay ahayd maalinta uu baxay magaca Balli-Dhiig oo hadda ka mid ah degmooyinka gobolka Togdheer. Xilliga dagaalku dhacy Gun iyo Baareege weli muu hana qaadin. Cali Dhuux oo lib gabyaya ayaa gabay dagaalkaa uu ka tiriyay wuxuu ku soo daray eraydan. Cayuun shaabka wiilkii ahaa shaaha karinaayo Waayeelna xeeb uga shir tegay ma leh shirshooruuye Isagaan shaarublow reer ***** shucub aan reebeyne Shamal ay tuntaan iyo haween shuqulki mooyaane Sharba idinma daareen haddaa shalay na dhaaftaane Daraan idin shideeyeenba waa naga shiheeyeene Shanlihii wadaadkaa sideen shugux ma siiseene Iyadoo gabaygaasi weli taagan yahay oon cidi ka jawaabin ayaa beri dambe oo daraawiishi jabtay ay col reer Biciid Yahani weerar ku ekeeyay beeshii Cali Dhuux wixii xoolo lahaayeena ka dareersadeen. Markii warkii la is gaadhsiisyay ayaa isaga oo gabaygii hore ee Cali Dhuux daba socda ayuu Gun iyo Baar Eeg gabaygan soo socda weerarkaa ka tiriyey:Isagoo war bixina siinaayay abwaankii Salaan Carabey oo markaas badda ka yimi: Shibtaydaan galaa gabay hadaan shuqulkii oognayne Marse haday shanqadho ii baxaan shuumis ma aqaane Shilka dhacay Salaanoow miyaan weli lagu sheegin Sheekada God-dhuub timi miyanay shaaca ka cadaanin Shangaliyo Dhulbahantoo fadhiya shiilcaskiyo ceelka Ayadoo shirkooduna u dhan yahay sheybe iyo wiilba Oo qoriga lala soo shirtegey kun iyo shii' gaadho Shakada iyo maadhiinka oo lala shuxlaynaayo Shanfacood la naar nimanku waa shiqibka Daaroode Shaki maleh ********** inuu sheemo weeraro'e Iyadoo shamsadu soo baxdoo waagu shararaaxay Shifay uga dareersheen xeryii laguma shaaddayne Laye laba shanaad raacdadaa daba shanbuurrayde Iyadood shamaal quruxsaneey shaal asliya moodo Shanlahooda goortay arkeen ama shallaadkooda Ka shakiye markii loogu yimi sheedda Dhagaxley'e Ararsame shafku dhigay siduu shuux ku soo dhacaye Shuguxshugux mawaayine,wadnaha shiil Allaw dhigaye Shimbirawga ciyey ayihii wada shareerraaye Shullaweyntii reer Hagar ma gelin shaaxin dirirtede Shuhuuboobe nimankii lahaa shayga saa'idahe Hadhowbaa hagoog lala shuxlayn shacabka Caymeede Shurbaddii magaaliyo maxaa shaahi lagu fuudi Sharafmaa hablihii Khaalid dhalay lagula sheekaysan Waxa laga weriyay Gun iyo Baar Eeg "anigoo maalin geel barqinaya ayaa waxa igu soo baxay Cali Dhuux oo aad u gaboobay oo talaabada dirqi ku qaadaya, markii aanu is waraysanay oo hal cabbaara aanu sheekeysanay ayaan ku yidhi Calow waa tan oo hadda gabowdaye gabay dambe ha u celin. Cali Dhuux wuxuu ugu jawaabay "tolow ma waxaan dhimanyaa aniga oo aan sadexdaadii gabay ee Gun iyo Baar Eeg , ****** siduu Beri ahaa loo dad qaltowye iyo Shilka dhacay salaanoow midna ka soo jawaabin". Ilaahay ha u naxariistee Cali Dhuux wuxuu xijaabatay isagoon sadexdaa gabay midna ka soo jawaabin. Waxaa isku soo duba riday soona ururiyey Abdullahi Mohamed Dabey ( Xigmaawi) Abdurahmaan Mohamed Ahmed (Dooddi)
  2. Two beggars are sitting on a park bench in Mexico City. One is holding a cross and one a Star of David. Both are holding hats to collect contributions. People walk by, lift their noses at the man with the Star of David and drop money in the hat held by the man with the cross. Soon the hat of the man with the cross is overflowing with coins and notes and the hat of the man with the Star of David is empty. A priest watches and then approaches the men. He turns to the man with the Star of David and says: "Young man. Don't you realize that this is a Catholic country? You'll never get any contributions in this country holding a Star of David." The man with the Star of David turns to the man with the cross and says: "Moishe, can you imagine, this guy is trying to tell us how to run our business."
  3. Great point MR; A.J.I was a special admirer for Meygaag samatar myself, untill i got some romours that, he has been bankrolled by UDUB to dismantle Kulmiye behind the scenes. Iam still tryin to digg out for the truth yet the silence from Samatar during this critical moments makes me wonder. About Jirde i dont think he is that competent.
  4. And whom do you think is the best candidate so far to replace Riyaale yaa A.J?
  5. what change MR, JB? cause all the change and reforms so far put forward are that Siilanyo step down for DR. Ahmed Eise. Or do you have any other suggestion.
  6. Gudidii Dhex Dhexaadinta Khilaafaadka Golayaasha Qaranka Somaliland Oo Caawa Daboolka Ka Qaaday inay Soo Af-jareen Muranka Dhinacyadii Is-hayey -------------------------------------------------------------------------------- () hadhwanaag 2007-08-20 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Gudidii Dhex-dhexaadinta khilaafaadka Golayaasha Qaranka Somaliland,oo ka koobnaa gaar ahaan dhinacyadii is hayay [Xukuumada,iyo Golaha Wakiilada] ayaa caawa si rasmi ah daboolka ugu qaaday in ay ku guulaysteen soo afjarida Khilaafadkii mudooyinkii u danbeeyay ka dhex aloosnaa Golayaasha Qaranka Somaliland. Isla markaana waxa ay Gudigu go’aamiyeen in ay Xukuumadu miisaaniyada ugu dhaqanto sidii Golaha Wakiiladu ku ansixiyay, taa badalkeedana Golaha Wakiilada laga rabo in ay marlabaad cod u qaadan labadii xubnood ee guurtidu, komishanka u soo magacawday. Sidaa waxa ay Gudidu kaga dhawaaqeen shir jaraa’id oo ay Caawa ku qabteen Qasriga Madaxtooyada Somaliland, kaas oo ay goob-joog ka ahaayeen Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka ee Kulmiye iyo Ucid, Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo],Eng: Faysal Cali Waraabe, Gudoomiye ku-xigeenka Golaha Guurtida Sh. Axmed Nuux Furre. Gudidu waxa kale oo ay kulankaa Caawa kaga dhawaaqeen Go’aamo iyo soo jeedin, oo uu halkaas ka akhriyay Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre. Gudoomiyaha Gudidaa isu xilsaartay Dhex-dhexaadinta khilaafaadka Golayaasha Qaranka Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo Ka hor intii aan la shaacin go’aamadii ay gudidu gaadhay ayaa sheegay in ay soo afjareen khilaafaadkii u dhaxeeyay dhinacyada is haya “Waanu og-nahay in ay dhagtu taagan tahay, waxaana la idiin akhriyayaa go’aamadii caawa la saxeexay ee la isla aqbalay, laakiin sida ay yihiin ayaanu idinka baryaynaa (Saxaafada) in aad dadka ugaadhsiisaan” ayuu yidhi abwaan Hadraawi. “Dhex-dhexaadintii waanu ku guulaysanay, si qurux badan in ay dhinacyadii aanu dhex-dhexaadinaynay si ragganimo leh, isku kalsooni ku jirto, daacadnimo ku jirto, go’aamadii nooga aqbaleen, oo ay iswada salaameen, si kal iyo laab ahna ay nooga aqbaleen ayaanu idiin sheegaynaa” ayuu yidhi Maxamed Warsame Gudidii Dhex-dhexaadinta khilaafaadka Golayasha Qaranka Somaliland [Xukuumada, Wakiilada Guurtida] ee Caawa qodobada Soo Saartay oo ka koobnayd sagaal xubnood, isla markaana isugu jirtay Abwaano, Culima’udiin iyo Aqoon yahano. muddo kow iyo toban Cisho ahna ku hawlanaa sidii ay isugu soo dhaweyn lahaayeen dhinacyaydii ishayey, waxay u dhignaayeen sidan:- “Kadib markii aanu la kulanay Madaxweynaha Somaliland iyo Ku-xigeenkiisa, Shir-gudoonka Golaha Guurtida, Shir-gudoonka Golaha Wakiillada, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaarid ah ee KULMIYE iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaarid ah ee UCID. Kadib markii aanu dhageysanay aragtida dhinac kasta ee ku aadaan arrimaha la isku khilaafay iyo xalkooda. Markii aanu si wada-jir ah meel isugu keenay ee aanu aragtidooda markale dhageysanay. Markii aanu aad u eegnay aslaaxa iyo sida ay wax ku hagaagayaan Markii aanu darisnay marxalada uu dalku marayo iyo duruufaha ku gedaaman. Markii aanu eegnay Maslaxada Guud ee dalka iyo Dadka: Waxaanu soo saarnay Go’aamadan hoos ku xusan. 1. In Golaha Wakiillada marlabaad la horgeeyo labadii Xubnood ee Guurtidu, komiishanka u soo magacowday oo loo Codeeyo. 2. In Miisaaniada loogu dhaqmo sidii Golaha Wakiiladu ku ansixiyeen 3. in saddexdii siyaasi ee la xidhay la sii daayo, xorriyadoodii siyaasadeedna la siiyo, arrinka ay ku doodayaana lala eego, iyagoo debeda jooga. Waxaa iyagana lagga rabaa inanay gelin abaabul nabadgelyada wax yeela. Soo jeedin. • Waa in xukuumadu horgeyso Golaha Wakiilada heshiisyada ay wadamada iyo shirkadaha caalamiga ah la gasho. • Xukuumadu waa inay xisaab-xidhka wakhtigiisa u soo gudbiso Golaha Wakiilada • Xukuumadu waa in Golaha Wakiilada u soo gudbisaa barnaamijkeeda siyaasadeed wakhtiga ku haboon • Madaxweynaha waa in uu Golaha ka akhriyo qudbada distooriga ah ee sannadka • Qofkii la xidhayo waa in loo maro sifo sharci ah. • Guud ahaanba waa in cid walba lagu ixtiraamo awooda distoorku siiyay” 1. Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) 2. Sheekh Maxamed Cumar Dirir 3. Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) 4. Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Dheeg) 5. Sheekh Yuusuf Aadan Maxamed 6. Maxamed Siciid Gees 7. Prof. Saleebaan Axmed Guuleed 8. Dr. Aadan Yuusuf Aboker 9. Siciid Axmed Maxamuud Mustafe Cabdi Maxamed [Mustafe-Janaale] Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa E-mail, janaale94@yahoo.com
  7. Guddida Dhexdhexaadinta oo Caawa ku dhawaaqay Go'aamo ay ka gaadheen khilaafaadka taagan Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 20 August, 2007 -------------------------------------------------------------------------------- Hargeysa (Somaliland.org) – Ergadii dhexdhexaadinta khilaafaadka Golayaasha iyo kuwa siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa caawa goor dhoweyd ku dhawaaqday go'aamo ay ka gaadheen arrimihii khilaafku ka taagnaa. Guddidu waxay soo saareen go'aamo saddex qodob ah iyo soo jeedimo ay caawa kaga dhawaaqeen kulan lagu qabtay Madaxtooyada. Go'aamadaasi, waxay kala yihiin: In Golaha Wakiillada mar labaad la horgeeyo labadii xubnood ee Guurtidu Komishanka u soo magacawday oo loo codeeyo. In Miisaaniyadda loogu dhaqmo sidii Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen. iyo In saddexdii siyaasi ee la xidhay la sii daayo, xorriyadoodii siyaasadeedna la siiyo, arrinka ay ku doodayaanna lala eego, iyagoo debedda jooga. Waxaa iyagana laga rabaa in aanay gelin abaabul nabadgelyada wax yeela. Guddidu waxa kale oo ay soo jeediyeen arrimahan: Waa in xukuumaddu horgeeyo Golaha Wakiillada heshiisyada ay waddamada iyo sharkadaha caalamiga ah la gasho. Xukuumaddu waa inay xisaab-xidhka wakhtigiisa u soo gudbiso Golaha Wakiillada. Xukuumaddu waa inay Golaha Wakiillada u soo gudbiso barnaamujkeeda siyaasadeed wakhtiga ku haboon. Madaxweynuhu waa in uu Golaha ka akhriyo qudbadda Distooriga ah ee sannadka. Qofkii la xidhayo waa in loo maro sifo sharci ah. Guud ahaanba waa in cid walba lagu ixtiraamo awoodda Dastuurku siiyey. Magacyada xubnaha Guddida: Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre Sheekh Yuusuf Aadan Maxamed Maxamed Siciid Gees Prof. Saleebaan Axmed Guuleed Dr. Aadan Yuusuf Abokor Siciid Axmed Maxamuud Go'aanadan waxa uu guddidu soo saaray kadib markii ay dhegeysteen dood fool-ka-fool ah oo maanta ay arrimahaas ka yeesheen Guddoomiyayaasha labada xisbi ee mucaaridka ah, Shirguddoonada labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada iyo Madaxweyne Riyaale, kulankaas oo ka dambeeyey kulamo gaar gaar ah oo ay la yeesheen dhinacyada oo dhan. Sidee loo aqbalay Go'aamadaas: Guddida dhexdhexaadinta oo hawshooda bilowday horraantii bishan, waxay dhinacyada oo dhami siiyeen kalsooni buuxda inay aqbalayaan wixii ay soo saaraan. Isla markaana, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo xafladdii caawa lagaga dhawaaqay go'aamada ka hadlay ayaa sheegay in dhinacyada oo dhami ay aqbaleen go'aanka, laguna guuleystey dhexdhexaadintii. Waxana uu sheegay in go'aamadaas intii aan la shaacin ka hor caawa la soo dhexdhigay dhinacyada oo dhan, si buuxdana ay isula qaateen. "Dhinacyadii kale ee aanu dhexdhexaadinayney inay si raganimo leh, isku kalsooni ku jirto, daacadnimo ku jirto inay go'aamadii nooga aqbaleen, " ayuu yidhi Hadraawi. "In la is wada salaamay oo si kal iyo laab ah oo loo wada aqbalay, turxaan badan oo jirtey ay baxday laga bilaabo caawa oo is afgarad, wada shaqayn iyo wada ilaalin danta guud ee dalka iyo dadka in sidaa lagu heshiiyey uun baan doonaynaa inaan caawa idiin sheegno, " ayuu raaciyey Hadraawi. C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.
  8. There is a simple answear to the question by Khalaf which stated why The ONLF wont use the Somali Flag?. The answear lies with the 1988 peace treaty signed in Djibouti, between the two disparate dictators. Barre of somalia and his counterpart Mengistu. The conditions of agreement was that Ethiopia eject the SNM fighters from Ethiopia, then the Somali republic would cease from laying claims to the disputed teritories. Now tell me Khalaf what would the Somali flag raised in this region achieve while the Somali republic has voluntarily given-up the territory?
  9. Policeman `rapes` defiled school girl 2007-08-15 08:50:02 By Mwinyi Sadallah, Zanzibar A police officer here has been suspended for allegedly raping a school girl inside a police station. The girl was sent by her parents to the police station for questioning after she was apparently raped in the bush by somebody else. Acting Police Commander for Unguja South, Khamis Ramadhani has confirmed the incident. He said that investigations were underway. Ramadhani said the incident occurred last week, and that the police were waiting for a medical report which would pave way for further legal measures. The suspended police officer was identified as Pandu Ndame of Chwaka Police Station in Unguja South. The school girl, who resides at Pongwe village, was allegedly raped by the officer while at the police station where she and a friend were taken by their parents after they returned home late from the forest where they had gone to collect firewood. Parents of the two girls had wanted to know the reason why they returned home unusually late. He said the two girls had gone to collect firewood at around 5pm but returned home at 7pm. Their parents were not satisfied with the reasons that were given; they thus decided to take them to police station. When questioned by the police, the two girls claimed that when they were collecting firewood, two people came and raped them. Ramadhani said a group of people and the parents then decided to rush to the forest to look for people who had raped the girls. They left the girls at the police station in the safe hands of two police officers. He said after the parents and police officers had left, the suspect allegedly raped one of the girls. `After being informed of the incident, we decided to stop working on the first rape incident and instead investigate the second alleged occurrence,` Ramadhani said. The parents were informed by their child that she was also raped while at the police station when they had gone to hunt down people who had raped them while they were collecting firewood. `I am surprised to see that you went to look for people who had raped us because I have been raped once again while at the police station,` the girl told her parents. Some villagers went to the police station once they heard about the incident and caused chaos. Central District Commissioner Ali Hassan Kkhamis had to intervene as the angry villagers wanted to lynch the police officer. SOURCE: Guardian
  10. As this cyber argument heats to the peak here at SOL, innocent civilians including women, children, disabled and elderly are being terrorised, maimed and haunted in their own homes , streets, Shopping malls, Mosques.Even hospitals have not been spared in the name of establishing a non starter authorirty over resisting natives.As everyone can remeber before the invasion these pepple were going on their daily activities jubilantly with law and order reinstated. Coming back to this debate i find it very unfortunate how some try to engage into a trechrous spin by blaming this on the hsitoric insurgency of SNM, SSDF, and USC.This shows how disparate folks are and the distant they would go to try at least to give some grain of Justification to the this historic blunder. The most irrelevant comparisons i ever saw in SOl i would say is, this type of Inuendo which even a midd-school student would buy it with doubt. How on earth would you compare the two.? The SNM and othe insurgents were just but hosted by the then regime whose opponents too were being hosted inside Somalia.Its also clear that the SNM insurgents were eventually kicked out of Ethiopia after barre VS Mengistu peace deal.On the other hand looking at these Historic stooge(TFG) were used just as a rubber stamp against their own brethrens both in blood and religion. In the name of representing the state they alowed some third party to subjugate their own bretrens and robb them of just tasted peace and justice.This makes it a historic stoogism that would find its way into the guinnes book of record,not a resemblance to what some, advocate here. The SNM did not drove on third party tanks and never called an Ethiopian army a comrade in combat while watching air raids and use of chemical weapons on their fellow somalis.The SNM never took orders from an Ethiopian officer ordering them to Maimm and terrorise innocent civilians.The SNM fought for their Native lands and by the Natives never did they used a third party to Invade their neghbors towns commit atrocities and destroy their lifeline and property. I can go on and on to show how irrelavant these comparisons are but i know it will not help, cause all that is to it was nothing lesser than a scapegoat from hertless individuals laden with tribal hypocricy.
  11. Maamulada Puntland iyo Maakhir State oo hadalo kulul isku dhaafsaday Click here to find shabelle news English Shabelle airs news in English Mogadishu 15, August 07 ( Sh.M.Network) Maamul goboleedka Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay maamulka la baxay Maakhir State ee dhowaan looga dhawaaqay gobolka Sanaag ee W/Somalia, iyadoo maamulka Maaqir State na uu si kulul uga jawaabay arinkaasi. Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland C/raxmaan Bangax oo u waramayay shabakadda warbaahinta Shabelle, isagoo ku sugan magaalada Garoowe ayaa waxa uu sheegay in maamulkaasi ay dhisteen kooxo aan matalin isla markaana aan kalsooni ka heysan dadka deegaanka. Waxa uu sheegay in salaadiinta iyo waxgaradka gobolka Sanaag ay horey uga qeyb qaateen dhismaha maamulka Puntland isla markaana ay ku leeyihiin Ahmiyad gaar ah. Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka la baxay Maaqir State ayaa hadalka wasiirka warfaafinta Puntland ku tilmaamay hadal la iska yiri isla markaana sheegay in Puntland aysan awood u laheyn in ay tagto deegaanada Maaqir State. Madaxweynaha maamulka Maaqir State Col. Jabril Cali Salaad oo u waramayay idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in ay ka hadasho dhacdooyinka gobolka Sanaag, isla markaana dadka deegaanka ay taageersan yihiin maamulka Maakhir State. " Hadalka Wasiirka warfaafinta Puntland waa mid la iska yiri isla markaana riyo u eg" Ayuu yiri Col. Jabril. Dowladda KMG ah ee Somalia oo aqoonsan maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin jiri taanka maamulka cusub ee Maakhir State, inkastoo madaxweynaha maamulkaasi uu sheegay in maamulkaan uu yahay mid sharci ah isla markaana dowladda KMG ah ay aqoonsan tahay. Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqanaya hadalo kulul oo maalmihii ugu dambeeyay ay isku dhaafsanayeen warbaahinta maamulada Puntland iyo Maakhir state oo dhowaan looga dhawaaqay gobolka Sanaag
  12. Its not Bishaan JB Its Bisaan" war ilayn Af oromona waad kumaah-maahdaa :confused:
  13. Madaxweyne Rayaale oo Shaqada ka Joojiyey Labadii Xubnood Komishanka ee Lagu Muransaa Hargeysa (Jam)- Kulan albaabadu u xidhnaayeen oo ay shalay isku soo horfadhiisteen xubnaha Shirguddoonka Golaha Wakiillada iyo ergo dhexdhexaadineed oo iskood isugu xilqaamay xallinta khilaafyada siyaasadeed ee ka dhex aloosan Aqalka Wakiillada iyo Madaxweyne Rayaale. Kulankaas dhexdhexaadineed oo ahaa mid aad loo adkeeyey, isla markaana aan saxaafadda loo oggolayn, ayaa muddadii uu socday waxay labada dhinac isku weydaarsadeen dodo iyo wax-istusaalayn ku saabsan arrimaha xuddunta u ah murannada u dhexeeya Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyada iyo sida ugu sahlan loo kala furdaamin karo arrimahaas. Kulanka shalay oo qaatay muddo dhawr saacadood ah, ayaa siday Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah uu u dhuun-daloola kulanku tibaaxeen, in kadib aqbalaadda ergada dhexdhexaadinta iyo ayidaadda xubnaha Shirguddoonka, waxa labada dhinac iskula soo qaadeen arrimaha kala ah muranka miisaaniyadda dawladda ee 2007 iyo labada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka. Ugu horreyn, waxa ergada oo tiradoodu ahayd 9 xubnood ay ku wargeliyeen Shirguddoonka Golaha Wakiillada waxyaabihii ay kala soo kulmeen kulankii ay la yeesheen Madaxweyne Rayaale, kuwaas oo ay ka mid yihiin inuu Madaxweynuhu aqbalay dhexdhexaadintooda, isla markaana u ballanqaaday inuu ku kalsoon yahay ergadooda. Waxa kale oo wararku sheegeen in ay xubnaha ergadu ka codsadeen Shirguddoonka inay dib u dhigaan kulankii aan caadiga ahayn ee ee goluhu maanta yeelan lahaa, sidaana ay ku wargeliyeen ergadu Madaxweynaha. Dhinaca kale, Shirguddoonka Golaha Wakiillada oo ay kulanka uga qaybgaleen Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo ku-xigeenka 1aad Md. Cabdi Casiis Maxamed Samaale, ayaa iyaguna geestooda ka aqbalay hawsha ergada iyo go’aankooda, waxaynu wararku tibaaxeen in xubnaha Shirguddoonku ay hadalkooda si qotodheer si weyn ugu soo qaadeen dhammaan arrimihii ay ka tabanayeen Madaxweynaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin muddo-kordhintii Golaha Guurtida, go’aan-ka-gaadhista talada dalka iyo heshiisyada caalamiga ah ee xukuumaddu gashay. Waxa kale oo ay dooddooda ku soo qaadeen laba go’aan oo Madaxweyne Rayaale is-daba-dhigay, kuna saabsan fadhiga degdegga ah ee Golaha Wakiillada iyo hawlgelinta shanta xubnood ee Komishanka Doorashooyinka ee aan la dhaarin iyo labada xubnood ee ansixintooda Wakiilladu horjoogsadeen. Gebagebadii kulankaa ayaa la sheegay in Shirguddoonka Golaha Wakiilladu soo jeediyeen in marka hore Madaxweynuhu shaqada ka joojiyo xubnaha Komishanka ee aan la ansixin, shanta xubnood ee la ansixiyeyna loo gudbiyo maxkamadda si loo dhaariyo. Waxaanay wararku xaqiijiyeen inay xubnaha ergadu ay dalabka Shirguddoonka u arkeen mid macquul ah, una gudbiyeen Madaxweynaha, isla markaana uu Madaxweyne Rayaale dhinaciisa ka oggolaaday, sidaa darteedna uu shaqadii ka joojiyey labada xubnood ee aan la ansixin. Haseyeeshee, ma cadda in Madaxweynuhu shanta xubnood ee kale u diray maxkadda si loo dhaariyo. Jamhuuriya Online
  14. Ina lilaahi wa inna ilahay raajicuun. Waa war naxdin leh. What was the intention of this coward killer? Or was he some sort of Serial killer.
  15. This joke really made my day it happened way back during Nayayo Era. The then Head of state Moi payed a visit to wajiir District (NFD) He was welcomed as usual by the area Member of Parliament and it was before Multi partism so all MPs were satunch Nyayo supporters. This Somali MP was eager to please the mzee. So after greatings and lots of hailing to his excelency the president he started talk about the ills of Shiftas. and here is what he said In swahili. "Mtukufu Rais hii watu naitwa shifta habana silamu, Hawa ni Christian. Wewe kwisha ona watu islamu nabita ndani ya qaaburini hata abana soma qulwallahu?. hii watu abana silamu. This guy was dumb that he forgot that Moi himself was a christian.Although ppl say that he could not find the word for non believers in in swahili except that word Christian.
  16. If i can have $2Million to spend on a wedding , why do it in Nairobi.? While its more than enough to launch it in Hollywood. Sxb 2million is just way much of an exagiration.
  17. Horn, I do love the photo op. At least we now know the head of the snake. Thanks adeer, provide more photo's please. Are you going to get an Ethiopian sniper to take out the snakes head? yaa Duke why request for more pics?. Mr. Horn iskajir sxb the pictures are being anlysed for futher actions.
  18. Toban Maxkamadood,Guurti Cid Kale, Midna Wax Aan Sharci Ahayni Kama Soconayo Ee Mee Sharcigii Dr. Cali Cabdi Muxumed, — Hargeisa, Somaliland — 5 August, 2007 -------------------------------------------------------------------------------- Magac aan ku dhaqan shuruuceed lahayni ma noqonayo magac. haddii uu Sarkaal qaran metelan, hanti qaran ku shubto jeebka oo iyada oo caddeyno badan iyo maragyaba loo hayo uu xaakimku amar uu meel sare ka helay awgii, miiska garaaco oo ku dhawaaqo, Eedaysanaha dambigan waa lagu waayey, intuu miiska garaaco, shaambad uu kaga xoroobay debmigaa ma u noqoneysaa? Nin qof diley oo Maxkamadi sii deysay iyada oo ehelkiisii caddeyn iyo maragyoba u hayaan, maxkamad baa sii deysay ma u noqoneysaa barii'nimmo. Guurtidan isu sacab tumaysaa, iyada oo aan sifo distoorka iyo shuruucda waafaqsan ku joogin, iyada oo hay'ad xukuumadda ka mida oo inqilaabtey distoorka Dalka isuna jadiidisay xilka, waxa ay ku hadleyso cidda dhegeysanaysaa iyaga laftooda ayaa shuruuc diid ah. Hal xaaraan ahi nirig xalaala ma dhasho, Gole aan Bulshadu soo dooran sida Wakiillada oo iyaga oo odey dhaqammo ah haddana Hay'addii sharci-dejinta lagu dhabar jebiyo, in laga hoos qaado lana aqoonsado maaha!!. Waa in lagu daro Golaha wakiillada doorasho xor ah kaddib ama marxaladdii loo sameeyey, waa laga soo gudaye waa in la baabi'iyo oo Dalku baarlamaan qudha lahaado. Muwaadinku dalkan lix iyo toban sannadood buu ku dulman yahay. Annaga Madaxweyne , Guurti , Baarlamaan, Wasiir iyo mid kale toona musharkiisu nama soo gaadho, lamana lihin, waxa haddii aanu bulshada nahay wax noo ah, Mas'uulka Haybadda iyo sharafta qaranka Somaaliland sifo sharciga waafaqsan u muujiya, Musuqa la dagaallama, xuduudaha Dalkayaga aan muran gelin ee suga, Gole wasaro oo tiro yar tamar badanna sameeya oo qorshe ay ku hawl-galaan oo qarameed leh. Waxa wax noo ah, Mas'uulka hay'adihii fulinta ee qaranka waa Ciidammada qaranka'e Darajo iyo Astaamihii qaranka Somaliland ku dhiirrada in ay ka muuqdaan direyskooda oo ay muuqato haybadda Somaliland. Ilaa maanta maamulkanu waxa uu ka baqayaa in uu muujiyo jiritaanka Somaliland oo waa maleeshiya ciidammada qaranku!! inta ay sidan yihiinna caddaaladi ma jireyso, waayo xil lagu xisaabtamo ayaa maqnaanaya. Waxa wax noo ah, Mas'uulka adeegyada caafimaad, biyo laydh, nadaafad, maamul ilaa heer xaafadeed gaadhsiiya. Waddooyinkii Caasimaddu waa muraaro dillaac, waddooyinku laydh ma laha, boodhadh tilmaameed ma laha, qaar nabad gelyo waddo wey ku yar yihiin , Dabdemis qaran ma jiro, idaacad Muwaadinka iyo qaranka isku xidhaa ma jirto, Ardeyda sannad walba ka qalin jebisa Dugsiyada sare wax qorshe ah iyo xataa daneyn maamulku uma laha waana mas'uuliintii qaranka ee mustaqbalka. Dalku hanjabaad muwaadinka loo hanjabo, xadhig aan sharci ahayn iyo awood qaran oo lagu danaysto, qaran kuma noqonayo. Dabar ku giiji aanu hore iyo dib midna ugu socon cidna laga dhegeysan maayo ee waxaan odhan lahaa maamulkan wasiirrada sharku hor boodayaan, waar haddii intii laydin baray dhammatey, marxaladdiinnii wey socotey ee bal majaraha dalku u sii daaya, dar intaa ka badan yaqaanna oo wax tar ah, ayaa halkaa safarka ka sii wadiye, Isgiijintuse wax badan oo si khaldan idiin soo galey ayey idinka daadin, isla markaana, daadka cadhada bulshadu, cidhibtiinnay tiri, idinka oo itaal daranna ka hulleeli doona. "Hadduu duubi buuxsamo inuu daadto la arkeeye." Dr. Cali Cabdi Muxumed, Hargeysa
  19. The current TFG is still internally split and I do not believe that it will survive 2007 and I even doubt the TFG will manage to stay intact during the course of 2006. A When did this interview took place Yaa JB? Just curious.
  20. OOOOh Ok MR. JB Well, I was confused by your signature in contrast to your Somaliland political stance. Regarding your staunch support for riyaale, I was expecting your Signature to entail the Riyales famous Statement of congratulation to Meles on Invading Xamar, and not that of siilanyo, a political rival to Saint riyale.
  21. We here atSOL are waiting for Jacyl Baro Bactracking or Popularly called Flip Flopping just as did Faysal Iskahadle. Looooool
  22. Nayruus always so disparate to advocate for a dead cause. "Horaa loo yiri nin daad qaaday xumbo cuskay" hadda ma sheekadan ayaad miciin biday? May Allha show you the right way that you join your fellow Somaliland citizens and build the nation.
  23. With me Ill tell you not to unduretimate Qaran. They are going to be registered and contest starting from the local elections. UCID will be booted out and the top three will remain. They will change the current course I believe. THATS IF THE ELECTION WILL TAKE PLACE! I advice you to visit the newly launched QARAN Party website. They seem more reliable.
  24. It seems that most if not all those that in whatever way genuinely participated the armed struggle against former Military regime, have come out against this reckless move by riyales administration. Now the question remains "WHO ARE THE SUPPORTERS OF THIS HEINOUS ACT"?