Xargaga

Nomads
  • Content Count

    366
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Xargaga

  1. Dadka isku dhamaanayaa waa fariidada 'xuduudaha' daga, they know who they are. Sxb fariidada xuduudka wadadega laftigoodu colaad iyo nabadba waiy ujoogeen, se waxbaa kaa dhex guuxaya ee maad banaanka soo dhigtid?
  2. Yes i saw alot of websites icitemments. But the funny thing with these websites is taht they all operate in the western peacefull environmnt yet they would put all efforts and publish all propagandas to have those in deprivation of basic needs in life to go to war. The main question is Why are those young men being sent to war? For what cause?
  3. Mr. Emperor. It seems that you are either being overwhelmed by clanistic emotions and fear. or you are totally narrow minded and naive with one set of mind that Ethiopia is there to protect certain somali clans interest.
  4. With me i would be watching the current developments with caution. The reason i say this is because i clearly dont trust the genuinity of Riyaale administartion in Its ongoiong Operation in the East of Somaliland. I realy doubt and Might be some sinister hidden agendas and conspiracy between these entities and their Godfather Zenawi.I dont like to be pessimistic but this would benefit Puntland intentions than the majority of somalilanders Cause, which is rescinding the ill fated voluntarily forged union. This is what i think the whole operation is about. The Somaliland forces have planned to push towards the east with full knowledge of puntalnd . Puntalnd would withdraw its forces but would use tribalistic sentiments and Incite the locals to fight against the agressors. The Somaliland army would use all means posible and involve the locals on Somaliland side to figt the locals on puntland side. The war would then be turned into a Clan feud which would draw the Attention of the international community. Then ethiopia would have to Inerfere especially in Buuhodle area. Then The African Union would be persuaded to bring its forces to these areas. Then i can see the international community Persuading Soamliland to join the Fedral Government and the offer being that the borders of Somaliland state in the federal government would be as Was before the union. Just as have been highlited by the current TFG administartion in their inital boundary drawings. Would this Succeceed? Lets wait and See.
  5. Beesha ****** oo beesha caalamka ugu baaqday in la aqoonsado Jamhuuriyada Somaliland. Muqdisho, 12 April 2007 (HawiyeNews.com) - Golaha guurtiga beesha ****** ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay sida ay raali ugu yihiin aqoonsiga in Somaliland ay noqoto Dowlad madax banaan oo lamid ah Jabuuti , Kenya iyo Ethiopian. Golaha guurtidu waxey beesha caalamka ugu baaqeen in si deg deg ah Somaliland aqoonsi buuxa loo siiyo si loo helo cadaalad ka hirgasha geeska Afrika. “Somaliland waxey dhameystiratay dhamaan maamulkii Dowladnimo sidaas darteed beel weynta ****** waxey raali ka tahay in Somaliland loo aqoonsado Dowlad madax banaan” sidaas waxaa yiri Suldaan Salaad Ducaale Kaahiye oo kamid ah hogaanka golaha guurtida ******. In ka badan 300 oo Email oo ay soo kala direen Jaaliyadaha beel weynta ****** ayay sidoo kale ku taageereen hindisaha golaha guurtida ****** ee ku aadan baaqooda aqoonsi ay Somaliland hesho 17 sanno kadib. Qaar ka tirsan Jaaliyada Somaliland iyo kuwa beel weynta ****** ayaa kulan gaar ah ku yeeshay dalka Canada iyagoo ka wada hadlay sida loo sameysan lahaa iskaashi dhinaca bulshada ah, waxeyna Jaaliyada Somaliland oo casuumaada sameysay u muuqatay mid ka danqaneysa xasuuqa lagu hayo shacabka ****** ee Muqdisho. Arintaan ayaa ku began xili xaafadaha Muqdisho laga taagay calanka Somalilland sidoo kalena goobaha ganacsiga qaarkood lagu arkayo sawirka Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, waxaana muuqata in beesha ****** xiligaan garwaaqsatay walaaltinimada ay beelaha Somaliland u hayaan beesha ****** iyo sida lagama maarmaanka u tahay in la aqoonsado. Email: hawiyenews@gmail.com Jubba Airways Xawaalada Olympic HawiyeNews.com - Copy Right © 2007 All Rights Reservered
  6. I can see the report of Puntalnd leaving yet there is no news that Somaliland has moved in. I beleive that the scenarion has been staged and the orders from Addis is working. Next you will hear the Ethiopian troops Moved into those areas On peace keeping Mission.
  7. The question here is . Wasnt the Whole Maqaar saar Gov. made of Clan? (4.5.) And and if so. Are those trouble makers From China? miyaanay qabiil kadhalan?
  8. Mansa Munsa the Answear is That In garoowe and boosaso you will be taken for garnted just as Didi says here Its natural that you belong to Puntland Period. While In hargeysa and Boorama you will be treated with a note of seriousness and dignity. Simply because you are a significant party to the alliance and not A natural party that can be easly dismissed.
  9. The people of Dahar belong with Puntland. I would have respected your guts if only you would shout the same words to Meles and tell him that the ppl of ****** region belong with Somalia.
  10. Muj. Xasan Ciise Jaamac Oo Ka Digey Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Uu Sheegay In Maamulka Puntland Keenayo Bariga Somalilad Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 8 April, 2007 -------------------------------------------------------------------------------- Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyihii ugu dambeeyey ururka SNM, Muj. Xasan Ciise Jaamac ayaa ka digey ciidamo Itoobiyaan ah oo uu sheegay in maamulka Puntland uu dalbaday, isla markaana ciidankaas la dhigayo deegaamada bariga Somaliland ee maamulka Puntland sheeganayo. Muj. Xasan Ciise oo shalay ka hadlayey munaasibadda xuska aasaaskii ururka SNM oo ku beegnayd 6dii April oo Jimce ahayd, balse la xusay Sabtidii shalay. Wuxuuna ku dhalliilay xukuumadda Somaliland in aanay ilaa iyo hadda ka hadlin arrinta ciidankaas. Muj. Xasan Ciise isagoo ciidankaas iyo ujeedadiisa sharraxaya, waxa uu yidhi, "Cadde Muuse oo shalay magan inoo ahaa ayaa xabashidii kula soo heshiiyey Ciyaalkayaga oo dhan waxaanu u diranayaa Xamar, oo halkaa ayay dagaalka ka gelayaan, si aanay Somaliland dhabarka noogaga dhufan oo aanay u qabsan dhulkayaga intaanu Xamar ku sii jeedno, Xabashida aanu dhexdayada dhigno, 4, 000 oo ciidanka Itoobiyaanka ah aynu dhigno xuduudka, " ayuu yidhi, Muj. Xasan Ciise. "Xuduudka maaha ee waa dhulka gobolada Bari ee Somaliland. Arrintaa dowladdeenu maxay ka tidhi? Waxba kama odhan? Maxaa loola jeedaa dowladdu waxba kamay odhan oo mabay soo qaadin. Ma wadankaagii uu Cadde Muuse markii hore inaga haystay oo aan ku haysanay ayuu imikana xabashi keenay, " ayuu raaciyey Xasan Ciise. Waxana uu intaas ku daray in arrintaasi ay tahay arrin qaran oo aan loogu dulqaadanayn xukuumaddu inay ka aamusnaato. "Arrintaasi waa arrin qaran oo aan loogu dulqaadanayn maamulkan inuu ka aamuso, waxna aanu ka qaban, " ayuu yidhi Muj. Xasan Ciise oo ay shucuurtiisa ka muuqatey kacsanaan. Ciidamadaas ayaan la garanayn goorta ay Itoobiya keenayso dhulka Somaliland ee Puntland sheegato, qaarkoodna ay haysato. Hase yeeshee, Cadde Muuse ayaa toddobaadkii hore ka noqday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaas oo uu wadahadalo kula soo yeeshay madaxda dowladda Itoobiya, waxana uu sheegay in Itoobiya ay soo kala saxeexdeen heshiis iskaashi ganacsi iyo in Itoobiya ganacsigeeda u isticmaasho xeebaha maamulkaas. Dhinaca kale, dhaqdhaqaaq ciidan Itoobiyaan ah oo la soo dhoobay xuduudka Somaliland iyo Itoobiya ee dhinaca bariga, gaar ahaan degmada Buuhoodle ayaa si weyn loo dareemay. C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.
  11. Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Sharci Darro Ku Tilmaantay Ururka Cusub Ee Lagu Dhawaaqay Iyo Xukuumadda Oo Ku Hanjabtey... Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 7 April, 2007 -------------------------------------------------------------------------------- Hargeysa (Somaliland.org) – Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa daboolka ka qaaday in aanu sharciga waafaqsanayn ururka cusub ee Khamiistii lagaga dhawaaqay Hargeysa. Xeer Illaaliyaha Guud, warsaxaafadeed uu maanta soo saaray waxa uu ku sheegay in qodobka 9aad ee Dastuurku uu tilmaamayo in axsaabta siyaasadeed ee dalku ay yihiin 3 xisbi, sida xisbi ama urur loo furan karona uu qeexayo xeer. Isla markaana waxa uu sheegay in xeerkaas oo ahaa xeer No.14/2000, xeerka Diiwaangelinta iyo ansixinta Axsaabta uu jiro, kaas oo uu sheegay inuu tilmaamayo in guddida Diiwaangelinta wakhtigeedu ku egyahay Lix bilood ka dib doorashada Deegaanka, marka uu ansixiyo Saddexda xisbi ee ku soo baxa tartanka doorashada, loona aqoonsado xisbiyo qaran. Warka uu soo saaray Xeer Ilaaliyaha Guud, waxa uu u soo jeediyey masuuliyiinta ururka cusub ee ay hormuudka ka yihiin Inj. Maxamed Xaashi iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose in aanay dalka ku khalkhalgelin wax aan sharci ahayn, isla markaana haddii damac siyaasadeed ku jiro ay biiraan saddexda xisbi ee jira, dhexdoodana ka tartamaan. Sidoo kale, xukuumadda ayaa si cad u sheegtay in aanay ogolaanayn ururka cusub ee ay ku dhawaaqeen Dr. Gaboose iyo Maxamed Xaashi, kaas oo ay sheegtay inuu ka soo horjeedo Dastuurka iyo Shuruucda dalka, looguna talagalay in lagu khalkhalgeliyo nabadgelyada iyo siyaasadda dalka. Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha, mudane Jaamac Cabdillaahi Nuur (Haybe) ayaa war uu xalay soo saaray waxa uu ku sheegay in xukuumaddu aanay u dulqaadanayn urur sharci darro ah, tallaabo sharci ahna ay ka qaadayso. "Wasaaraddu waxay caddaynaysaa in Gaboose iyo qayrkii toonna aanay u fasixi karayn xisbi, dastuurkana aanay u jebin karayn, " ayuu yidhi, mudane Haybe. Urur cusub oo ay hoggaaminayaan Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Maxamed Xaashi Cilmi ayaa Khamiistii lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa. Waxayna Madaxweyne Riyaale ka dalbadeen inuu abuuro guddidii diiwaangelinta ururrada, si uu u diiwaangeliyo ururkooda oo ay sheegeen in Dastuurka iyo Xeerkuba fasaxayaan. C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.
  12. If raayale managed to be a president in Somaliland why not Buubaa? Bada cas stop it please Meesha somaliland is standing on realy shaky ground if the raayale administration continues for another term i think it would be disastrous for our peacefull region.
  13. Sxb this are just few elders in Mogadishu. If i could see the famaous Garaads talking then that would be something significant. Otherwise Dont you know that ppl from Buuhodleh came out in numbers while demonstrating in support of TFG.?
  14. Sxb this are just few elders in Mogadishu. If i could see the famaous Garaads talking then that would be something significant. Otherwise Dont you know that ppl from Buuhodleh came out in numbers while demonstrating the support of TFG.?
  15. There is a world somali congress based in Canada. Somalis should come under one umbrella to face the enemy. Then we will sort our differences Later. God Willing.
  16. http://somalicongress.org/video/2007/canada/Rabi/scongress03252007_01.wmv
  17. Xargaga

    Shame!

    As i would like to believe, that MR. superflous but dadku ma xoolaa? dont they have waxgarad who can come out and blame this act?.
  18. How was the immmigration procedure conducted. I can imagine the Airport authorities sorting out the people into groups. " Inta reer calasow halkan soogala.nta reer Jaamacna dhinacan usoogudba" Then takes place a one to one interview. Wariyaa adiga qolamaa tahaiy" if you by chance happen to be reer calasow you got to reboard the plane.And if you happen to be reer jaamac you are are safely let go. I Am sure the documentation refered to here is "Horta qolamaa tahaiy" Instead of show your ID.
  19. Well done Sanaag ppl. Dad qaxootiya oo kasoo bara kacay dagaaladii Muqdisho oo bulshada Reer Ceerigaabo ay Deeq lacag ah gudoonsiiyiin Bosaaso- laasqorayNet:- Wararka aanu ka helayno xarunta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa tibaxaya inay soo gaadheen magaalada Ceerigaabo dad qaxootiya oo tiraradoodu gaadhayso ilamaa 30 qof kuwaas oo kasoo bara kacay dagaaladii kululaa ee ka socday caasimada dalka Soomaliya ee Muqdisho. Dadkan qaxootiga ah ayaa waxa lacag deeqa gudoonsiiyay bulshada ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee xarunta uh Gobolka Sanaag. Dadkan oo isgu jira dad waayeela iyo caruur ayaa ladejiyay Xaafada lagu magcaabo xaafad Soomaal ee ku taala bariga ceerigaabo. Ismaaciil Xaaji Nuur Duqa degmada Ceerigaabo oo waraysi gaara siiyay shabakada LaasqorayNet ayaa sheegay inuu u mahad celanayo Bulshada reer Ceeriaago oo dadkaas si fiican u soo dhawayay. Waxa kale oo uu intaas ku daray inay maamula degmadu u qorsheeyeen dadkaas qaxootiga ah guryo ladejo maadama ay yihiin buu yiri dad u dhashay Mandaqada waasida uu Hadalka u dhigaye. Sikastaba ha ahaatee dadka ka soo hayaamaya dagaalada ka socda Muqdisho ayaa soo gaadhay gobolada ay ka jirto nabada buuxda sida Gobolka Sanaag. jaamac ayaanle feyte laasqorayNet- Bosaaso
  20. originaly by the point How did this morph into Puntland? I thought this was about the positive development re Somaliland and south. Everything is being turned into clan. The Point : it seems Your not getting the Point. If you really got the point you will definately know the point of who turned things into clan at this point of the moment.
  21. Undocumented people can not be allowed entry into Puntland. It doesn't matter if they are ethnically Puntlanders or not. Puntland isn't a dumping ground. Violet So do other somalis of non puntland decent need a visa to enter Puntland? What documents do we need to be documented.
  22. Somaliland caring for the south, raising money for Mogadishu civilians, hating their Ethiopian allies. Amazing development and one that points to the success of the TFG. so GD thats one of your toolkits to measure TFG success . Must be a desparte one.
  23. This isn't the first time this has happened. Correct me if I'm wrong, but the U.S. tried to deport a native of Puntland to Bosaso and the authorities refused to allow them in. I'll suggest that you read the news article carefully. those believed to be of puntland decent were allowed inn, while those of non puntland decent somalis were prohibited entry.
  24. Puntland does not want terrorist coming to their land. So collectively a certain clan=terorists? Sad indeed, when clique of people in that unfortunate part of the world, stops at nothing in order to exploit on situations.
  25. Odayaasha Beesha ****** qoraal ka soo saaray dhalinyaro laga kala heyb soocay Puntland. Click here to find shabelle news in english Mogadishu 04, April.07 ( Sh.M.Network) Odayaasha beelaha ****** ayaa qoraal cambaareyn ah ka soo saaray maanta dhalinyaro laga soo tarxiilay dalka Sacuudiga oo sida ay sheegeen lagu kala heyb soocay garoon ku yaala magaalada Galkacyo oo shalay halkaasi ay ku dajisay Diyaarad ka keentay dalka Sacuudiga. Baaqa Odayaasha Beesha ******. Ka dib shir ay yeesheen maanta oo taariikhdu tahay 4-4-07 da odayaasha beesha ****** ayaa waxa ay soo saareen baaq ka kooban 6 qodob. Odayaasha Beesha ****** waxa ay si cad u cambaareynayaan falkii foosha xumaa ee jinsi kala sooca ahaa laguna sameeyay dadkii Somalida ahaa ee laga soo tarxiilay dalka Sacuudiga, kuwaasi oo saarnaa diyaarad ku dagatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Galkacyo shalay oo taariikhu aheyd 3-4-07. Dadkii diyaaraddaasi saarnaa ayaa loo diiday in ay ka soo dagaan diyaaradda marka laga reebo dadka u dhashay gobolada W/bari, ka dibna u duulay gobolada waqooyi bari Somalia (Somaliland). Odayaasha dhaqanka ee beelaha W/bari waxaan u soo jeedineynaa in ay jawaab deg deg ah ka bixiyaan falkaasi foosha xun ee uu ku kacay maamulka deegaankooda, kaas oo horseedi kara dhaqan xumo cusub oo dhex marta dadka iyo shacabka walaalaha ah ee Somaliyeed, dhibna u keenaya isku socodka dadweynaha. Waxay aaminsan yihiin odayaasha Beesha ****** in Jinsi kala soocaan uu ka dambeeyo C/laahi Yuusuf, lana xiriiro dhacdooyinka ka socda magaalada Muqdisho, maadaama uusan waxba ka qaban falkaasi foosha xun, kana hadlin ilaa iyo haatan isagoo sheeganaya Madaxweynaha Somalia. Odayaasha Beesha ****** waxa ay mahad balaaran u jeedinayaan maamulka iyo shacabka Somaliland sida qadarinta leh ee ay u soo dhaweeyeen walaalahooda Somaliyeed. Waxaan ka soo horjeednaa xiritaanka ula kaca ah ee aan geed loogu soo gamban Ilaha dhaqalaha gobolada koonfureed sida dekedda iyo garoonka Muqdisho oo lagu soo rogay canshuuro xad dhaaf ah oo aan laga qaadin dalka intiisa kale, taasoo sababtay sicir barar daran. Odayaasha Beesha ****** waxa ay ugu baaqayaan beesha caalamka in ay fiiro gooni ah u yeesheen heshiiska xabad joojinta ah ee dhex maray odayaasha Beesha ****** oo ciidamada dowladda Ethiopia, heshiiskaasi oo ay inkirtay dowladda KMG ah kuna heyso qulqulatooyin si ay u burburto xabadjoojinta. Baaqa odayaasha Beelaha ****** ayaa ka dambeeyay ka dib markii shalay maamulka Puntland uu dib ugu celiyay shalay ilaa 120 dhalinyaro ah, iyadoo diyaaradii siday ay ka dajisay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka la baxay Somaliland. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net